tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 270

Wafdigii dowlada Somalia ee imaan lahaa Oslo oo baaqdey.

0

Sida aan jimcihii soo daabacney, waxaa la filayay in magaalada Oslo socdaal shaqo, ay ku imaan doonaan wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah. 

Abdullahi Sheikh Cali oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, ayaa la filayay inuu Oslo soo gaaro maanta. Balse warar ay NorSom News ka xaqiijisatay ilo xog ogaal ah, ayaa sheegayo in wasiir ku xigeenku uu safarkiisa uga baaqdey arimo lasoo gudboonaaday owgood.

[adsenseyu2] 

 

 

Bergen: Dacwad lagu soo oogay nin soomaali ah oo xaaskiisa dil u geystay

0

Dacwad cusub oo ayaa maanta lagu soo oogay 43 jir soomaali ah, kaas oo sanad kahor deegaan Bergen u dhow ku dilay xaaskiisa. Sida ay qorayaan wargeysyada lokalka ah, ninkan ayaa bishii Febraury ee sanadkii 2015, mindi ku diley xaaskiisa oo u dhashey lix caruur ah. Waxaana uu falkan ka dhacay kommunaha Askøy oo kuyaalo agagaarka magaalada Bergen.

Sida ay sheegeen boolisku, Ninkan ayaa iskeenay yimid xabsiga, isaga oo wato boorso xir-xiran, waxa uuna sheegay inuu dilay xaaskiisa, sidaas darteed uu diyaar u yahay in la xiro. Dacwadan cusub ee lagu soo oogay ninkan ayaa sheegayso in uu dhowr mindi ku dhuftay xaaskiisa, inta aysan u geeriyoon dhaawacyadii kasoo gaarey mindiyaha uu ku dhuftay. Waxaana xiligaas uu falku dhacayay guriga ku sugnaa ilmo yar oo aabahan iyo hooyadu ay wada dhaleen. 

Ninkan iyo xaaska ayaa isku dhaley 6 caruur ah, oo da´ahaan u dhaxeysay hal sano ilaa 18 sano, marka uu falkan dhacayay. Booliska ayaa sheegay in caruurtaas ay la wareegeen hey´ada xanaanada caruurta ee barnevernka. 

Sidoo kale waxaa dacwada ninkan lagu eedeeyay kamid ah, inuu garaacis u geystay 5 kamid ah caruurta, iyo waliba hooyadood. Waxaana mararka ay falalkan dhacayeen goob joog ka ahaan qaar kamid ah caruurta. 

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegayo in ninkan uu muteysan karo xabsi, maadama qiimeyn maskaxeed lagu sameeyay, ay sheegayso inuusan maskax dhimaneyn, sidaas darteed loola dhaqmi karo sidii qof caadi ah. Laakiin waxey sheegeen iney dhici karto in ay inta maxkamadu socoto ay soo baxaan waxyaalo kale, taas oo sababi karta in ninkan la geeyo meelaha lagu xanaaneeyo dadka maskaxdooda aysan dhameyn, ee geysta danbiyada ciqaabta lagu muteysto. 

Xigasho/kilde: Aftenposten, VG, BT

[adsenseyu2]

 

Maqaal:(Hogaanka jaaliyada Bergen): Ma doc ka-yeerbaa mise danbaa u gaar ah!

0

 Maqaalkaan waa jawaabtii maqaalkii la magacbaxay Fariidnimada reer Oslo, iyo Fadhiidnimada Jaaliyada Bergen. Halkan ka akhri maqaalkaas, hadii aadan horey u akhrin.


Ugu horreyntii cinwaanka maqaalka Bile Baastey, wuxuu la yimid tilmaan qaldan oo ah in bulshada Bergen lugu tilmaamo fadhiid, taasi waa wax laga xumaado. Bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Bergen, waa bulsho firfircoon, oo wax garad iyo wax qabad leh, waxaana sanadahaan dambe ka jirey dhaqdhaaqyo wanaagsan. Ururka jaaliyada Bergen waa mid ka mid ah ururada ka jira magaalada Bergen, ma aha ururka kaliya ee ka jira magaalada Bergen. Ururku wax qabad badan ayuu leeyahay, gaar ahaan caawinaada dadka soomaaliyeed, ayaga oo ka caawiyo wixii la xiriira hay’adaha dowlada, side Barnevernet iyo Udi iyo Bergen kommune.

Qoraaga maqaalaka ee Bile Baasteey, waxaa la gudbooneed inoo hogaanka jaaliyada Bergen weydiiyo wixii su’aalo ah, si uu arrinka dhinacyadiisa kala duwan si cadaalad leh xog uga helo. Uusana ku deg degin hal aragti kaliya inuu soo gudbiyo, taas oo keeni karto qalad xirfadeed iyo aqoon yari.

Sida caadiga ah ururada bulshada, waxaa hogaankooda loo xilsaarey ineey daboolaan baahida bulshada soo dooratey. Hab ushaqeeynta ururada ayaa ah siyaabo kala duwan, oo u kala baxa waxqabad guud (bulshada oo dhan) iyo waxqabad gaar ah (qof in lagala shaqeeyo arrin shaqsi ah).

Jaaliyadu shaqada ay qabato, ayaa sidoo kale u kala baxa mid gaar ah oo ku saleysan qofka xubinta ka ah jaaliyada dhibaatooyinka heysta iyo shaqa guud oo ku saabsan wacyigelin guud.

Go’aanada dambe ee ka soo baxey dowlada Norway, waxey saameeyeen dad badan oo soomaali ah, oo ku nool magaalada Bergen. Dadkaas oo intooda badan la soo xiriirey jaaliyada, ayaga oo doonaya caawinaad gaar ah iyo garab.

Ma isku dayey qoraagu in qofka cabashada qaba, oo daneynaya in la caawiyo, uu ku guubaabiyo la xiriirka jaaliyada sidoo caawinaad u helo?

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Bergen, ayaa sidoo halkan ka cadeynayo iney doorkeeda ku garab siiyeen dadka la soo xiriirey, ayna u qabtee waxii ay awood u leheed. Kuwana ay kala talisey ineey la xiriir la sameeyaan qareen. Arrimha noocaas ah iyo caawimaadka shaqsiyeedka, ma aha mid la shaacin karo ama sharciga ayaan noo saamaxeyn inaan ka hadalno, sababtoo ah waxey soo galaan sharciga ah (Taushetsplikt). 

Wax qabadyada kale ee jaaliyada, waxaa ka lugu soo bandhigayaa kulan sanaddeedka jaaliyada, taasna ma ahan mid maqaal in lagu soo bandhigo ku haboon. Qodobka kale oo muhiimka ah, ee aan dooneyno inaa halkaan ku xusno ayaa ah, iney 6 xubnood oo hogganka ah kaliya eysan dabooli Karin baahida bulsho ka kooban qiyaastii 1700 oo qof. Oo qasab ay nugu tahay inaa sameyno kala shaandheyn shaqada oo arrimaha muhiimka ah ee dadka nala soo xiriiro quseeya aa culeyska saarno.

Waxey kalee taas cadeyneysaa, qof walba oo ka tirsan bulshada in looga baahanyahay inoo la garab istaago jaaliyada arrimaha ee u soo xil saarto, ama ee ka codsoto iyadoo loo daneeynaayo baahida bulshada.

Dhibaatooyinka ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bergen la kulantey, waxaa ugu weynaa isla markaasna ugu xanuun badnaa, ineey dadka qaar ka dalbadaan jaaliyada ineey lacag ku siiso shaqada ee bulshadooda u qabanayaan. Jaaliyada waxeey shaqadeeda oo dhan ku saleeysantahay iskaa wax u qabso, xubnaheedana lacag kama qaado, mushaar na ma bixiso.

 Halkaan waxaa ku xusayaa waajibaadka saaran, waxgaradka bulshada soomaaliyeed, iyo ineysan bulshadooda ka hagranin xoogooda, ee si daacad ah wax ugu qabtaan dadkooda. Iyaga oo aan ka fiirineyn dan gaar ah u qarsan.

 Qore: Hogaanka jaaliada Somaaliyeed ee Bergen.


FG: Fikirka, aragtida maqaalada iyo qormooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha maqaalada ama qormooyinka. 

