torsdag, april 18, 2024

Listhaug: Tahriibayaasha bada dib haloogu celiyo Africa, yaana la keenin yurub hadii la badbaadiyo

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug ayaa taageero weyn u muujisey war kasoo yeeray wasaarada arimaha gudaha Germanka, kaas ah in qoxootiga ka imaanayo afrikada galbeed lagu celiyo bada, lagana dajiyo qaarada afrika intii la keeni lahaa wadamada yurubta, gaar ahaana talyaaniga.

Listhaug ayaa sheegtay in ilaalada xeebaha midowga yurub ay kamid noqdeen qorshaha ganacsi ee magafayaasha(muqalasiinta) dadka soo tahriibiyo. Sylvi ayaa sheegeyso in muqalasiintu ay bada soo galinayaan doon ay dad ka buuxaan, taas oo ah mid daxaleysatay oo khatar badan, ayna u dheertahay biyo, cunto iyo bensin la´aan. Waxeyna dadka doonta saaran siinayaan telefoon satelite ah, si ay xiriir ula sameeyaan ilaalada xeebaha talyaaniga, ayna uga dalbadaan howlgal badbaadineed.

Si loo caawiyo qoxootiga rasmiga ah ee kasoo cararaya dagaalada iyo colaadaha ,una baahan magangalyada runta ah, waa inaan istaajino tahriibayaasha dhaqaale doonka ah ee kusoo qulqulaya qaarada yurub. 

Kuwa usoo safraya yurub, iyaga oo aan u baahneyn magangalyo, waxey culeys ku yihiin systemka magangalyada. Waxey qasbeysaa in qarash badan lagu isticmaalo dad aan qabin baahi magangalyo. Kuwa badan oo iyaga kamid ah, wey adagtahay in wadankoodii dib loogu celiyo, sababtoo waxey diidayaan wada shaqeyn ama wadankii ay ka yimaadeen ayaa diidayo in dib loogu soo celiyo.

Wasaarada arimaha dibada Germanka  ayaa sheegtay in qorshahan dib u celinta doomaha muhaajiriinta ay uga hortageyso tahriibka sharci darada ah, kaas oo sanad walba galaafta nolosha qoxooti iyo tahriibayaal kumanaan kor u dhaafaya. Ujeedka ka danbeeyo qorshahan ayay sheegeen inuu yahay in kiisaska magangalyada qofka la qiimeeyo isaga oo joogo Afrika, inta uusan naftiisa kusoo halaagin bada.

Wasiiro kamid ah dowlada Denmark ayaa madaxa u ruxay qorshahan ay dowlada Germanka soo jeedisay, waxeyna sheegeen inuu yahay qorshe xal u keeni kara xaalada qoxootiga sanad walba kusoo fataha qaarada yurub, iyaga adeegsanayo doomo ay kasoo raaceen galbeedka afrika. 

Qorshahan ayaa ah mid cusub oo aan horey loo soo jeedin ama loo aqbalin fulintiisa. Midowga yurub oo dhowr jeer oo hore ka biyo diidey qorshe noocan u eg, ayaa hada ka aamusan warka kasoo yeeray dowlada germanka, Denmark iyo Norwayna ay ku raaceen. Midowga yurub ayaa goor sii horeysay sheegay in qorsheyaasha nooca oo kale ah, ay kasoo horjeedaan xeerka bini-aadanimada ee u yaalo wadamada EU-da iyo waliba qaramada midoobey.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x