fredag, april 19, 2024

3 mudaaharaad oo 3 maalin oo kala duwan loo qabtey Bushro Jama

Bulshada kunool deegaanka Hadsel ayaa sadex mudaaharaad oo lagu taageerayo Bushro Jama isugu soo baxey sadex maalin oo kala duwan.

Maalintii jimcaha aheyd waxaa banaanbax sameeyay ardeyda iskuulka ay Bushro dhigato ee Hadsel VGS, waxaana ku xigey mudaaharaad ay jaaliyada soomaaliyeed ee deegaankaas u dhigtey Bushro, waxaana mudaaharaadkaas ka qeybgaley dad 200 gaarayo oo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa maalintii shaley aheyd banaanbax dhigey ururada arimaha bulshada iyo kuwa diiniga ah.

Dadka isugu soo baxey banaanbaxyadan ayaa codsadey inaan Bushro iyo qoyskeeda laga saarin wadanka, maadaama ay yihiin dad wadanka si fiican ula qabsadey, deegaanka Hadsel si aad ah uga dhex muuqdo. Waxey sheegeen in hadii dowlada Norway ay rabto iney qof wadanka ka tuurto, ay wadanka ka saarto danbiilayaasha xabsiyada ka buuxo. 

Dhanka kale ardeyda iskuulka Hadsel ayaa bilaabey olole internetka ah oo lagu taageerayo, kaas oo ay ku uruurinayaan saxiixyada dadka taageersan inaan Bushro laga tuurin wadanka. Ilaa hada 627 qof ayaa saxiixdey ololehan internetka ah. halkan ka fiiri 

Ma rumeysnin macluumaadka ay Bushro na siisey.

Dhanka kale laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa wargeyska lokalka ah Vesteraalens Avis uga warbixiyey sababta ay Bushro ugala noqdeen magangalyada. Waxeyna sheegeen in Bushro Jama ay sheegtay iney ka timid tuulada Eybutey ee gobalka shabeelada hoose, balse barta facebooga ay ugu qorneyd iney ka timid magaalada Gorowe ee ismaamulka Puntland. Waxey sheegeen in imtixaan luuqada ah oo  qaadeen ay ku cadeeyeen in Bushro aysan ku hadleynin lahjada lokalka ah ee tuulada Eybutey, balse ay ku hadleyso lahjada reer kamid ah reeraha soomaaliyeed ee dega bartamaha iyo woqooyi bari Soomaaliya. 

Sidoo kale sawiro, qoraalo iyo asxaabteeda facebooga ayey sheegeen iney ku cadeeyeen in Bushro ay xiriir wanaagsan la leedahay ismaamulka Puntland, iyada oo barta faceboogeedu aysan ka muuqan, xiriir ay la leedahay deegaanka ay sheegtay iney kasoo jeedo.

Booliska ayay sidoo kale sheegeen iney baaritaan ku sameeyeen meesha ay lacagta u diri jirtey, waxeyna ogaadeen in ay xiriir aad u balaaran ay la leedahay woqooyiga Soomaaliya, taas oo ah mid ka duwan macluumaadkii ay bixisey markii ay magangalyada codsaneysay. 

Laanta socdaalka ayaa sheegeyso in markii la isku daro waxyaaboos oo dhan, ay wiiqeyso rumenyta ku saabsan meesha ay bushro kasoo jeedo. Waxeyna raaciyeen in deegaanka ay Bushro ka timid uu ahaa mid kamid ah waxyaabihii aadka loo qiimeeyay, markii magangalyada la siinayey. Iyaga oo sheegay hadii hooyadan soomaaliyeed ay sheegan laheyd in ka timid deegaanka woqooyi -Bari Soomaaliya, aysan hesheyn magangalyo.

Bushro: Ma ihi reerka ay laanta socdaalku sheegayso.

Dhanka kale Bushro Jama oo u warantay isla wargeyskaas Vesteraalens Avis ayaa sheegtay ineysan aheyn reerka ay UDI-du sheegayso iney tahay. Waxey sheegtay in qoyskeedu uu yahay mid kamid ah beelaha soomaaliyeed ee la heybsooco, isla markaana aysan laheyn tuulo iyo deegaan u gaar ah, ayna ku kala firirsanyihiin soomaaliya guud ahaanteeda.

Waxey sheegtay in qaraabadeedu ay deganyihiin soomaaliya oo dhan, ayna is booqan jireen, sidaasna ay ku baratay lahjado kale.

Facebooga ay UDI-du u adeegsaneyso cadeynta ayay Bushro sheegtay inuu u sameeyay wiil ku jirey kaamka, isla markaana uu isagu dhamaan asxaabtiisa ku darsadey faceboogii u sameeyay iyada. Cid aan aqaan kuma aanan arkin facebooga markii aan sameystay, laakiin taas badalkeeda waxaa facebooga iigu jirey asxaabta qofkii ii sameeyay facebooga.

Lacagaha ay xawishey ee lasoo bandhigey ayay Bushro ku sheegtay iney u dirtey qaar kamid ah qoyskeeda oo kunool halkaas. Waxeyna sheegtay in qoyskeedu ay hadba dhinac uga qaxayeen dagaalada ururka Al shabaab, taasna ay sabab u tahay iney lacag u dirto halkaas.

Bushro ayaa mar kale ku celisay in hadii lagu celiyo Soomaaliya ay khatar ugu jirto in la dilo, sidaas darteedna ay ilmaheedu ku noqon karaan hooyo la´aan.

Xigasho/kilde:Vesteraalens Avis-papir avis(5-11-2016), VOl.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x