mandag, mars 17, 2025
Home Blog Page 37

Ibrahim oo loo sharaxay gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada xisbiga SP.

0

Ibrahim Ali oo ah siyaasi dhalinyaro soomaali ah ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka siyaasadda ururka Senterungdommen oo ah ururka dhalinyaradda xisbiga Senterpartiet oo kamid ah xisbiyada dowlada hada talada heyso.

Ibraahim oo kasoo jeedo magaalada Drammen, ayaa hada kamid ah golaha dhexe, ahna madaxa arrimaha dibadda (Internasjonal leder) ee ururka Senterungdommen. Halkan ayaa ah goobta lagu diyaariyo ama ay ku tababartaan siyaasiyiinta loo carbinayo inay xilal waaweyn ka qabtaan gudaha xisbiga Sp ama siyaasadda Norway.

Gudiga doorashadda ee ururka senterungdommen oo Ibrahim u sharaxay qabashada xilka gudoomiye ku xigeenka siyaasadda, ayaa sheegay in Ibrahim uu muujiyay howlkarnimo siyaasadeed, uuna arrimo badan oo udub-dhexaad ah ka qabtay gudaha ururka.

Ibrahim ayaa isna sheegay inay sharaf u tahay in loo sharaxo jagadaas, uuna si dadaal badan sameyn doono, hadii shirweynuhu ay u doortaan inuu noqdan gudoomie ku xigeenka ururka.

Xigasho/kilde: Senterundommen.no

Fawzi oo loo doortay golaha dhexe ee ururka dhalinyarada xisboga Ap AUF

0

Fawzi Warsame oo ah siyaasi dhalinyaro soomaali ah, kana mid ah golaha deegaanka magaalada Oslo ayaa loo doortay inuu kamid noqdo golaha dhexe ee ururka awooda badan ee AUF. Kaas oo ah ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha(Ap) ee xiligan heysta awooda dowlada Norway.

Fawzi oo horey uga mid ahaa laanta xisbiga AUF ee Oslo ayaa hada loo doortay inuu xubin buuxdo ka noqdo golaha dhexe ee ururweynaha AUF. Halkan ayaa ah goobta lagu diyaariyo ama ay ku tababartaan siyaasiyiinta loo carbinayo inay xilal waaweyn ka qabtaan gudaha xisbiga ama siyaasadda Norway.

Fawzi oo barta qareen ama sharci yaqaan ayaa hada noqon doono qofka kali ah ee asalkiisu ajnabi yahay ee kamid ah golaha dhexe ee AUF.

Norway: Labo garoon diyaaradood oo la xiray cabsi amni awgeed: Drone ayaa lagu arkay.

0

Sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaraddaha ee Avinor, waxaa la xiray hawada garoomadda diyaaraddaha ee magaalooyinka Stavanger iyo Haugesund. Sababta loo xiray garoonka diyaaraddaha ayaa lagu sheegay in agagaarka garoonka lagu arkay Drone ama diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Sharciga garoomadda diyaaraddaha Norway ayaa qorayo in mamnuuc ay tahay in diyaarad Drone ah lagu duuliyo wax ka yar 5 KM.

Maamulka shirkadda Avinor ayaa sheegay in kiiskan ay u gudbiyeen booliska Norway.

Maalmihii ugu danbeeyay dhowr qof oo Ruushiyaan ah, kuwaas oo lagu arkay diyaarado Drone ah. Waxaana jiro heegan buuxo oo dowlada iyo booliska Norway, ay arrintaas feejignaan iyo heegan uga jiraan. Norway ayaana mamnuucday in shirkaddaha Ruushka ah aysan Drone ku duulin karin gudaha Norway.

Wixii arrintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Luftrommet over Sola flyplass stengt etter droneobservasjon.

Sweden: Taksiile lagu dilay Gotoberg.

0

Sida ay xaqiijiyeen booliska, nin taksiile 35 sano jir ah ayaa xaley lagu dilay magaaladda Gotoberg ee dalka Sweden.


Taksiilahan aya boolisku sheegeen in la toogtay markii uu shaqada dhameystay. Waxaana gaarigii uu watay loogu tagay xaafadda ay ajaaniibtu ku badantahay Gotoberg ee Bergsjön.

Boolisku ma aysan sheegin wax faahfaahin ah oo la xiriira toogashada taksiilahan, balse waxey sheegeen inay baarayaan kiiskan.

Falkan ayaa ku biirayo falal amni daro ah oo sanadhan kusoo batay magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden. Sanadkan oo kali ah waxaa gudaha Sweden lagu dilay 54 qof.

NorSom-Sverige

Degmadda Oslo oo rabto in la ganaaxo dadka aan qashinka kala gurin.

0

Degmadda Oslo ayaa ka fakareyso in ganaax lacageed lagu ciqaabo dadka aan kala gurin ama nidaamin qashinka. Degmadda ayaa sheegtay in qashinka hal meel lagu wada tuuro, iyada oo aan loo kala saarin haraadiga cuntada, bacda iyo qashinka kale ay degmadda sanad walba kaga baxdo malaayiin kr oo dhaqaaloobi laheyd.


Degmadda ayaa dhamaan dadka kunool magaalada ka codsato in bacaha cagaarka ah lagu rido qashinka cuntadda kasoo haray, wixii caagad ama bac ah lagu rido bacaha buluuga ah, halka qashinka caadiga ah ee kalena lagu rido bac caadi ah. Saas oo taheyna degmadda ayaa wali sheegeyso in dad badan aysan raacin talooyinkaas. Sidaas darteed ay hada degmadu ka fakareyso in la ganaaxo dadka aan talooyinkaas raacin.

Waaxda qashinka ee degmadda Oslo ayaa soo jeedisay in 12.230 kr lagu ganaaxo dadka aan qashinka kala gurin, waxaana arrintaas taageeray maamulka degmadda ee waaxda qashinku ay hoos tagto. Maamulka Oslo aaa soo jeedintan ka doodi doono isbuucan soo socdo.

Xigasho/kilde: Du kan få 12.000 kroner i bot for å kaste søpla i feil pose.

Waalidku caawin ha raadsadeen, kahor inta aysan go aano adag ku deg-degin.

0

Waalidiinta qaarkood waxaa laga yaabaa in ay kala kulmaan caqabado badan korinta carruurtooda.  Markasta ma sahlana in la oggaado sida loo wajahayo cunug aanan dhageysaneynin waalidiintiisa ama waalidiinteeda, kaas oo madax-adag, mucaarad ah, ama laga yaabee in uu isticmaalo luuqad xun, hanjabaado, dadka wax ku dhufto, laado ama qaniino. Cunug kasta waxaa laga yaabaa in uu u dhaqmo habkan mararka qaarkood, balse haddii habdhaqanka noocan ah uu noqdo mid isdabajoog ah oo socda muddo waqti dheer ah, waaliddiintuna ay dareemaan in ay bilaa talo yihiin, waxaa laga yaabaa in ay u baahan yihiin cid caawisa.

Waa muhiim in la kala saaro xogta iyo talada guud ee ku saabsan cunug xannaaneynta, iyo waxqabadka loogu talogalay waalidiinta carruurta qabta caqabado gooni ah oo ay waalidiintu doonayaan in ay ka hortagaan ama ay daaweeyaan.

Haddii aad waalid ahaan dareentid in aadan ku qanacsanayn doorkaaga hooyanimo/aabanimo iyo/ama aad caqabado badan kala kulantid cunugaaga, waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad la soo xiriirtid mid ka mid ah adeegyadeena oo aad nala yeelatid wadahadal shuruudo lahayn. Adeegyadan ma laga helo degmooyinka oo dhan. Markaasoo kale waxa aannu kugula talinaynaa in aad la xiriirtid rugta caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (helsestasjon), PPT, hay’adda gaashaanka carruurta (barnevernet) ama  meelo la mid ah.

Waalid badan ayey muddooyin soo martaa in ilmuhu hawl bato, in ay adkaato in la helo jawi wacan qoyska dhexdiisa, in maalintu dhib badnaato oo wakhti badani ku baxo muran. Taasi waxa ay keeni kartaa in waalidka dareemaan kalsooni-darro iyo awood-darro.

Halkan waxa aad ka akhrin kartaa talooyin waxtar leh oo ku socda waalidka, astaamaha ilmaha qaba dhibbaatoyinka la xiriira habdhaqanka, iyo sida loo xallin karo iyadoo la adeegsanayo adeegyada dawliga ah ee farsamada daaweynta Parent Management Training – Oregonmodellen (PMTO iyo barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR) (Faragelinta waqtiga hore ah ee carruurta halista ku jirta).

