tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 272

La Bushro Jama få bli: Ardada iskuulka Hadsel oo taageero weyn u muujiyey Bushro

0
Les saken på norske helt nederst, der det står xigasho/kilde.

Ardeyda dugsiga sare ee Hadsel-vgs ayaa garab istaagey, taageero weyna u muujiyey Bushro Jama oo ah gabadhii ay dowlada Norway usoo dirtey warqada sharci kala noqoshada, kuna amartey iney wadanka isaga baxdo.

Iskuulka Hadsel VGS ayaa ah iskuulka ay dhigata hada Bushro, waxeyna kujirtaa qeybtii ugu danbeysay ee waxbarashada dugsiga sare. 22-ka bishan aan kujirno ee November ayay Bushro qaadaneysaa imtixaankeedii ugu danbeeyay ee dugsiga sare. 

Sida uu qoraya wargeyska lokalka ah ee VOL.no, waxaa maanta qeyb kamid ah iskuulka isugu yimid dhamaan ardeyda dhigata iskuulkaas, iyaga oo wata boor ay ku qorantahay La Bushro Jama få Bli. Waxey sheegeen in ay ku faanayaan Bushro, asxaab iyo xiriir fiicana ay ku dhex leedahay deegaanka Stokmerknes oo ah deegaanka ay bushro iyo qoyskeedaba ay degenaayeen mudooyinkii ugu danbeeyay.

Sidoo kale waxaa maalinta barito ah loo balansanyahay mudaaharaad ay soo qabanqaabiyeen iskuulka iyo dadka deegaanka, kaas oo lagu taageero Bushro. Dadka deegaanka, ardeyda iyo macalimiinta iskuulka ayaana iska garabsadey abaabulka mudaaharaadkan.

Xigasho/kilde: VOL.NO

[adsenseyu2]

Kenya oo wali wada goodinta xiritaanka xerada qoxootiga dhadhaab

0
Les saken på norske helt nederst, der det står xigasho/kilde

Waxaa maalinba maalinta ka denbeysa soo xoogeysanaya goodinta ay dowlada Kenya ku guudineyso iney albaabada u laabi doonto xeryaha qoxootiga dhadhaab, ifo iyo dhagaxleey. Xeryahaas oo isku ay kunoolyihiin dad gaaraya 277.000, badankooduna ay yihiin soomaali.

Hay-adaha caalamka ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa go-aan mid sii xumeynaya xaalada bini aadanimo ee kajirto gudaha wadanka Soomaaliya, iyada oo dadkaas aan loo sameynin qorshe dib u dejin dhameystiran. Xaalada amaan ee soomaaliyana aysan aheyn mid xasiloon.

Dadka kunool xeryaha dhadhaab, waxaa kujiro qaar ku dhashey xeryahaas oo degenaa mudo 25 sano gaareyso. 

Dowlada Norway ayaa gaartey go-aan aan ka yareysan kan Kenya, kaas oo ah celinta qoxootiga soomaaliyeed, iyada oo xaalada dalka Soomaaliya aysan aheyn mid la isku haleyn karo.  Hay-adaha xuquuqda aadanaha yurubiyaanka ah ee dowlada Kenya eedeynaya, Norway xageey ku ilaaween?


VG: Verdens største flyktningleir(Dhadhaab) skal stenges: De sender oss til helvete.Det er krig i Somalia, den har vart siden 1991. Det er ingen til å styre landet. Mange dør hver dag. Mange flykter.

Xigasho/kilde: VG.no

[adsenseyu2]

Ururka ardeyda soomaaliyeed(SSF) oo kusoo biirey mudaaharaadka iyo reer Kristiansand oo 2 Buss ku imaanayo

0

Ururka ardeyda soomaaliyeed ee SSF(Somalisk studentforening) ayaa kamid noqdey ururada soomaaliyeed ee ka qeybqaadanaya mudaaharaadka loo balansanyahay maalinta sabtida inuu ka dhaca magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Grønland. Waxaana warkan kasoo xiganey qabanqaabiyeyaasha mudaaharaadka.

Ururka SSF iyo ardeydiisaba waxey kamid yihiin ururada ugu saameynta, sumcada iyo xooga badan ururada soomaalida ee ka dhisan Norway. Waana arin lagu farxo in ardeyda soomaaliyeed ee jaamacadaha ay ugu danbeyb kusoo biireen mudaaharaadkan lagu muujinayo sida looga horjeedo go-aanka dowlada Norway, ee ku saabsan celinta muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600.

Sidoo kale waxaa magaalada Kristiansand ka socdo qabanqaabo xoogan oo jaaliyada soomaaliyeed ee magaaladaas ay rabaan iney uga qeybqaataan banaanbaxa sabtida ka dhacaya Oslo. Abditifaax Mohamed Xirsi oo ah gudoomiyaha Den Somaliske komite i Kristiansand ayaa noo xaqiijiyey in reer Kristiansand ay rabaan iney kusoo baxaan labo buss, hadii ay u suurtogasho. 

Halkan ka fiiri qaar kamid ah boorarka ay jaaliyada soomaaliyeed ee Kristiansand u diyaarsadeen mudaaharaadka. 

Kristiansand iyo Oslo waxey isku jiraan 320 km, waxaana loo socdaa baabuurka mudo afar saac ah. Waxa reer Kristiansand ay masaafada intaas le-eg usoo jarayaan waa dhiig soomaalinimo iyo muujinta dareenkooda ku aadan go-aanka dowlada ee saameynta baaxada weyn ku yeelanaya muwaadiniinta soomaaliyeed ee magangalyada weydiistey dowlada Norway. Guul iyo gobonimo reer Kristiansand. 

Hadii reer Kristiansand ay afar saac soo socdeen, afar saacna sii socon doonaa, idinku reer Oslow maxaa fadhi ah oo idiin yaalo?. Sidoo kale soomaalida degan, Akershus, Buskerud, Østfold, Vestfold, Hedmark iyo Oppland maxaad idinkuna sugeysaan. 

Mudaaharaadkan ayaa maalinta sabtida ah ka dhici doono magaalada Oslo. Waxaana lagu balansanyahay in laga bilaabo xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Grønland saacadu marka ay tahay 17:00. 

Wixii 5000 oo qof ka yar waa doqonimo iyo dhiig la´aan.

[adsenseyu2]

 

 

Listhaug: Caruurta oo dugsi quraanka loogu diro wadamo kale, waxey caqabad ku tahay integrerinka

0

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi listhaug ayaa maanta sheegtay in ay wel-wel ku heyso caruurta loo diro dugsi quraanada dibada ah, iyada oo sheegtay iney dhaawici karto jaaniskooda ka qeybqaadashada suuqa shaqada Norway. 

Listhaug ayaa sheegtay inay doorbideyso in caruurtaas ay dhigtaan iskuulada sare ee Norway, si ay isugu diyaariyaan ka qeybqaadashada suuqa shaqada wadankan Norway. Waxeyna sheegtay in dugsi quraanada dibada loo aado, aysan caruurta ka saacideyn iney yeeshaan astaamo u fududeyna ka qeybqaadashada suuqa shaqada Norway. 

Hadalka wasiirada ayaa soo baxey,  kadib markii NRK uu warbixin ka diyaariyey masaajid ay leeyihiin koox turki ah, kaas oo gabdhaha qaarkood marka ay dhameeyaan fasalka 10-aad u dira dalalka Belgiumka iyo Turkiya, si ay halkaas ugu dhigtaan dugsi quraan una helaan aqoon kororsi diinta islaamka. 

Koox-diimeedka maamusha masaajidka ayaa sheegtay in arintan ay tahay howl ay waalidka gabdhaha dhaley ay raali ka yihiin, masaajidkuna uu kaliya ka yahay garwadeen, isla markaana uusan ku bixin wax taageero dhaqaalo ah. 

Sylvi Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay ineysan ogeyn in arinta dirista caruurta ee dugsi quraanada dibada, ay ka qeybqaadan karto xagjirnimada. Waxeyna sheegtay inaan la dhayalsan karin arintaas, dowladuna ay diyaarisey qorshe ku saabsan xagjirnimada. 

Wasiirad Listhaug ayaa sheegtay inay war walbe mudnaanta siineyso in caruurta ku nool Norway ay kamid noqdaan mujtamaca norwiijiga ah, isla markaana ay lahaadaan astaamo ka kaalmeenaya iney ka qeybqaataan suuqa shaqada Norway. Waxeyna sheegtay in taasina ay khuseyso qof walba, diinta uu rabo ha heystee.

Listhaug ayaa wax laga weydiiyey caruurta loo diro dugsiyada lagu barto diinta masiixiga, iyo iney farqi u dhaxeeyaan labada dugsi-diimeed?

Waxey ku jawaabtey in muhiimadu ay tahay in caruurtu ay helaan astaamaha qofka laga rabo si uu uga qeybgalo suuqa shaqada Norway. Arintaas ay khuseyso dadka oo dhan, iyada oo aan loo eegeyn diintooda.

Xigasho/kilde: NRK [adsenseyu2]

(Maqaal): Y.Khadar Ducaale: Waxaa la joogaa waqtigii aan arki laheyn awoodeena qowmiyadeed, waxna aan iska celin laheyn

0

Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan in yar akhristayaasha sharafta leh ama bulshadayda sharafta leh ee Soomaliyeed, khaasatan jaaliyada balaadhan ee reer Norway lawadaago arintan xanuunka badan ee beryahan laga dareemay dhamaan guri kasta ee Somaliyeed ee Norway kuyaala. Arintaas oo ku saabsan beegsiga gaarka ah ee bulshada Soomaaliyeed lagu bartimaadeysanayo, iyada oo larabo in sharciga lagala noqdo ugu yaraan (10.000)? oo Soomalida reer Norway ah.

Dabcan hada  waxaa la hadalhayaa in sharciga magangalyada lagala noqon doono 1600, laakiin tani waxa weeye bilow lagu eegayo bal sida feedback-ga(fal-celinta) bulshadu noqdo ama ay uga dareen celiyaan. Hadii  ay uhirgasho oo ay ku guulaystaan waxa sida cadceeda ucad in aanay arintan raafku intaas ku istaageyn ee ay usii socon doonto.-

1) Marka hore 1600 aan degenaanshaha gaadhin 2) Waxay noqon doontaa 3000 oo aan Statborgskapka gaadhin oo iyagana loogu marmarsoon doono in faceboogooda iyo macluumaadka ay bixiyeen isyeelan waayeen, sidaa darteed lagala noqday sharcigii. 3) 4000/5000 oo Norske passka haysta ama dhalashada haysta oo iyagana loogu marmarsoon doono in ay gobol hebel usafreen ama degmo hebel lacag udireen. Arintan waxay noqon doontaa tusbax furan, hadii aan midnimo lagaga hortegin, waana Strategy-card oo lidi ku ah qaranimada jaaliyada soomaalida ee Norge.

Markaa hadaynaan uhiilin kuwa maanta lahaysto oo aynaan ku taageerin Maal , Af iyo Sharciba, walee waxa xigi NIN KHAYRKII LOO XIIRAYOOW SOO QOYSO ADIGUNA.

Qof denbiile wuu noqonkaraa laakiin qaran ama qowmiyad Denbiilayaal , Beenlaawayaal iyo tuugo looma wada aqoonsan karo, lagumana tilmaami karo ama ma loogu yeedhi karo Tuugo. kan ugu yeedhaana waa Denbiile waxaana xaq loogu leeyahay in ladacweeyo.

OBS- TALOSIIN:MAXAA LAGUDBOON BULSHADA SOOMALIYEED EE NORGE ?

1) Waxaan soo jeedinayaa in talaabada ugu horeysa ee inala gudboon: waa in la taageero oo dhaqaalo lagu taageero dadka dhibaatadu ku habsatay, ee sabab cad iyadoona jirin lagala noqday sharcigii ay wadanka ku degenaayeen.

2) Waxaan soo jeedinayaa in ladacweeyo ninka sjefka ka ah UDI-da, sababtoo ah waxaan daawaday tobaneeyo beri kahor waraysi laga qaaday oo laweydiiyey in uu jirto qowmiyad uu ku tilmaami karo inay khiyaameeyeen oo macluumaad qaldan siiyeen si ay sharciga uqaataan?. Wuxuu kujawaabay inay soomaalida yihiin, isaga oo aan bixin wax cadayn ah ayuu ku gefey mujtamac ama jaaliyad dhan, waxaana xaq loogu leeyahay in maxkamad lala tiigsado, waayo waxaynu ognahay in aanuu wax cadayn ah arinkaa uhaynin. Tusaalena aanuu ka dhigan karin halka qof ee Hamar ay ka masaafuriyeen. Xaq umalihin in aynu bulshada reer Norway cayno ama dhaqankooda, sidaadoos kale kale ayay ayaaney iyakuna xaq u laheyn inen na caayaan, waana straffbar sharciga wadanka. Qofka madaxda ahina waa inuu umuuqdaa dhexdhexaad hadii kale waxa xitaa lagu dacweynkaraa in aanuu Appropriate person for this possisoin.

3) Wasiirada wadanka laftooda waa ladacweyn karaa hadii ay bulshada aflagaadeeyaan ama ay hadalo cunsuriyadi ka muuqan karto ay ku dhahaan bulshada, laakiin ilaahay ha tuso bulshadayda awoodooda.  Malaha geelkii oo kale baa nahay, la tiri awoodiisa waxaa la tusaa maalinta aaqiro.

Waxaanan kusoo koobayaa qoraalkayga walaalayaal inaga ayaa ajinebiga ugu badan tiro ahaan, anaga inaga ayaana ugu tabar daran. Saas darteed, waxaan umalaynaa in ay tahay waqtigii aan isku tashan lahayn ,si aynu wax isaga celino weerarka iyo aflagaadada inagu socota.


 

Hadii aad rabto inaad maqaal, qormo, faalo, warbixin ama fikir aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, waxaad noogu soo diri kartaa NorSomnews@gmail.com.

[adsenseyu2]

Somali laga celiyey xuduudka Norway

0

Sida ay sheegeen ilaalada barta kontoroolka ee Ørje tollsted, waxaa shaley galab halkaas laga celiyay nin dhalashadiisu soomaali tahay, oo rabey inuu Norway gudaha usoo galo.

Sida uu qoraya wargeyska lokalka ah ee Smaalenes Avis, ninkan ma uusan wadanin warqad aqoonsi ah shaqsayadeed ah oo sheegaysa qofka uu yahay, mana uusan sheegan sababta uu u rabo inuu Norway usoo galo. Sidoo kale ma uusan sidan lacag sheegi karta meesha uu ku sugnaa waqtigii ugu danbeeyay.

Smaalenes Avis ayaa qoraya in ninkan ugu danbeyn wadanka laga saarey. 

Xigasho/kilde: Smaalenes Avis

[adsenseyu2]

Halaga qeybqaato mudaaharaadka: Talo keena ama taladii la keeno raaca

0

Ururka Nye SOS rasisme ayaa qabanqaabiyey mudaaharaadkii ugu horeeyay ee looga soo horjeedo go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta iyo dib u celinta dadka soomaaliyeed ee 1600 gaarayo. Waxaa mudaaharaadka la qabanqaabiyey ururka Somalisk Velferdforening iyo ururo kale oo ilaa 8 gaaraya oo isugu jira soomaali iyo cid kaleba.

Waxey aheyd go-aan lagu farxo in markii ugu horeysay arinta celinta soomaalida laga sameeyay mudaaharaad, balse taas ma dhicin oo waxaa markiiba bilowdey koox hoose iyo isku dayo la rabo in mudaaharaadka lagu joojiyo. Waxaana isku deygaas dabada ka riixayo qaar kamid ah horboodayaasha jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan Oslo.

Cadkanow hadaan ku calfan, ku ciideeyay:

Dadka mudaaharaadka kasoo horjeedo si hadii loo fiiriyo waa loo garaabi karaa, balse hadana waxey ilowsanyihiin ujeedada iyo culeyska arinta laga hadlayo. Waxa laga hadlayo waa qadiyada muwaadiniin soomaaliyeed oo ay kamid yihiin haween iyo caruur. Waxey aheyd in anagu ka jaaliyada soomaaliyeed ahaan aan mar hore is abaabulno oo mudaaharaad iyo wixii kale ee aan sameyn karno aan ku dhaqaaqno. Taas ma dhicin sababtoo, awalba ma aanan laheyn urur ama jaaliyad na mideysa oo howlahaas oo kale agaasinta. Ilaa hadana ma muuqato talaabo muuqato oo arintan ka jaaliyad ahaan aan wax uga qabeneyno, marka laga reebo kulamo gaar-gaar ah oo qaar kamid ah siyaasiyiinta ay yeesheen. 

Hadii howshi jaaliyada soomaaliyeed laga rabey ay soo agaasimeen urur kale, waxey aheyd inaan hogaanka iyo qabanqaabada mudaaharaadka aan anaga ka soomaali ahaan la wareegno oo aanan marti ku noqon. Taasna ma dhicin oo dadka qaarkood waxey ku andocoonayaan, maxaa anaga naloola tashan waayey markii horeba, maadaama aan nahey ilmo libaax san ka taabte.

Qaar kamid ah dadka mudaaharaadka kasoo horjeedo waxey leeyihiin howshan waa howl soomaali u taalo ee ajaaniibta faraha hakala baxaan. Anaga maxaa tuke canbaar leh naga dhigey mar walbe oo aan dadka isaga dhex-saareynaa?. Maxaase diidayo inaan mudaaharaadka ka qeybqaadano, wixii talaabo anaga gooni ahna, aan dhinaceeda ka wadano?

Marka koowaad, waxaa ceeb nagu ah ka jaaliyad ahaan in aan awoodi weynay in talaabo muuqato oo wadajir ah aan ka qaadno go-aanka dowlada ee ku aadan muwaadiniinta soomaaliyeed. Marka labaad waxaa ceeb taas kasii weyn ah inaan tafaaruruq iyo kala qeybsanaan kala hor tagno qof walba oo gacanta noo soo taaga. 

Sidaas darteed waxaan ku boorineynaa dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda iney sida ugu weyn uga soo qeybgalaan mudaaharaadka. Wixii 5000 qof ka yar waa sharaf dhac iyo talo xumo.

