onsdag, april 24, 2024

Ajaaniib aad u yar ayaa isku sharaxa doorashooyinka Norway.

Tirokoob ay sameysay wakaalada tirakoobka ee SSB, ayaa lagu sheegay in 16% dadka codka dhiiban kara ee Norway ku noolaa sanadkii 2019 ay ahaayeen ajaaniib, balse 3% dadka doorashooyinka u sharaxsanaa ay asal ahaan soo galooti ahaayeen. Tiradaas oo muujineyso in ajaaniib kooban ay isku sharaxeen doorashooyinka Norway.


Wakaaladda SSB ayaa tan iyo sanadkii 1983-da sameyn jirtay tirokoob ku saabsan ka qeybqaadashada doorashada ee dadka ajaaniibta ah.

Tirokoobka la sameeyay sanadkii 2019 oo ay dhacday doorashada goleyaasha deegaanka ee ugu danbeysay, ayaa sheegeyso in 16% dadka xaqa u lahaa inay codkooda dhiibtaan ay ajaaniib ahaayeen, 9% codadkii la dhiibtay ay ahaayeen codad ay bixiyeen dad ajaaniib ama soo galooti ah. Laakiin arrintan soo jiidashada leh ayaa aheyd in 3% dadka doorashada isku taagay ee la rabay in la doorto ay ahaayeen ajaaniib.

Xisbiga Ap ayay intooda badan u codeeyaan:

SSB ayaa sidoo kale tirokoob ku sameysay xisbiyada ay codka siiyaan dadka ajaaniibta ah. Waxaana tirokoobkan lagu ogaaday in xisbiyada bidixda ee siyaasadda Norway ay inta badan helaan codadka dadka ajaaniibta ah.

Si gaar ah waxaa warbixinta loogu sheegay in taageeradda xisbiga shaqaalaha ee Ap uu aad ugu xooganyahay bulshooyinka ajaaniibta ah ee kasoo jeeda Afrika iyo Aasiya. 60% dadka kasoo jeedo Aasiya iyo Afrika ee codkooda dhiibtay ayaa codkooda siiyay xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Isku dar waxaa tirokoobkan lagu sheegay in 51% dadka ajnabiga ah ee codkooda dhiibtay ay u codeeyeen xisbiyada Ap, SV ama Rødt.

Xigasho/kilde: Innvandrere og kommunestyrevalget 2019.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x