Waxa kale oo aad ka akhrisan kartaa khibaradaha ay waalidka kale ka helaan caawimada noocan ah, waxaanad ka heli kartaa adeegga ugu meesha qoyskaagu degan yahay.

Meelaha aad caawinta ka raadsan karto, waxaa kamid ah: Riix linkiyada

PMTNO.NO

Multikulturell Familieveileding

Hjelp til familien ved familievernkontoret

Kurs og gruppeveiledning hos familievernet

Foreldreveiledning- Oslo kommune.

ICDP (International Child Development Programme)

Sinnemestringskurs hos familievernet

Familiesenter og familiehus- Oslo Kommune

EU: Goobta shaqadu xijaabka qofka wey u diidi kartaa, hadii arrintan la helo.

0

Maxkamadda sarre ee Midowga Yurub ayaa go´aan ay gaartay ku sheegtay in goobaha shaqadu ay qofka shaqaalaha ah u diidi karaan xirashada xijaabka, hadii sidoo kale goobtaas shaqada laga diidayo dhamaan calaamaddaha kale ee muujinayo diinta.


Go´aanka maxkamadda ugu sareysa EU-da ayaa yimid kadib markii haweenay muslim ah oo kunool dalka Belgium-ka ay dacweysay shirkad ay u shaqeyso, kadib markii loo diiday xirashada xijaabka. Haweeneydan ayaa shirkada ku eedeysay inay kula kacday takoor iyo faquuq ku saleysan diinteeda, maadaama ay xirato xijaabka.

Shirkadda la dacweeyay ayaa dhankeeda ku garantay in xeerka shaqada ee shirkadda uu mamnuucayo in shaqaalaha shirkadu ay xirtaan ama qabaan calaamado muujinayo shicaar diineed, siyaasadeed ama mabda´eed.

Kiiska maxkamadda oo dhowr meelood soo maray ayaa ugu danbeyn u tagay maxkamadda sarre ee EU-da. Taas oo hada go´aamisay in goobaha shaqada ay mamnuuci karaan xijaabka, hadii sidoo kale ay mamnuucayaan calaamadaha ama shicaarka kale ee diineed.

Xigasho/kilde: EU-domstol: Hijab-forbud er tillatt – hvis også andre symboler forbys.

Norway: Kaniisado qarka u saaran in laxiro sababtan awgeed.

0

Kaniisaddo dhowr ah oo dalkan Norway kuyaal ayaa albaabadda loo laabay ama la qiimeynayaa in la xiro, kadib markii ay awoodi waayeen bixinta biilka korontada oo aad qaali u noqday gudaha dalkan Norway.

Wargeyska Avisa ayaa tabiyay in kaniisado badan ay sheegeen in biilka korontada ee u imaada uu laban-laab(2X) ka badanyahay kii ay bixin jireen xiliyadii hore. Saas oo ay taheyna aan wali la gaarin bilihii qaboobaha, markaas oo kaniisaduhu ay u baahnaan doonaan koronto dheeraad oo lagu kululeeyo dhismayaasha kaniisaddaha xiliyada ay ka socdaan howlaha cibaadadda ama adeegyada kale.

Kaniisaddaha qaarkood ayaa qiimeynayo inay howlaha cibaadadda ee maalmaha qaarkood loo guuriyo maalmo kale, si looga maarmo in kaniisaduhu ay nalalka shitaan dhowr mar maalinkiiba.

Dowlada ayaa soo jeedisay in taageero dhaqaale oo dheeraad la siiyo kaniisaddaha. Si ay awood ugu yeeshaan bixinta biilasha korontada, loogana maarmo in la xiro kaniisaddaha xiliyada cibaaddada.

Xigasho/kilde: Vurderer å stenge kirker – strømmen er for dyr.

Norway oo qaabatay Ruushiyaan diyaarado Drone ah boorso ku wato.

0

Ilaaladda xuduudaha dalkan Norway ayaa qabtay nin Ruushiyaan ah ah, kaas oo watay sadex baasaboor, labo diyaaradood oo drone-ka wax duubo ah iyo agabka kale ee lagu keydiyo muuqaaladda. Ninkan ayaa sheegtay inuu yahay wariye, balse booliska ayaa shaki weyn ka muujiyay, waxeyna dhigeen xabsiga.


Ninkan oo kontomeeyo jir ah ayaa Talaadadii isku dayay inuu kasoo galo xuduudka aadka loo ilaaliyo ee uu Norway la wadaago dalweynaha Ruushka. Waxaana labadda Drone ka sokow lagu qabtay sadex baabuur oo mid kamid ah uu yahay baasaboor Israaili ah.

Ninkan ayaa qirtay inuu fasax ahaan usoo aaday Norway, uuna caadi ahaan ku shaqeeyo wariye. Sidaas darteed uu u watay qalabka wax lagu duubo, balse booliska iyo hey´adda sirdoonka Norway ee PST ayaa shaki weyn ka muujiyay arrintan. Waxeyna xabsiga dhigeen ninkan si kiiskiisa loo soo baaro.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkii ka dhashay duulaankii uu Ruushku ku qaaday Ukraine, waxaa sii badanayo cabsiga laga qabo weeraro ama howlgalo sirdoon oo Ruushku uu ka geysto gudaha Norway oo xuduud la leh dalkaas. Waxaana aad u batay feejignaanta laga qabo dhaq-dhaqaaq walba oo Norway uma imaado dalkaas.

Xigasho/kilde: Russer siktet for å ha fløyet drone i Norge.

Ogow: Saameynta iyo dhibaatooyinka ay soomaalida qurbaha kunool qarsadaan ee xanuunadda dhimirka.

0

Isbuucan waxaa guud ahaan caalamka laga xusayaa muhiimadda caafimaadka maskaxda(psykisk helse), iyo saameynta dhibaatooyinka xanuunadda dhimirka ee qofka iyo bulshadaba.
Doodan oo ay nagala qeybgalayaan aqoonyahano Soomaali ah, qeybna ka aheyd shirka 2.aad ee isdhexgalka ururka Tusmo Association, waxaan ku faaqideynaa muhiimadda fahanka iyo ka hadlista saameynta ay xanuunadda dhimirku ku leeyihiin bulshadda soomaaliyeed ee Norway.

Qasriga boqortooyada Norway oo nalalka loo gaabin doono.

0

Aqalka boqortooyada Norway ayaa ilaa iyo hada sanadkan lacag gaareyso 7 milyan oo kr ku bixiyay koronto. Lacagtaas oo labo jibaar ka badan lacagta ay sanadkii ku bixin jireen biilka korontada, iyaga sheegay in hada ay maamulka qasriga boqortooyadu qaadi doonaan talaabooyin lagu dhimayo adeegsiga korontada.


Sanadkan waxaa gudaha dalkan Norway aad qaali uga noqday sicirka korontada, taas oo saameysay nolosha boqolaal kun oo qoys oo reer Norway ah, ama kunool dalalka kale ee Yurub. Si lamid ah dadka kaleba, qoyska boqortooyadda Norway ayaa iyagana ka sheeganaya sicirka korontada oo qaaliyoobay, waxeyna sheegeen inay ilaa hada sanadkan koronto ku bixiyeen lacag gaareyso 7 milyan oo kr.

Maamulka aqalka boqortooyadda ayaa hada sheegay inay daminayaan nalalka qaarkood ee kuyaal qolalka aan lagu shaqeyn, sidoo kalena ay xiri doonaan daaqadaha si hooska loogu dhigo heer kulka qolalka qaarkood. Waxeyna sheegeen inay badali doonaan nalalka qaarkood, si ay usoo iibsadaan nalal koronto-cunkooda uu yaryahay.

Aqalka boqortooyadda ayaa hada soo kireysan doono la taliyeyaal arrinta koronto-adeegsiga yareynta talo-bixin ka siiya.

Xigasho/kilde: Slottet må spare på strømmen.

Taajir kale oo caan ah oo canshuur darteed Norway uga cararay.

0

Martin Andresen oo kamid tujaarta caanka ah ee Norway isaga guuray Norway, isaga oo u guuray dalka Qubrus, sida uu wariyay wargeyska E24. Andresen ayaa ku biirayo liis dheer oo tujaar Norwiiji ah, kuwaas oo isaga guuray Norway, sababo la xiriira canshuuraha hantida ee dowlada Norway ay qaado hantiileyda iyo milkiilayaasha shirkadaha ah.


