torsdag, mars 28, 2024

Oslo: Nin lagu eedeeyay xasuuqii Rwanda oo la qabtay: codsi soo dhiibis.

Booliska dalkan Norway ayaa xabsiga dhigay nin lagu eedeynayo ka qeybqaadashada xasuuqii dadweyne ee sanadkii 19994-da ka dhacay dalka Rwanda. Booliska ayaa sheegay inuu yimid codsi ah in lasoo qabto, lana soo gacan-galiyo ninkan oo Norway kunool.

Sida uu war saxaafadeed ku sheegay Thea Elise Kjæraas oo ah xeer ilaaliyaha booliska, laanta booliska Norway ee danbiyada abaabulan ( Kripos) ayaa sheegay in boolisku ay sameeyaan baaritaano dhowr ah oo la xiriira baaritaanka kiiskan ku saabsan codsiga soo gacan-galinta eedeysanahan, kahor inta aysan ninkan soo xirin. Waxeyna sheegeen inay wali wadaan baaritaankan, aysana wax faah-faahin ah ka bixin karin.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka hordhici doonin waxa ay ka yeeli doonaan kiiskan, kahor inta uu baaritaanku soo gaba-gaboobi doono.

Norway waxaa horey loogu qabtay shaqsiyaad badan oo lala xiriirinayo ka qeybqaadashada xasuuqii dadweyne ee ka dhacay dalka Rwanda sanadkii 1994-ta. Marar badan ayayse dood sharciyeed ka abuurantay ansax ahaanta in dadkaas loo gacan-galiyo dowlada Rwanda oo soo dalbatay in loo soo dhiibo. Waxaana doodo badan oo arrintaas la xiriira ay ka furmeen maxkamaddaha Norway.

Xasuuqa Rwanda oo kamid ah xasuuqyadii ugu bahalsanaa ee la diiwaangaliyo taariikhda casriga ah ee bini-aadanka, ayaa dhacay mudadii u dhaxeysay April ilaa June sanadkii 1994. Waxaana mudo labo bilood gudahood ah lagu xasuuqay dad gaarayo hal milyan oo qowmiyada Tuutsiga ah, xasuuqaas oo ay ka qeybqaateen ciidanka dalka Rwanda, Jabhado careysan iyo shacabka ka tirsan qowmiyada Huutiga ah.

Inta la qiyaasay ilaa 200.000 qof ayaa ka qeybqaatay xasuuqaas. Kuwaas oo qaar badan oo kamid ah laga soo qabtay dalalka caalamka, kadib markii ay baxsadeen ama ay is qariyeen.

Xigasho/kilde: Mann pågrepet i utleveringssak til Rwanda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x