torsdag, april 18, 2024

Elvis Chi Nwoso: Maanta waa soomaalida, barina mana naqaan guruubka ku xigi doono.

Elvis Chi Nwoso oo ah siyaasi katirsan xisbiga AP, kana mid ah madaxa ururka African Cultural Awarnes ayaa ku booriyey bulsho weynta reer Norway iney ka qeybqaataan mudaaharaadka looga soo horjeedo dib u celinta muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaarayo 1600.

Elvis ayaa sheegay in hadii maanta soomaalida laga aamuso, aan la garan karin qowmiyada ku xigi doonto, isla markaana sheekadu ay noqon doonto tusbax afka ka furtey. Wuxuuna codsadey in arintan si wadajir ah looga soo horjeesto, lana muujiyo dareen mid ah.

Siyaasigan oo asalkiisu ka yimid dalka Nigeria ayaa sheegay in arintan ay tahay difaacida xuquuqda ajaaniibta iyo  dadka qoxootiga ah iyo caruurtoodaba. 

Mudaaharaadka maalinta bari ah loo balansayhay inuu ka dhaco magaalada Oslo, ayaa waxaa kasoo qeybgalayo ururo badan oo isugu jiro soomaali, ajaaniib iyo waliba norwiiji. Waxaa muuqato in ardey badan oo kuwo jaamacadaha ah ay kasoo qeybgali doonaan mudaaharaadka, maadaama inta badan jaamacadaha Oslo maanta lagu arkayay boorarka mudaaharaadka.

Soomaalida reer Norway oo ah dadka uu khuseeyo mudaaharaadka waxaa ku waajibtey iney sida ugu weyn uga soo qeybgalaan banaanbaxan. Wixii 5000 ka yar waa dhiig la´aan iyo nacasnimo.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x