lørdag, april 27, 2024

R.W Norway: Dagaalkii Ukraine wuu nagu soo dhawaaday: Yaan la cabsan.

Reysulwasaaraha dalkan Norway Jonas Garh Støre ayaa maanta qabtay shir saxaafadeed looga hadlayay xaaladda Norway iyo saameynta dagaalka ka socdo Ukraine. Wuxuuna reysulwasaaruhu sheegay in dagaalku uu hada sii galay marxalad halis ah, uuna kusoo dhawaaday, kuna soo qirayo Norway.

Hadalka reysulwasaaraha ayaa yimid kadib markii isbuucii ugu danbeeyay gudaha Norway lagu qabtay dhowr qof uu dhashay dalka Ruushka. Kuwaas oo looga shakiyay basaasnimo, waxaana qaarkood lagu qabtay iyaga oo wato diyaaraddaha Drone-ka ee wax lagu sawiro, kuwaas oo sawiro ka qaadayo dhismayaal muhiim ah oo gudaha Norway kuyaal.

Ilaa 7 qof oo u dhashay Ruushka ayaa xabsiga la dhigay,waxaana kiiskooda hada gacanta ku hayo hey´addaha sirdoonka Norway ee Norway. Wali lama hubo in dadka la qabtay ay u basaasayeen dowlada Ruushka.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegay in la filan karo dad badan oo lagu xiro Norway howlo la xiriiro cabsi galin ama basaasnimo, ayna jiri doonaan isku dayo badan oo la isku dayi doono in Norway dhibaato iyo qala-laase laga abuuro.

Hanjabaada Ruushka ee Ukraine uu ugu hanjbaday inay u adeegsan doonaan hubka wax gumaadda ee Nukleyrka, ayuu Større sheegay inay tahay fariin loo dirayo dalalka galbeedka. Balse wuxuu sheegay in arrintaas aysan wax cabsi ah galin doonin dowlada Norway, ayna lasii shaqeyn doonaan saaxiibadooda Yurub iyo kuwa Nato.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay dad badan oo ka wel-welsan xaaladda dagaalka, arrintaas oo uu sheegay inay tahay mid la fahmi karo. Balse wuxuu dadweynaha ugu qaaday inay isdajiyaan, dowluna ay qorshe ka leedahay arrintan dagaalka talaabooyina ay qaadi doonto lagu difaacyo dadka iyo dalka Norway.

Støre ayaa sheegay in mid kamid ah ujeedooyinka Ruushka ee dagaalka uu yahay in cabsi iyo tafaraaruq laga abuuro dalalka Yurub, si loo kala qeybiyo. Attintaas oo uu sheegay inay muhiim tahay in dadku ay maanka ku hayaan.

Dowlada ayaa dhawaan soo rogi doonto nidaam dadka looga digi doono dhacdooyinka ama waxyaabaha halista ah ee dhaca ama goobaha ay ka ag-dhawyihiin ka dhaca. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: Statsminister Jonas Gahr Støre (Ap) sier krigen i Ukraina har rykket nærmere Norge – og advarer mot «kjente og ukjente forsøk» på å skape uro..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x