[adsenseyu2]

Somali Global Diaspora(GSD): Maxaad u ilowdeen soomaalida reer Norway?

0

Golaha qurbo-joogta soomaaliyeed ee caalamka, waa gole la aas-aasey bishii June ee sanadkii 2014. Sida la sheegay waxyaabaha uu goluhu ka shaqeyn doono, waxaa kamid ah isku xirka iyo ka warqabka dhibaatooyinka jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala dhaqan dhulalka qurbaha ah ee soomaalidu ay dagto.

GSD waa gole ama urur kii ugu horeeyay noociisa oo kale ah, kaas oo qaata mas´uuliyada isku xirka qurbo joogto soomaaliyeed ee caalamka. Waxeyna laamo ka sameysteen inta badan dhulalka qurbaha ah oo ay soomaalidu degto. Norway waxaa bishii Maarso ee sanadkii 2015 lagu qabtey shir la sheegay in lagu aas-aasey laanta GSD ee Norway. 

Inkasta oo gaabis uu ku yimid xawaarihii ay GSD ku socdeen bilowgii, hadana waxaan la inkiri karin in mudadii yareyd oo ay dhisnaayeen ay qabteen howlo la taaban karo. Waxaana aragtideena ahaan ugu muhiimsaneyd gargaaristii qoxootiga soomaaliyeed ee dib uga soo barakacayey dalka Yemen, taas oo si weyn uga qeybqaateen taakulenta iyo dib u dajintooda. 

Maadaama ay GSD sheegteen iney ka warqabi doonaan, iskuna xiri doonaan qurbo-joogto soomaaliyeed ee caalamka. Maka warqabaan dhibaatada soo wajahdey jaaliyada soomaaliyeed ee Norway iyo baaxada ay leedahay? Hadey ka warqabaan, maxey ilaa hada uga aamusanyihiin, Yeyse ku haleynayaan oo marti uga yihiin? 

Laanta GSD Norway waxaa horyaala imtixaankoodii ugu horeeyey ee dhabta ahaa, kaas oo ay ku xaqiijin doonaan iney yihiin gole dhab oo run ay ka tahay waxqabadkooda. Ama waxey noqon doonaaan: Den typiske somaliske foreningen som gjør alt og samtidig ingenting.

[adsenseyu2]

Dhageyso: Taliyaha Hay’adda Socdaalka oo Inkiray in dad Qasab loogu sooceliyo Somaliya

0

Taliyaha Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax Heshiis ah oo ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dalal ka mid ah Yurub oo laga soo Celiyo Qaxooti Soomaali ah,waxaana uu Xusay in haba yaraatee aysan dhicin in Soomaaliya iyo Dalalkaas aan soo sheegnay aysan dhicin in ay ku wada heshiiyeen in Qaxootiga Soomaaliya ee wadamada Yurub Dalal ka mid ah galay lagu balamay in Soomaaliya lagu soo celiyo.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa Xusay in Talaabo Sharciga Waafaqsan laga qaadi doono Dadka sida Sharci darada ah ku bixiya Baasaboorka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Codka Koofi: Wardoon.net

[adsenseyu2]

 

Baashe Muuse oo gabi ahaanba laga waayey liiska xildhibaanada baarlamaanka u sharaxan xisbiga AP, magaalada Oslo

0

Baashe Muuse oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka  ee Oslo, kana mid ah siyaasiyiinta soomaalida ah ee ugu cad-cad xisbiga shaqaalaha, ayaa gabi ahaanba laga waayey liiska musharaxiinta baarlamaanka u sharaxan xisbiga AP, gaar ahaan magaalada Oslo oo laga soo doorto.

Baashe Muuse oo sanadkan loo saadaalinayey inuu kamid noqon doono tobanka xildhibaan ee ugu sareysa liiska baarlamaanka xisbiga AP ee magaalada Oslo, ayaa hada u muuqdo mid aan lagu soo darin liiskaas. Inkasta oo liisku uu yahay mid aan wali go-aan kama danbeys ah laga gaarin, hadana waxaa la yaab noqotey in Baashe aan gabi ahaanba lagu soo darin liiska, xitaa boosaska danbe anbe ee marti sharafta. 

[adsenseyu2]

 

Xisbiga AP, qeybtiisa Oslo ayaa tobanka boos ee ugu sareyso liiska ku taxey dadka norwiiji cadaan ah, marka laga reebo gabar asal ahaan kasoo jeedo wadanka ciraaq. Waxaana liiska laga buuxiyey dadka caan ka ah wadanka, qaarkoodna ay xilal waaweyn soo qabteen sida gudoomiyaha xisbiga Jonas Støre, wasiirkii hore ee arimaha gaashaanshiga Norway Espen Barth Eide iyo gudoomiyaha AP Oslo Jan Bølher. 

 Rajadii in qof soomaali ah uu soo galo baarlamaanka uu god dheer ku dhacdey:

Soomaali badan ayaa saadaalineysay in sanadka 2017 baarlamaanka Norway uu soo gali doono qof soomaali ah, maadaama tirada soomaalida Norway ay hada kor usii dhaafeen 40 000. Qofka ugu dhawaa ee arintaas loo saadaaliniyey waxa uu ahaa Baashe Muuse oo ahaa xildhibaanka helay codadka ugu badan ee bulshada soomaaliyeed, labadii doorasho ee ugu danbeeyay. Baashe ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyey inuu yahay musharax u taagan jagada baarlamaanka, isaga oo sheegay inuu ku tashanayo tirada dadka soomaaliyeed ee degan magaalada laga soo doorto ee Oslo.

Waxaa hada muuqato in rajadaas ay u egtahay mid ku dhacdey ceel-dheer salkiisa, maadaama Baashe aan lagu soo darin liiska, aysana muuqan qof kale oo booskaas u cad-cad.

Soomaalida Oslo qaarkeed ayaa sheegay in Baashe Muuse uu eersaday difaacida iyo u hadalka dadka soomaaliyeed, isaga oo marar badan kasoo horjeestay go-aamo uu xisbiga AP gaarey

Booska 19-aad ee liiska xisbiga AP Oslo,  waxaa kujiro wiil dhalinyaro soomaali ah oo lagu magacaabo Fawzi Warsame, kaas oo ka tirsan ururka dhalinyarada xisbiga, gaar ahaana qeybtiisa Sagene Oslo. Waa wax lagu faano in 18-jir soomaali ah uu xisbi weyn kusoo darsado liiska baarlamaanka, balse jaaniska Fawzi yare ee soo galista baarlamaanka waa mid aan jirin ama aad u yar. Hadii uu Fawzi sii wado dadaalka iyo firfircoonada, waxaa hubaal ah in sanado kooban gudahood uu ku noqon doono siyaasi si weyn uga dhex muuqan doono siyaasada wadanka. 

Xisbiga SV ayaa liiska musharaxiinta xildhibaanadiisa Oslo kusoo darey gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Maryan Cabdi Xuseen, balse Maryana waxa ay wali kujirtaa kaalinta 5-aad, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in Marian lasoo gelin doono booska 3-aad.

Jaaniska Mariam ee soo galista baarlamaanka waa mid aad u yar, hadii ay kusii jirto booska 5-aad. balse hadii laga dhigo booska 2-aad ama 3-aad, waxey heli kartaa fursad run ah. Su-aasha la isweydiin karo ayaa ah : SV maka faa-iideysan doonaan booska ay baneeyeen xisbiga Arbeiderpartiet ee soomaalida Oslo, oo Maryan horey masoo galin doonaan boos ay si run ah uga dagaalami karto mise?

Wali waxa aan soo bixin liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta baarlamaanka xisbiyada AP iyo SV oo dhameystiran. Wali waxaa dhici karto in siyaasiyiin soomaali ah oo kale ay kasoo bixi karaan gobalada qaarkeed, sida Abdullahi Allason oo Kristiansand laga soo doorto iyo Farhiyo Nuur oo Stavanger golaha deegaankeeda ka tirsan. 

Sidoo kale waxaa dhici karto iney jiraan musharaxiin kale oo kasoo bixi karo xisbiyo kale sida Høyre oo xildhibaan soomaali uu ku matalo magaalada Bergen. Waxaa jiro siyaasiyiin kale oo soomaali ah oo ka tirsan xisbiga SP sida Abdullahi Yuusuf oo degan magaalada Gjøvik. 

[adsenseyu2]

 

 

Advokat: Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga, waxey wadaa beegsi iyo dabagal dad gaar ah

0

Les saken på norsk helt nedert, der det står xigasho/kilde.


Daneil Riibe waa qareenka u doodaya Bushro Jama oo ah gabadha soomaaliyeed ee ayada iyo qoyskeeduba lagu amrey iney wadanka isaga baxaan.  Wuxuu sheegay in qof walbaa uu si fudud ku fahmi karo in qisada iyo sheekada Bushro Jamac ay tahay mid sax ah.

Halkan ka akhri warbixinta Bushro iyo qoyskan soomaaliyeed

[adsenseyu2]

Qareenkan u doodaya Bushro iyo qoyskeeda ayaa sheegay in hooyadan ay soo bandhigey cadeymo dhowr ah, kuwaas oo beeninaya eedeymaha ay laanta socdaalku usoo jeediyeen Bushro. UDI-du waxey gabadhan iyo qoyskeedaba ku eedeeyeen eedeymo cusub. Shaki-galinta noocan oo kale ah, waxey qoyskan ku tahay culeys aad u weyn.

Waxaan dareemayaa in su-aal walba oo ay dowladu isweydiineyso loo helayo jawaab waafi ah. Waxey aniga xageyga ila tahay in sheekada gabadhan ay tahay mid macquul ah oo isku xiran. Shakina kuma jiro in dadkeedu ay ku kala fidsanyihiin Soomaaliya, iyadoo ay ku qasbanaayeen iney hadba dhinac u guuraan. Dowladu waxey baaritaankeeda qeybo kamid ah u cuskuneysaa macluumaad laga soo uruuriyey facebooga. Aniga ahaan waxey ila yihiin eedeymahan kuwo aan ku taagneyn lugo badan. Daqiiqado kooban ayey nagu qaadatey inaan soo bandhigno cadeymo beeninaya eedeynta UDI-da ee ku saabsan in Bushro ay xili ku sugneyd Soomaaliya. Waxaan helnay documentiyo cadeyn kara in Bushro ay xiligaas iskuulka dhiganeysay.

Qareenka ayaa sheegay in marka uu la kulmo Bushro ay ka arinsan doonaan iney ka dacwoodaan go-aanka laga gaarey. Wuxuuna sheegay in lacagta qareenka hada ku baxeyso ay tahay mid ay dowladu bixineyso, laakiin wixii intaas ka danbeeyo hadii ay qoysku rabaan iney dacwada sii wadaan, ay noqoneyso in cid kale ay la wareegto qarashaadka ku baxaya u doodida iyo difaaca qoyskan.

 

Riibe ayaa sheegay in dowladu ay heysato qarash iyo awood ku filan oo kiiska kusii wada ilaa intii ay rabto, sidaas dartood ay xagooda jeclaan lahaayeen iney jirto awood siman oo soo bandhigista iyo raadinta cadeymaha adkeynaya sharaxaada Bushro. Wax walbo oo la weydiinayo, waxaa loo hayaa sharaxaad ku filan, mana jirto wax sheegaya ineysan run sheegeyn ayuu hadalkiisa raaciyey qareenkan. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in dowladu ay awood geliso raadinta cadeymo taageeraya sharaxaada Bushro, inta ay xooga saari laheyd cadeymaha beeninayaya sharaxaadeeda.

 

Waxey gudaha u galeen faceboogooda, ayaga oo raadinaya cida ay saaxiibka la yihiin, sidoo kale waxey baareen meelaha ay lacagta u diraan. Aniga ahaan waxey taas iila muuqataa beegsi iyo wiideysi. UDI-du waxey soo bandhigey waa cadeymo caato ah, kuwaas oo badankoodu ay salka ku hayaan dhaqdhaqaaqyada facebooga.  Ilaa hada ma ogin waxa markii hore sababey in qoyskan soomaaliyeed lagu bilaabo baaritaanka iyo dabagalka. Balse waxey u egtahay in UDI-du ay go-aanka gaarkooda ah gaareen.

Hadii ay eedeymo kaaga yimaadeen hey-adaha dowlada ee ajaaniibta qaabilsan, waxaa kugu waajib ah inaad adigu cadeyn la timaadid. Awood intee le-eg ayay qoyskan lahaan karaan, si ay uga hortaan eedeymo kaga yimid hey-ada dowladood oo awood u leh iney helaan macluumaad walbe oo ay u baahdaan.

Marka aan arko dhacdooyin noocan oo kale ah, waxaan ceeb igu ah inaan sheegto Norwiijiaan marka aan arko dhacdooyin noocan oo kale ah. Labada qof ee waaweyn waxa ay kamid yihiin deegaanka, waxey ayna bixiyaan canshuur, iyada oo caruurtooduna ay wadanka ku dhasheen. Lama hubo iney wax khalad ah sheegeen. 

Qareenka ayaa sheegay in go-aanka hada laga gaarey qoyskan uusan aheyn mid kama danbeys ah, isaga oo sheegay iney si fiican si fiican ugu noqon doonan go-aanka loo cuskudey qoyskan. Waxeyna u muuqataa ineysan jaanis u helin iney cadeeyaan waxyaabaha qaarkood.

Xigasho/kilde: Bladet Vesterålen, Vesterålen Online.

[adsenseyu2]

 

 

Gabar soomaali ah oo commentiyo ay facebook ku qortey dartiis loogala noqdey sharciga, iyada iyo qoyskeedaba

0
Les saken på norsk helt nederst, der det står xigasho/kilde

Warbaahinta Norway ayaa mudo isbuuc gudaheed ah warbixin ka qortey qofkii labaad oo soomaali ah, kaas oo laanta socdaal iyo agaasinka soo galootiga ay kala noqotey sharciga, sababo la xiriira macluumaad laga soo uruuriyey barta bulshada ee facebooga. (Warkan oo af norwiiji ku qoran ka akhri qeybta hoose ee qoraalkan)

Bushro Jamac waa hooyo soomaali ah oo Norwey timid lix sano kahor, iyada oo sharciga magangalyada heshay waxyar kadib markii ay wadanka iska soo dhiibtey. Waxey kadib u dacwootay ninkeeda oo lagu magacaabo Abdinaasir Barre, waxeyna qoyskan soomaalida ah Norway, gaar ahaan deegaanka Stokmarknes oo ka tirsan gobalka Nordlan ku dhaleen labo wiil oo 3 iyo 5 sano jiro ah. 

Sida ay qiranayaan asxaabta, macalimiinta iyo dhamaan dadka aqoon u leh Bushro, waxey qoyskan soomaaliyeed mudadaas yar oo ay Norway joogeen sameeyeen dadaal aan inaba caadi aheyn oo dad ka rooni ah. Abdinaser Barre oo ah aabaha qoyska, waxa uu si toos ah u shaqeynayay inta badan mudadadii koobneyd oo uu Norway joogay, waxa uuna hada si fast ah uga shaqeeyaa warshada kaluunka ee Nordlaks, isaga oo horey ugu shaqeyn jirey kommunaha Hadsel. 

Bushro jama  ayaa hada ayadna kujirto qeybihii ugu danbeeyay ee dugsiga sare, qeybtiisa aqoonta maadiga ah, iyada oo kusii talo jirto iney culuumta waxbasharada jaamacada kasii qaadato. Si aysan uga harin iskuulka, waxey mid kamid ah imtixaanada dugsiga sare ku qaadatey sariirta ay ku umushey mid kamid ah wiilasheeda. 

!!Ugu danbeyn 25. November isaga baxa wadanka!!

Sida uu qorayo wargeyska lokalka ee Bladet Vesterålen, waxey qoyskan soomaaliyeed jimcihii lasoo dhaafey heleen warqad socoto UDI-da, taas oo lagu wargelinayo in Bushro lagala noqdey sharciga dal kujooga, laguna amrayo iney wadanka isaga baxaan. Laanta socdaalka ayaa Bushro ku eedeyneyso iney UDI-da siisey macluumaad aan sax aheyn markii koowaad oo ay Norway iska soo dhiibeysay.

[adsenseyu2]

Waxaa markii hore qoyskan soomaaliyeed lagu wargeliyay iney wadanka isaga baxaan ugu danbeyn 14-ka bishan November, balse waxaa markii danbe loogu darey mudo sagaal maalmood ah oo ku eg 25. November. 22 November ayay Bushro la balansantahey qareenkeeda, iyada oo isla maalintaas qaadan doonto imtixaankeedii ugu danbeeyey ee dugsiga sare.

Bushro Jama oo u warameysay wargeysyada lokal ah ayaa sheegtay in UDI-du ay Bushro ku heystaan iney kasoo jeedo deegaan aan aheyn, deegaanka ay sheegatay markii ay isdhiibeysay. Waxeyna soo xiganayaan macluumaad ay kasoo uruuriyeen Facebooga, oo ay kamid yihiin comment ay facebooka ku dhiibatay iyo sawiro facebooga ah. Waxaana waxyaabaha hooyadan soomaaliyeed lagu heysto kamid ah dad ay ugu yeertay !!walaal!!, iyada oo bushro sheegtay in soomaalidu ay dadka axsaabtooda ah ugu yeeraan walaal, iyaga oo aan aheyn walaalo rasmi ah. 

Bushro Jama ayaa sheegtay in dhaqan ahaan soomaalidu ay wax caadi ah tahay in macluumaad aan sax aheyn  uu qofku ku qoro barta bulshada ee facebooga, sida norwiijiguba ay macluumaad aan sax aheyn ay ugu qoraan baraha bulshada qaarkeed, sida naaneysyo, taariikhda dhalashada oo la badalo iwm.

Waligey kuma aanan fakarin in waxyaabo been-been ah sidaas oo kale ah, ay dhaawici doonaan nolosheyda iyo nolosha qoyskeyga. Si run ah ayaan ugu jawaabey dowlada markii aan iska dhiibayey Norway, waxaana taariikhdeyda kusoo cel-celiyey intaas oo jeer.