Hey-ad norwiiji ah oo 23 milyan oo dollar ah ku qaadatey, mashruucyo yar-yar oo Soomaaliya ay ka fulisey

0

Wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringensliv, ayaa maalintii shaley aheyd soo saarey liiska hey-adaha iyo shirkadaha lacagta mucaawinada ah sanadkii 2015 ka helay, wasaarada arimaha dibada ee dalkan Norway.

Liiskan oo ay kujireen hey-ado boqolaal gaarayo, ayaa waxaa kujiro hey-ad lagu lagu magacaabo Nordic International Support Foundation. Taas oo lacag 35,4 milyan (NOK)  ah ku heshay mashruucyo ay ka fulisay Soomaaliya. Waxaana mashruucyadaas kamid ah xirista nalalka sollarka ah(cad-ceeda ku shaqeeyo) lagu xirey qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya. Waxaana sidoo kale la sheegay iney dib u dhis ku sameeyeen wadooyinka muhiimka ah ee isku xira dalka, iyo qaar kamid ah dhismayaasha burburey ee xafiisyada dowlada. 

Hey-adan ayaa sida ku qoran bogooda internetka, ah mid kheyri ah oo aan aheyn hey-ad ganacsi. Waxeyna hada gacanta ku hayaan mashruucyo aad u badan oo ka socda qaar  kamid ah gobalada soomaaliya iyo caasimada Muqdisho. 

Sida ku qoran bogooda internetka, waxey hada gacanta ku hayaan mashruucyo ay ugu waaweynyihiin:

  1. Xirista 2500 nalal sollar ah, oo laga fuliyo 16 degmooyin oo ku yaalo Soomaaliya iyo wadanka Maali. 

  2. Iney koronto sollar ah ku xiraan 8 isbitaal oo kuyaalo 5 magaalo ah oo Soomaaliya ah.

  3. Dib u dhiska 8 dhisme dowladeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.

  4. Dayactirka 4 wado iyo 2 buundo oo kuyaalo Soomaaliya.

Hey-adan ayaa dhaqaale ka hesho hey-ado iyo dowlada badan oo caalamka ah. Waxaana markaan xisaabiney noo soo baxdey, in hey-adan mashruucyo ay Soomaaliya ka fulisay, isku dar ku ay qaadatey lacag kor u dhaafeyso 23 milyan oo dollarka mareykanka ah.  

Hadaad isku fiiriso mashruucyada ay hey-adan sheegtay iney ka fuliso Soomaaliya, iyo lacagta ay ku qaataan fulinta mashruucyadaas, waxaa markiiba kuusoo baxayo inuu jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo qarashka lagu qaatey fulinta mashruuca iyo inta uu le-egyahay mashruucaas. 

-Tusaale ahaan: Mashruucyada hey-adan ay sheegtay iney ka fulisay Soomaaliya, waxaa kamid ah xirista 50 nal oo kuwa cad-cadeeda ku shaqeeyo ah, kuwaas oo lagu xirey wadada Maka al mukarama ee magaalada Muqdisho. Qarashka ku baxdey xirista 50-kaas nal, waxaa ku qoran iney tahay 5 milyan oo NOK. 50 nal vs 5 milyan? halkii nalba wuxuu ku fadhiyaa lacag dhan 100.000 NOK.

-Sidoo kale waxaa mashruucyada ay hey-adan ka fulisey Soomaaliya kamid ah, dayactirka iyo xirista koronto sollar ah, lagu xirey xarunta dowlada ee Villa Somalia. Lacagta ku baxdey xirista nalalkan ee Villa Somalia waxey gaareysaa 8 milyan NOK.

-253 nal oo kuwa cad-ceeda ah oo ay hey-adan sheegtay iney ku xirtey magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ku qoran iney ku baxdey lacag 6,106,000 NOK gaareyso. 253 nal vs lix milyan?

-Labo mashruuc oo aad u yar, oo hey-adan ay ka fulisay degmada Waajid ee gobalka bokool, ayey ku qaadatey lacag dhan: 617,670 dollar.

1.3 km oo wado ah, taas oo dayactir lagu sameeyey magaalada Beledweyne, ayey hey-adan sheegtay iney ku baxdey lacag dhan 665,000. halkii mitirba waxaa ku baxdey 512 dollar.?

Hey-adan ayaa xafiis ku leh magaalada Muqdisho, waxaana halkaas u fadhiyo Kasim Gabow Du´aale, oo kamid ah aqoonyahada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameyno Kasim, si aan wax uga weydiino hey-adan iyo mashrucyadaas faraha ee Soomaaliya ay ka wado. balse nooma suurtolagalin inaan helno. 

Hey-adan ayaa sidoo kale mashruucyo kal fuliso wado wadamada Maali iyo Myanmar(ex-Burma). Waxaana u qoran iney isku dar u shaqeeyaan 70 shaqaale ah. 

Yaa kontroll gareeyo mashruucyada hey-adan:

Shaki kuma jiro in hey-adan ay mashruucyo badan oo faa´ iido leh ay ka wado Soomaaliya, sida xirista nalal cad-ceeda oo qeyb weyn ka qaato xasilinta amaanka iyo isu socoshada bulshada kunool magaalooyinka lagu xirey.

Sidoo kale waxaa muuqdo in hey-adan ay qabaneyso mashruucyo badan oo looga baahna dowlada federaalka ama dowlad goboleedyada iney qabtaan. 

Su-aasha isweydiinta mudan ayaa ah: Hey-adan kheyr qabtada ah iyo hey-daha kaleba, yaa kontroll ku sameeyo in mashruucyada magaca soomaaliya lagu soo qaato, ay u fulaan sidii loogu talo galey?. Mise sheekadu waa: adaa moogow hurdee, maqane joogaa tahee, Soomaaliya waa Mashruuc(Heesti wasiir Beyle)

[adsenseyu2]

(Daawo): Jaaliyada Soomaalida oo kulan wada tashi ku yeeshay Magaalada Bergen.

0

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bergen, ayaa maalintii sabtida aheyd yeeshay kulan balaaran oo looga arinsanayey, arimo ay ugu waaweynaayen arinta la xiriirta dib u qiimeyta sharciyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600. Waxaana kulanka soo agaasimey gudiga jaaliyada soomaaliyeed ee Bergen.

Kulankan oo intiisa badan ahaa iswareysi iyo xog kala qaadasho, ayaa waxaa hadalo ka jeediyey qaar kamid ah aqoonyahada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaas, iyaga warbixino dadka ka siiyey qaabka ay u dhaceyso arintan dib u qiimeynta iyo qofka ay saameynta ku yeelatay ama ku yeelan karto. 

[adsenseyu2]

Sidoo kale kale waxey dadkii hadalka ka jeediyey kulankan, ay jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaas ku booriyeen iney yeeshaan midnimo iyo isku xirnaan dhexdooda ah, ayna u midoobaan qadiyada dadka soomaaliyeed ee sharciyadooda magangalyada dib loo qiimeynayo. Waxeyna sheegeen iney haboontahay in arintan si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhamaan magaalooyinka ay soomaalidu degantahay ee wadankan.

Kulankan ayaa la isku af-gartey in la sameeyo gudi aqoonyahano ah, kuwaas oo soo xaqiijiyo tirada dadka iyo saameynta uu go-aanka dowlada ee dib u celinta uu ku yeeshay, qeybaha kala duwan ee soomaalida ku dhaqan magaalada Bergen iyo agagaarkeeda. 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Bergen, ayaa kulankan isku raacday in la taageero, si weyna looga qeybgalo banaanbax balaaran oo la qabanqaabinayo in 25-bishan November uu ka dhaco magaalooyinka waaweyn ee wadankan Norway. Waxaana sida la sheegay qabanqaabada banaanbaxyadaas wado, qaar kamid ah xildhibaanada soomaaliyeed ee kujiro goleyaasha deegaanka magaalada waaweyn ee wadanka. Banaanbaxan ayay jaaliyadu sheegtay, iney ku garab istaagayaan qadiyada muwaadiniinta soomaaliyeed, ee dowlada Norway ay sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda, sababa la xiriira xaalada amaan ee Soomaaliya oo soo hagaagtey. 