Martin Andresen waa mid kamid ah tujaarta caanka ah ee Norway, wuxuuna horey u ahaan jiray laacib kubadda cagta ah oo u safan jiray xulka qaranka kubadda cagta ee Norway, isaga oo sidoo kalena kasoo ciyaaray horyaaladda Ingiriiska iyo Norway.

45-sano jirkan oo sidoo kale mar ahaa tababaraha kooxda kubadda cagta ee kooxda Vålerenga, ayaa dhaxlay hantida iyo maamulka shirkadda qalabka guryaha ee Skeidar, taas oo qoyskiisa ay soo maamulayeen afar fac oo isku xiga.

Sanadkii 2020 waxaa la diiwaangaliyay in Martin Andresen uu leeyahay hanti haareyso 145 milyan oo kr. Waxeyna shirkadiisu Kontomeeyo dukaan oo lagu iibiyo agabka guryaha ku leedahay magaalooyinka Norway, iyada oo sanadkii lasoo dhaafay sameysay lacag gaareyso 230 milyan oo kr.

Bartamaha bishii lasoo dhaafay ee September ayuu Martin ka guuray Norway, wuxuuna iska diiwaangaliyay inuu u guuray magaaladd Paphos ee dalka Qubrus. Lama sheegin sababta uu u guuray, laakiinse waxaa muuqato inuu raacay raadka tujaar Norwiiji ah oo horey uga guuray Norway, sababo la xiriirta canshuurta ay dowlada Norway ka qaado hantiileyda.

Isbuucyo kahor waxaa isaga sidaas oo kale Norway isaga guuray Kjell Inge Røkke oo kamid 10-ka qof ee ugu taajirkan Norway. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Tidligere fotballproff Martin Andresen melder flytting til Kypros.

Dadka xanuunka macaan qaba oo ku qasban inay leysinka cusbooneysiistaan kahor sanadka cusub.

0

Xeer cusub oo dhawaan dhaqangalay ayaa dadka qaba xanuunka sonkorta, isticmaalana daawooyinka dajiya sonkorta dhiiga( blodsukkersenkende medisiner) ku qasbayo inay cusbooneysiistaan leysinka baabuur wadista. Xeerkan ayaa saameyn ku yeelan doono kumanaan qof oo qaba xanuunka sonkorowga.

War kasoo baxay hey´adda wadooyinka Norway ayaa mar kale lagu sheegay in in dadka ay tahay inay mar kale cusbooneysiistaan leysinadda fudud ee mootooyinka(AM), kan baabuurta barafka lagu xaaqo(S), cagafta beeraha(T), mootooyinka waaweyn( A1, A2 iyo A), leysinka baabuurka caadiga ah (B) iyo leysinka baabuurka leh is-jiidka ee (BE).

Xeerkan cusub ayaa dhamaan dadka qaata daawooyinka dajiya(hoos u dhiga) sonkorta dhiiga ee leysinka qaatay shan(5) sano kahor, ku qasbayo inay sanadkan 2022 dib u cusbooneysiiyaan leysinkooda baabuurka, kadib marka ay hey´adda Statens Vegvesen u gudbiyaan shahaado caafimaad. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay hey´adda, dadkaas ayaa laga rabaa inay leysinka cusbooneysiistaan ugu dambeyn 23-ka bisha Janaury(1) ee sanadka 2023.

Cusbooneysiinta ayaan ka dhigneyn in qofku uu mar kale dib u qaadanayo leysinka, balse waxaa la siinayaa kaar leysin oo cusub, kadib marka uu hey´adda wadooyinka ka diiwaangaliyo warqadda shahaadadda caafimaadka ee ka turjumeyso xaaladda iyo warbixinta caafimaadka ee qofka.

Isbadalkan cusub ayaa yimid kadib markii lasoo rogay xeer waajib ka dhigaya in dadka qaata daawooyinka sonkorta uu xaaladooda caafimaad si dhow oo joogto ah ula socdo qof dhakhtar.

Xigasho/kilde: Mange diabetikere må fornye førerkortet før nyttår.

Talaal cusub oo corona ah oo lasoo saaray: Norway oo laga bilaabay adeegsigiisa.

