(Qormo) Shafici Muhudin: Soomaalida Norway ficil ayey ubaahantahay ee hadal uma baahna

0
219

F.G: Maqaalkan waxaa original ahaan lagu daabacay warfaahiye.com 


Waxaa guux iyo walaac xoogan laga dhax dareemayaa dhamaan goobaha lagu qaxweeyo ee ku kulmaan dadka Soomaalida ee kunool wadanka Norway kuwaasi oo siyaabo kala gedisan uga hadlayo xaalado cakiran oo soo wajahay qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaalida ee kunool Norway.

Guuxaani ayaa salka kuhaayo arimaha la xiriiro dad dhalashada dalka Norway dib loogala noqday, iyo qeybo kale oo iyagana sharciga deganaanshaha dalkaasi loogu diiday arimo la xiriiro dib usoo hagaagida amaan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hadaba guuxa xoogan ee xiligaan kadhax jiro dadka soomaaliyeed ee kunool wadanka Norway, ayaa waxa aanan muuqan doorka siyaasyiinta soomaalida ee katirsan golayaasha deegaanka ee dalka Norway. Kuwaas oo hadal heyntooda un la maqlo xiliga doorashada, iyaga oo ee quud dareenayaan codadka dadka Soomaaliyeed.

Dhab ahaantii siyaasyiinta soomaalida Norway qaarkood waxey ku mashquulsan yihiin ka been sheegida fasiraada heshiis wadareedka dhamaan xisbiyada dalka Norway ka gaareen arinta dib ucelinta qaxootiga, kaas oo ah kan saameesay muwaadiniinta soomaaliyeed.

Dhamaan xisbiyada siyaasada ee Norway ayaa heshiiskaan udhan, hasa yeeshe arinta anfariirka iyo dhaga taaga ku riday jaaliyada soomaalida ee Norway, ayaa ah kadib marki ay maqleen in xisbiga FRP iyo xisbiga Ap ee shaqaalaha ay wada saxiixeen heshiiskan. Ap ayaa  had iyo jeer kushubta codka qowmiyadaha laga tirada badan yahay,  gaar ahaan soomaalida.

Walaal Xildhibaan Aqoonyahan, waxa ay dadka soomaaliyeed ee lasoo deristay caqabada heshiiska uu xisbigaaga saxiixay kaaga baahan yihiin ficil la taaban karo, ee kaagama baahna mire habaabinta bulshada intooda aan aqoonta balaaran ulaheen luqada Norwejiyaanka, ama aan in badan aqrin ama la socon mediyaha dalka Norway.

Nasiib darada kale ee heysata soomaalida Norway, ayaa ah in ee codkooda gacanta ugalay kooxo siyaasiyiin ah iyo ururo kufuran magaca soomaalida, laakiin ku howlgala qaab qabiil oo aan wax shaqo ah u qabanin dadka soomaaliyeed  ee kudhibaateesan dalka Norway.

Kooxahaa ku qaraabta magaca soomaalida ee isugu jira siyaasyiin iyo shaqsiyaadka hor boodaya ururada jaaliyada soomaaliyeed, ayaa dhamaant wada ah soomaalida xili hore soo galay wadanka Norway, isla markaana aan isku arkin iney qeyb ka yihiin walaaca xiligaani heesta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka wadanka ku cusub.

Walaaca maanta heysta qeyb kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway, ayaa hadaan si isku mid ah loogu gurman, waxa uu yeelan doonaa wajiyo badan. Taasi oo sababi doonto in si siman looga wada dareemo guri walba oo soomaaliyeed oo maanta aysan dhibaatadan saameny ku laheyn.

Xalka kaliya ee caqabadaan iminka soo wajahday jaaliyada soomaalida Norway ayaa ah iney hurdada ka kacaan, ayna si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeestaan sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadani isla markaana ee ku kadsoomin dad dano gaar ah ka dhax arkay baahidiina.

Soomaaliyeey Toosa oo kaca.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments