onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 260

Storebrand: Dad badan oo raba deyn islaami ah ayaa nala soo xiriiray

0

Isbuuc kahor ayay aheyd markii bankiga Storebrand uu sheegay inuu qiimeynayo bilaabida bixinta deyn islaami ah, iyaga oo furay website oo qofka arintaas xiiseynayo uu kala soo xiriiri karo. 

Store brand ayaa sheegay in mudo 10 maalin gudaheed ah ay kula soo xiriireen dad 350 oo qof gaaraya, kuwaas oo raba inay qaataan deyn islaami ah hadii uu bankigu bilaabo bixinteeda.  Taasna waxey muujineysaa baahida weyn ee loo qabo in la helo bixinta deyn noocaas oo kale ah. 

Ururka dalada islaamiga ah ee Islamsk Råd iyo ururka Islamnet ayaa sida uu qorayo wargeyska Vårt-land, bogogaada Facebook ku daabacay fariimo ay dadka ku dhiirigalinayaan inay xiriir la sameeyaan bankiga Storebrand. 

-UK iyo Malaysia:

Storebrand ayaa sheegay inay hada gudo-galayaan qiimeynta awooda suuqa deynta noocan ah iyo qaabka ay u muuqaal ekaan doonto. Waxeyna sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen talo-bixiyeyaal dhaqaale oo kasocdo wadamada Malaysia iyo U.K, kuwaas oo raba inay Storebrand la qaabeeyaan bixinta deynta islaamiga ah.

-Waa naloo handaday:

Dhanka kale Storebrand ayaa sheegaya in soo saaristooda ku saabsan qiimeynta bixinta deynta islaamiga ah, ay kasoo wajaheen dhowr dhacdo oo negativ ah. Waxey sheegeen in qaar kamid ah macaamiishooda ay ka baxeen bankigooda, halka qaar kalena ay ugu hanjabeen inay ka bixi doonaan. 

Xigasho/kilde: Vårtland

[adsenseyu2]

 

Wargeyska GD oo sawirka wiilkan soomaaliga ah, si khaldan u isticmaalay

0

Wargeyska Gudbrandsdølen Dagningen ayaa mar ay ka hadlayeen Mahad Abiib, isticmaalay sawirkan wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah oo lagu magacaabo Mahad Abdi Jama. GD ayaa Mahad Abdi Jama ku khalday Mahad Abiib, iyaga oo sawirkiisa kusoo daabacay wargeyska qaab online ah iyo waliba qaab waraaq ah.

Sida ay noo sheegeen dad ka agdhow qoyska wiilka, asxaabta wiilka taqaanay ayaa telefoono iyo fariimo usoo dirayay Mahad Abdi Jama habeenkaas oo dhan, iyaga oo wax ka weydiinayo arintaas, halka qaar kalena ayba bilaabeen inay aflagaadeeyaan Mahad, ayna ku tilmaamaan beenlow.

Mahad ayaa sida ay noo sheegeen qoyskiisu ah wiil dhalinyaro ah oo wadanka ku dhashay, dhigtana jaamacad. Waxaana ay arintan keentay inuu su´aalo iyo dhibaato kala kulmo asxaabta ay isku jaamacada yihiin.

Qoyska wiilkan ayaa caro ka muujiyay arintan, waxeyna sheegeen inay dacweyn doonaan wargeyska sawirka wiilka sida khaldan u isticmaalay.

-GD oo raali-gelin bixiyay:

Wargeyska GD ayaa cadadkiisii maanta soo baxay raali-galin ka bixiyay sida khaldan oo ay u isticmaaleen sawirka wiilka, iyaga oo sheegay inay ka xunyihiin dhibaatada arintaas Mahad Abdi Jama kasoo gaartay. Waxeyna cadeeyeen inuusan Mahad ku shuqul-laheyn arinta laga hadlayay oo ku saabsaneyd Mahad Abiib. 

Xigasho/kilde: GD.NO 

[adsenseyu2]

Siv Jensen oo rabta inay xisaabiso qiimaha ay ajaaniibtu Norway ugu fadhiyaan

0

Sida uu qorayo wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringsliv, Wasiirada maaliyada dalkan Norway Siv Jensen ayaa khuburadeeda ugu aqoonta badan wasaarada maaliyada, u dirtay shaqo cusub oo ah inay soo xisaabiyeen natiijada iyo qiimaha dhaqaalaheed, oo ay soo galootiga dhaqaalaha wadanka ugu fadhiyaan mustaqbalka.

Siv Jensen ayaa sheegtay in Natiijada-dhaqaale ee ka dhalata soo galootiga, ay noqon doono mid kamid ah mowduucyada ugu waaweyn oo ay dowladu lasoo shir tagi doonto, marka ay soo bandhigaan aragtida dowlada ee ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha tobanka sano ee soo socdo.

