torsdag, april 25, 2024

Xisbiga KRF: lama shaqeyn doono xisbiga FRP doorashada 2017

Waxaa maalintii shaley aheyd qabsoomey shirweynaha qaran ee xisbiga KRF(Kristelig Folkeparti), kaas oo ahaa shir aad loo wada sugayey natiijada kasoo baxi doonta. Xisbiga KRF ayaa ah mid kamid ah labada xisbi yare ee taageeraya, kursigana ku hayo dowlada hada talada heyso oo ay hogaaminayaan xisbiyada FRP iyo Høyre.

Gudoomiyaha xisbiga KRF Knut Arild Hareide oo khudbadii ugu muhiimsaneyd shirka ka jeediyay ayaa sheegay in golaha dhexe ee xisbigu uu isku raacay in sanadka danbe aysan dowlad la dhisan doonin, lana shaqeyn doonin xisbiyada FRP. Wuxuu taas badalkeeda sheegay inuu soo dhaweynayo wada shaqeynta labada xisbi ee Høyre iyo Venstre. 

KRF ayaa sadexdii sano ee ugu danbeysay ku dhameystay daasha gadaadiisha, iyaga oo si aad ah uga soo horjeeday qaar kamid ah go-aamada dowlada ay ayagu kursiga ku hayeen.

Hareide ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay fursado saamaxdo ay la shaqeyn karaan xisbiga AP iyo xisbiyada kale ee dhex-dhexaadka ah sida SP. Waxeyna tani xoojineysaa fursada ah in xisbiga AP uu dib ugu soo noqdo talada wadanka, hadii uu wada shaqeyn la sameeyaan xisbiyada SV, SP iyo KRF.

 

Diidmada KRF ayaa wiiqeyso hamiga xisbiga FRP uu rabey inuu markale talada dowlada wax ka hayo afar sano oo cusub. Xisbiga Venstre ayaa horey u diidey inuu ula shaqeeyo dowlada ay ku jirto FRP, taas oo ka dhigan in wadada kaliya ee u furan FRP ay tahay wada shaqeynta xisbiga Høyre oo kaliya. Hadii aysan dhicin mucjiso, wey adagtahay in FRP iyo Høyre kaligood helaan codad ay uga maarmaan wada shaqeynta xisbi kale, si ay dowlad u dhistaan. Taasna waxey ka dhigantahay i Listhaug iyo FRP ay iska soo wareejin doonaan furaha xafiisyada dowlada.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x