lørdag, april 20, 2024

Ninkii kitaabka quraanka gubi jiray oo xabsi lagu xukumay.

Madaxa ururka xagjirka midigta fog ee kasoo horjeedo soo galootiga, muslimiinta iyo islaam ee SIAN, Lars Thorsen, ayaa lagu xukumay sadex isbuuc oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay danbi ah inuu sunta dadka ka ilmeysiiso ee la isku difaaco uu ku shubay sadex qof.


Bilowgii bishan October ayaa ninkan oo caan ku ah abaabulka banaanbaxo lagu gubo kitaabka quraanka ah lasoo taagay maxkamadda Oslo. Waxaana lagu eedeeyay inuu sunta dadka ka ilmeysiiso ku shubay sadex qof. Labo qof ayaa la cadeeyay in sunta ay indhaha ka helaashay, halka qofka sadexaad ay dharkiisa haleysay.

Sida uu qoray wargeyska Vårtland, ninkan ayaa lagu helay danbiga ah in labo(2) oo shacab ah uu ku shubay sunta dadka ka ilmeysiiso, xili ururkiisu uu banaanbax kitaabka quraanka lagu gubay uu ku qabanayay meel u dhow masaajid.

Eedeysanaha ayaa sheegay inuu suntaas u adeegsaday si uu isaga difaaco dad rabay inay ka hortagaan gubista uu kitaabka quraanka ah gubayay. Balse maxkamadda ayaan rumeysan arrintaas, waxeyna ku xukuntay sadex isbuuc oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: SIAN-leder Lars Thorsen er dømt til fengselsstraff.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x