Sidoo kale jaaliyada ayaa sheegtay iney ka qeybqaadan doonaan mudaaharaad arinta dib u celinta looga soo horjeedo, oo jimcahan fooda inagu soo heyso ka dhici doono magaaladaas. 

Reer Bergen ayaa doortey sadex xubnood oo ka shaqeyn doono qabanqaabada iyo isku duba-ridka banaanbaxyadaas la rajeynayo iney Bergen iyo magaalooyin kaleba ka dhacaan 25-bishan November. Waxaana sadexdaas xubnood ee la doortey lagu kala magacaabaa: Cabdirahmaan Cumar, Cabdirisaaq Axmed iyo Macalin Cabdul Axmed. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bergen ayaa ku dhaqaaqdey talaabo mudan bogaadin iyo amaan, maadaama ay noqdeen jaaliyadii ugu horeysay(inta aan ka warqabno) oo si wadajir ah kulan u yeelatay arimaha la xiriira dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee 1600 gaarayo. 

15057988_10207404510214024_789100525_n 20161112_180645 20161112_181022 20161112_181140 unnamed

 

[adsenseyu2]

 

 

Sylvi Listhaug oo lagu tilmaamey mid kamid ah Donal Trump-yada Yurub

0

Wargeyska caanka ee Washington Post ayaa wasiirada arimaha soo galootiga ee dowlada Norway, ku darey liiska siyaasiyiinta qaarada yurub oo ay ugu magac dareen Donald Trump-yada qaarada Yurub.

Liiskan waxaa Sylvi Listhaug kula jiro Geert Wilders(Party for Freedom, Holand), Marina La pen( Front National, Faransiiska), Norbert Hofer(Freiheitliche Partei Österreichs, Austria). 

Sadexdan siyaasi ee liiska kula jiro Listhaug ayaa, waxay ku caanbaxeen ajnabi iyo islaam naceyb. Gaar ahaan Marina La pen iyo Geert Wilders. Nobert Hofer, waxaa asna loogu naaneysaa Hitlerka cusub ee Austria. 

WP ayaa sheegay in guud ahaan qaarada yurub ay kusoo xoogeysanayaan xisbiyada midigta fog ee mayalka adag, sababo la xiriira soo galootiga tirada badan, Globaliseringenka(Isku furanka dowladaha aduunka) iyo shaqo la´aanta sii kordheysa ee kajirto wadamada qaarada yurub. 

Wargeyskan ayaa Sylvi Listhaug ku tilaamey iney tahay xidig si dhaqso ah usoo caan-baxdey, wuxuuna u saadaaliyey iney iyadu mustaqbalka hogaamin doonto xisbigeeda FRP. 

Sylvie Listhaug oo ka jawaabeyso liiska Washington Post ayaa sheegtay, in WP waxbo kala socon siyaasada Norway guud ahaa, iyo tan xisbigeeda FRP. 

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Allason: 2019 iskuma soo sharixi doono doorashada golaha deegaanka Kristiansand

0

Siyaasiga Abdullahi Allason oo kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa sheegay inuusan isku soo sharixi doonin doorashada golaha deegaanka ee magaalada Kristiansand sanadka 2019. Allason ayaa shaley hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay ka hortaga xagjirka, oo ay soo qabanqaabisey hey-ada Grace Center, kaas oo ka dhacey magaalada Oslo. 

-Siyaasi heer gobol/qaran

Abdullahi Allason ayaa sheegay in kursiga golaha deegaanka ee Kristiansand, uu rabo inuu u baneeyo dhalinyarada cusub ee soo kaceyso iyo dadka kale ee raba iney markooda is tijaabiyaan. Wuxuuna sheegay inuu isagu rabo inuu u gudbo siyaasad heer gobol ama qaran ah, maadaama uu golaha deegaanka Kristiansand mudo kamid ahaa. 

Allason ayaa kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee sida aadka ugu dhexmuuqdo siyaasada wadanka, gaar ahaan magaaladaas Kristiansand oo uu mudo degenaa. Si gaar ah, sanadadii ugu danbeeyay wuxuu Allason wax badan ka shaqeynayay arimaha la dagaalanka xagjirka. Wuxuuna kamid ahaa gudi gaar ah oo dowladu ay u xilsaartey, dajinta qorshe-qarameedka ka hortaga xagjireynta dhalinyarada. 

[adsenseyu2]

 

 

Ilham Omar: den første somalisk-amerikanske lovgiveren i USA.

0

Vårt-land: Ilhan Omar ble valgt inn i delstatsforsamlingen i Minnesota. Hun er den første somalisk-amerikanske lovgiveren i USA. Omar er praktiserende muslim og bruker hijab.

En uke før valget fikk somaliske immigranter i Minnesota attesten «disaster» av Donald Trump. Ilhan Omar kom til USA fra en flyktningleir i Kenya som 14-åring. Til radiokanalen NPR sa hun etter valget:

Dette var en seier for alle som blir fortalt at de må begrense sine drømmer

[adsenseyu2]

Denmark: 20 kun oo dollar qaado oo wadankaagii ku noqo

0

Bilihii ugu danbeeyay waxaa dadka soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan gaarey, wararka ku saabsan dhibaatooyinka lasoo darsay qoxootiga soomaaliyeed ee dalkan Norway. Warbaahinta soomaalidana waxey aad u hadalhayeen arinta celiska iyo dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway ee gaaraya 1600 qof.

Waxaa la ilaawey oo aan sida Norway oo kale loo hadalheynin, qoxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Denmark, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyadooda magangalyada. Reer Denmark dhibta way kaga horeeyeen reer Norway, balse jaaliyada soomaaliyeed ee wadankaas ayaa u muuqdo iney yihiin kuwo xir-xiran, oo aan xiriir fiican la laheyn soomaalida kunool caalamka kale. Sidoo kale wadankaas Denmark kama jirto(inta aan ognahay) saxaafad soomaaliyeed oo ka waranta xaalka jaaliyada soomaaliyeed ee wadankaas ku dhaqan. 

NorSom News ayaa maanta xiriir la sameysay qaar kamid ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee wadankaas kunool.

-From 1200 til 1450

Dhowr isbuuc kahor waxey dowlada Denmark soo saartey, war saxaafadeed ay ku sheegayso iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo gaaraya 1200. Balse waxaa soo baxayo warar sheegayo in isku dar dadka dib u qiimeynta lagu sameyn doono sharcigooda ay gaarayaan 1450, waxaana gadaal kasoo baxey 250 qof oo aan markii hore ku jirin tirada dadka dowlada wadankaas ay soo saartey. Waxaa intaas dheer tiro aan la ogeyn oo qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo wadankaas ku ah sharci la’aan.

[adsenseyu2]

Wadanka Denmark ayaa leh system-magangalyo oo xoogaa ka yara duwan kan Norway. Sida Norway oo kale Denmark malahan Degenaansho uu qofku qaadan karo, marka uu wadanka 3 sano joogo. Ilaa qofku uu ka qaadanayo dhalashada wadankaas, wuxuu heysanayaa sharciga koowaad ee magangalyada qoxootiga, kaas oo shantii sanaba mar la cusbooneysiiyo. Dadka sharciyadooda dib loo qiimeynayo ee kunool wadankaas, waxaa kujiro dadka 9 sano iyo ka badan wadanka degenaa. Qaarkood waxey wadanka ka shaqeynayeen 8 sano iyo ka badan, waxaa sidoo kale jiro qaar caruurtii ay Denmark ku dhaleen ay hada  9 sano jiro yihiin.

Dowlada wadankaas ayaa sheegtay iney si gaar ah u qiimeynayso sharciyada magangalyada dadka wax badan wadanka ka shaqeynayay ama caruur ku dhaley. Si gaar ah waxaa loo magacaabey dadka wax badan wadanka ka shaqeynayay oo canshuur badan qasnada dowladasoo galiyey. Waxaana sidaas noo xaqiijiyey qaar kamid ah soomaalida Denmark kunool oo aan la xiriirney.

-131 000 DKK + 40 000 DKK(Calaa ilmo).

Dadka aan la xiriirney ee Denmark ku dhaqan ayaa noo xaqiijiyey iyo hey-adaha qoxootiga wadankaas ay dhawaantan qabteen kulan ay ku casuumeen dadka loo sheegay in sharcigooda magangalyada dib loo qiimeynayo. Kulamadaas oo lagu siiyey warbixino kala duwan oo ku saabsan arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga.

