fredag, april 19, 2024

Vålerenga Fotballklubb: Arintani waa khayaano ee halaga digtoonaado.

Maamulka kooxda kubada cagta ee Vålerenga  Fotballklubb , ahna kooxaha Sportska ee Oslo ugu waawayn mid kamida, ayaa fariin udiray dadka inay jiraan kooxo dhalinyaro iyo dad waawaynba isugu jira oo dadka albaabada ku garaacaya iyaga oo sheegaya inay lacag u aruurinayaan kooxdaas, balse aan kooxda kasocon.

Maamulka  ayaa  arintaas ka digay oo sheegay inay beeen abuur tahay, iyo khiyaamo dadkuna ay ku baraarugsanaadaan oo aysan kasocon kooxdooda.

Sida maamulka kooxdu sheegeen waxaa soo gaadhay fariimo sheegaya inay jiraan  dad ka kooban dhalinyaro iyo dad waawaynba oo xaafadaha garaacaya iyaga oo buskud iyo cake gadaya una shegaya inay kooxda lacag u aruurinayaan oo magaca kooxda ku hadlayaan.

Agaasimaha kooxda Harriet Rudd ayaa sheegtay in naadigu leeyahay ganacsi noocas ah mararka qaar laakiin, dadka hawshaa wada ay sitaaan ID iyo Vipps laxidhiidha kooxda magaceeda  oo uusan ku qornayn qof gaara, balse wakhti xaadirkan aysan jirin ama socon arintaasi. 

Rudd ayaa sheegtay qofkii lakulma booqasho noocan oo kale ah inay lasoo xadhiidhan ama booliska laxidhiidhan, dadkaasina yihiin tuugo ku qudhaabanaysa magaca kooxda iyagana aan kasocon . 

Sanadkii hore ayay sidan  oo kale maamulka kooxdu arintan oo kale  uga digeen iyaga oo qoraal ay soo dhigeen bartooda warbaahinta kusheegaya inay soo gaadheen xogo ah inay jiraan kooxo lacag ku aruursanaya magaca kooxda Vålerenga Fottbalclubb, kuwaas oo dhex wareegaya xaafadaha Vålerenga, Etterstad, Ensjø, Valle iyo Kværnerbyen ee magaalada Oslo.

Kooxda ayaana dadka fartay inay la xidhiidhaan booliska hadii ay dad noocasi guryaha kusoo garaacaan ama ay wadada kula kulmaan ayna dacweeyaan.

Xigasho/kilde: Advarer mot VIF-svindlere: – Sier de samler inn penger til barn og ungdom

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x