fredag, april 19, 2024

(Aragti) Abdulkadir Osman: Soomaalida waxaa loo diidanyahay degenaan iyo xasilooni ay ku fakaraa

Sheekadan waxaa nala wadaagey Abdulkadir Osman oo kamid ah waxgaradka jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.


Nin beeraley ah ayaa ka soo caraabay beertiisa, waxa uu soo raacay gaari bas ah si uu dib ugu soo laabto gurigiisa oo ku yaalla bartamaha Magaalada. Waxa ay indhihiisu qabteen oday da’ ah oo dhinac ka fadhiya kursiga uu fadhiyo midka ku dhegan. Ninka odayga ah waxa uu dhabta ku heystaa jawaan weyn oo hadba dhinac uu ka dhunkanayo, waase mid luxaya jawaanka rubi saac waliba .

Markii muddo afar saacadood ah ay ka soo wareegatay, odayguna uu weli luxayo jawaanka ayuu ninkii beeraleyda ah yiri , xaaji maxaad sameyneysaa?

Odaygii ayaa si degan oo kalsooni ay ku dheehan tahay ugu jawaabay oo yiri , adeer waxaan ugu deeqayaa xeyntani dooliyaasha ah xarunta qaranka ee cilmi baarista si ay ugu sameeyaan tijaabooyin dawooyinka casriga ee dalkeenu sameeyo.

Ninkii beerladeyda ah oo yaaban ayaa yiri, dooli ! ma waxa aad dhunkaneysid oo ruxeysid ma jiir aad soo uruurisay?!!

Odaygii ayaa ku jawaabay si caqli ay ku jirto, waxa uuna yiri , haddii dooligu helo muddo 15 daqiiqo oo nasiinno ah, waxa uu baadi doon u galayaa xal uu kaga bixi karo ama uu ku duleelin karo jawaanka, hayeeshee luxitaanka wuxuu tabar dareynayaa awooddii uu ku fikiri lahaa, qaarkoodba qaar kale ayaa madaxa isku dhufsanaya.

Odayga , ayaa sheekada ku soo gunaanuday, waxaan rajeynayaa wiilkeygiyow inaad garwaaqsatay wixii aad gocaneysay !

Haddaba, marka aad si fiican u dhuuxdid sheekada sare ku qoran, waxaad ogaan kartaa sida shisheeyuhu u rog rogayo Soomaalida si aaney u garan xal u helidda dhibta heysata .

Maqaalkan waxan ka aqriyay / ka soo qaatay jowhar.com . Runtii markaan aqriyay waxaan si dhab u xasuusatay sida aadka uxun ee aan u kala daadsanahay, runtii waaba isku wada baahanahy hadana waa kala baahanahy.

Waa arin aad u xun , ee somalaay Fadlan qabiil iyo qurankiisa aan iska ilowno. Qabiil wax inooga dumiyo mooyee ee waxn inooma saxayo . Hal gacan , hal xubin aan naqano. Qof walboo soomaali ah wa inaa hurdada aa ka kacnaa. Runtii hurdada waa ku daahnay sidaan hurdo uma aqaano, ee waa damiir la’aan.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x