Lacagta xawilaada:

Waxyaabaha ay UDI-du ku heysato qoyskan soomaalida ah waxaa kamid ah lacago ay u direen meelo kala duwan oo Soomaaliya ah. Waxey sheegeen iney lacago u dileen qoyskooda oo ku baro-kacey gudaha Soomaaliya. Abdinaser bare ayaa BLV u sheegay in Soomaaliya ay kajiraan dagaalo, hadii ay dagaalo iyo duqeymo ka dhacaan deegaan, waxey dadku u barakacaan deegaan kale. Qof walba oo fursad u hela, taas wuu sameeyaa.

Aaway xuquuqul insaankii: 

Hooyadan iyo aabahan Soomaaliyeed waxey Norway ku dhaleen labo caruur ah oo waligood indhaha saarin Soomaaliya. Waxey sheegeen in hadii ilmahooda ay soomaaliya kula noqdaan ay labada wiil uga cabsi qabaan iney kamid noqdaan caruurta u dagaalanta ururka al shabaab. 

Xuquuqul insaanku sidaan miyuu uga shaqeeyaa Norway. Waxaan halkan ku dhalney labo caruur oo aan Soomaaliya aqoonin. Ma waxaa wadanka nalooga saarayaa sababo la xiriira sawiro facebooga? Waligeen dulsaar kuma aanan noqon Nav, mana ihi qof danbiile ah. Norwiijiga ah waa looga digey iney Soomaaliya u safraan, laakiin anaga iyo caruurteenaba waxaa naloo dirayaa halkaas. Ma dadkaan ka duwanahey ? Ma fahmin ilaa hada ayay hadalkeeda raacisey Bushro oo caro ka muuqato.

Soomaalida Norway ma isku danqantaa? 

Sida ay qorayaan wargeysyada lokalka ah waxaa qoyskan soomaaliyeed taageero aad u weyn u muujiyey dadka deegaanka oo isugu jiro Norwiiji iyo soomaaliba. Maalintii shaley aheyd ee isniinta waxaa daarada iskuulka ay Bushro dhigato isugu yimaadey macalimiin iyo ardey laga dhakafaarsan go-aanada guracan ee UDI-du kula kacdey qoyskan soomaaliyeed.

Grethe Skagen Danielsen waa mid kamid ah dadka deegaanka ee aqoonta dheeriga ah u leh qoyskan soomaaliyeed, gaar ahaana hooyada. Waxey sheegtay in Bushro ay tahay qfokii ugu fir-fircoonida iyo dadaalka badnaa ee nolosheed ay lasoo shaqeyso. Waxey sheegeen in go-aanada iyo qaabka ay u shaqeyso UDI-du ay ku noqdeen afkala qaad. iyada oo hadalkeeda raacisey in meel norwiijiga looga digayo iney u safraan, hadana la rabo in lagu celiyo caruur Norway ku dhalatey, ay tahay wax aan caqliga saliimka ah geli karin.

Dhacdadan argagaxa leh ee soo wajahdey qoyskan soomaaliyeed waa mid taabaneyso dareenka qof walbe oo ay kujirto dhibic dhiig bini-aadanimo ah. Waxaana muuqato in sheekooyinka iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah ee kasoo yeerayo qoysaska soomaaliyeed iyo UDI-du, ay noqon doonaan kuwa taxano noqon doono dhawaantan, maadaama ay wali jiraan qoysas kale oo dhibaato ku dhacday oo aan laga warqabin.

Qoyskan soomaaliyeed waxey qaateen go-aan geesinimo ah, maadaama ay warbixintooda la qeybsadeen mediayaha wadanka, gaar ahaana kuwa lokalka ah. Waxaad qarsato waa ku qarsadaan.

Dayaca iyo kala daadsanaanta bulshadeena ku heysato gees walbe, waxaa kasii xanuun badan arxan la´aanta iyo isku gurmasho la´aanta dadka soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan. Soomaalida Norway waxaa ku waajib ah iney xiriir sida ugu dhow ula sameeyaan qoyskan iyo dhamaan qoysaska kale ee dhibaatooyinka soo wajahdey. 

Halkan ka akhri warbixinta hooyo kale oo soomaali ah, oo iyada iyo gabar ay dhasheyba lagu qasbayo iney Norway isaga baxaan. 

Xigasho/kilde: Vesterålen Online, Bladet Vesterålen 

Mudaaharaad:Ururka Nye SOS rasisme oo qabanqaabiyey mudaaharaad looga soo horjeedo celiska soomaalida

0

Ururka la dagaalanka cunsuriyada iyo midabtakoorka ee Nye SOS rasisme ayaa abaabuli doono mudaaharaad looga soo horjeedo dib u celinta dadka soomaaliyeed. Mudaharaadkan oo ay cinwaan uga dhigeen Stopp Listhaug! La somalierne bli ayaa dhici doono maalinta sabtida ah ee bisha November ay tahay 5. Waxa uuna ka dhici doonaa xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Grønland. 

Nye SOS rasisme ayaa mudaaharadkooda ku micneeyay in go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada soomaalida uu yahay mid ku saleysan cunsuriyad iyo naceyb loo qabo dadka qoxootiga ah ee magangalyada soo weydiistey Norway. Waxey sheegeen in Soomaaliya aysan aheyn meel nabad ah, balse ujeedada dowladu ay tahay in soomaalida iyo dadka kale ee qoxootiga ah wadanka la bixiyo iyaga oo aan xaalad bini aadanimo u fiirineyn.

Nye SOS rasisme ayaa noqdey ururkii ugu horeeyay ee isku taaga arinta soomaalida, oo xitaa kaga hormarey ururadii boqolaalka gaarayey ee  soomaalida ahaa. Soomaalida Norwey degan waxaa haboon in mudaaharaadkan sida ugu weyn looga qeybgalo, si loo muujiyo cadaalad darada ay tabanayaan dadka soomaaliyeed ee garayo 1600 qof.

sida aan kasoo xiganey qabanqaabiyaasha mudaaharaadka, waxaa mudaaharaadka qeyb ka ah ururo isugu jiro soomaali iyo ajnabi oo gaarayo ilaa 6 urur.

Mid kamid ah soomaalida rabta iney ka qeybgasho mudaaharaadkan ayaa noo sheegay in hadii mudaaharaadkan ay kasoo qeybgali waayaan ugu yaraan 3000 oo soomaali ah, ay noqon doonto gunimo iyo niyadjab kii ugu weynaa abod. Wuxuu sheegay in markii hore ay aheyd in soomaalidu ay hormuud ka noqdaan mudaaharaadka, balse hadii aan awoodi weynay inaan anagu abaabulno mudaaharaad gooni ah, waa inaan sida ugu weyn ugu soo qeybgalnaa mudaaharaadka, ayuu hadalkiisa raacsadey muwaadinkan xamaasadeynsan oo aan kula kulaney maanta Grønland.

Wixii warbixin iyo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan mudaaharaadkan, gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

 

Halkan ka fiiri qabanqaabada mudaharaadka, una sii gudbi asxaabtaada facebooka.

[adsenseyu2]

Listhaug oo lagu eedeeyay celinta qoxootiga soomaaliyeed, iyada oo norwiijiga looga digayo iney u safraan Soomaaliya

0

Ururka Al shabaab ayaa dhawaantan dib ula wareegay maamulka iyo gacan ku heynta degmooyin dhowr ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Al shabaab ayaa sidoo kale kujirto heegan buuxo, kaas oo ay rabaan iney kula wareegaan degmooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya, maadaama ay soo baxeen warar sheegayo in ciidamada Ethopia ay isaga bixi doonaan degmooyinkaas, dowlada Soomaaliyana aysan laheyn awood ciidan oo ay ku difaacdo deegaanadaas. 

Labo isbuuc kahor ayey aheyd markii dagaalyahano ka tirsan ururka al shabaab ay la wareegeen gacanta ku heysta degmada Afgooye oo 30 daqiiqo u jirto caasimada, iyaga oo magaalada maamulkeeda heystay saacado dhowr ah, kahor inta aysan ciidan dowlada Soomaaliya dib ugu riixin banaanka magaalada.

[adsenseyu2]

Iyada oo xaalka Soomaaliya uu halkaas marayo ayay dowlada Norway go-aansatey iney dib u qiimeyn ku sameyso sharciyada magangalyada dad soomaali ah oo gaarayo 1600, ayna ku jiraan dumar iyo caruur. Waxaana ay dowlada Norway sheegaysaa in xaalada amaan ee qeybo kamid ah koonfurta iyo bartahama Soomaaliya ay soo hagaagtey, gaar ahaana caasimada Muqdisho. 

Isla dowlada Norway ayaa mudaadineenteeda uga digeyso iney u safraan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama amniga goobahaas uusan aheyn mid la isku aamini karo.

Karin Andersen oo ah xildhibaan kamid ah baarlamaanka Norway, kana mid ah  xisbiga SV, ayaa ku eedeysay wasiirada arimaha soo galootiga Norway iney ayadu tahay qofka go-aamineyso wadanka nabad ah ama aan nabad aheyn. Waxey sheegtay in ay wax muuqdo tahay in fikradaha xisbiyada siyaasada qaarkood ay ka dhex muuqdaan go-aamada ay soo saarayaan heya-adaha UDI iyo UNE, iyada oo aan si dhab ah loo qiimeyneyn xaalada amni ee wadamada lagu sheegayo iney nabad yihiin.  

