tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 271

(Trondheim): Dheeman Xuseen: Cabsi kama qabo inaan xijaab ku dhex xirto magaalada

0

Axadii lasoo dhaafey ayaa waxaa magaalada Trondheim lagu weeraray gabar muslimad ah oo xijaab xiran, taas oo nin cadaan ah uu damcay inuu xijaabka ay xirneyd ku ceejiyo, isaga uu ku dhawaaqayo ereyo cunsurinimo iyo naceyb ah. Waxeyna dhacdadan ka dhacdey xaafada Nardo ee magaalada Trondheim. 

Gabdhan la weeraray ayaa sheegtay in nin aysan aqoon uu si kadis ah uga soo horbaxay, isaga oo ereyo naceyb ah ku qeylinayo. Markey xagiisa fiiriseyna uu  dhinac u tuuray, uuna gaarsiiyey ilaa dhowr nabar. Waxeyna sheegtay in ninkan uu isku dayey inuu  xijaabka ku ceejiyo, isaga oo leh ku noqo meeshii aad ka timid. Ninkan oo ilaa hada aysan boolisku gacanta kusoo dhigin, ayaa gabadha gaarsiiyey ilaa dhowr nabar oo wajiga ah. 

Gina-Victoria Yigitalp oo ah gabadha dhibaatada la kulantay ayaa sheegtay iney cabsi ka qabto xirashada xijaabka ee magaaladaas, sidaas darteedna ay ku fakareyso iney joojiso xirashadiisa. 

Wargeyska lokalka ah ee Adressavisen ayaa mikrofoonka la dhex qaaday qaar kamid ah haweenka muslimiinta ah ee kunool magaalada Trondheim, waxaana dadka uu la kulmey kamid ah Dheeman Xuseen oo magaaladaas degeneyd mudo 10 sano ka badan.

Dheeman ayaa sheegtay in guud ahaan aysan wax cabsi iyadu ka qabin, iney xijaab ku dhex xirato magaalada Trondheim, balse ay jiraan xaafado amaan daro ay kasoo wajihi karto qofkii xijaab ku dhex xirto.  Dheeman oo ahaan jirtey gudoomiyihii hore ee ururka Somalisk velferdsforening i Sør-Trøndelag, ayaa sheegtay in inkastoo ay lasoo kulantay dhacdooyin cunsurinimo iyo naceyb ah, hadana aysan dhacdooyinkaas aheyn kuwa si joogto ah ay haweenka xijaabka ku xirto magaaladaas  ula kulmaan.

Ismaaciil Cilmi(Ap) oo kamid ah golaha deegaanka ee magaaladaas Trondheim, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in haweeney magaalada degan lasoo weeraro xijaabkeeda darteed. Wuxuuna falkaas ku tilmaamey mid ay ku dheehantahay isir-naceyb iyo cunsurinimo.

Ismaaciil ayaa geesta kale sheegay inuusan horey waxbadan u maqlin dhacdooyin nooca oo kale ah oo ka dhacay Trondheim, wuxuuna hadalkiisa raaciyey in Trondheim ay tahay meel amaan ah, marka loo eego Oslo.

Imaam Cabdinuur Mohamed Mahamoud oo kamid ah imaamyada Trondheim ayaa asna sheegay inuusan horey u maqlin haween dhibaato ku qaba ama ka cabsi qaba xirashada xijaabka magaaladaas, dhacdadii axadana ay tahay mid gooni ah.

Xigasho/kilde: Adressaavisen papiravis(8-11-2016-side 11).

[adsenseyu2]

 

Listhaug: Tahriibayaasha bada dib haloogu celiyo Africa, yaana la keenin yurub hadii la badbaadiyo

0

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug ayaa taageero weyn u muujisey war kasoo yeeray wasaarada arimaha gudaha Germanka, kaas ah in qoxootiga ka imaanayo afrikada galbeed lagu celiyo bada, lagana dajiyo qaarada afrika intii la keeni lahaa wadamada yurubta, gaar ahaana talyaaniga.

Listhaug ayaa sheegtay in ilaalada xeebaha midowga yurub ay kamid noqdeen qorshaha ganacsi ee magafayaasha(muqalasiinta) dadka soo tahriibiyo. Sylvi ayaa sheegeyso in muqalasiintu ay bada soo galinayaan doon ay dad ka buuxaan, taas oo ah mid daxaleysatay oo khatar badan, ayna u dheertahay biyo, cunto iyo bensin la´aan. Waxeyna dadka doonta saaran siinayaan telefoon satelite ah, si ay xiriir ula sameeyaan ilaalada xeebaha talyaaniga, ayna uga dalbadaan howlgal badbaadineed.

Si loo caawiyo qoxootiga rasmiga ah ee kasoo cararaya dagaalada iyo colaadaha ,una baahan magangalyada runta ah, waa inaan istaajino tahriibayaasha dhaqaale doonka ah ee kusoo qulqulaya qaarada yurub. 

Kuwa usoo safraya yurub, iyaga oo aan u baahneyn magangalyo, waxey culeys ku yihiin systemka magangalyada. Waxey qasbeysaa in qarash badan lagu isticmaalo dad aan qabin baahi magangalyo. Kuwa badan oo iyaga kamid ah, wey adagtahay in wadankoodii dib loogu celiyo, sababtoo waxey diidayaan wada shaqeyn ama wadankii ay ka yimaadeen ayaa diidayo in dib loogu soo celiyo.

Wasaarada arimaha dibada Germanka  ayaa sheegtay in qorshahan dib u celinta doomaha muhaajiriinta ay uga hortageyso tahriibka sharci darada ah, kaas oo sanad walba galaafta nolosha qoxooti iyo tahriibayaal kumanaan kor u dhaafaya. Ujeedka ka danbeeyo qorshahan ayay sheegeen inuu yahay in kiisaska magangalyada qofka la qiimeeyo isaga oo joogo Afrika, inta uusan naftiisa kusoo halaagin bada.

Wasiiro kamid ah dowlada Denmark ayaa madaxa u ruxay qorshahan ay dowlada Germanka soo jeedisay, waxeyna sheegeen inuu yahay qorshe xal u keeni kara xaalada qoxootiga sanad walba kusoo fataha qaarada yurub, iyaga adeegsanayo doomo ay kasoo raaceen galbeedka afrika. 

Qorshahan ayaa ah mid cusub oo aan horey loo soo jeedin ama loo aqbalin fulintiisa. Midowga yurub oo dhowr jeer oo hore ka biyo diidey qorshe noocan u eg, ayaa hada ka aamusan warka kasoo yeeray dowlada germanka, Denmark iyo Norwayna ay ku raaceen. Midowga yurub ayaa goor sii horeysay sheegay in qorsheyaasha nooca oo kale ah, ay kasoo horjeedaan xeerka bini-aadanimada ee u yaalo wadamada EU-da iyo waliba qaramada midoobey.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter

[adsenseyu2]

 

(Qormo) Shafici Muhudin: Soomaalida Norway ficil ayey ubaahantahay ee hadal uma baahna

0

F.G: Maqaalkan waxaa original ahaan lagu daabacay warfaahiye.com 


Waxaa guux iyo walaac xoogan laga dhax dareemayaa dhamaan goobaha lagu qaxweeyo ee ku kulmaan dadka Soomaalida ee kunool wadanka Norway kuwaasi oo siyaabo kala gedisan uga hadlayo xaalado cakiran oo soo wajahay qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaalida ee kunool Norway.

