torsdag, mai 2, 2024

Wasiirad lagu heysto adeegsiga Tiktok oo is difaacday.

Emilie Enger Mehl waa 29 sano jir katirsan xisbiga Sp, heysana xilka wasaaradda muhiimka ah ee cadaaladda iyo amniga Norway. Waana qof dhalinyaro ah oo adeegsato baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok ee caanka ah. Wasiiradda ayaana kamid ah ku dhawaad hal milyan oo qof oo Norway kunool oo Tiktookley ah.

Dhawaan ayaa wasiiradda lagu eedeeyay adeegsiga App-kaas caanka ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Kaas oo hey´addaha amniga ee dalalka galbeed ay muujiyeen shaki iyo walaac xoogan ah oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeyo shirkadda Tiktok iska leh ee ByteDance iyo hey´addaha sirdoonka Shiinaha.

Khuburo badan oo reer galbeed ah, kuwaas oo aqoon fiican u leh arrimaha amniga ah ayaa ka deyriyay App-kan, waxeyna sheegeen in hey´addaha sirdoonka Shiinaha ay si fudud ku heli karaan ama ku keydsan karaan xogta qofka adeegsadda Tiktok.

Arrintan ayaana sababtay in eedeyn loo jeediyo wasiiradda dhalinyarada ee cadaaladda Norway, taas oo App-kan adeegsata. Waxeyna sheegeen in xogo muhiim ah oo mobilkeeda gacanta ah ay heli karaan hey´addaha sirdoonka Shiinaha.

Wasiiradda ayaa sheegtay in Tiktok ay u adeegsato, si ay ula xiriirto dhalinyaradda Norway oo aad u adeegsadda App-kan. Balse wasiiradda ayaa iska difaacday eedeynta loo jeediyay oo ah inaysan muujin taxadar, waxeyna sheegtay in ay sameyso feejignaan dheeraad ah, marka ay Tiktok adeegsaneyso.

Wali dad badan ayaan ku qancin jawaabta wasiiradda, kuwaas oo dalbanayo jawaabo dheeri ah.

Xigasho/kilde: Slik svarer Mehl på TikTok-kritikken.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x