lørdag, april 20, 2024

Madaxweyne Xasan Sh. M: Soomaalida sharci la´aanta ku ah Norway, haku soo noqdaan wadankooda

Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ka qeybgalayay barnaamijka Yaa mudan ee tvga Somali Cable, ayaa ugu baaqey soomaalida sharci la´aanta ku ah Norway iyo wadamada kale ee qaarada yurub, iney dib ugu soo noqdaan wadankooda hooyo ee Soomaaliya. Wuxuuna sheegay iney haboontahay iney dalkooda dib ugu soo noqdaan, si ay dib u dhiskiisa uga qeybqaataan, intii uu waqti uga lumi lahaa wadamo aysan sharci iyo xuquuq ku laheyn.

Inta ay doodu socotay, ayaa waxaa madaxweynaha su´aal online kusoo weydiiyey muwaadin(iin) soomaaliyeed oo reer Norway ah, kaas oo weydiiyey su´aal ku saabsaneyd ogolaanshaha dowlada Soomaaliya ay ogolaatey in wadankii dib loogu celiyo qoxootiga soomaaliyeed ee magangalyada ku heysto wadankan Norway. Muwaadinkan soomaaliyeed ee su-aasha madaxweynaha weydiiyey, ayaa u eg mid kamid ah 1600 qof ee soomaaliyeed ee dowlada Norway ay rabto iney sharciga magangalyadooda dib u qiimeyso.

Madaxweynaha oo u-eg mid aan fahmin baaxada iyo culeyska ay leedahay su-aasha la weydiiyay,  ayaa si toos ah u qirey in dowlada Soomaaliya ay raali ka tahay in muwaadiniinta soomaaliyeed ee aan sharciga ku laheyn wadamada yurub, dib loogu celiyo wadankii. Isaga oo cadeeyey in dhibaatada amni xumo ee Soomaaliya ka jirtey, ay hada soo yaraatey, isla markaana aysan jirin wax diidaya in qoxooti soomaali ah dib loogu celiyo wadankoodii. 

Xasan Sh Maxamud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada soomaaliya aysan ku talineyn in dadka sharci heysto dib loogu celiyo soomaaliya, balse sheegay in dadka heysta diidmada kama danbeysta ay haboontahay iney wadankoodii dib ugu soo noqdaan. 

Su-aasha la isweydiin karo ayaa ah : Madaxweynaha iyo dowladiisu maka warqabaan xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway lasoo daristay dhawaantan, gaar ahaan 1600. 

Soomaalidu maxay FRP iyo Listhaug kula dagaalayaan, hadii madaxweynahoodii dhanaa u afkaas cad lasoo taaganyahay. Maxaa ka dhaxeeya booqashadii wafdigii Soomaaliya ee Norway yimid bishii May, go-aankii dowlada Norway ee dib u qiimeynta iyo dib u celinta, hadalkii wasiir Cumar Hadliye iyo hadalkan hada ee madaxweyne Xasan. 

Hay-ada qoxootiga caalamiga ah ee UNCHR ayaa dhowr jeer ku cel-celisay in Soomaaliya aan hada lagu soo celin karin qoxooti soomaaliyeed, maadaama wadanka gudahiisa ay barakacayaal ku yihiin ilaa 2 milyan qof oo soomaali. Qaar kamid ah qoxootiga soomaaliyeed ee barakacey, waxey ku noolyihiin meel aan wax badan ka dheereyn xarunta madaxtooyada Villa Somaliya, iyo waliba hareeraha caasimada Muqdisho.

Halkan ka daawo hadalka madaxweynaha, daqiiqada 55-aad ee barnaamijka yaa mudan.

[adsenseyu2] 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x