Guuxaani ayaa salka kuhaayo arimaha la xiriiro dad dhalashada dalka Norway dib loogala noqday, iyo qeybo kale oo iyagana sharciga deganaanshaha dalkaasi loogu diiday arimo la xiriiro dib usoo hagaagida amaan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hadaba guuxa xoogan ee xiligaan kadhax jiro dadka soomaaliyeed ee kunool wadanka Norway, ayaa waxa aanan muuqan doorka siyaasyiinta soomaalida ee katirsan golayaasha deegaanka ee dalka Norway. Kuwaas oo hadal heyntooda un la maqlo xiliga doorashada, iyaga oo ee quud dareenayaan codadka dadka Soomaaliyeed.

Dhab ahaantii siyaasyiinta soomaalida Norway qaarkood waxey ku mashquulsan yihiin ka been sheegida fasiraada heshiis wadareedka dhamaan xisbiyada dalka Norway ka gaareen arinta dib ucelinta qaxootiga, kaas oo ah kan saameesay muwaadiniinta soomaaliyeed.

Dhamaan xisbiyada siyaasada ee Norway ayaa heshiiskaan udhan, hasa yeeshe arinta anfariirka iyo dhaga taaga ku riday jaaliyada soomaalida ee Norway, ayaa ah kadib marki ay maqleen in xisbiga FRP iyo xisbiga Ap ee shaqaalaha ay wada saxiixeen heshiiskan. Ap ayaa  had iyo jeer kushubta codka qowmiyadaha laga tirada badan yahay,  gaar ahaan soomaalida.

Walaal Xildhibaan Aqoonyahan, waxa ay dadka soomaaliyeed ee lasoo deristay caqabada heshiiska uu xisbigaaga saxiixay kaaga baahan yihiin ficil la taaban karo, ee kaagama baahna mire habaabinta bulshada intooda aan aqoonta balaaran ulaheen luqada Norwejiyaanka, ama aan in badan aqrin ama la socon mediyaha dalka Norway.

Nasiib darada kale ee heysata soomaalida Norway, ayaa ah in ee codkooda gacanta ugalay kooxo siyaasiyiin ah iyo ururo kufuran magaca soomaalida, laakiin ku howlgala qaab qabiil oo aan wax shaqo ah u qabanin dadka soomaaliyeed  ee kudhibaateesan dalka Norway.

Kooxahaa ku qaraabta magaca soomaalida ee isugu jira siyaasyiin iyo shaqsiyaadka hor boodaya ururada jaaliyada soomaaliyeed, ayaa dhamaant wada ah soomaalida xili hore soo galay wadanka Norway, isla markaana aan isku arkin iney qeyb ka yihiin walaaca xiligaani heesta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka wadanka ku cusub.

Walaaca maanta heysta qeyb kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway, ayaa hadaan si isku mid ah loogu gurman, waxa uu yeelan doonaa wajiyo badan. Taasi oo sababi doonto in si siman looga wada dareemo guri walba oo soomaaliyeed oo maanta aysan dhibaatadan saameny ku laheyn.

Xalka kaliya ee caqabadaan iminka soo wajahday jaaliyada soomaalida Norway ayaa ah iney hurdada ka kacaan, ayna si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeestaan sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadani isla markaana ee ku kadsoomin dad dano gaar ah ka dhax arkay baahidiina.

Soomaaliyeey Toosa oo kaca.

[adsenseyu2]

Warbaahinta Norway oo ilaa hada aan hal xaraf ka qorin mudaaharaadkii Oslo

0

Warbaahinta Norway ayaa ilaa hada aan hal xaraf ka qorin mudaaharaadkii weynaa ee Oslo ka dhacay sabtidii lasoo dhaafey. Mudaaharaadkaas oo ay kasoo qeygaleen dad kor u dhaafaya 2000 qof.

NorSom News iyo qaar kamid ah akhristayaasha aadka ugu damqanayo qadiyada dadka soomaaliyeed ee 1600 gaarayo,  ayaa sawiro, muuqaalo iyo qoraalo u direy warbaahinta waaweyn ee Norway, sida NRK, VG, Aftenosten. Ilaa hada wax soo jawaabey ma hayno.

Qaar badan oo kamid ah ka qeybgalaasha mudaaharaadka ayaa sii saadaalinayey iney taasi dhici doonto, inta uusan banaanbuxu dhicin, iyaga oo ka tusaalo qaadanayo banaanbaxyo badan oo soomaalidu ay dhigeen, kaas oo aan lagu soo daabacin wargeysyada waaweyn ee wadanka. Dadka qaarkood ayaa sheegaya in Media-yaha wadanka ay jecelyihiin kaliya xumaanta ajaaniibta, gaar ahaan soomaalida. 

Qaar kamid ah dadka aqoonta saxaafadeed leh ayaa NorSom News u sheegay in warbaahinta Norway ee waaweyn, ay isbuucan dhan wixii ay xoog iyo tabar hayeen isugu geeyeen tabinta doorashada mareykankan, arintaasna ay noqon karto sabab keeneyso ineysan ahmiyad gaar ah siinin banaanbaxa soomaalida ee Oslo. 

Ururka soo qabanqaabiyey mudaaharaadka ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii kasoo qeybgaley banaanbaxa, kuwaas oo qabowga iyo dhaxanta taagnaa saacadaha badan. Waxeyna ka codsadeen ineysan ka niyadjabin arintaas, dadaalkoodana ay sii wadaan. Waxey sheegeen in muhiimada banaanbaxa ay aheyd in la isku baxo oo la muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan go-aanka dowlada, taasna lagu guuleystay, maadaama 2000 qof isugu soo baxeen iyada oo baraf iyo dabeyl dhacayann. Waxey ka codsadeen dadkii soo baxey maalintaas, ineysan niyad jabin, hadii banaanbaxa lagu soo qiri waayey warbaahinta waaweyn.

Waxey hadalkooda raaciyeen iney hada dib isugu noqon doonaan, kana tashan doonaan talaabada xigta oo ay qaadayaan. Iyaga oo cadeey iney xiriiro lasoo sameeyeen ururo iyo hey-ado badan oo daneynaya arinta celista qoxootiga soomaaliyeed, sidaas darteedna talaabada xigta ay noqon doonto mid ka weyn banaanbixii sabtida.

Mid kamid ah Ururka banaanbaxa agaasimey ayaa noo sheegay iney xiriir la sameeyeen xarunta tvga al Jazeera ee magaalada Oslo, balse warihii fadhiyay warqabadka aljazeera uu maalintaas ka maqnaa magaalada.

