fredag, april 19, 2024

DNB oo lagu helay eedeyn ah in uu Qoxootiga faquuqo: Arrintan darteed.

Bankiga DNB oo ah kan ugu weyn Norway, ayaa lagu helay eedeyn laga gudbiyay oo ah inuu si gaar ah u faquuqo qoxootiga sharciga ku leh Norway, balse sababo kala duwan awgeed aan laheyn baasaboor ama waraaqda dhalashada.

Boqolaal oo Norway ka codsaday magangalyo ayaa shaki la galiyaa aqoonsigooda shaqsiyeed ama dalka ay asal ahaan kasoo jeedaan. Waxaana dhacda in marar badan qofka oo wali uu aqoonsigiisu mugdi kujiro, inuu helo magangalyo, balse loo diido waraaqaha safarka ama baasaboorka qoxootiga, maadaama uusan cadeyn aqoonsiga qofka(ID).

Dadkaas waxay Norway ku heystaan magangalyo sharci ah, waxaa loo ogolyahay inay shaqeystaan, canshuur bixiyaan ama ay u noolaadaan nolosha sida dadka intiisa kale ee Norway kunool, marka laga reebo ineysan heysan waraaqaha safarka.

Dadkaas waxaa kamid ah Aso Ibrahimi oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, Norwayna ka helay magangalyo. Wuxuuna heystaa shaqo buuxdo(Fast), isaga oo ah canshuur bixiye. Halkan ka akhri sheekadiisa oo ay horey NorSom News wax uga qortay.

Ibrahim ayaa dacwo ka gudbiyay DNB oo uu sheegay inay u diideen koonto ama xisaab banki oo lacagta uu shaqeysto ugu soo dhacdo. Wuxuuna dacwadiisa u gudbiyay gudiga faquuqa iyo midab-takoorka ee Diskrimineringsombudet.

Gudiga ayaa DNB ku helay danbiga lagu eedeeyay, waxeyna gudigu isku raaceen in DNB ay qoxootiga ku takooraan asalkooda iyo macluumaadkooda shaqsiyeed.

Gudiga ayaa sidoo kale go´aankooda ku sheegay in qofka sharci ku leh Norway, balse aan heysan waraaqaha safarka ama baasaboor uu aqoonsigiisa ku cadeeyo, ee raba inay macaamiil ka noqdaan bankiga kiiskooda si shaqsi ah oo furan loo qiimeeyo. Intii jawaab diidmo toos ah la siin lahaa.

Gudiga ma xukumun in DNB ay qoxootiga aan baasaboorka wadan u diidi karo inay koonto ka furtaan bankiga, balse waxey xukumeen in qofka diidmo toos ah la siiyo, iyada oo aan kiiskiisa la furin ama la qiimeynba.

DNB ayaa hada sheegay inay arrintaas horey wax uga badaleen, kadib markii dacwadda laga gudbiyay.

Xigasho/kilde: DNB nektet Aso Ibrahimi å opprette konto. Nå er de felt i Diskrimineringsnemnda..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x