torsdag, april 25, 2024

PST oo xirtay nin sheegtay inuu Brazil u dhashay: Wuxuu ahaa Jaajuus Ruush ah.

Ciidanka sirdoonka dalkan Norway ee loo yaqaan PST-da ayaa xabsiga dhigay nin sheegtay inuu u dhashay dalka Brazil, kaas oo cilmi baare ka ahaa jaamacad kutaal Norway. PST-da ayaa sheegay in ninkan uu ahaa nin Ruush ah, kaas oo badashay jinsiyada iyo magaca, si uu ugu jaajuuso Ruushka.

Ninkan oo afartameeyo(40) jir ah ayaa wadanka soo galay sanadkii 202, wuxuuna cilmibaare ka ahaa jaamacad kutaal Norway, isaga oo baarayay weerarada qaabka difaaca hanjabaaddaha meelaha kala duwan hal mar ka imaan karo.

Sirdoonka Norway ayaa sheegtay in ninkan laga tarxiili doono Norway, maadaama uu halis ku yahay amniga qaranka.

Waa markii ugu horeysay ee Norway ay qabato jaajuus jinsiyada iyo magaca badashay, kaas oo lagu eedeeyay inuu u jaajuusayay Ruushka. Balse Norway ayaa maalmahan kor u qaaday feejignaanta la xiriirta weeraro jaajuusnimo ama isku day ah sirdoon oo uga imaan karo dalka dariska la ah ee Ruushka.

Xigasho/kilde: Mistenkt russisk spion gripen i Tromsø.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x