[adsenseyu2]

 

Sarsborg: Erna Solberg oo ka qeybgashey xaflad lagu soo bandhigey heeso-dhaqameedyo ay kamid yihiin hees-soomaali

0

Reysul-wasaaraha Norway Erna Solberg ayaa ka qeybgashey xaflad ka dhacdey magaalada Sarsborg, taas oo lagu soo bandhigey heeso-dhaqameedyo ay kamid yihiin heeso soomaaliyeed. Koox dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Fargespill ayaana ahaa kuwii soo bandhigayay. 

Kooxda dhalinyarada ee heesahan soo bandhigay oo gaaraya 110 cunug, waxeyna kasoo jeedaan ilaa 20 wadan oo kula yaalo daafaha caalamka. Waxaana kooxdan kamid ah dhalinyaro soomaaliyeed. 

Heesaha ay kooxdan fargespill qaadaan ayaa waxaa kamid ah heesta Dheesha-dheela oo kamid ah heesihii ay  qaadi jirtey fanaanadii khadiijo qalanjo iyo kooxdeedii Shareero-band. Sidoo kale waxey qaadaan hees caruureed ay kamid tahay heestii caruurta ee huuwaaya, huuwa..

Erna ayaa amaan iyo bogaadin isugu dartey dhalinyarda sida agaasiman usoo bandhigay heeso dhaqameedyada, waxeyna sheegtay iney ahaayeen kuwo ay uga heshay.

Duqa magaalada Sarsborg oo isna xaflada ka qeybgaley ayaa sheegay in xafladan kooxda fargespill ay aheyd mid aad u heer-sareyso, uuna ku faraxsanyahay in Erna Solberg ay kala soo qeybgashay.

Halkan ka daawo xaflad ay horey u qabatey kooxda fargespill iyo qaymo kamid ah heesaheenii hidaha iyodhaqanka 

Xigasho/kilde: Sarsborg arbeidsblad-papriavis( mandag 7-11-2016, side 20)

[adsenseyu2]

3 mudaaharaad oo 3 maalin oo kala duwan loo qabtey Bushro Jama

0

Bulshada kunool deegaanka Hadsel ayaa sadex mudaaharaad oo lagu taageerayo Bushro Jama isugu soo baxey sadex maalin oo kala duwan.

Maalintii jimcaha aheyd waxaa banaanbax sameeyay ardeyda iskuulka ay Bushro dhigato ee Hadsel VGS, waxaana ku xigey mudaaharaad ay jaaliyada soomaaliyeed ee deegaankaas u dhigtey Bushro, waxaana mudaaharaadkaas ka qeybgaley dad 200 gaarayo oo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa maalintii shaley aheyd banaanbax dhigey ururada arimaha bulshada iyo kuwa diiniga ah.

Dadka isugu soo baxey banaanbaxyadan ayaa codsadey inaan Bushro iyo qoyskeeda laga saarin wadanka, maadaama ay yihiin dad wadanka si fiican ula qabsadey, deegaanka Hadsel si aad ah uga dhex muuqdo. Waxey sheegeen in hadii dowlada Norway ay rabto iney qof wadanka ka tuurto, ay wadanka ka saarto danbiilayaasha xabsiyada ka buuxo. 

Dhanka kale ardeyda iskuulka Hadsel ayaa bilaabey olole internetka ah oo lagu taageerayo, kaas oo ay ku uruurinayaan saxiixyada dadka taageersan inaan Bushro laga tuurin wadanka. Ilaa hada 627 qof ayaa saxiixdey ololehan internetka ah. halkan ka fiiri 

Ma rumeysnin macluumaadka ay Bushro na siisey.

Dhanka kale laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa wargeyska lokalka ah Vesteraalens Avis uga warbixiyey sababta ay Bushro ugala noqdeen magangalyada. Waxeyna sheegeen in Bushro Jama ay sheegtay iney ka timid tuulada Eybutey ee gobalka shabeelada hoose, balse barta facebooga ay ugu qorneyd iney ka timid magaalada Gorowe ee ismaamulka Puntland. Waxey sheegeen in imtixaan luuqada ah oo  qaadeen ay ku cadeeyeen in Bushro aysan ku hadleynin lahjada lokalka ah ee tuulada Eybutey, balse ay ku hadleyso lahjada reer kamid ah reeraha soomaaliyeed ee dega bartamaha iyo woqooyi bari Soomaaliya. 

Sidoo kale sawiro, qoraalo iyo asxaabteeda facebooga ayey sheegeen iney ku cadeeyeen in Bushro ay xiriir wanaagsan la leedahay ismaamulka Puntland, iyada oo barta faceboogeedu aysan ka muuqan, xiriir ay la leedahay deegaanka ay sheegtay iney kasoo jeedo.

Booliska ayay sidoo kale sheegeen iney baaritaan ku sameeyeen meesha ay lacagta u diri jirtey, waxeyna ogaadeen in ay xiriir aad u balaaran ay la leedahay woqooyiga Soomaaliya, taas oo ah mid ka duwan macluumaadkii ay bixisey markii ay magangalyada codsaneysay. 

Laanta socdaalka ayaa sheegeyso in markii la isku daro waxyaaboos oo dhan, ay wiiqeyso rumenyta ku saabsan meesha ay bushro kasoo jeedo. Waxeyna raaciyeen in deegaanka ay Bushro ka timid uu ahaa mid kamid ah waxyaabihii aadka loo qiimeeyay, markii magangalyada la siinayey. Iyaga oo sheegay hadii hooyadan soomaaliyeed ay sheegan laheyd in ka timid deegaanka woqooyi -Bari Soomaaliya, aysan hesheyn magangalyo.

Bushro: Ma ihi reerka ay laanta socdaalku sheegayso.

Dhanka kale Bushro Jama oo u warantay isla wargeyskaas Vesteraalens Avis ayaa sheegtay ineysan aheyn reerka ay UDI-du sheegayso iney tahay. Waxey sheegtay in qoyskeedu uu yahay mid kamid ah beelaha soomaaliyeed ee la heybsooco, isla markaana aysan laheyn tuulo iyo deegaan u gaar ah, ayna ku kala firirsanyihiin soomaaliya guud ahaanteeda.

Waxey sheegtay in qaraabadeedu ay deganyihiin soomaaliya oo dhan, ayna is booqan jireen, sidaasna ay ku baratay lahjado kale.

Facebooga ay UDI-du u adeegsaneyso cadeynta ayay Bushro sheegtay inuu u sameeyay wiil ku jirey kaamka, isla markaana uu isagu dhamaan asxaabtiisa ku darsadey faceboogii u sameeyay iyada. Cid aan aqaan kuma aanan arkin facebooga markii aan sameystay, laakiin taas badalkeeda waxaa facebooga iigu jirey asxaabta qofkii ii sameeyay facebooga.

