torsdag, april 25, 2024

Dad lagu qiyaasey 2300 qof oo maanta isugu yimid mudaaharaadkii Oslo

Dad tiro ahaan lagu qiyaasey 2000 ilaa 2300 qof ayaa maanta isugu soo baxey mudaaharaadkii looga soo horjeeday go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada dadka soomaaliyeed ee gaarayo 1600.

Inkasta oo ay cimiladu aheyd mid aad u qabow, baraf iyo dabeyl xoog lehna ay dhacayeen, hadana taas ma noqon sabab ka qeybgalayaasha mudaaharaadka ka istaajiyso iney muujiyaan dareenkooda ku aadan go-aanka dowlada, ee saameynta badan ku yeelanayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee dalkan Norwey soo weydiistey magangalyada.

Dadka kasoo qeybgaley mudaaharaadka waxey isugu jireen soomaali, ajaaniib kale iyo waliba norwiiji. Dadka soomaaliyeed ee mudaaharaadka ka qeybgaley waxey qaarkood kasoo socdaaleen magaalooyinka Kristiansand, Lillehamar, Hamar, Gjøvik, Elverum, Moss, Halden, Fredrikstad, Oslo iyo magaalooyin kale oo badan. Soomaali iskuma danqato, been dheh. 

Dhamaan dadka khudbadaha ka jeediyey mudaaharaadka ayaa isla qirey in go-aanka dowlada ee ku saabsan dib u qiimeynta sharciyada magangalyada dadka soomaaliyeed, uu yahay go-aan aan sax aheyn ama aan waqtigiisii la joogin. Waxeyna sheegeen in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan hada aheyn mid degan, hadii ay deganaan laheydna aysan dowlada Norway uga digteen muwaadiniinteeda iney u safraan Soomaaliya. Iyaga oo ka codsadey in dowlada ay dib uga noqoto go-aankaas, maadaama uu yahay mid lagu faquuqayo dadka soomaaliyeed ee qoxootiga ah. 

Inkasta oo ay jireen dhaliilo yar oo ku saabsan qabanqaabada mudaaharaadka, hadana waxaa hubaal ah in banaanbixii maanta la xaqiijiyey ujeedadiisa. Taas oo aheyd in si wadajir ah loo muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan go-aankaas saameynta baaxada weyn ku leh muwaadiniinta soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa magaalada Stavanger ka dhacay banaanbax kaas lamid ah, kaas oo ay kasoo qeybgaleen dad gaarayo ilaa 150 qof.

Warbixino, muuqaalo iyo faalooyin ku saabsan mudaaharaadkii maanta dib ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x