0

Shirkada Pfizer ayaa dhawaan soo saartay irbad cusub oo talaalka corona ah. Hey´addaha caafimaadka dadweynaha dalkan Norway ayaa dhawaan ansixiyay in la adeegsan karo noocan cusub oo talaalka corona ah.

Waxaana hada la bilaabay in dadka loo soo bandhigo, talaalka cusub oo kahor tag u ah noocyadii hore ee corona iyo waliba kuwa cusuba.

Geir Bukholm oo ah madaxa xanuunadda faafa ee hey´adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa sheegay in Norway laga ansixiyay adeegsiga irbaddaha cusub ee talaalka Corona.

Talaalku wuxuu Norway yimid isbuucii ugu danbeeyay, waxaana bilownay inaan u dirno degmooyinka Norway.

Nooca cusub ee talaalka corona ayaa ilaa hada lagu duri doonaa ama ama loo soo bandhigi doonaa qofka raba inuu qaato talaalka afaraad ama kan sadexaad ee xoojiyaha loo yaqaano.

Gunnveig Grødeland oo ah cilmibaare ku xeeldheer talaaladda ayaa sheegay in noocan cusub ee talaalka ah uu difaac fiican siinayo jirka qofka. Gaar ahaana uu qofka si fiican uga difaacayo noocyadda cusub ee feyruska corona.

Dadka ka weyn 65 sano ayaa hada lagula talinayaa inay qaataan talaalka afaraad ee corona. Sidoo kale dadka da ahaan u dhaxeeyo 18 ilaa 64 sano ee la nool xanuunadda halista ah ayaa iyagana lagula talinayaa inay qaataan talaalka afaraad ee corona.

FHI ayaa sidoo kale sheegtay in dadka 65 sano ka yar ee caafimaadka qaba, ay baahi yar u qabaan qaadashada talaalka afaraad ee corona, hadii ay qaataan talaaladda koowaad ilaa sadexaad ee corona ah.

Xigasho/kilde: Ny koronavaksine klar for bruk i Norge.

Økokrim oo ka digeysa fariimo been ah oo mobilada dadka loogu dirayo.

0

Booliska dalkan Norway, qeybtooda galbeedka ayaa ka digaya dad iska dhigaya inay ka socdaan booliska Norwa, qeybtooda dhaqaalaha ee loo yaqaan Økokrim.

Booliska ayaa sheegay in dadkan ay kasoo wacayaan telefoon u eg kan booliska, iyaga oo dadka weydiinaya inay sheegaan magacooda, numberkooda aqoonsiga ee 11-ka ah, kaarkooda bankiga iwm.

Dadka iska dhigaya inay ka socdaan booliska ayaa qofka u sheegaya in qofka ay soo waceen magaciisa lagu qaaday, sidaas darteed ay rabaan macluumaadka qofka si arrntaas looga hortago. Balse booliska ayaa sheegay in arrintaas ay tahay khiyaano ay doonayaan inay ku helaan xogta shaqsiga ah ee qofka, kadibna ay si qaldan u adeegsadaan.

Booliska ayaa talo ahaan dadka ku siinayo inay telefoonka ku damiyaan qofkii aysan aqoon ee weydiiya kaarkiisa aqoonsiga ama macluumaadka shaqsiga ah.

Xigasho/kilde: Politiet advarer mot falske Økokrim-telefoner.

Norway: Dowlada oo taageeradii dhaqaale u diiday dariiqo diineed masiixi ah.

0

Dowlada Norway ayaa taageeradii dhaqaale ka goysay dariiqa diineedka Johanes Vitner oo ah firqo katirsan diinta masiixiyada. Kooxdan ayaa loo diiday 2021 taageeradii dhaqaale oo ay ka heli jireen gobolka. Go’aankaan ayaa waxa gaarey gudoomiyaha gobolka Oslo iyo Viken, kadib marki ay soo shaac baxeen dhaqamo ku salaysan takoor ka dhan ah dadka aaminsan diinta Jehova.

Koox diimeedkan oo horey uga racfaan uga qaatay go´aanka gobolka, ayaa cabasho u diray wasaaradda diinta iyo qoyska. Balse wasaaradda ayaa iyadna dhankeeda diiday inay aqbasho racfaanka dariiqaddan ee go´aanka gobolka ee lacagta loogu diiday. Waxeyna wasaaradu sidoo kale diiday in dhaqaalaha lagu taageero kooxdan aaminsan diinta masiixiga.