Lacagaha ay xawishey ee lasoo bandhigey ayay Bushro ku sheegtay iney u dirtey qaar kamid ah qoyskeeda oo kunool halkaas. Waxeyna sheegtay in qoyskeedu ay hadba dhinac uga qaxayeen dagaalada ururka Al shabaab, taasna ay sabab u tahay iney lacag u dirto halkaas.

Bushro ayaa mar kale ku celisay in hadii lagu celiyo Soomaaliya ay khatar ugu jirto in la dilo, sidaas darteedna ay ilmaheedu ku noqon karaan hooyo la´aan.

Xigasho/kilde:Vesteraalens Avis-papir avis(5-11-2016), VOl.NO 

[adsenseyu2]

Madaxweyne Xasan Sh. M: Soomaalida sharci la´aanta ku ah Norway, haku soo noqdaan wadankooda

0

Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ka qeybgalayay barnaamijka Yaa mudan ee tvga Somali Cable, ayaa ugu baaqey soomaalida sharci la´aanta ku ah Norway iyo wadamada kale ee qaarada yurub, iney dib ugu soo noqdaan wadankooda hooyo ee Soomaaliya. Wuxuuna sheegay iney haboontahay iney dalkooda dib ugu soo noqdaan, si ay dib u dhiskiisa uga qeybqaataan, intii uu waqti uga lumi lahaa wadamo aysan sharci iyo xuquuq ku laheyn.

Inta ay doodu socotay, ayaa waxaa madaxweynaha su´aal online kusoo weydiiyey muwaadin(iin) soomaaliyeed oo reer Norway ah, kaas oo weydiiyey su´aal ku saabsaneyd ogolaanshaha dowlada Soomaaliya ay ogolaatey in wadankii dib loogu celiyo qoxootiga soomaaliyeed ee magangalyada ku heysto wadankan Norway. Muwaadinkan soomaaliyeed ee su-aasha madaxweynaha weydiiyey, ayaa u eg mid kamid ah 1600 qof ee soomaaliyeed ee dowlada Norway ay rabto iney sharciga magangalyadooda dib u qiimeyso.

Madaxweynaha oo u-eg mid aan fahmin baaxada iyo culeyska ay leedahay su-aasha la weydiiyay,  ayaa si toos ah u qirey in dowlada Soomaaliya ay raali ka tahay in muwaadiniinta soomaaliyeed ee aan sharciga ku laheyn wadamada yurub, dib loogu celiyo wadankii. Isaga oo cadeeyey in dhibaatada amni xumo ee Soomaaliya ka jirtey, ay hada soo yaraatey, isla markaana aysan jirin wax diidaya in qoxooti soomaali ah dib loogu celiyo wadankoodii. 

Xasan Sh Maxamud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada soomaaliya aysan ku talineyn in dadka sharci heysto dib loogu celiyo soomaaliya, balse sheegay in dadka heysta diidmada kama danbeysta ay haboontahay iney wadankoodii dib ugu soo noqdaan. 

Su-aasha la isweydiin karo ayaa ah : Madaxweynaha iyo dowladiisu maka warqabaan xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway lasoo daristay dhawaantan, gaar ahaan 1600. 

Soomaalidu maxay FRP iyo Listhaug kula dagaalayaan, hadii madaxweynahoodii dhanaa u afkaas cad lasoo taaganyahay. Maxaa ka dhaxeeya booqashadii wafdigii Soomaaliya ee Norway yimid bishii May, go-aankii dowlada Norway ee dib u qiimeynta iyo dib u celinta, hadalkii wasiir Cumar Hadliye iyo hadalkan hada ee madaxweyne Xasan. 

Hay-ada qoxootiga caalamiga ah ee UNCHR ayaa dhowr jeer ku cel-celisay in Soomaaliya aan hada lagu soo celin karin qoxooti soomaaliyeed, maadaama wadanka gudahiisa ay barakacayaal ku yihiin ilaa 2 milyan qof oo soomaali. Qaar kamid ah qoxootiga soomaaliyeed ee barakacey, waxey ku noolyihiin meel aan wax badan ka dheereyn xarunta madaxtooyada Villa Somaliya, iyo waliba hareeraha caasimada Muqdisho.

Halkan ka daawo hadalka madaxweynaha, daqiiqada 55-aad ee barnaamijka yaa mudan.

[adsenseyu2] 

Siyaasiyiinta soomaalida xisbiga (Ap) oo inkirey in xisbigooda uu lug ku leeyahay heshiiska sababey dib u celinta

0

Qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaalida xisbiga shaqaalaha ee arbeidspartiet ayaa sheegay in xisbigooda Ap uusan lug ku laheyn heshiiska ay dowladu ay u cuskaneyso dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600.

Siyaasiyiintan oo ka qeybgaley dood uu qabtey tvga qaranka soomaaliyeed ee SNTV, ayaa sheegay in go-aanka dib u celinta uu yahay mid ka yimid dowlada hada talada heyso, isla markaana aysan taageero uga baahneyn xisbiga (Ap), maadaama ay ayagu hadaba heystaan kuraas ku filan oo ay ku ansixiyeen heshiisyada noocan oo kale ah. 

Waxaa xaqiiqo ah in Ap uu kamid ahaa xisbiyadii saxiixey heshiiskii ka koobnaa 18-ka qodob, kaas oo dowlada hada talada heyso ay u cuskaneyso dib u celinta iyo dib u qiimenyta sharciyada muwaadiniinta soomaaliyeed. Balse hadana, waxaa jirto in xitaa hadii uu Ap banaanka ka joogi lahaa heshiiskaas uu wali noqon lahaa mid socon kara, maadaama heshiiska ay saxiixeen shan xisbi oo kale. Laakiin Ap maadaama uu wax ka saxiixey, lama dhihi karo Ap lug kuma lahan.

Qodobka 5-aad ee heshiiskan ayay si cad oo muran kujirin ugu qorantahay in dib u qiimeyn lagu sameyn karo magangalyada qoxootiga, hadii ay nabad ka dhalato wadankii uu qofkaas ka soo qaxey. Qodobka 5-aad ee heshiiskaas ayaana ah kan dowladu ay hada u adeegsaneyso dib u qiimenya iyo celinta qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600. 

Siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskaas ay dowladu hada si guracan u adeegsaneyso, taasna aysan aheyn arin uu raali ka yahay xisbiga AP. Hadii uu xisbiga Ap kasoo horjeedo celinta qoxootiga soomaaliyeed, maxey ilaa hada uga aamusanyihiin oo aysan war uga soo saarin?

Doodan ayey siyaasiyiintan uga hadleen dhibaatooyin iyo caqabado badan oo soo wajaha siyaasiyiinta ajaaniibta, gaar ahaan soomaalida marka ay ku jiraan siyaasada iyo hardanka xisbiyada siyaasada ee wadankan. 

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka qeybgaley dooda ayaa sheegay iney wadaan abaabulka banaanbax weyn oo jaaliyada soomaaliyeed ay dhigto, kaas oo isku mar ka dhici doono magaalooyinka waaweyn ee wadankan. Waxeyna sheegeen in dibadbaxaas uu yahay mid u gaar ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Halkan ka daawo dooda siyaasiyiinta oo dhameystiran iyo Xasan Raasto.