Waxey noo xaqiijiyeen in dowlada wadankaas ay ku wargelisay dadka dib loo qiimeynayo magangalyadooda, in hadii ay noqoto in loo cusbooneysiin waayo sharciga magangalyada wadankaas, ayna go-aansadaan iney Soomaaliya ku noqdaan ay dowladu siin doonto taageero dhaqaale oo ay dib u sameysteen nolol cusub.

Dadka aan Denmark kala xiriirney oo qaarkood joogey kulamadaas ayaa noo cadeeyay in dowladu ay sheegtay in qofkii la siin doono lacag dhan 131.000 oo lacagta wadankaas ah(DKK). Qofkii ilmo heystana, calaa ilmo la siin doono 40.000 DKK oo dheeri ah.  131.000 DKK ayaa qiyaas ahaan u dhiganta 20 kun oo dollar,  halka 40.000 DKK ay u dhiganto 5 kun oo dollar. 

Sida ay sheegayaan dadka aan wareysaney ee ku dhaqan Denmark, lacagtaas qofka hal lama wada siinayo. Qeybta koowaad(51.000 DKK) waxaa la siinayaa marka uu Airportka ka dhoofayo, halka inta kalena(80.00 DKK) la siin doono hal sano kadib, markuu Soomaaliya ku noolaado.  

Dowlada Soomaaliya:

Dadka aan la xiriirney ee Denmarku ku dhaqan ayaa dhamaantood isku raacsan in dowlada Soomaaliya, ay tahay mida bixisey cadeynta ah in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtey, dadkana lagu soo celin karo. Waxey sheegeen inuusan jirin heshiis cad oo qoran oo la saxiixey, balse uu jiro is-afgarad ku saabsan celinta qoxootiga soomaalida ee ku dhaqan wadankaas.

 

Sidoo kale waxey sheegeen in dowlada Denmark ay lacag 20 milyan oo dollar ah ay sanadkii lasoo dhaafey ay siiyeen dowlada Federaalka ah iyo qeybo kamid ah maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana maamulka Jubba-land State ee ka arimiyo degmooyin gooban oo katirsan gobalada jubbooyinka iyo gobalka Gedo. Waxaana lacagtaas loo sii mariyey hey-ado ay kamid tahay hey-ada Danish Refugee Council.

[adsenseyu2]

 

 

 

 

 

Booliska Norway oo Uniform-ka badashey

0

Booliska Norway ayaa 40 sano kadib iska badaley uniformkii ay ku shaqeyn jireen ee madowga ahaa, iyaga oo ku badashey uniform-kan cusub oo midabkaan kore leh(sawirka kore fiiri).

Hay-ada maamusha booliska ayaa sheegtay in uniformkii hore ee madowga , uu ahaa mid leh muuqaal si dhaqso leh u soocmi kara, isla markaana meel dheer laga arki karo. Sidaas darteedna ay u doorteen midabkan cagaar-xigeenka ah, maadaama aan si dhaqso ah looga dhex-saari karin midabada kale, meel ay dad badan joogaan.

Booliska ayaa uniformkaan cusub wadan doono 2 sano oo tijaabo ah, inta aan go-aan rasmi ah laga gaarin.

Xigasho/kilde: Aftenposten

77 caruur soomaali ah oo caawin soo weydiistay hey-adaha dowlada

0

Hay-ada qoyska iyo caruurta ee Bufdir( Barne-og familiedir…) ayaa maanta bogeeda rasmiga ah ee internetka kusoo daabacdey warbixin kooban oo sheegaysa in 500 oo caruur ah ay xiriir lasoo sameeyeen laamaha dowlada sanadkan 2016, iyaga oo caawin weydiisanaya. Caruurtan ayaa isugu jiro kuwa wadanka dibadiisa looga soo tagey, kuwo in si khasab ah loogu guuriyo ka baqaya iyo qaar kacabsi qaba gudniin. Waxeyna ka koobanyihiin kuwo wadanka ku korey iyo waliba kuwo wadanka ku cusub.

Warbixinta ayaa sheegayso inay kor u kacdey tirada caruurta ah, ee sanadkii caawin soo weydiisata dowlada. Sanadkii 2015 ayaa waxaa dowlada lasoo xiriirey caruur gaareyso 399, halka ilaa hada sanadkan ay xiriir soo sameeyeen caruur dhan 500.

Pakistan iyo Somalia.

Warbixintan ayaa sheegayso in caruur badan oo kuwa xiriirka soo sameeyay kamid ah, ay asal ahaan kasoo jeedaan wadamada Pakistan iyo Somalia.

95 kamid caruurta caawinta soo weydiistay, waxey kasoo jeedaan Pakistan. Waxeyna kiisaskoodu u badanyihiin, kuwo qasab loogu guuriyay ama ka cabsi qaba in si qasab ah loogu guuriyo.

77 kamid ah caruurta gacanta hey-adaha dowlada weydiistaya, waxey kasoo jeedaan Somalia. Intooda badan waa kuwo wadanka dibadiisa inta la geeyay looga soo tagey ama kuwo ka cabsi qaba in wadanka dibadiisa looga soo tago. Sidoo kale waxaa kujiro kuwo ka cabsi qaba gudniin.

Kompetanse-teamet oo ah kooxda ay caruurtan lasoo xiriireen, caawintana soo weydiisteen ayaa ah koox ay ku midoobeen hey-ado badan oo dowlada ah. Teamkan ayaa ka kooban dad ka socdo: Hay-ada isdhexgalka iyo dib u dajinta (IMDi), Laanta socdaalka iy agaasinka soo galootiga (UDI), Haya-ada booliska(POD), Hay-ada shaqada iyo taakuleynta(Avdir) iyo waliba hey-ada caruurta, dhalinyarada iyo qyska(Bufdir). Shaqadooda ugu weyna waa iney hey-adaha dowlada ku hagaan, aqoona ka siiyaan sidii howshan wax looga qaban lahaa.

Dowlada ayaa dhawaan soo saartey App ay sheegtay in caruurta cabsanaya ay kala soo xiriir karaan. Appkan ayaa ah mid bilaasha oo caruurta meel walba oo caalamka ay ka joogaan ay hey-adaha dowlada kala soo hadli karaan.

[adsenseyu2]

Xigasho/kilde: Bufdir.no

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Xubno ka tirsan dowlad federalka Somalia oo Oslo socdaal shaqo ku imaanayo

0

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog ogaal ah, waxaa maalinta talaadada ah ee 15-ka bishan November socdaal shaqo ku imaanayo magaalada Oslo, xubno ka tirsan dowlada federalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegayo in wafdigaas uu kamid yahay Abdullahi Sheikh Cali oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta ee DFS. 

Wafdigan ka socdo dowlada Somalia ayaa ka qeybgalayo shir ay isla qabanqaabiyeen hay-ada horumarinta u qaabilsan qaramada midoobey ee UNDP, hay-ada caalamiga ee socdaalka aduunka(IOM) iyo wasaarada qorsheynta iyo iyo xiriirka caalamiga ee DFS. Waxaana la sheegay in shirkan looga hadli doono sida qurbo-joogta soomaaliyeed ay qeyb uga noqon lahaayeen qorsha dib u dhiska dalka.

Sida ka muuqato qabanqaabada shirka, waxaa lagu casuumey qeybo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan qeyb yar oo kooban oo macrifada hoose ah. 

Shir noocan oo kale ah ayaa maalinta barito ah(12-11-2016) ka dhici doono magaalada Stocklom ee wadanka Sweden, iyada oo maalinta axada ahna uu isla shirkan oo kale ka dhici doono magaalada Borlänge Sweden.

Xaalada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway iyo socdaalka wafdiga dowlada: 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway ayaa waxaa xilayadii ugu danbeeyay lasoo darsey dhibaatooyin waaweyn oo dhowr ah, haba ugu darnaatee dhibaatada xaga sharciga kasoo wajahdey muwaadiniinta soomaaliyeed ee 1600 kor u dhaafaya.

Wafdigan ka socdo dowlada Soomaaliya ee socdaalka ku imaanayo Oslo, waa kii ugu horeeyay ee heer federal ahaan ku yimaado Norway, tan iyo markii ay soo baxdey tirada dadka soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeelatay go-aanka dowlada Norway ee dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga. 

Inkasta oo sababta ay Oslo u imaanayaan aysan lug ku laheyn arimaha qoxootiga, hadana waa wafdi ka socdo dowladii federalka aheyd ee mataleysay qaranka iyo shacabka soomaaliyeed, meel walbe oo ay  caalamka ka joogaan. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway waxaa la gudboon, iney wafdigaas ka socdo dowlada soomaaliya ay marka ay dhemeystaan kulankooda, la yeeshaan kulan guud. Si warbixin buuxdo looga siiyo xaalada cakiran ee qoxootiga soomaaliyeed ee Norway uu ku suganyahay. 

[adsenseyu2]

 

(Sawiro):Maamulka masaajidka cusub ee Bergen oo codsadey in gacan lagu siiyo dayactirka masaajidka

0

Waxaa dhawaantan laga furay magaalada Bergen, masaajidkii ugu horeeyay oo ay maamulkiisu soomaali yihiin. Masaajidkan cusub ayaa waxaa laga furay wadada solheimsgaten 58, xaafada Denmarks plass, meeshii horey ay ugu yaali jirtey dukaanka Europis, wadada u dhaxeysa I train Danmarksplass iyo Coop Extra.

Masaajidkan cusub oo loo bixiyay Masjidul-Huda ayaa ku fadhiyo dhul aad u weyn baaxad ahaan, waxeyna maamulka masaajidku sheegeen in loo qeybin karo dhowr qeybood. Qeyb ay raga ku tukudaan, qeyb dumarku ay ku tukudaan oo u gaar ah, qeyb dugsi quraan lagu dhigan karo, si caruurta iyo dhalinyarada loogu baro  diinta iyo waliba quraanka, ama dadka waaweyn ay ku xifdiyaan karaan quraanka kariimka ah, maalin walba oo isbuuca kamid ah. 

Maamulka masaajidka ayaa sheegay in masjidkan cusub oo noqon doono meel ay si weyn uga faa iideynstaan dhamaan muslimiinta kunool magaalada Bergen, gaar ahaan jaaliada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada.  

Hadaba maamulka ayaa ka codsanayo umada soomaaliyeed ee ku dhaqan Bergen ama guud ahaan Norway inay ka qeybqaataan dayactirka iyo dhameystirka masaajidka. Waxyaabaha sida gaarka ah uu masaajidka cusub baahida ugu qabo, ayaa waxaa kamid ah:

Haamaha biyaha kululeeyo: Maamulka ayaa sheegay in biyaha kujiro masaajidka ay yihiin kuwo qabow ah, waxaana sababey haamaha biyaha kululeeyo ee kujiro dhismaha oo ah kuwa aan u shaqeyn sidii la rabey, una baahan in la badalo. Qabowgan iyo vinterka lagu jiro darteed, waxaa muhiim ah in la helo biyo kulul oo dadka masaajidka ku tukanaya ay ku weyso qaataan.

Sajaayado/rooga lagu tukado: Ilaa hada waxey maamulku sheegeen iney suurtogashey in lasoo uruuriyo sijaayado dhowr ah oo ay dadku si kumeel gaar ah ugu tukudaan. Waxaana sida aad ka arki kartaan sawirada hoose banaan dhul weyn oo kamid ah masaajidka. Maamulka ayaa codsanayo in laga qeybqaato dhameystirka roogago lagu tukado, si dad badan ay ugu suurtogasho iney ku tukudaan gudaha masaajidka. 

Kitaab: Ilaa hada waxey maamulku sheegeen in masaajidka ay yaalaan afar kitaab oo qaar kamid ah jamaacada masaajidka ay guryahooda kasoo qaadeen. Sidaas darteed waxey maamulku sheegeen in loo baahanyahay in masaajidka loo soo furo kitaabo kale oo badan, si dadka masaajidka ku tukanayo ay ugu suurtogasho iney quraanka ku akhristaan masaajidka gudahiisa.

Noqo Medlem: Maamulka masaajidka ayaa ku boorinayo dhamaan soomaalida kunool magaaladaas iney medlem ama xubin ka noqdaan masaajidkan cusub ee Huda. Xubin ka noqoshada masaajidka waxey lamid tahay adiga oo masaajidka taageeray dhaqaale ahaan.

Ugu danbeyn maamulka ayaa ka codsonayo soomaalida kunool wadanka oo dhan, gaar ahaan magaalada Bergen iyo gobalka Hordaland, iney sida ugu weyn uga qeybqaataan dhameystirka iyo dayactirka masaajidkan cusub oo ah kii ugu horeeyay ee jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladaas ay yeeshaan. Ka qeybqaadashada dayactirka iyo qurxinta masaajidku waa saddaqo jaari ah oo aakhiro iyo aduunba ku anfici doonto.

Waxaad ku soo hagaajin kartaa wixii Tabarucaad ah Maamulka Masjidka oo kala ah:-

Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe: 94725932

Maxamed Cabdi Maxamuud: 48479363

Aadan Xasan Buulle: 93058998

Kontonr: 3633 43 98239 Sparebanken Vest

Adresse: solheimsgaten 58 , Magaalada Bergen ee Dalka Norway.

unnamed-2 unnamed-3 unnamed-4 unnamed-5 unnamed-6 unnamed-7 unnamed-8 unnamed-9 unnamed

Siyaasiyiinta soomaaliyeed maxey kaga dayan karaan Khaled Mahmood 1996?

0

Ninkan wajigiisa horey ma u aragtay? 20 sano kahor, April 1996 xagee joogtey?. Horey ma u maqashey wax la dhaho Innvandreregnskap.? Mise ogtahay in ninkan go-aan uu gaarey 1996, ay maanta kuu fududeyneyso inaad Norway ama Oslo degenaato dhibaato la´aan? 

Khaled Mohamud waa siyaasi ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, waxa uu kamid yahay golaha deegaanka ee Oslo. Asalkiisu waa Pakistani, balse wuxuu Norway yimid isaga oo 16 jir ah. Waana siyaasiyiga xiliga ugu dheer fadhiyay golaha deegaanka ee Oslo, isaga oo kamid noqday sanadkii 1983, ilaa hadana wuu fadhiyaa. 1983 waa sanadkii la ogolaadey in qof heysto dhalasho ajnabi ah uu kamid noqdo golaha deegaanka magaalooyinka. 

innvandrerregnskap iyo 1996?

Khaled hada waxa uu ka tirsanyahay xisbiga Ap, balse waxa uu Labaatan sano ku dhawaad kamid ahaa xisbiga Høyre, ilaa uu isaga baxey sanadkii 1996. Sababta uu khaled uga baxey xisbiga Høyre ayaa aheyd, diidmadii uu diidey wixii lagu magacaabi jirey innvandrerrenskap.

Xisbyada Høyre iyo Frp oo isgarabsanaya ayaa soo jeediyay qorshe ay ugu magac-dareen innvandrerregnskap, taas oo loola jeeday in la xisaabiyo dakhliga soo gala shaqsiyaadka ajaaniibta ah ee Oslo kunool.  Inkasta oo qorshahooda ay aad u qurxinayeen, hadana ujeedada guud ee ka danbeysa, waxey aheyd in la xisaabiyo dhaqaalaha soo gala shaqsiyaadka ajaaniibta ah.

[adsenseyu2]

Sidaasna lagu qiimeeyo iney wadanka faa iido u leeyihiin iyo iney nusqaan dhaqaale ku hayaan. Hadhowna la dhaho qowmiyad hebel ayaa wanaagsan ee hala soo dhaweeyp ama qowmiyad heblaayo  faa iido malahan, ee yaan la qaabilin. 

FRP iyo Høyre waxey heysteen kalsooni iyo kuraas ku filan oo ay ku meelmariyaan qorshahooda, balse waxaa ka hoos kacey Khaled oo diidey inuu taageero qorshaha xisbiga uu kamid ahaa ee Høyre. Cadaadis xoogan ayaa lagu saarey inuu taageero qorshaha, balse wuu diidey, ugu danbeyna wuxuu go-aansadey inuu xisbiga Høyre isaga baxo gabi ahaanba. Waxa uuna golaha deegaanka Oslo kasii mid ahaadey isaga oo aan xisbina matalin, ee shaqsi madaxbanaan ahaan kujoogo. Gadaal danbana wuxuu ku biirey xisbiga shaqaalaha ee AP, oo uu ilaa maanta ka tirsanyahay

Khaled waxey mediayaha wadanka ay ka qoreen oraah uu ku caan baxey oo aheyd:

Alaabta suuqa taalo ayaa la qiimeeyaa, ee qof bini aadam ah qiimahiisa lacag laguma xisaabiyo.