Xildhibaanadan ayaa sheegtay in baahida xisbiga FRP uu u qabo inuu noqdo mid adag oo laga cabsado, ay tahay arinta ugu weyn ee dabada ka riixeyso go-aanka, iyada oo loo qiimeynin siyaasada arimaha dibada ama amniga. Karin Andersen ayaa hadelkeeda raacisay iney aad ula yaabantahay in xisbiga (AP) uu arintan ilaa hada ka aamusanyahay, oo uusan wax hadal ah kasoo saarin. 

Ann-Magritt Austenå oo ah xogyahay guud ee ururka magangalyo-doonayaasha NOAS ayaa dhankeeda sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay tahay mid aan wali degeneyn, balse ay wax xoogaa kasoo yara roonaatey sidii ay ahaan jirtey sanadadii hore. NOAS ayaa sidoo kale sheegtay in ka biyo diidanyihiin go-aanka UDI-da ee dib u qiimeynta magangalyada qoxootiga soomaaliyeed, iyada oo aan la hubin meesha ay saldhigan doonto xaalada amni ee Soomaaliya. Ann-Magritt Åustena ayaa hadalkeeda raacisay in hadii al shabaab aysan Muqdisho maamulin, aysan micnaheeda aheyn iney magaalada banaanka ka joogaan, oo ay faraha kala baxeen.

Doorashada madaxtinimo oo soo dhow owgeed waxey al shabaab weerar isdaba joog ah ka geystaan caasimada Muqdisho, dhowr bilood kahor unbey aheyd markii ay weerar ka geysteen xarunta hey-ada Norsk Folkehjelp, halkaas oo ay ku dhaawaceen dhowr qof oo shaqaale ah. Ciidamada Ethopia oo Soomaaliya isaga baxayo owgeed, waxey al shabaab isku diyaarinayaan la wareegista maamulka magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxey ku haminayaan iney mar uun dib ula wareegaan caasimada.

Wargeyska Dagbladet ayaa isku dayey inuu jawaab ku saabsan arintan ka helo wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listahuag, balse kama aysan soo jawaabin sida ay sheegeen. 

UDI-da oo ka jawaabeyso arintan, ayaa sheegtay in wasaarada arima soo galootiga iyo wasaarada amniga aysan faraha kula jirin ka shaqeynta kiisaska shaqsiyada ama qiimeynta ku saabsan in qof ajnabi ah lagu celiyo wadankiisa, tusaala ahaan Somaliya. Waxey sheegeen in qiimeynta ama go-aan gaarista ay tahay howsha UDI-da.

Andreas Skjøld-Lorange oo ah talo bixiye dhanka xiriirka ah oo ka tirsan UDI-da ayaa sheegay in aan la is barbar dhigi karin u digista wasaarada arimaha dibada ay uga digeyso muwaadinta norwiijiga iney u safraan Soomaaliya iyo qiimeynta qofka u baahan magangalyo.  Andreas ayaa sheegayo inaan labadaas arimood uusan wax xiriir ah ka dhaxeynin, aana la is garab dhigi karin. 

Therese-Bergwitz-Larsen waa talo bixiye kale oo katirsan UDI-da. Wargeyska Dagbladet oo arintan su-aal ka weydiiyey waxa uu ku jawaabey : Waa qalad in la isbarbar dhigo talooyinka guud ee safarka muwaadiniinta norwiijiga ah iyo dib u celinta muwaadiniinta u dhashey wadankaas. Wuxuu sheegay in go-aanka UDI-da uu salka ku hayo go-aanada laanta warbixin uruurinta ee Landinfo. Isaga oo sheegay inay heystaan qiimeyn ah in xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay wax badan dib usoo kabatey tan iyo 2011.

Waxaan qabnaa in isbadaalkaas uu u muuqdo mid degan oo waarayo, iyo in dad badan ay nabad u tahay iney dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho

Wuxuu hadalkiisa raaciyey iney ka warqabaan in al shabaab ay wali weeraro ka geystaan Soomaaliya, balse weeraradaas ay yihiin kuwo inta badan ku wajahan shaqsiyaadka u katirsan dowlada, wariyayaasha iyo dadka u shaqeeyo hay-adaha caalamiga ah.  Sidaas darteedna khatarka soo wijihi karta qofka shicibka caadiga ah ay tahay mid aad yar.

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

 

 

(Saadaal): Mustaqbalka soomaalida Norwey waa: Gabdhaha, Hablaha iyo Haweenka.

0

Inta aadan gudo-gelin aqrinta qormadan, waxaa kaa codsaneynaa inaad marka hore mudo hal daqiiqo ah aad fiiriso sawirka kore. Waa kulan ay isugu yimaadeen ardeyda soomaaliyeed ee Norway, bal qiyaas imisa ayaa gabdho imisa ayaase wiilal ah.


Marka ugu horeyso ee aad aragto cinwaanka aan u dooraney qormadan, waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso, tolow maxey ka wadaan, sidee jaaliyad dhan mustaqbalkeeda dusha loogu saari karaa gabdho. Waxaa hubaal ah in marka aad aqrisaan qodobada hoos ku qoran, aad nala garwaaqsan doontaan ama ugu yaraan aad madaxa u ruxi doontaan.

Dhamaadkii bishii August ee sanadkan ayaan booqasho ku tagney jaamacada Oslo iyo Høgskolaha HIOA, anaga oo halkaas warbixino kaga soo diyaariney ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norwey, SSF. Warbixintaas oo sheegaysay in ardeyda soomaaliyeed ee jaamacadaha wax ka barato ay sadex jibaarbeen(3x) mudo afar sano gudahood ah, Iyo in qiyaas ahaan 70% ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacaha ay yihiin Gabdho. 

[adsenseyu2]

Marka koowaad waa wax lagu farxo in dhalinyaradeena wadanka ku kortey ay jaamacadaha buux dhaafiyaan, waa iftiin iyo yididiilo cusub oo usoo bidhaameyso jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norwey. Marka labaad waxaa ogaaney qodobadan hoos ku xusan, taas oo sababtey inaan maqaalkan soo daabacno:

Dugsi sare. 

  1. Ardeyda soomaaliyeed ee ugu badan ee dhigato dugsiyada sare, qaybtiisa maadooyinka cilmiga waa gabdho.

  2. Ardeyda soomaalida ah ee ugu badan ee dhameysata dugsiga sare waa gabdho.

  3. Ardeyda soomaaliyeed ee natiijooyinka ugu sareyso kaga baxdo dugsiyada sare waa gabdho.

Jaamacad

  1. Ca.70% ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata xiligan hada la joogo jaamacadaha waa Gabdho.

  2. Ardeyga soomaalida ah ee dhigata kuliyadaha ugu adag ee lasoo galo ama la dhigto jaamacada, waxey u badanyihiin gabdho. Tusaale ahaan Medisin iyo Tannlege waxey kamid yihiin maadooyinka ugu adag ee lasoo galo. Norwey waxaa intaan ka warqabno medisin dhigato ilaa 8 ardey oo soomaali ah, 5 kamid ahna waa gabdho.

  3. Ardeyda soomaaliyeed ee xiligii loogu tala galey ku dhameysata jaamacadaha waa gabdho. Tusaale ahaan hadii wiil iyo gabar soomaali ah ay wado qaataan maado soconeyso sadex sano, gabadhu  sadexdii sano ayay uga baxdaa, halka wiilkuna inta badan uu afar ama wax ku badan uu maadadii kusii rafto.

  4. Ardeyda ugu badan ee xaasaska ah ama caruurta leh, jaamacadahana dhigto waa gabdho. Logikk ahaan waxaad isleedahay in gabdhuhu hadey caruur dhalaan ay guriga fariistaan, laakiin raagow sidaas xaalku ma ahan hada, ee hada raga ayaa guriga fadhiyo.

Shaqo:

  1. Inta badan gabdhaha soomaalidu shaqo wey ku helaan aqoonta ay jaamacadaha kaga soo baxeen. Sababtuna waxaa weeye, waxey marka horeba doortaan aqoon suuqa shaqada looga baahanyahay sida Sykepleier iwm. Waxaad arkeysaa wiil shan sano ingineer baranayey oo taxi wada iyo gabar 3 sano jaamacad dhiganeysay oo shaqo profesjon ah ka shaqeyso.

  2. Soomaalida ugu badan ee ku shaqeyso aqoon ay jaamacad ama dugsi sare kusoo barteen waa gabdho. sykepleier, helsesekretær, vernepleier, bio-ingeniør, barnevernspedagog, sosionom, sosialarbeider, iwm

Gabo-gabo: Maadaama ay gabdhaha, dumarka iyo haweenka soomaaliyeed Norway ku dhaqan ay raga kaga horeeyaan intaas oo meelood, waxaa xaqiiqo ah iney ayagu yihiin mustaqbalka iyo hogaamiyayaasha barito ee jaaliyadan. Waxaan sidaas u leenahay Norway waxaa ka shaqeeyo aqoon, xirfad iyo maxaa taqaan, sadexdiina waxaa hada hormuud ka ah gabdhaha. 

F.G: Baaritaankan waa mid aan anagu gaarkeena u sameynay, anaga oo adeegsaneyso aqoonta aan u leenahay bulshadeena soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan qeybta waxbarashada, maadaama aan anagu nahay ardey jaamacada dhigato.

[adsenseyu2]

M.Camaleeti: 95% degmooyinka Norway wax qorshe ah ugama tagsana cunsuriyada sii kordheysa.

0

Mohamed Camaleti Cabdi oo ah wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah kana mid ahaa
aas aasayaashii dalad dhalinyaro oo looga soo horjeedo cunsuriyada iyo hadalada nacaybka ayaa sheegay in boqolkiiba shan (5%) kaliya degmooyinka Norway ay leeyahiin qorshe waxqabad oo looga soo horjeedo cunsuriyada.

Maalmahii u danbeeyay ayaa hay ‘ada Norske folkehjelp oo kaashanaysa dhalinyarteeda ayaa bilaabay olalle qaran oo loogu magac daray ka hortaga cusuriyada. Sababta kaliftay ayay sheegeen inay tahay in aad ay usoo badanayso cunsuriyada, hadana boqolkiiba shan kaliya ay degmooyinka wadanka leeyahiin qorshe looga soo horjeedo cunsuriyada. Sidaa dardeedna ay u bilaabeen howsha si olalahaan loo gaarsiino dhamaan degmooyinka wadanka.

Sidoo kale waxay sheegeen in cunsuriyada iyo nacaybku uu ku sii badanaayo bulshada dhexdeeda , sidaa dardeedna loo baahan yahay inay degmo kasta ay samayso qorshe looga soo horjeedo.

Run ahaantii degmooyin badan ayaa aaminsan inaysan degmadoodaka jirin wax cunsuriyad ah, laakinse dhab ahaantii markaad fiiriso wargaysyada maxaliga ah ee dagmooyinkaas ka soo baxo iyo sida ay dadka degaanku uga dhiibanayaa fikiradahooda qaybta kommentarka, waxaad halkaas ka dheehan kartaa inay jirto cunsurad badan . Da’yartuna ay yahiin kuwa ugu badan ee dareemo falalka cunsuriyada.

Lakiin anaga ka urur ahaan waxaan amin sanahay in degmooyinka Norway ay meel adag ka istaagi kara cunsuriyada, qorshe fiican oo lataaban karana ay ka samaynkaraan. Sida muuqada dad badan oo degaanka ka mid ah ma garan karaan waxa ay xaqiidii cunsuriyadu tahay ilaa uu iyagu la kulmaan.
waxan mar dhaweyd ka qabgalay kulan oo ay soo qabanqaabisey wasaarada dhalaanka iyo sinaanta dowlada Norwey, waxaana kulankaas ka qeybgaley reysulwaarada wadankan Arne solberg , wasiirada dhalaanka iyo sinaanta Solveig Horne iyo waliba dad aad u faro badan. Waxan looga dooday sidii loola dagaali lahaa hadalada nacaybka iyo cunsuriyada. Lakin ma anaan garan sababta uu ugu soo qaybgali waayay kulankan muhiimka ah wasiirka arimaha degmooyinka.

Waxaan rabnaaa inaAn  ku sii noolaano Norway, nolal fican oo aan cunsuriyad iyo nacayb lahayn. dadkuna ay u siman yahay xaquuqda ay leeyahiin,  iyadoo aan loo fiirinayn midabkiisa, diintiisa iyo jinsiyadiisa.

 

Xigasho/kilde: Fredrikstadblad

Aniga iyo gabadheyda yar ee labada sano jirtaba, waxey leeyihiin magangalyo uma baahnideen

0

Wargeyska Adressavisen ayaa gurigeeda ku booqdey gabar soomaali ah oo kamid ah dadka  soomaaliyeed ee sharciyadooda magangalyada dib loo qiimeeyay. Gabadhan iyo gabar 2 sano jirto oo ay ayadu dhasheyba, waxaa loo soo direy warqad loogu sheegayo in magangalyadoodii dib loogala noqdey. Gabadha yar ee labada sano jirto, waxey ku dhalatey Norway. (Warkan Adressa avisen oo af norwiiji ah, hoos ka akhri).

[adsenseyu2]

 

Hooyadan oo magaceeda iyo wajigeedaba qarisey ayaa Norway timid sanadkii 2012 bishii Juni, iyadoo kasoo carartey amni xumada soomaaliya ka taagan ilaa hadana jirto. Dhowr bilood kahor ayey heshay warqada digniinta sharci kala noqoshada ah, iyadoo lagu wargeliyay in sharcigeedii magangalyo dib looga ceshanayo, maadaama aysan hada magangalyo u baaheyn, xaalada amanaa ee soomaaliya uu soo hagaagtey owgeed. Sidoo kale waxaa digniin sharci kala noqosho ah la siiyey gabadha yar ee Norwey ku dhalatey. 

Qareenka u doodayo hooyadan iyo gabadheeda yar, ayaa cabasho ka gudbiyey go-aanka UDI-da ee qoyskan ku saabsan. Wuxuu sheegay inay wali dagaalo ka socdaan gudaha Soomaaliya, iyada oo hooyadan ay si fiican hada ula qabsatey deegaanka Trondheim, ayna masuul ka tahay gabadha yar ee labada sano jirto. Qareenka ayaa sheegay in labadan gabdhood aysan jirin cid u joogto Soomaaliya oo qaraabo ah, isla markaana ay la kulmi karaan nolol adag oo ciriir ah hadii Soomaaliya lagu celiyo.

Hooyadan ayaa sameysay go-aan geesinamo ah, maadaama ay sheekadeeda la qeybsatey warbaahinta. Sidoo kale waxey qarisey wajigeeda iyo magaceeda, maadaama ay ka dhalatey bulsho xan iyo war badni ilaahey ku ibtileeyay. 

Xaalka naxdinta leh ee qoyskan soomaaliyeed uu ku suganyahay maanta, waxey horudhac u noqon karaan sheekooyin kale oo argagax leh, kuwaas oo ka dhalan kara arinta dib u qiimeynta sharciyada magangalyada. 

Dowlada Norwey ayaa muwaadiniinteeda uga digeyso iney u safraan Soomaaliya, maadaama aysan ka jirin amaan la isku haleyn karo. Balse gabar yar oo Norwey ku dhalatey, aduunyo kalena aan indho saarin ayaa la rabaa in loo diro wadan eysan waligeed arkin.

Maalin kahor ayuu wasiir hadliye lahaa Soomaaliya nabad ayaa ka jirto ee kaalaya soo noqdo, isaga oo Norway garab ku siinayo arinta celinta qoxootiga. Hadey Soomaaliya nabad la isku haleyn karo kajirto, maxey qoysaskooda iyo ilmahooda dibada uga soo rari waayeen oo wadanka dhinac uga dagi waayeen. Raga ku hoos nool kaaraha iyo taangiga Amisom, yaa markii horeba u wakiishey iney metalaan haween iyo caruur daafaha caalamka ku dhibaateysan?

Kilde/Xigasho: Adressa.no

[adsenseyu2]

 

8 sano kadib ayey magangalyadii qoxootinimo igala noqdeen facebook dartiis

0

Wargeyska Adressa avisen ayaa warbixin ka diyaariyey wiil dhalinyaro soomaali ah oo sheegay in UDI-du ay sharciga magangalyada kala noqotey sababo la xiriira macluumaad facebooga ah. Wiilkan oo hada 24 jir ayaa wadanka soo galey 8 sano kahor, isaga oo markaas jirey 17 sano.(Hoos ka akhri warka Adressa avisen oo af norwiiji ku qoran)

Suhayb ayaa sheegay in mududaas yareyd ee uu Norway uu dadaal dheeri ah sameeyay si uu luuqada u barto. waxa uuna hada si fast ah uga shaqeeyaa warshada Nor tekstil, qeybteeda Heimdal. 

-Xawaalad, qabiil iyo Facebook:

Sababta sharciga magangalyo loogala noqdey Suheyb, ayay UDI-du ku micneysay iney tahay in uu bixiyey macluumaad aan sax aheyn.  

Waxey galeen barteyda facebooga, iyaga oo sheegay iney halkaas  kasoo xigteen inaan ka imaanin Soomaaliya koonfurteeda, balse aan kasoo jeedo woqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale waxey i tuseen lacago aan xawiley, gaar ahaana kuwo aan u direy shaqsiyaad ku sugan woqooyiga Soomaaliya. Waxey iila yimaadeen magaca qof ay leeyihiin waxaad u tahay abti/adeer, ana qofkaas maba garanayo. 

[adsenseyu2]

Suheyb ayaa sheegay in sidoo kale uu caawiyey dad joogo koonfurta Soomaaliya, isaga oo hadalkiisa raaciyey in UDI-du ay ula timid macluumaadka ku saabsan qabiilo Soomaaliya degan, kuwaas oo aan sax aheyn. Wuxuu kaloo sheegay in uu aad ula yaabanyahay in magangalyadiisii qoxootinimo uu ku waayo macluumaad facebooga laga soo xigtey. 