[adsenseyu2]

 

Yaa ka joogey siyaasiyiinta soomaalida mudaaharaadkii weynaa ee Oslo

0

Dad badan ayaa ilaa saaka nasoo weydiinayay su´aalo ah, xagee ka baxeen siyaasiyiintii soomaaliyeed, maxeyse uga soo qeybgali waayeen mudaaharaadkii weynaa ee shaley Oslo ka dhacay.

Waxaa durba suuqa la galiyey warar ah in siyaasiyiinta soomaalida ay ka maqnaayeen banaanbixii weynaa ee shaley gilgiley Oslo. Bulshadeena waxaa dhexdeeda ku fudud in wararka beenta ah ay ku dhex faafaan. 

Siyaasiyiinta shaley mudaaharaadka sida weyn uga dhex muuqdey waxey kala ahaayeen Siciid Amiin oo ka tirsan SV, Faadumo Cali Madar iyo Elvis Nwoso oo ka wada tirsan AP.

Faadumo iyo Siciid kama soo qeybgalin mudaaharaadka oo kaliya, ee waxey qeyb weyn ku lahaayeen diyaarinta, hagida iyo isku dubaridka mudaaharaadka. Labadaba min bilow ilaa dhamaad wey joogeen mudaaharaadka, iyaga oo qabowga, dabeysha iyo dhaxanta la taagnaa dhamaan dadkii kasoo qeybgaley mudaaharaadkii shaley. 

Waa su´aal la isweydiin karo siyaasiyiintii kale ee soomaaliyeed maxey uga soo qeybgali  waayeen, mudaaharaadka lagu muujinayo dareenka shacabka ee ku aadan go-aanka dib u qiimeynta sharciyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600. Balse yaan la dhihin siyaasi ma joogin, labadaas siyaasi kasoo qeybgalkoodana yaan la xaqirin.

Koox kale oo mudaaharaadka shaley aan kasoo muuqaan ayaa ah koox aan ugu magac-darney den etablerte somaliske-eliten. Koox wadanka timid xili hore, dhalashada wadankana heysto 10-sano iyo ka badan, intooda badan jaamacado ka baxey, soomaalida aan soo dhexgalin, iskuna heysto iney soomaalida kale xoogaa ka sarji sareeyaan.

Kooxdan waxey jecelyihiin iney ka qeybgalaan shirarka looga hadlo gudniinka fircooniga ah, faafista cudurka aidska, biyo dhaaminta koonfurta suudaan, kufsiga gabdhaha wadanka Kongo, gargaarka wadanka Heiti iyo dhibaatada lagu hayo dadka madowga ah ee mareykanka. Hadii lagu soo hadalqaado dhibaato soomaaliyeed, markiiba waxey eeda kula deg-degaan soomaalida, iyaga oo ku tilmaamo dad maskax iyo miyir aan laheyn, aduunka iyo nolosha casriga ahna aan la jaan-qaadi karin. Saas oo tahey hadana, waxey madax ka yihiin ururo iyo hey-ado wata magac soomaaliyeed, shirarkana waxey uga qeybgalaan soomaalinimo.

Bergen: Masjid cusub oo laga furay Magaalada Bergen.

0

Waxaa maalintii shalay magaalada Bergen ee Dalka Norwey laga furay Masaajid cusub oo ay yeeshaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas. Masjidkan Cusub oo ku yaala Xaafada Danmark plass, gaar ahaan Ex Europris halkii horey u daganaan jiray. Wuxuuna u dhaxeeya  I train Danmarksplass iyo Coop Extra adresse solheimsgaten 58.

Masjidkan cusub ayaa waxaa furay guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hordaland, kuwaas oo muddo aad u dheer ku soo guda jiray inay hirgeliyaan masjid ay ku cibaadeestaan muslimiinta ku nool magaalada Bergen, isla mar ahaantaana looga haqabtiro baahida muga leh oo ay u qabeen xarun ay ku cibaadeystaan.

Waxaa qudbadii salaada Jimco ee ugu horeysay ka aqriyey isla markaana kalmado waano, baaq iyo bogaadinba halkaasi ka jeediyey Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe oo si qoto dheer uga warbixiyey baahida Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta u qabaan Masaajid ay ku cibaadeestaan waxna lagu baro Dhalinyarada, Caruurta iyo Haweenka Jaaliyada.

Sheekh Xuseen ayaa ugu horeen ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay ka wada qeyb qaataan sidii loo horumarin lahaa Masaajidka oo sida ka muuqata u baahan maalgelin aad u xoogan.

Walaalayaal waad u jeedaan muuqaalka masaajidka waxa uu u baahan yahay dib u habeen aad u xoogan, roogagaan aad u jeedaan intooda badan waa kuwo aan deen ku soo qaadnay loona baahan yahay in aan si wada jir ah isaga wada kaalmeesano oo qeyrka ALLE ku wada dadaalno” ayuu yiri Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe.

Sidoo kale Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen uga digay  in masaajidka oo ah beytu-laahi in la siyaasadeeyo.

“Masjidkan waxa uu ka dhaxeeyaa guud ahaan Ummadaha islaamka, qof waliba oo muslim ah wadanka uu doono ha u dhashee, waa uu u furan yahay ma jirto qof gaar u leh iyo cid laga leeyahay….yaan la siyaasadeen Masaajidka, waxaan rabnaa in makaankan ALLE aan maanta ku wada kulanay ee aan salaada Jimco ku wada dukaneeno inay noqoto meel ay inaga dhaxlaan jiilka caruurteena dambe”.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay isla markaana salaadii jimco ee ugu horeysay ku tukaday masaajidkan ayaa ugu baaqeen Maamulka Masaajidka inay ku dadaalaan wax ka qabashada  baahida Jaaliyada gaar ahaan tan Caruurta, Dhalinyarada, Haweenka iyo harumarinta Xifdinta Qur’aanka kariimka, cilmiga Diiniga iyo waliba kan maadiga.

Masaajidkan cusub ee laga furay magaalada Bergen ayaa noqonaya midkii afaraad oo ay yeeshaan Muslimiinta, hase yeeshee waa kii ugu horeeyey oo ay si gaar ahaaneed u furaan Soomaalida magaalada taariikhda inta la og yahay.

Maamulka masaajidka ayaa si guud Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Hordaland kaga codsanayaa in lagu taageero hirgelinta, dhismaha iyo horumarinta Masaajidka Cusub.

Ugu danbeen maamulka Masaajidka ayaa sheegay sida caadiga ah in shanta waqti salaadaha lagu dukan doono masaajidka laga bilaabo maanta, balse ay jiri doonto munaasabad balaaran dadkoo dhan ka qeyb galaan oo furitaanka masaajidka, tan maantana ay ahayd mid hordhac ah.

Si aad uga qeyb qaadato qeyrka ALLE noqo ruuxa koowaad ee gaarsiiya Masjidka wixii aad ku caawin karto haddii ay ahaan lahayd Roog ama Sijaayad aad u soo iibiso, dhaqaale aad ku yaboohdo adigoo kala xiriiraya Macluumaadka hoos ku xusan:-

Telefoon: 94725932/48479363/95817389.