Bixitaanka iyo iscasilaada Khaled Mahmood waxey sababeen in FRP iyo Høyre ay waayaan kuraas ku filan, si ay talada degmada Oslo ula wareegaan. Halkaasna waxaa ku burburey qorshii qiimeynta dhaqaalaha ajaaniibta. Khaledna waxa uu sidaas ku noqday halyeey, ilaa waagaasna, kursigiisa golaha deegaanka Oslo muran iyo ciriiri magalin. Doorashadii ugu danbeysay ee 2015, waxa uu kaligiis helay codad ku dhow 4000.  Khaled Mahmood wixiisa kale ha walaaqdo, laakiin la iskuma hayo in ajaaniibta Norway ay diidmadiisii wax weyn ugu fadhido maanta. 

Hadaad rabto inaad waxbadan kasii ogaato mowduucan waxaad Google ku qortaa Khaled Mahmood og innvandrerregnskap 1996.

Siyaasiyiinta soomaalida ee maanta maxey ka baran karaan Khaled?

Hadii hal qof uu qorshe ay labo xisbi wataan burburiyey, maxey 40-ka xildhibaan ee soomaaliyeed ee kujiro golayaasha deegaanka magaalooyinka wadanka, qaban karaan hadey isku tagaan?. Ma ogyihiin awooda siyaasadeed oo ay ku fadhiyaan? 

[adsenseyu2]

Dhalinyarada Muqdisho oo fikirkooda ka dhiibtey go-aanka dib u celinta dowlada Norway

0

Tv-ga Somali Cable ayaa xaley barnaamijka xogta dahsoon kusoo qaatey arinta dib celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Norway. Somali Cable ayaa mikrofoonka la dhex qaadey qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho, iyaga oo weydiiyey fikirkooda ku aadan go-aanka dowlada Norway iyo ogolaanshaha dowlada Soomaaliya.

Dhalinyarada fikirkooda dhiibtey ayaa dhamaan isku raacay in Soomaaliya aysan maanta joogin xili dib loogu soo celiyo dhalinyaro iyo muwaadiniin soomaaliyeed oo dalka ka qaxey, iyada oo wali ay jirto dhibaatooyinkii markii horeba ku qasbey iney wadanka isaga cararaan. Waxeyna sheegeen in dowlada Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha Xasan uu ku fududaadey hadalkiisii soo dhaweynta dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee qaarada Yurub, gaar ahaan Norway.

Dadka fikirkooda dhiibtey ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliya joogto, ay maanta ku suganyihiin xaalad nololeed oo adag, dowlada Soomaaliyana ay awoodi weyday shaqo abuurista dhalinyarada wadanka gudahiisa kunool. Sidaas darteedna aysan habooneyn in dhalinyaro kale oo soomaali ah dalka dib loogu soo celiyo, iyada oo kuwii dalka ku noolaa aan wali wax loo helin.

Halkan ka daawo barnaamijka Somali Cable ee xaalada qoxootiga soomaaliyeed ee Norway iyo wariye Maxamed Maxamuud dhoore.

[adsenseyu2]

Bodø: Gabar dhalinyaro soomaali ah oo heshay warqad isir-neceyb iyo cunsurinimo ah

0

Sumayo jirde waa gabar 18 jir soomaali ah oo ku nool magaalada Bodø. Jimcihii lasoo dhaafey ayey wargeyska aftenposten, qaybtiisa fikradaha kusoo daabacdey qormo ay ku difaaceyso xirashada xijaabka guud ahaan iyo in xijaabku uusan aheyn wax dumarka lagu qasbey, balse ay tahay doorasho iyo ikhtiyaar ay ayagu go-aankeeda leeyihiin. 

Wargeyska lokalka ah ee Bodonu.no ayaa shaley qoray in Sumayo Jirde, loo soo direy warqad isir neceyb iyo cunsurinimo ah, taas oo looga codsanayo iney ku noqoto Somalia, meel ay ku noolaan karto nolol xadaarad iyo ilbaxnimo la´aan ah. 

sumayabrev-20890
Warqada

Warqada waxaa Sumayo lagu tilmaamey iney tahay canshuur-khiyaameeye iyo iney culeys ku tahay mujtamaca norwiijiga ah. 

18-jirkan soomaaliyeed ayaa sheegtay ineysan wax shaki ah ka qabin in qoraalada iyo firfircoonideeda publica ah, ay tahay waxa cunsuriygaan magaciisa qariyey ku qasbey inuu warqada soo diro. 

Waxaan isticmaaley xaqeyga asaasiga ah ee aan u leeyahay inaan ra´yigeyda dhiibto, aana sheego waxa aan qabo fikir ahaan. Nasiib daro waxaa markaas oo kale imaanayo fal-celin noocaan oo kale ah. Waan ogahay in waxa qofkan uu soo qoray aysan sax aheyn, sidaas darteed saameyn iguma yeelaneyso. 

Sumayo ayaa sheegtay in qofka warqada soo direy uusan gaarin ujeedadiisa aheyd inuu afka qabto oo aamusiiyo, hadana ayba kusii dhiiratay iney qoraalada badiso, iyada oo rabto iney muujiso in cunsuriga warqada soo direy uusan gaarin hadafkiisa. Iyo iney dadka kale tusiso in la joogo xilagii la muujin lahaa dadaal dheeri ah oo arintan ku saabsan. 

18-jirkaan soomaaliyeed ayaa hadalkeeda raacisey iney jeclaan laheyd in cunsuriga warqada soo direy, ay la fashiisato si ay ugala doodo mowduucan. 

Sidoo kale koox cunsuriyaan ah ayaa Sumayo iyo shaqsiyaad badan oo ajaaniib ah u sameeyay liis ay ku sheegeen iney yihiin dadka mudan in lagu celiyo wadamadii ay ka yimaadeen. Marka laga reebo Sumayo waxaa liiskaas kujiro dhowr qof oo kale soomaali ah, waxaana kamid ah Abdullahi Allason, Ubah Abdullahi Aden, Mohamed Abdi iyo Baashe muuse, Haboon Beegsi, Warsan Ismael, Aisha Ali Mohamed(darawaladii busska Oslo), Halimo Nuur. 

Halkan ka fiiri liiskan iyo magacyada shaqsiyaadka 

Kooxda ama qofka liiska sameeyay ayaa wuxuu soo xigten ereyo ay shaqsiyaadkan soomaalida iyo ajaaniibta kale ah ka sheegeen warbaahinta wadanka. Waxeyna sheegeen iney yihiin dad u baahan in wadankoodii lagu celiyo. Dadka liiska ku qoran qaarkood, waxaa iska dhaley norwiiji iyo ajnabi. 

Waxaa muuqato in cunsurinimada iyo naceybka loo qabo dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan muslimiinta uu wax badan kor u kacey sanadadii ugu danbeeyay. Dowlada hada joogto ee FRP ay kamid tahay iyo wasiirad Listhaug-na ay gaas kusii shidayaan cunsuriyadii iyo naceybkii qarsoonaa ee loo qabey soo galootiga. 

Xigasho/kilde: BODONU.NO 

[adsenseyu2]

 

(Talo): Abdisamad Xirsi: Hooyooy waan ku baryayaa ee saaxiibadey hortooda ha igu bahdilin

0

Qoraalkan waxaa af norwiiji ahaan noogu soo gudbiyey Abdisamad Abdullahi Xirsi oo kamid macalimiinta soomaalida ah, ee iskuulada hoose dhexe ka dhigta magaalada Oslo.