 

Wargeyska Adressavisen ayaa qoraya in Wiilkan dhalinyarada uu dhowr bilood kahor helay warqad ka socoto UDI-da, isaga oo warqada iyo go-aankoodaba ka qaatey racfaan. Racfaankiisa wuxuu ka helay diidmo, waxaana loo soo direy warqad looga codsanayo inuu wadanka ka baxo. Hada waxaa kiiskiisa ka caawinayo garyaqaan, lana diyaarinayo cabasho kama dambeys ah oo ku saabsan go-aanka UDI-da.

Suheyb ayaa tilmaamey in wax aad loola fajaco ay tahay in magangalyadiisii qoxootinimo uu ku waayo macluumaad facebooga laga soo xigtey dartood. Waxa uuna sheegay in facebooga uu ku heysto saaxiibo gaaraya 2000 oo qof, marar badana uu ku qoro waxyaabo aan sax aheyn, isaga oo ugu dan leh inuu bogiisa faceboogu uu ahaado mid muuqaal wanaagsan leh.

Xigasho/Kilde: Adressaavisen

[adsenseyu2]

Ismael A. Hussein til Amal Aden: Definisjonen på galskap er å gjøre det samme igjen og igjen og forvente et nytt resultat

0

Det var en vakker høstkveld. Folk med paraply over hodet kom til lokalet. Jeg ble ganske våt på den lange veien, og tenkte at dette er det verdt for å møte en slik person. Denne kvelden skulle inspirere meg. Jeg var stolt over denne personen som skulle komme. En norsk-somalisk forfatter ble det sagt. Det hørtes jo motiverende ut for meg som alltid hadde likt å skrive. Fram til nå var denne personen ukjent for meg. Jeg heiet på vedkommende bare fordi jeg var glad at noen lykkes i Norge, og kunne bli en forfatter.

Temaet for kvelden var, eller rettere sagt, skulle være; om integrering og rusproblemer. Jeg lover dere en ting. Det ble hverken om det ene eller det andre temaet. Men mye om andre ting. Usammenhengende. Det starter med «navsomaliere» og sluttet med «navsomaliere». Ingenting over, og ingenting ved siden av. Inne i lokalet var stappfullt av mennesker, unge, eldre, lærere og skoleelever. De var forvirret og stirret på hverandre. Sjokkerte, samtidig tvilsomme. De hadde tilegnet seg en ny og omfattende kunnskap med nøkkelordet: Somaliere er Nav-folk og Nav-folket er somaliere. Enkle historier skulle være hovedkilden for denne kunnskapen. «Hawa sa til meg og Adam sa til meg» ble det sagt gang etter gang. En mannshistorie skulle gjelde for en hel folkegruppe. En kvinnes (Amal Adan) opplevelse av en manns historie skulle gi det riktige bildet av 34 000 personer. Sjeler. Innfødte og ikke innfødte. Klokka tikket og minuttene gikk videre. Foredraget var over og diskusjonen var i gang. Det var enighet og uenighet som alltid. Jeg hadde selv mange spørsmål men fikk aldri noe svar tilbake. Jeg ville vite mer, lære mer og ikke minst få tips om hvordan jeg kunne bli en bedre skribent. Dette ønsket er ikke over ennå den dag i dag.

Endelig var vi tilbake hjemme. Kort tid senere kom beskjeden som nok engang ødela kvelden min. Amal Adan ble truet av de somaliske guttene som hadde vært tilstede. Det var flere ungdommer med somalisk bakgrunn som var på arrangementet. Jeg ringte dem og spurte om noen av dem hadde truet Amal. De ble like sjokkerte som jeg var da jeg fikk høre om dette. Vi var alle krystallklare på en ting. At vedkommende bak truslene burde anmeldes hvis han fantes. Enten av oss eller at noen andre måtte gjøre det. Koste hva det ville koste vil for denne personen? Vi har bedt arrangørene om å spørre henne hvem som sto bak trusselen. Svaret var like nedslående som brutalt. Amal ville ikke avsløre, si hvem. Kanskje det var ingen som truet henne? Eller kanskje hun bare ville være snill mot vedkommende? Noe han ikke fortjener. Spekulasjonene er mange, men sannheten er bare en. Det er aldri for seint å legge frem en sannhet.

Saken var ikke over ennå. Amal hadde noe annet på hjertet. Dagen etterpå sto det på lokalavisen at hun ble truet av noen fra det somaliske miljøet! En! To! Tre! Fire! Fem! Seks! Syv! Åtte!? De somaliske guttene! Skuffende spør du meg? Nei, Nei. Ikke overhodet. Dette var jo den samme språkbruken som på foredraget. Dømmende. Stigmatiserende. Og verst av alt generaliserende med vilje og viten. Somaliere! Trussel! Somaliere! Nav! Somaliere! Trussel! Somaliere!

Til slutt vil jeg sitere Albert Einsteins: definisjonen på galskap er å gjøre det samme igjen og igjen og forvente et nytt resultat. Det å både stigmatisere og generalisere en hel gruppe med enkle historier fra hverdagen din, er både feil og galskap. Enda verre er at du tror dette vil føre til mer integrering, noe som ikke stemmer i det hele tatt. Tvert imot vil det føre til mer fordømmelse mot en gruppe som allerede har en del vanskeligheter, og resultatet blir det samme.

Det som gjør en forskjell er den jobben som gjøres av mange hver dag for å motivere, inkludere og ikke minst hjelpe de som sliter i vårt samfunn. Noen som har hatt stor påvirkning for meg og mange andre med somalisk bakgrunn, er den somaliske studentforeningen SSF, som har gjort et glimrende motivasjonsarbeid for at flere skal ta høyere utdanning. Resultatet er gledelig: det er langt flere somaliere som tar høyere utdanning enn noensinne; og over seksti prosent av dem er kvinner/jenter. Det å snakke opp, fremme disse kvinnene og gi dem større spalteplass i offentligheten, og generelt i samfunnet, vil bidra til mer integrering. Her har Amal noe å lære av SSF og ikke minst mange kvinner å skrive om i tiden fremover. Lykke til videre!!

Del gjerne videre slik at så mange som mulig og Amal Aden får lese det, takk på forhånd!!

Kenya iyo Norway maxey isaga egyihiin?= Celinta qoxootiga soomaalida, iyadoo dhulkoodii uusan wali nabad noqon

0

Dowlada Kenya ayaa bilowgii sanadkan aan kujirno ee 2016 soo saartey go-aan ay ku sheegayso iney albaabada u xiri doonto xerada qoxootiga dhadhaab oo ay ku xoolyihiin qoxooti soomaali ah oo tiro ahaan gaarayo 300.000.  Kenya ayaa go-aankeeda xiritaanka ku macneysay in xeryahan ay gabaad u yihiin ururka al shabaab iyo argagaxisada weerarada ka geysto gudaha Kenya.

Go-aanka Kenya ayaa saameyn weyn ku yeeshay qoysas soomaaliyeed oo xeryahaas degenaa mudo 27 sano ku dhow, aana laheyn hoy iyo meel kale oo ay ku guryo noqdaan. Waxaana jiro caruur ku dhalatey xeryaha oo iskuulo kaga baxey, meel kalena aan aqoon oo ay ku noolaadaan. Waxaa taas sii dheer in dadkan aan loo diyaarin meelo ay ku guryo noqdaan Soomaaliya gudaheeda, sidaas darteedna ay u badantahay iney mar labaad qoxooti iyo rarato ku noqdaan wadankoodii ay kasoo qaxeen sanado kahor.

Sidoo kale ururka Al shabaab ayaa gacanta ku hayo meelo badan oo kamid ah xuduuda u dhaxeyso Kenya iyo Soomaaliya, dhalinyarada lagu celiyo soomaaliya waxey ku biiri karaan ururka Al shabaab, taas oo sii xumeyn karta amaanka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliyaba.

Heshiis sadex geesood ah oo ay wada gaareen dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo hay-ada qoxootiga aduunka ayaa lagu sheegay in la kaalmeeyo dadka raba iney iskood dib ugu noqdaan wadankoodi. Xiliga ay Kenya qabsatay ayaa ah bisha November oo ay maalmo kooban inaga xigaan. Kenya waxey marar badan ku celisey iney xeryahan faarujin doonto, balse wali waxaa xeryahaya kujiro qoxootiga soomaali ah oo gaarayo 280.000. Hadalada ugu danbeeyey ee dowlada Kenya ayaa ahaa in Kenya ay isticmaali doonto awood, qasabna ay ku celin doonto qoxootiga hadii aysan u hogaansamin amarka dowlada.

Sidoo kale dowlada Norway ayaa qaadatey go-aan kan Kenya u yara eg, balse ka saameyn yar. Waxey sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 1600 qof oo soomaali. Dowlada Norway ayaa sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay hagaagtey, balse hay-ada qoxootiga caalamka ee UNCHR ayaa sheegeyso in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan aheyn mid fadhido oo qoxooti lagu soo celin karo.

Warbaahinta Norway qaarkood ayaa munaafiqnimadooda warbixino dhaadheer ka diyaariyey xaalada soomaalida ku jirto xeryaha dhadhaab, iyaga oo eedeyn usoo jeedinayo dowlada Kenya ee arintaas foosha xun ku kacdey. Balse xagee ku ilaaween dowlada Norway ee gaartey go-aan aan kaas kayareysan bilo kahor?

Halkan ka akhri Aftenposten oo warbixin dheer ka diyaarisey go-aanka Kenya

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.