Farriin ay soo dhigeen shabakadooda, ayuu Xeer Ilaaliyaha Guud ku sheegay inay heleen dhowr xadgudub oo jabinaya Sharciga diimaha Norway, kuwaas oo ay ku kaceen dadka aminsan dariiqada Johanes vitner.

Gobolka ayaa sheegay inay heleen digniino ka yimid xubno hore oo kooxdaas katirtanaa, kuwaaas oo shegay, inuu jiro takoor iyo daba-socosho lagu hayo dad ka mid ah kuwa aaminsan dariiqaddan. Wasaaradda Carruurta iyo Arrimaha Qoyska ayaa ka codsatay maamulka gobolka ee Oslo iyo Viken inay dib u eegaan dhaqamadda iyo daabecadaha xarumaha diimaha ee iyo dadka kale ee dariiqadan katirsan masiixiyadda. Dib u eegistan ayuu gudoomiyaha gobolku wuxuu sheegay inuu daaha ka qaaday xadgudubyo badan oo lagu jabiyey sharciga diinta. Arinkaan ayaa waxa shaacisey joornaalka “Vårt Land”.

Dhaqankan takoorka ku saleysan ayaa waxa la sheegayaa in Xubnaha doonaya inay so galaan diinta loo diido inay la xidhiidhaan xubnaha ka baxey diinta. Tani waxa uu u arkaa Maamulaha Gobolku in ay ka hor imaanayso xaqa xorriyadda hadalka iyo qodobka 2 ee Xeerka Diimaha.

Xubnaha dariiqaddan haysta ayaa waxay kaloo takoorayaan oo ka saarayaan dariiqadooda carruurta yaryar ee horey loogu wanqalay. Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay xakamayn xoriyadeed oo xun, Kuna xad-gudbeyso xuquuqda carruurta, ayuu qoray maamulaha gobolka ee go’ aanka lacag joojinta ah gaaray.

Waxaan u aragnay dembiyadan kuwo qorsheysan oo ula kac ah, sidaas darteed waxaan doorannay inaan joojino tageeridda xarumaha aminsan dariiqadan Johanes Vitner, ayuu sheegay maamulaha Gobolka Oslo.

Xigasho/kilde: Jehovas vitner får ikke statstilskudd.

Ciyaaryahan iyo wariye caan ahaa oo kiis cunsurinimo ah lagu maxkamadeynayo.

0

Bernt Hulske waa ciyaaryahan hore oo usoo ciyaaray dhowr kooxood oo kubadda cagta Norway ah. Sidoo kale wuxuu sanadihii ugu danbeeyay ahaa falanqeeye dhanka ciyaaraha ah oo u shaqeeya muuqaal-baahiyaha VGTV.

Isbuucan waxaa Oslo ka bilaabatay dhageysiga dacwad ka dhan Bernt oo ku eedeysan inuu cunsurinimo, xadgudub iyo fal naceyb ah kula kacay wiil dhalinyaro reer Siiriya ah oo waardiye ka ahaa baar ay shaqaalaha VGTV ku lahaayeen kulanka isku imaanshaha dhamaadka sanadka( Julebord).

Sida la wariyay Bernt oo caan ka ah warbaahinta Norway ayaa wiilk dhalinyarada reer Siiriya ah ku dhahay ereyo isir-naceyb ah oo ay kamid yihiin: Wecel-yahow madow, iyo «Sidee ayaad nin cadaan ah uga dalban kartaa inuu banaanka u baxo».

Dhibanaha oo 24 sano jir ah, waardiyena ka ahaa goobta ay shaqaalaha VGTV ku heysteen xafladda ayaa sheegay in Bernt uu habeenkaas oo dhan uu abuurayay qas iyo fowdo. Kadibna uu ka codsaday inuu goobta ka baxo, laakiin uu aflagaado iyo hadalo naceyb ah uu kala kulmay ciyaaryahankan hore ee hada falanqeeyaha ah.

24-jirka dhibanaha ah ayaa sheegay in Bernt uu markii danbe u yimid uuna ka raali galiyay hadaladii uu ku dhahay iyo qaabkii uu u dhaqmay, balse uusan isagu aqbalin raali-galintaas. Wuxuuna dacwad u gudbiyay booliska.

Hadii danbiga lagu helo eedeysanaha, wuxuu muteysan karaa ciqaab xabsiyeed oo gaari karto sadex sano, ama/iyo ganaax lacageed.

Xigasho/kilde: TV-profil Bernt Hulsker erkjente ikke straffskyld for hatefulle ytringer da rettssaken mot ham startet i Oslo tingrett onsdag.

Norway: Mardhow, marka ay mushkilad jirto mobilkaaga ayaad fariin ku heli.

0

Laga bilaabo sanadka cusub, dhamaan dadka Norway kunool ee heysta mobiladda gacanta ayaa mobilkooda ku heli doono fariin, marka ay dhibaato ka dhacdo ama xaalad deg-deg ah ka jirto agagaarka goobta uu qofku markaas ku suganyahay.

Norway waxaa horey looga adeegsan jiray digniinta hoonka dheer ama sameecado waaweyn oo qofka uga digi jiray marka ay wax dhacaan.

Hey´adda amniga bulshada ee «Direktoratet for samfunns-sikkerhet og beredskap» ayaana wixii ka danbeeyo bilowga sanadka cusub ee soo socdo dadka u diri digniino la xiriira xaaladdaha khatarta ah ee markaas taagan, ama halis amni ee qofku ay tahay inuu ka digtoonaado.

Fariinta digniinta ah ee qofku uu heli doono ayaa qofka u sheegeysa arrinta dhacday, iyo waxa ay tahay inuu sameeyo markaas.

Agnar Christensen oo xiriirka bulshada u qaabilsan hey´adda amniga bulshada ayaa sheegay inay muhiim tahay in qofku uu xog iyo macluumaad fiican ka hayo, xaaladdaha dhaco, isla markaana uu ogyahay waxa ay tahay inuu sameeyo.

Xigasho/kilde: Snart får du varsel om kriser og ulykker på mobilen

Bærum: Gabar soomaali ah oo wiil soomaali ah mindi ku dishay.

0

Booliska magaalada Bærum ayaa maanta ogolaansho ka helay maxkamadda degmadda, si ay mudo afar isbuuc ah xabsiga ugu sii heyn karaan haweenay labaatameeyo(20) jir ah oo ku eedeysan dilka wiil kale oo sodomeeyo(30) jir ah.

Falka dilka ah ayaa sida ay boolisku xaqiijiyeen dhacay habeenkii khamiista aheyd, waxeyna boolisku sheegeen in dad agmarayay afaafka guri kamid ah guryaha dowlada ee kuyaal bærum, ay heleen qof mindi lagu dhaawacay oo nafbax ah.

Booliska oo daqiiqadda kadib goobta soo gaaray ayaa xaqiijiyay in isla meeshaba uu ku geeriyooday qofkii dhaawaca ahaa oo sida ay boolisku sheegeen ahaa nin dhalinyaro oo sodomeeyo(30) jir ah. Waxeyna boolisku waxyar kadib xireen haweeneyda dilka ku eedeysan.

Booliska ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday iyo haweeneyda eedeysanaha ah uu ka dhaxeeyo xiriir shaqsiyeed, balse boolisku ma aysan faah-faahin nooca xiriirka labadooda ka dhaxeeyay.

Haweeneyda dilka ku eedeysan, ayay boolisku sheegeen inay qiratay qeyb kamid ah danbiga lagu soo eedeeyay. Waxaana hada la xiray mudo afar isbuuc ah, si ay boolisku usoo baaraan kiiskan.

Lisbeth Aasheim Jansen oo ah madaxa qeybta danbiyada dilka ah ee booliska ayaa sheegtay in waxyaabaha ay boolisku baarayaan ay kamid ah caafimaadka maskaxeed ee eedeysanaha ah, ayna wali ku jiraan wajiga koowaad ee baaritaanka kiiskan.

Sida aan ka xaqiiqsanay soomaalida kunool Bærum iyo Oslo, wiilka marxuumka ah ee geeriyooday iyo gabadha dilka ku eedeysan ayaa labaduba ah muwaadiniin asal ahaan soomaali ah.

Xigasho/kilde: Drapssiktet kvinne varetektsfengslet i fire uker.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.