Oslo, 18-ka october, maalin jimco ah, saacad 17:30.  Waxaa dabaqa 2-aad ee Oslo city taagan shan wiil oo dhalinyaro ah aan ku qiyaasey da´da 16 ilaa 17. labo kamid ah waa soomaali, halka sadexda kalena ay isugu jiraan Norwiiji iyo carab/kurdi. Kama qasno ay way sheekeysanayaan, waxeyna u muuqatay in mid labada wiil ee soomaalida  kamid ah la xifaalinayay. Asagu isdifaac ayuu kujiraa, kuwo kalena wey qos-qoslayaan. Xumaanse ma ahan oo waa xaal dhalinyaro, kaftantanka iyo foorjada waxey u joogaan xiligeed.

Sidii loo joogey, ayaa waxaa halmar dhinac kasoo muuqatay haweeney soomaali ah. Labada wiil ee soomaalida ah midkood, gaar ahaana kii la foorjeenayay ayay magaciisa ugu yeertay. Intuu xoogaa yara naxay ayuu dhankeedii soo aaday. Mudo ayey wada taagnaayeen, balse waxaa kor laga arki karey in qofkaas dumarka ah oo wiilka hooyadii ah, ay isaga canaananeysay. Canaan qeylo la socoto, codkeedana sifiican ayaa loo maqli karey.

[adsenseyu2]

Afartii wiil ee kale waxey taaganyihiin meel aan wax badan ka dheereyn iyaga. Markey hooyadu xoogaa canaanteeda kor u qaaday, ayuu intuu xijaabka jiidey, dhinac usoo yara dhaqaajiyey, si codka hooyadii aysan wiilasha kale dhagahooda u maqlin. Aniga waxaan taaganahey dukaanka Brilleland, oo waxaa isoo xigo wiilka iyo hooyadii, codkoodana si fiican ayaan u maqlaa. Intaas ay hooyadu canaanta iyo hadalka wado, wiilku wuxuu hadba fiirinayaa wiilashii kale ee saaxiibadiisa ah, bal iney soo fiirinayaan iyo inkale. Inkasta oo ay wax walbe arkaan, hadana wey ismashquulinayaan, oo waxey iska dhigayaan kuwo aan waxbo la socon.

Sida aan codkooda ka dareemayo, hooyadu waxey wiilka ku canaananeysaa lacag stipend ahaan iskuulka uga soo dhacdey, oo uu wax kusoo gatey. Waxeyna ku amreysaa inuu soo wareejiyo kaarka, si lacagta inta ka dhiman uusan u khasaarin. Wiilku wuxuu isku dayayaa inuu hooyadii ku qanciyo iney codkeeda hoos u dhigto, wuxuuna ka codsanayaa in caawa marka guriga uu imaado ay ka wada hadli doonaan.

Ugu danbeyn waxey hooyadu jeebka la gashay jaakada wiilka, iyada oo kasoo saartey boorso yar oo ay ku jiraan kaarar dhowr ah. Wiilku wuxuu isku dayey inuu gacanta hooyadii qabto, balse hadana wuu sii daayey. Cod yar oo niyad-jab ka muuqdo ayuu dhowr jeer ku cel-celiyay: Hooyooy waan ku baryayaa ee saaxiibadey hortooda ha igu ceebeyn, hooyooy waan ku baryayaa ee meesha publica ah ha igu bahdilin. 

Hooyadu dhag jalaq uma siin cabashada wiilka, balse kaararkii ayay kala soo baxdey kaarka bangiga, iyada oo boorsadiina u dhiibtey isaga. Waxeyna u raacisay amar ah, inuu guriga uusan caawa kasoo daahin 8-da fiidnimo, hadii kale uu banaanka seexdo.

Aniga oo arkaya ayaa waxaa wiilka indhahiisa kusoo istaagtey ilin ciileed. Gadaal ayuu fiiriyay, mise kuwii saaxiibadii ahaa wali wey soo fiirinayaan. Markuu soo fiiriyay ayay halmar is wada maahiyeen, iyaga oo dareensiinayo ineysan waxbo arkin.  Indhaha intuu tirtirtey ayuu dhankoodii soo aadey, oo qosol beenaadna ku bilaabey hadalkiisa. Sheekadadoodii ayayna halkii uu kasii wateen. Balse waxaan hubaa in wiilkaas yar uurkiisa uu dab ka kacayay. 

Waxaan aad uga yaabey sida ay wiilka seriøs iyo dhab uga tahay, iyo sida hooyadu aysan marna ahmiyad u siineyn dareenkiisa, balse ay rabto kaliya in kaarka uu gacanteeda kusoo noqdo. Wiilka in kaarka laga qaado ma diidana, balsa goobta iyo sida qaabdarada ah ee saaxiibadii horteeda loogu ceebeynayo, ayaa waran la galiyey uga daran.

Kasoo qaad iney jiraan koox ay xifaalo iyo kaftan idinka dhaxeeyo. Kawaran hadii idinka oo wada joogo kooxdaas uu qof saaxiibkaa ah hortooda kugu ceebeeyo ama kugu bahdilo?. Maxaad sameyn laheyd? Ugu yaraan hadaadan la dagaalin qofkaas, salaanta dib danbe ugama aadan qaadeen.

Dhacdadan wiilkan yar iyo hooyadii waxey isoo xasuusiyeen dhacdo kale oo tan lamid ah oo kula kulmey Busska 31-Oslo. 

Gabar soomaali ah iyo hooyadeed ayaa busska wada saaran. Gabar kale oo iyada ay isku da¨ yihiin ayaa busska soo kortay. Salaan iyo iswareysi kadib, waxay hooyadu gabadha kale ay waydiisay, maxaad iskuulka ka dhigataa hada. Waxeyna ku jawaabtay: Studio-spesialisering, waxaana rabaa inaan dhakhtarnimo barto 2 sano kadib. 

Hooyada oo codkeeda kor u qaadeyso ayaa dhahdey: Maasha allah habo, ilaahey haku daayo. Doqontan feeraha weyn ayaa ilaahey guriga ii dhex-dhigey, waxey barato iyo waxey tarto midna maleh. Adigu fariid baad tahay ee dadaal habaryar, hooyana igu salaan. 

Gabadhii ay Dhashay ayaa sidii in geeri loo sheegay ama aduunka uu kusoo dumay, ayuu wajigeedu halmar madow noqday. Si aysan u maqlin cayda kasoo baxeyso afka hooyadii dhashey, ayey dhagaha u gashatay sameecado ay wadatay.  

Ujeedo:

Muhiimada aan usoo qaatay labadaan sheeko, ayaa ah iney ii fududeyso biyo-dhaca iyo dulucda qoraalkan. Hooyo iyo aabe, hadaad ilmahaaga rabto inaad canaanato ama aad u wax u sheegto, guriga idinkoo joogo samee. Waligaa iyo alahaa ilmahaaga haku hor canaanan, isaga oo saaxiibadii ay la joogaan. 

In waalidku ay ilmaha ku hor caayaan ama canaantaan saaxiidiisa hortiisa, waxey ilmaha mararka qaarkood uga darantahay xabad lagu dhuftay. Waayo waxey waxyeelo gaarsiineysaa kalsoonida shaqsiyeed ee ilmaha, waxeyna sawir khaldan ka siineysaa saaxiibadaa. Sidoo kale waxey ku beeri kartaa cuqdad nafsi, maadaama laga dhigayo qof bahdilan ama doqon ah.

[adsenseyu2]

 

 

 

Sweden: Wiil dhalinyaro soomaali ah oo ku guuleystay tartan gabayada ah

0

Tartan dhanka gabayada ah oo lugu qabtay magaaladda Stockholm ee caasimadda Iswiidhan, ayaa waxaa kaalinta koowaad galay Liibaan Cabdulle oo ah 20 jir asalkiisu uu yahay soomaali.Tartankan uu liibaan ku guuleystay ayaa ah mid loo qabtey xaafadaha ay ajaaniibtu ku badanyihiin ee magaaladaas.

[adsenseyu2]

Liibaan waa arday dhameeystiraya shahoodooyinka uu ugu gudbi lahaa jaamacadda qeybteeda daawooyinka, wuxuu dhinaca kalena ka shaqeeya xarrunta dhalinyaradu iskugu timaado ee ku taala xaafada Tensta oo ah xaafaddaha ay soomaalida iyo ajaanibtu u badan yihiin. 

