Bergen: Masjid cusub oo laga furay Magaalada Bergen.

0
101

Waxaa maalintii shalay magaalada Bergen ee Dalka Norwey laga furay Masaajid cusub oo ay yeeshaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas. Masjidkan Cusub oo ku yaala Xaafada Danmark plass, gaar ahaan Ex Europris halkii horey u daganaan jiray. Wuxuuna u dhaxeeya  I train Danmarksplass iyo Coop Extra adresse solheimsgaten 58.

Masjidkan cusub ayaa waxaa furay guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hordaland, kuwaas oo muddo aad u dheer ku soo guda jiray inay hirgeliyaan masjid ay ku cibaadeestaan muslimiinta ku nool magaalada Bergen, isla mar ahaantaana looga haqabtiro baahida muga leh oo ay u qabeen xarun ay ku cibaadeystaan.

Waxaa qudbadii salaada Jimco ee ugu horeysay ka aqriyey isla markaana kalmado waano, baaq iyo bogaadinba halkaasi ka jeediyey Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe oo si qoto dheer uga warbixiyey baahida Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta u qabaan Masaajid ay ku cibaadeestaan waxna lagu baro Dhalinyarada, Caruurta iyo Haweenka Jaaliyada.

Sheekh Xuseen ayaa ugu horeen ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay ka wada qeyb qaataan sidii loo horumarin lahaa Masaajidka oo sida ka muuqata u baahan maalgelin aad u xoogan.

Walaalayaal waad u jeedaan muuqaalka masaajidka waxa uu u baahan yahay dib u habeen aad u xoogan, roogagaan aad u jeedaan intooda badan waa kuwo aan deen ku soo qaadnay loona baahan yahay in aan si wada jir ah isaga wada kaalmeesano oo qeyrka ALLE ku wada dadaalno” ayuu yiri Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe.

Sidoo kale Sheekh Xuseen Xirsi Ciroobe waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen uga digay  in masaajidka oo ah beytu-laahi in la siyaasadeeyo.

“Masjidkan waxa uu ka dhaxeeyaa guud ahaan Ummadaha islaamka, qof waliba oo muslim ah wadanka uu doono ha u dhashee, waa uu u furan yahay ma jirto qof gaar u leh iyo cid laga leeyahay….yaan la siyaasadeen Masaajidka, waxaan rabnaa in makaankan ALLE aan maanta ku wada kulanay ee aan salaada Jimco ku wada dukaneeno inay noqoto meel ay inaga dhaxlaan jiilka caruurteena dambe”.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay isla markaana salaadii jimco ee ugu horeysay ku tukaday masaajidkan ayaa ugu baaqeen Maamulka Masaajidka inay ku dadaalaan wax ka qabashada  baahida Jaaliyada gaar ahaan tan Caruurta, Dhalinyarada, Haweenka iyo harumarinta Xifdinta Qur’aanka kariimka, cilmiga Diiniga iyo waliba kan maadiga.

Masaajidkan cusub ee laga furay magaalada Bergen ayaa noqonaya midkii afaraad oo ay yeeshaan Muslimiinta, hase yeeshee waa kii ugu horeeyey oo ay si gaar ahaaneed u furaan Soomaalida magaalada taariikhda inta la og yahay.

Maamulka masaajidka ayaa si guud Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Hordaland kaga codsanayaa in lagu taageero hirgelinta, dhismaha iyo horumarinta Masaajidka Cusub.

Ugu danbeen maamulka Masaajidka ayaa sheegay sida caadiga ah in shanta waqti salaadaha lagu dukan doono masaajidka laga bilaabo maanta, balse ay jiri doonto munaasabad balaaran dadkoo dhan ka qeyb galaan oo furitaanka masaajidka, tan maantana ay ahayd mid hordhac ah.

Si aad uga qeyb qaadato qeyrka ALLE noqo ruuxa koowaad ee gaarsiiya Masjidka wixii aad ku caawin karto haddii ay ahaan lahayd Roog ama Sijaayad aad u soo iibiso, dhaqaale aad ku yaboohdo adigoo kala xiriiraya Macluumaadka hoos ku xusan:-

Telefoon: 94725932/48479363/95817389.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments