(Trondheim): Dheeman Xuseen: Cabsi kama qabo inaan xijaab ku dhex xirto magaalada

0
168

Axadii lasoo dhaafey ayaa waxaa magaalada Trondheim lagu weeraray gabar muslimad ah oo xijaab xiran, taas oo nin cadaan ah uu damcay inuu xijaabka ay xirneyd ku ceejiyo, isaga uu ku dhawaaqayo ereyo cunsurinimo iyo naceyb ah. Waxeyna dhacdadan ka dhacdey xaafada Nardo ee magaalada Trondheim. 

Gabdhan la weeraray ayaa sheegtay in nin aysan aqoon uu si kadis ah uga soo horbaxay, isaga oo ereyo naceyb ah ku qeylinayo. Markey xagiisa fiiriseyna uu  dhinac u tuuray, uuna gaarsiiyey ilaa dhowr nabar. Waxeyna sheegtay in ninkan uu isku dayey inuu  xijaabka ku ceejiyo, isaga oo leh ku noqo meeshii aad ka timid. Ninkan oo ilaa hada aysan boolisku gacanta kusoo dhigin, ayaa gabadha gaarsiiyey ilaa dhowr nabar oo wajiga ah. 

Gina-Victoria Yigitalp oo ah gabadha dhibaatada la kulantay ayaa sheegtay iney cabsi ka qabto xirashada xijaabka ee magaaladaas, sidaas darteedna ay ku fakareyso iney joojiso xirashadiisa. 

Wargeyska lokalka ah ee Adressavisen ayaa mikrofoonka la dhex qaaday qaar kamid ah haweenka muslimiinta ah ee kunool magaalada Trondheim, waxaana dadka uu la kulmey kamid ah Dheeman Xuseen oo magaaladaas degeneyd mudo 10 sano ka badan.

Dheeman ayaa sheegtay in guud ahaan aysan wax cabsi iyadu ka qabin, iney xijaab ku dhex xirato magaalada Trondheim, balse ay jiraan xaafado amaan daro ay kasoo wajihi karto qofkii xijaab ku dhex xirto.  Dheeman oo ahaan jirtey gudoomiyihii hore ee ururka Somalisk velferdsforening i Sør-Trøndelag, ayaa sheegtay in inkastoo ay lasoo kulantay dhacdooyin cunsurinimo iyo naceyb ah, hadana aysan dhacdooyinkaas aheyn kuwa si joogto ah ay haweenka xijaabka ku xirto magaaladaas  ula kulmaan.

Ismaaciil Cilmi(Ap) oo kamid ah golaha deegaanka ee magaaladaas Trondheim, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in haweeney magaalada degan lasoo weeraro xijaabkeeda darteed. Wuxuuna falkaas ku tilmaamey mid ay ku dheehantahay isir-naceyb iyo cunsurinimo.

Ismaaciil ayaa geesta kale sheegay inuusan horey waxbadan u maqlin dhacdooyin nooca oo kale ah oo ka dhacay Trondheim, wuxuuna hadalkiisa raaciyey in Trondheim ay tahay meel amaan ah, marka loo eego Oslo.

Imaam Cabdinuur Mohamed Mahamoud oo kamid ah imaamyada Trondheim ayaa asna sheegay inuusan horey u maqlin haween dhibaato ku qaba ama ka cabsi qaba xirashada xijaabka magaaladaas, dhacdadii axadana ay tahay mid gooni ah.

Xigasho/kilde: Adressaavisen papiravis(8-11-2016-side 11).

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments