torsdag, april 25, 2024

Dowlada Sweden ee cusub: Tarxiilka ajaaniibta ayaan mudnaan siin doonaa.

Isbuucaan waxaa dalka Sweden looga dhawaaqay xukuumad cusub oo ay ku bahoobeen xisbiyada midigta siyaasadda dalka Sweden, taas oo uu reysulwasaare u yahay Ulf Kristersson oo katirsan xisbiga midigta ee Moderaterna. Waxeyna xukuumaddan noqon doontaa tii ugu horeysay ee xisbiyada garabka midig ee dalka Sweden ka talisa mudo 8 sano.

Xukuumaddan cusub oo ka kooban xisbiyada Moderaterna, Kristdemokraterna og Liberalerna ayaa ah mid awood jilicsan, marka la fiiriyo tirada kuraasta xildhibaanadda ee baarlamaanka Sweden ay ku heystaan. Waxeyna taageero lagama maarmaan ah xisbiga xagjirka midigta fog ee SD, kaas oo aan xukuumadda kamid aheyn, balse taageeraya.

Mudnaanta ayaan siin doonaa tarxiilka ajaaniibta sharci la aanta ah:

Bayaanka siyaasadeed ee lagu dhisay xukuumadda uu hogaamiyo Ulf Kristersson ayaa lagu sheegay in wax weyn laga badali doono siyaasadda qoxootiga iyo soo galootiga dalka Sweden.

Mid kamid ah qodobadda ay xooga saari doonaan ayay ku sheegeen mudnaan siinta ajaaniibta sharciyadda loo diiday ee wali kunool Sweden. Waxeyna sheegeen in xukuumadda cusub ay horutabin siin doonto sidii dadka sharciga loo diiday dalalkoodii loogu tarxiili lahaa.

Inkasta oo rabitaanka xukuumadda cusub ee Sweden uu tahay tarxiilka ajaaniibta sharci la aanta ah, hadana xaqiiqadda ah in ka badan kala bar aan la fulin karin musaafurinta dadkaas maadaama ay waddammada ay ka soo jeedaan diideen in ay qaabilaan muwaadiniintooda. Waxaa sidaas sheegay madaxa laanta xuduudaha dalka Sweden.

Ajaaniibta ugu badan ayaa ka soo jeeda dalalka Afghanistan, Ciraaq iyo Soomaaliya oo ku jooga Iswiidhan sharci-darro. Intooda ugu badan ayaa ah dad hore diidmo loo siiyay mar ay magan galyo codsadeen.

Xukuumadda garabka midig ee talada Sweden la wareegtay ayaa sheegtay inay rabto xoojinta waxa loogu yeero shaqada xakameynta ajaanibka, taas oo ah in kontrool lagu sameeyo dadka ay boolisku ka shakiyaan in Sweden ay sharci daro ku joogaan.

Xukuumadda cusub ee Sweden ayaa sidoo kale baareyso suurtogalnimadda in boolisku ay baaraan jirka iyo mobilada gacanta ee dadka looga shakiyo in ay sharci daro Sweden ku joogaan.

Dhamaan talaabooyinka cusub ee Sweden ay hada ka fakareyso ayaa ah kuwo ay horey u qaadeen dalalka Norway iyo Denmark ee dariska la ah Sweden.

Xigasho/kilde: Sveriges Radio

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x