 

Safiyo Cabdi Haase oo ku guuleysatay bilada Amnesty

0

Safiyo Cabdi Haase oo kamid ah haweenka ugu magaca dheer jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ayaa mar kale la gudoonsiiyey bilad heer qaran ah. Safiyo ayaa markan ku guulestay bilada Amnestyprisen, taas oo ah bilad ay sanadkiiba mar bixiso hay-ada Amnesty International, laanteeda Norway.

Sababaha bilada loo siiyey Safiyo ayaa waxaa lagu sheegay iney la dagaalanto gudniinka dumarka, guurka qasabka ah, ayna caawiso haweenka ku dhibaateysan doorashada ah iney ilmaha iska soo tuuraan/xaaqaan!!. 

Webka rasmiga ee hey-ada Amnesty ayaa faah-faahin dheer ka bixiyey Safiyo iyo dhibaatooyin nololeed oo ay horey usoo martey, iyo sababaha Safiyo ku dhaliyey iney ka shaqeyso, aadna ugu dadaasho ka shaqeynta caafimaadka haweenka ajaaniibta ah. Halkan akhri qoraalka Amnesty iyo faah-faahinta sababta ay Safiyo ku muteysatay biladan. 

Safiyo Haase ayaa noqoneysa qofkii labaad ee soomaali ah ee biladan ku guuleysta, maadaama ay sanadkii 2013 biladan la gudoonsiiyey Amal Aden.

Xigasho/kilde:Avisenagder

[adsenseyu2]

Xisbiga KRF: lama shaqeyn doono xisbiga FRP doorashada 2017

0

Waxaa maalintii shaley aheyd qabsoomey shirweynaha qaran ee xisbiga KRF(Kristelig Folkeparti), kaas oo ahaa shir aad loo wada sugayey natiijada kasoo baxi doonta. Xisbiga KRF ayaa ah mid kamid ah labada xisbi yare ee taageeraya, kursigana ku hayo dowlada hada talada heyso oo ay hogaaminayaan xisbiyada FRP iyo Høyre.

Gudoomiyaha xisbiga KRF Knut Arild Hareide oo khudbadii ugu muhiimsaneyd shirka ka jeediyay ayaa sheegay in golaha dhexe ee xisbigu uu isku raacay in sanadka danbe aysan dowlad la dhisan doonin, lana shaqeyn doonin xisbiyada FRP. Wuxuu taas badalkeeda sheegay inuu soo dhaweynayo wada shaqeynta labada xisbi ee Høyre iyo Venstre. 

KRF ayaa sadexdii sano ee ugu danbeysay ku dhameystay daasha gadaadiisha, iyaga oo si aad ah uga soo horjeeday qaar kamid ah go-aamada dowlada ay ayagu kursiga ku hayeen.

Hareide ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay fursado saamaxdo ay la shaqeyn karaan xisbiga AP iyo xisbiyada kale ee dhex-dhexaadka ah sida SP. Waxeyna tani xoojineysaa fursada ah in xisbiga AP uu dib ugu soo noqdo talada wadanka, hadii uu wada shaqeyn la sameeyaan xisbiyada SV, SP iyo KRF.

 

Diidmada KRF ayaa wiiqeyso hamiga xisbiga FRP uu rabey inuu markale talada dowlada wax ka hayo afar sano oo cusub. Xisbiga Venstre ayaa horey u diidey inuu ula shaqeeyo dowlada ay ku jirto FRP, taas oo ka dhigan in wadada kaliya ee u furan FRP ay tahay wada shaqeynta xisbiga Høyre oo kaliya. Hadii aysan dhicin mucjiso, wey adagtahay in FRP iyo Høyre kaligood helaan codad ay uga maarmaan wada shaqeynta xisbi kale, si ay dowlad u dhistaan. Taasna waxey ka dhigantahay i Listhaug iyo FRP ay iska soo wareejin doonaan furaha xafiisyada dowlada.

[adsenseyu2]

 

Elvis Nwosu: Xisbiyada AP, SV,Rødt iyo kuwo lamidka ah, waxey noo yimaadaan markey codad rabaan

0

Siyaasiga Elvis Chi Nwosu oo kamid ahaa siyaasiyiintii faro ku tirista ahaa ee kasoo qeybgaley banaanbixii shaley ka dhacay Oslo ayaa sheegay in xisbiyada AP iyo xulafadiisu ay ajaaniibta u yimaadaan markii ay codad rabaan, balse marka dhibaato ajaaniibta qabsato la waayo meeley ka baxeen.

Elvis oo ka tirsan xisbiga laftir ahaantiisa ka tirsan xisbiga AP ayaa sheegay in go-aankan aan Listhaug kaligeed lagu eedeyn karin, maadaama ay xisbiyada kaleba ay hada ka aamusanyihiin. Waxa uuna ka codsadey dadka kujiro liisaska musharaxiinta baarlamaanka ay kasoo baxaan godadka oo arintan ay ka hadlaan, waxna ka qabtaan.

Elvis ayaa mar kale ku celiyay in dhibaatadan aysan dhibaato soomaaliyeed oo kaliya, balse ay tahay dhibaato soo gaartey ajaaniibta iyo qoxootiga reer Norway oo dhan. Hadii maanta soomaalidu ay tahay, bari waxaa ku xigi kara nigerianka, saa danbana waxaa ku xigi doonto qolo kale oo maanta nabad-qabta. Wuxuuna hadalkiisa raaciyey in soomaalidu ay arintan kaligeed xalin karin, sidaas darteedna loo baahanyahay xulufeysi ka madax banaan diin iyo qowmiyad, kaas oo arintan si wadajir ah wax uga qabto. 

Siyaasigan oo asal ahaan kasoo jeedo wadanka Nigeria ayaa sheegay in Norway ay mustaqbalka u baahantahay soomaalida, soomaaliduna ay Norway u baahantahay. Ardeyda soomaaliyeed ee hada jaamacadaha dhigato waxey noqon doonaan dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka qeybqaato dhismaha wadankan Norway.

[adsenseyu2]

 

NRK oo qoraal 2 sadar ah ka qorey mudaaharaadkii Stavanger, balse indhaha ka qarsadey kii ka dhacay Oslo

0

Tv-ga qaranka Norway ee NRK ayaa qoraal labo sadar iyo bar ah ka qorey mudaaharaadkii lagu qabtey magaalada Stavanger, waxeyna sheegeen in mudaaharaadkiis ay kasoo qeybgaleen dad gaarayo 100 qof. Qeybta hoose ee qoraalka NRK, waxaa ku qoran in banaanbax noocaas oo kale ah uu ka dhacay Oslo!!.

Halkan ka akhri qoraalka kooban ee nrk uu ka qorey M. Stavanger.