Mar uu ka hadlayey nuxurka iyo fariinta uu xambaarsan yahay gabeygiisa ayuu sheegay inuu ku faraxsanyahay qoraalka uu diyaariyey balse dadka qaar ay u arkaan inuu eed sheeganayo laakin uu ku tilmaamay ineey tahay mid la xirriirta dhacdooyinka uu maalin walba arko.

Tartankan gabayada ee xaafadaha ajaanibta ayaa waxaa uu noqonayaa mid abaal marin loo siin doono Liibaan iyo gabeygiisa adduun dhan 25.000 (shan iyo labaatan kun) oo karoonka iswiidhish-ka ah.
“Gabeygu waa habka keliya ee aan ku gudbin karo codkeeyga iyo dareenkeyga iyagoo qoraal ah” ayuu yiri Liibaan oo ka hadlayey sida uu arko guusha uu gaaray.

“Haweeneyda Madoow”

Wiilkan dhalinyarada soomaaliga ayaa gabeykiisa si hoose ugu duqeeyay cunsuriyada kajirto wadankaas, gaar ahaan tan ay la kulmaan dadka madowga ah. Liibaan oo ka hadlaya cunsusiyada qarsoon ee dalkaas ka jirta, ayaa ku sifeeyey labbo nooc oo midkood uu ku sheegay ineey tahay cunsuriyadda qaboow.

“Haddii aan shaqo doonto sheegana inaan daganahay xaafadda Tensta,wuxuu shaqo bixiyahu igu qiimeynaya halka aan deegaan ahay deganahay iyo meeshaan ka imid, taasoo ah sawirka uu ka maqlay xaafadda Tensta. Taasi waxaan ku tilmaami lahaa cunsuriyadda qaboow, maxaa yeelay iyada ah tan ugu halis-san noocyadda ay cunusriyada ka kooban tahay. Lamana oga tan iyo inta ay cunusriyadaasi qaboob jireeyso, Marba haddii lugugu qiimeeynayo deegaan, magac iyo . Waa taa cunsuriyadda runta ah ee qaboow” ayuu yiri Liibaan Cabdulle oo sharax ka bixinayey magaca “haweeney madoow” ee gabeygiisa ugu magac darray iyo wejiyada cunuriyada dalkaan ka jirta ee lugula kaco  guud ahaan ajaanibta iyo gaar ahaan dadka madoow oo ay soomaalidu ka mid tahay.

Xigasho/kilde: Somaliska

[adsenseyu2]

Dadka ka yimid wadanka Sri-lanka oo iyagana sharciga magangalyadooda dib u qiimeyn lagu sameynayo

0

Wasaarada dastuurka iyo amniga dowlada Norway ayaa soo saartey wareegto cusub, taas oo ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada muwaadiniinta kasoo jeedo wadanka Srilanka ee dalbanaya deganaanshaha rasmiga ah. 

Wareegtadan cusub oo soo baxdey isbuuc kahor ayey wasaaradu ka codsatey booliska in codsiyadaas ay u gudbiyaan UDI-da, si loo qiimeeyo in baahidii magangalyo ee qofka ay meesha ka baxdey iyo inay wali jirto. 

Srilanka ayaa noqdey wadanka soo raacey Somalia, kaas oo muwadiniinta ka timid ay dowlada Norway sheegtay iney dib u qiimeyneyso sharcigooda magangalyada. 

Halkan ka akhri wareegtada cusub ee wasaarada.

[adsenseyu2]

 

 

(Maqaal): Bile Baastey: Fariidnimada reer Oslo iyo fadhiidnimada jaaliyada Bergen

2

Magaalooyinka dalka Norwey, waxa ay leeyihiin hogaan jaaliyadeed kuwaa oo lagu soo doorto doorasho bulshadu ay codkooda siiyaan hadba cidii ay u arkaan inay wax ka qaban karaan baahiyooyinka kala duwan ee jaaliyada magaaladaasi.

Waxaana baahiyaas kamid ah wacyigelinta, dhibaatooyinka soo wajaha qoysaska, dadka aan sharciyada heysan oo laga caawiyo sidii ay Looyaro ku heli lahaayeen, isbadalada siyaasadeed ee dalka ka dhaca, sida arrimaha hadda taagan iyo arrimo kale oo aad u fara badan oo aan qoraal maalin kaliya  lagu soo koobi Karin.

Ugu horeen magaalada Oslo waa caasimada dalka Norwey waa magaalo ay ku nooshahey jaaliyada soomaaliyeed oo aad u badan tiro ahaan.     jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladaasi, waa kuwo u shaqeeya sidii ay dadku ka filayeen iyo waliba si kasii wanaagsan.

Hogaanka Jaaliyada marka laga tago bulshada Oslo, waxaad moodaa kuwo si iskood ah mararka qaarkood isku abaabula. Waxayna mar waliba dhagta ku hayaan oo ay si joogta ah ula socdaan siyaasadaha dowlada Norwey, ka warqabida soomaalida magaaladaasi iyo magaalooyinka ku dhow dhow, si qof-qof ah iyo waliba si qoys-qoys ah. Waana sababta aan ugu yeeray inay yihiin fariidyaal.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa socday isbadal aad u xoogan, kaas oo aad moodo inuu salka ku hayo kacdoon iyo nabaad-guurin ka dhan ah soomaalida ku nool dalka Norwey. Si guud ayaana loo wada dareemay, waxaana aan aragnaa fal celinta reer Oslo iyo dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow.

Marka laga yimaado Oslo, waxaa jira meelo kale oo ay ku badan yihiin Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Norwey. Waxaana tusaale ahaan ka mid ah caasimada labaad ee Bergen. Waxaana ku nool jaaliyad soomaaliyeed oo tiro ahaan badan, aana la yareysan karin. 

15-kii December 2014-kii ayay ahayd markii doorasho qof iyo cod ah si kalsooni leh lagu doortay maamulka Jaaliyada Soomaalida Bergen. Kuwaas oo xilkii kala wareegey maamulkii ka horeeyey oo muddo laba sano ah soo hayay xilkaasi.

Hadaba Waxaa muuqata in mudadaas labada sano ah oo ay jirsatay jaaliyadu, inaysan ku tilaabsan horumar muuqdo oo la taaban karo, marka laga reebo in jaaliyadaha kale ee dalka ka jira ay ugu yeeraan jaaliyadii fadhiidka ahayd.

Tusaale ahaan sanadkan dowlada norwey waxay soo saartay amaro ka dhan ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool wadankan, iyadoo shaqsiyaad badan oo ka mid ah dadka deegaanka magaalada Bergen ay saameen xoogan ku yeelatay arintaasi. Mana jirto cid ka tirsan jaaliyada oo arrimahaasi u istaagtay sidii wax looga qaban lahaa.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya sababihii ay Jaaliyada u garab istaagi waysay dadkaas tan iyo waqtigii la soo doortay. Waa Maamul aan u habeysneen habkii maamul ee lagu hogaamin lahaa bulshada ay matalaan, waana maamul aan wali haba yaraatee wax la taaban karo la imaan oo aan ka ahayn Fadhiidnimo iyo inay dadku sii kala fogaadaan.

Sidoo kale waa maamul ka dhaga xiran waxyaabaha ka dhacaya wadanka Norwey, marka laga reebo inay firqo firqooyin u kala baxeen si la mid ah Ururadii Soomaaliya ragaadiyey mudada ka badan 25-ka sano.

Waxgarad ka tirsan Soomaalida ku nool magaalada Bergen oo ii waramay, ayaa ku tilmaamay maamulka Jaaliyada inay ku fashilmeen arrimihii loo igmaday. Iyaga oo ugu baaqay inay is casilaan, in kastoo mudadii labada sano ahayd ee la doortay waqti yar uu ka harsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee jaaliyadaha ka jira wadanka Norwey, ayaa  qaar badan oo ka mid ah ay ka hadleen arrimaha soomaalida, hase-yeeshee Jaaliyada Bergen ayaan u muuqan kuwo wax qorshe iyo diyaar garow ku muujiyay dareenkooda ku aadan dhibaatada la soo darastay Soomaalida. Arintaasna ugama aysan soo muuqan sidii looga baahnaa, waana sababta aan ugu tilmaamay inay Fadhiidyaal yihiin, halka Oslo ay mudatay fariidnimada lagu sheegay.

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.