2300 VS 100.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka qeybgashey mudaaharaadka ka dhacey Stavanger, ayaa noo sheegay in dadka kasoo qeybgaley ay ahaayeen 180 qof iyo dheeraad. Balse aanba raacno tirada NRK ee ah 100-ka qof.  Banaanbaxa Oslo ayaa waxaa kasoo qeybgaley dad gaarayo qiyaas ahaan 2300 oo qof, balse tv-ga qaranka Norway ee NRK, hal-marna masoo hadalqaadin in Oslo uu mudaaharaad sidaas u weyn uu ka dhacay. 

NRK-kaliya ma ahane, dhamaan Media-yaha Norway ma jirin hal web ama tv oo wax ka qorey mudaaharaadyadaas baaxadaha weyn ee  maanta ka kala dhacey magaalooyinka Oslo iyo Stavanger. NRK ayaaba ugu roonaa ee labo sadar xitaa xar-xariiqey.

Mudaaharaadka Oslo ka dhacey ma aheyn mid qarsoomi karey, ama xitaa la inkiri karey. Waxey mudaaharayaaasha oo gaaraya 2300 socod ka soo bilaabeen Grønland ilaa ay ka tageen xarunta baarlamaanka ee Stortinget. Inta badan wadooyinka halbowlaha ah ee Oslo ayaa xirnaa mudo 15 daqiiqo ku dhawaad ah, si loo kala ilaaliyo dadka mudaaharaadka kasoo qeybgaley iyo baabuurta wadada marayey. 

Waxaan xiriir la sameynay labadii urur ee lahaa qabanqaabada mudaaharaadka, waxaana weydiiney iney casuumeen saxaafada iyo wargeysyada waaweyn ee Norway. Waxey noo sheegeen iney ku wargaliyeen in mudaaharaad uu ka dhacayo Oslo, waxeyna hadalkooda raaciyeen in media-yaha wadanka aysan ayagu ku qasbi karin iney wax qoraan mudaaharaadyada, balse ay guteen howshoodii casuumaada iyo ku wargelinta. 

Hadii NRK ay doorbideen iney labo sadar iyo bar ay ka qoraan labo mudaaharaad ay kasoo qeybgaleen isku dar 2500 qof, hadana ay inkireen kii weynaa ee Oslo ka dhacayey, waxaa la dhihi karaa in warbaahinta Norwey aysan dan iyo heelo toona ka laheyn arimaha quseeyo ajaaniibta.

Ka waran hadii qof soomaali ah uu caawa khalad ama dhibaato yar sameyn lahaa , NRK iyo warbaahinta kale maka aamusi lahaa mise qeybta koowaad ayey kusoo qaadan lahaayeen?..

[adsenseyu2]

 

Dad lagu qiyaasey 2300 qof oo maanta isugu yimid mudaaharaadkii Oslo

0

Dad tiro ahaan lagu qiyaasey 2000 ilaa 2300 qof ayaa maanta isugu soo baxey mudaaharaadkii looga soo horjeeday go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada dadka soomaaliyeed ee gaarayo 1600.

Inkasta oo ay cimiladu aheyd mid aad u qabow, baraf iyo dabeyl xoog lehna ay dhacayeen, hadana taas ma noqon sabab ka qeybgalayaasha mudaaharaadka ka istaajiyso iney muujiyaan dareenkooda ku aadan go-aanka dowlada, ee saameynta badan ku yeelanayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee dalkan Norwey soo weydiistey magangalyada.

Dadka kasoo qeybgaley mudaaharaadka waxey isugu jireen soomaali, ajaaniib kale iyo waliba norwiiji. Dadka soomaaliyeed ee mudaaharaadka ka qeybgaley waxey qaarkood kasoo socdaaleen magaalooyinka Kristiansand, Lillehamar, Hamar, Gjøvik, Elverum, Moss, Halden, Fredrikstad, Oslo iyo magaalooyin kale oo badan. Soomaali iskuma danqato, been dheh. 

Dhamaan dadka khudbadaha ka jeediyey mudaaharaadka ayaa isla qirey in go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada dadka soomaaliyeed, uu yahay go-aan aan sax aheyn ama aan waqtigiisii la joogin. Waxeyna sheegeen in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan hada aheyn mid degan, hadii ay deganaan laheydna aysan dowlada Norway uga digteen muwaadiniinteeda iney u safraan Soomaaliya. Iyaga oo ka codsadey in dowlada ay dib uga noqoto go-aankaas, maadaama uu yahay mid lagu faquuqayo dadka soomaaliyeed ee qoxootiga ah. 

Inkasta oo ay jireen dhaliilo yar oo ku saabsan qabanqaabada mudaaharaadka, hadana waxaa hubaal ah in banaanbixii maanta la xaqiijiyey ujeedadiisa. Taas oo aheyd in si wadajir ah loo muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan go-aankaas saameynta baaxada weyn ku leh muwaadiniinta soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa magaalada Stavanger ka dhacay banaanbax kaas lamid ah, kaas oo ay kasoo qeybgaleen dad gaarayo ilaa 150 qof.

Warbixino, muuqaalo iyo faalooyin ku saabsan mudaaharaadkii maanta dib ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

 

Elvis Chi Nwoso: Maanta waa soomaalida, barina mana naqaan guruubka ku xigi doono.

0

Elvis Chi Nwoso oo ah siyaasi katirsan xisbiga AP, kana mid ah madaxa ururka African Cultural Awarnes ayaa ku booriyey bulsho weynta reer Norway iney ka qeybqaataan mudaaharaadka looga soo horjeedo dib u celinta muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaarayo 1600.

Elvis ayaa sheegay in hadii maanta soomaalida laga aamuso, aan la garan karin qowmiyada ku xigi doonto, isla markaana sheekadu ay noqon doonto tusbax afka ka furtey. Wuxuuna codsadey in arintan si wadajir ah looga soo horjeesto, lana muujiyo dareen mid ah.

Siyaasigan oo asalkiisu ka yimid dalka Nigeria ayaa sheegay in arintan ay tahay difaacida xuquuqda ajaaniibta iyo  dadka qoxootiga ah iyo caruurtoodaba. 

Mudaaharaadka maalinta bari ah loo balansayhay inuu ka dhaco magaalada Oslo, ayaa waxaa kasoo qeybgalayo ururo badan oo isugu jiro soomaali, ajaaniib iyo waliba norwiiji. Waxaa muuqato in ardey badan oo kuwo jaamacadaha ah ay kasoo qeybgali doonaan mudaaharaadka, maadaama inta badan jaamacadaha Oslo maanta lagu arkayay boorarka mudaaharaadka.

Soomaalida reer Norway oo ah dadka uu khuseeyo mudaaharaadka waxaa ku waajibtey iney sida ugu weyn uga soo qeybgalaan banaanbaxan. Wixii 5000 ka yar waa dhiig la´aan iyo nacasnimo.

[adsenseyu2]

 

Hadsel: Jaaliyada soomaaliyeed ee Hadsel oo garab istaagey Bushro Jaamac.

0

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Hadsel iyo agagaarkeeda ayaa taageero weyn u muujiyey Bushro Jamac oo ah hooyo soomaaliyeed oo sharciga dal ku jooga ay dowlada kala noqotey, laguna amrey iney wadanka isaga baxaan, iyada oo qoyskeeda.

Halkan ka akhri sheekada xanuunka badan ee Bushro iyo qoyskeeda. 

Hana Mohamed Ismael oo kamid ah dadka soomaaliyeed degan magaaladaas ayaa wargeyska lokalka ah ee VOL.no u sheegtay, in soomaalida degan Hadsel ay aad uga xunyihiin dhibta soo gaartey Bushro, ayna sameynayaan mudaaharaad ay arinkaas uga soo horjeedaan maalinta barito ah ee sabtida. Hana ayaa sidoo kale ka codsatey dadka deegaanka iney mudaaharaadkaas si fiican uga soo qeybqaataan

Maanta oo jimce ah waxaa sidoo kale loo balansanaa banaanbax ka bilaabanayaa iskuulka ay Bushro dhigato, kaas oo lagu muujinayo sida looga xunyahay go-aanka dowlada ee ku saabsan qoyskan soomaaliyeed.

Waxaa muuqato in Bushro Jaamac iyo qoyskeeduba ay hada taageero weyn ka heleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Hadsel. Iyada ay dhamaantood ay isla qirayaan in Bushro ay kamid tahay dadka deegaanka, dhibta soo gaartana ay tahay dhib iyaga soo gaartey.

Xigasho/kilde: VOL.NO 

[adsenseyu2]

 

(Aragti) Abdulkadir Osman: Soomaalida waxaa loo diidanyahay degenaan iyo xasilooni ay ku fakaraa

0

Sheekadan waxaa nala wadaagey Abdulkadir Osman oo kamid ah waxgaradka jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.


Nin beeraley ah ayaa ka soo caraabay beertiisa, waxa uu soo raacay gaari bas ah si uu dib ugu soo laabto gurigiisa oo ku yaalla bartamaha Magaalada. Waxa ay indhihiisu qabteen oday da’ ah oo dhinac ka fadhiya kursiga uu fadhiyo midka ku dhegan. Ninka odayga ah waxa uu dhabta ku heystaa jawaan weyn oo hadba dhinac uu ka dhunkanayo, waase mid luxaya jawaanka rubi saac waliba .

Markii muddo afar saacadood ah ay ka soo wareegatay, odayguna uu weli luxayo jawaanka ayuu ninkii beeraleyda ah yiri , xaaji maxaad sameyneysaa?

Odaygii ayaa si degan oo kalsooni ay ku dheehan tahay ugu jawaabay oo yiri , adeer waxaan ugu deeqayaa xeyntani dooliyaasha ah xarunta qaranka ee cilmi baarista si ay ugu sameeyaan tijaabooyin dawooyinka casriga ee dalkeenu sameeyo.

Ninkii beerladeyda ah oo yaaban ayaa yiri, dooli ! ma waxa aad dhunkaneysid oo ruxeysid ma jiir aad soo uruurisay?!!

Odaygii ayaa ku jawaabay si caqli ay ku jirto, waxa uuna yiri , haddii dooligu helo muddo 15 daqiiqo oo nasiinno ah, waxa uu baadi doon u galayaa xal uu kaga bixi karo ama uu ku duleelin karo jawaanka, hayeeshee luxitaanka wuxuu tabar dareynayaa awooddii uu ku fikiri lahaa, qaarkoodba qaar kale ayaa madaxa isku dhufsanaya.

Odayga , ayaa sheekada ku soo gunaanuday, waxaan rajeynayaa wiilkeygiyow inaad garwaaqsatay wixii aad gocaneysay !

Haddaba, marka aad si fiican u dhuuxdid sheekada sare ku qoran, waxaad ogaan kartaa sida shisheeyuhu u rog rogayo Soomaalida si aaney u garan xal u helidda dhibta heysata .

Maqaalkan waxan ka aqriyay / ka soo qaatay jowhar.com . Runtii markaan aqriyay waxaan si dhab u xasuusatay sida aadka uxun ee aan u kala daadsanahay, runtii waaba isku wada baahanahy hadana waa kala baahanahy.

Waa arin aad u xun , ee somalaay Fadlan qabiil iyo qurankiisa aan iska ilowno. Qabiil wax inooga dumiyo mooyee ee waxn inooma saxayo . Hal gacan , hal xubin aan naqano. Qof walboo soomaali ah wa inaa hurdada aa ka kacnaa. Runtii hurdada waa ku daahnay sidaan hurdo uma aqaano, ee waa damiir la’aan.

[adsenseyu2]

Kusoo talo gal: Cimiladu bari waa mid qabow, barafna uu la socdo..

0

Waxaa soo dhawaanayaa xiligii loo balansanaa mudaaharaadkii weynaa ee looga soo horjeeday go-aanka dowlada ee ku saabsan celinta iyo dib u qiimeynta sharciyada magangalyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600 qof. 

Cimilada barito magaalada Oslo waa mid qabow ah, waxaanaya da´ayo baraf yar. Sidaas darteed waa muhiim in dadka imaanayo mudaaharaadka ay soo qaataan dhar fiican oo dhaxanta celinayayo. Yaan lagaa dareemin inuu qabow ku hayo, jaakad iyo gacmo-gashi horey usoo qaado. 

Saacadu marka ay tahay 17:00 ayaa lagu kulmayaa barxada Grønland, waa muhiim in waqtiga la ilaaliyo, maadaama ay jiraan hay-ado badan oo aan soomaali aheyn oo mudaaharaadka ka qeybqaadanyo.

[adsenseyu2]

 

Dhalinyaro soomaali ah oo shaley nin mobil uga furtay Grønland.

0

Wargeyska Aftenposten ayaa qoraya in sadex dhalinyaro soomaali ah ay shaley galabkii nin mobil kaga furteen xaafada Grønland. Booliska ayaa sheegay iney ku raadjoogeen dhalinayaradaas, walina aysan jirin cid ay qabteen.

Ninka la dhacay ayaa rabey inuu baabuurkiisa ku parking gareeyo wadada Mandalls gate. Dhalinyaradan sadexda ah ayaa weydiiyeen lacag 100 kr-. Waxeyna ku intaas kadib ku qabteen mindi, markii uu isku dayey inuu dhaqaaqana waxey baabuurkiisa gaarsiiyeen dhowr jug. Ugu danbeyna waxey ka xoogeen moobilkiisa gacanta.

Aftenposten ayaa qoreyso in Ninka dhaca loo geystay uu sheegay in dhalinyarada dhacdey mindida ugu hanjabtey, mobilkana ka xoogtey ay ahaayeen Soomaali. 

Madaxa howlgalka booliska Oslo ayaa sheegay in dhalinyaradan ay dhicin karto iney yihiin kuwo falal danbiyeedyo noocan oo kale ah ka geystey aagaas, ayna u badantahay iney daganyihiin aaga meesha uu falku ka dhacay. 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.