Isdhexgalka dadyowga kala duwan ee mujtaca iyo xiriirka uu mujtacu la leeyahay suuqa shaqada, ayaa muhiimad weyn u leh kor u kaca dhaqaala ee wadanka. Iyo waliba awooda uu sii lahaan karo nidaamka ceyrbixinta, ayey Siv Jensen u sheegtay Dagens Næringsliv.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu xisbiga FRP soo jeediyo in la xisaabiyo qiimaha ay soo galootiga ugu fadhiyaan wadanka. Sanadkii 1996 ayey sidaan oo kale usoo jeediyeen in la xisaabiyo qiimaha ay soo galootiga ugu fadhiyaan dhaqaalaha magaalada Oslo, laakiin taas uma suurtogalin xiligaas kadib ay waayeen cod aqlabiyad ah.

Wargeysks DN ayaa Siv Jensen weydiiyay in xisaabinta qiimaha dhaqaaleed ee ajnabigu ay sii abuuri karto naceyb loo qabo soo galootiga?

Waxey ku jawaabtay inay soo galootiga u kala sooci doonaan labo qeybood. Qeyb wadanka sifiican ula qabsato oo suuqa shaqada horey usoo gasho, iyo qeyb aan wadanka la qabsan, suuqa shaqadana aan soo galin. Waxeyna raacisay inay muhiim tahay ay in la ogaado sababta ay taas u dhacdo iyo in nidaamka ceyrsiinta wadanku uu arintaas lug ku leedahay.

Gudoomiyaha xisbiga KRF oo ah mid kamid ah xisbiyada taageerada siiya dowlada ayaa xisaabinta dhaqaalaha soo galootiga ka biyo diiday. Isaga oo sheegay inaan arintaas lagu soo hadal-qaadin markii ugu danbeysay oo ay dowlada kulan la yeesheen. Wuxuu raaciyay inuusan kasoo horjeedin in xisaabiyo qarashka dhaqaale ee soo galootiga la xiriira, laakiin wuxuu sheegay inay muhiim tahay in labada dhinacba laga fiiriyo, lagana feejignaado caqadaha kale ee ka dhalan kara.

 

Xigasho/kilde: Dagens-næringsliv-Papiravis( 21-01-2017, side 15)

[adsenseyu2]

 

 

KRF: Hala xadido waqtiga qofka jinsiyada dhalashada norwiijiga lagala noqon karo

0

Xisbiga KRF oo horey u taageeray soo jeedintii ku saabsaneyd in awooda sharci kala noqoshada dhalashada laga qaado, hey´ada laanta socdaalka loona wareejiyo maxkamad madax banaan, ayaa soo jeediyay in la xadido waqtiga qofka lagala noqon karo jinsiyada norwiijiga.

Knut Arild, gudoomiyaha xisbiga KRF oo xaley ka qeybgalay doodii NRK 1 ayaa sheegay inay adagtahay in qof jinsiyada norwiijiga lagala noqdo, kadib markii uu sanado badan wadanka ku noolaa, caruurna ku dhaley. Sidaas darteed wuxuu soo jeediyay inay Norway ku dayato dalka Bulgiumka, kaas oo leh sharci xadidaya waqtiga ay dowladu qofka kala noqon karto jinsiyada dhalashada iyo inta sano ee dib loo socon karo.

Wuxuu tusaale usoo qaaday kiiska Mahad Abiib(Masheegin magaciisa) oo 17-sano oo uu kunoolaa Norway kadib, laga ceshtay jinsiyada Norwiijiga ah. Wuxuuna sheegay in qofkaas oo kale uu wadanka ku noolaa inta kabadan kalabar noloshiisa, islamarkarkaana ay adagtahay inuu si dhibyar Norway uga baxo.

Arild Humlen oo ah qareenka gudiga difaaca soomaalida, ayaa sidoo kale sheegay in markii laga soo wareego waqti badan xiligii uu qofka wadanka soo galey, ay adagtahay in la helo cadeymo sax oo lagu kalsoonaan karo. Wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in xadido xiliga ay dowladu dib ugu noqon karo kiiska qofka.

Keshvari oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee xisbga FRP ayaa sheegay in hadii go´aankaas la dhaqangaliyo ay dhigantahay in abaal-marinayo dadka systemka nabadgalyada wadanka khiyaameeyey ee sida beenta ah sharciga magangalyada ku helay. Wuxuu sheegay inay taas signal khaldan u direyso dadka raba inay Norway iska soo dhiibaan, iyaga oo ka been-sheegayo asalkooda aqoonsi. 

Keshvari ayaa ah Iiraani Norway qoxooti kusoo galay xili hore, wuxuu hada yahaya afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP. 

[adsenseyu2]

Dood ku saabsan soo jeedintii ay xisbiyada isku raaceen oo caawa ka bixi doonto NRK 1

0

Waxaa caawa saacadu marka ay tahay 21:30 tv-ga qaranka Norway ka bixi doono dood ku saabsan arimaha magangalyada guud ahaan, gaar ahaan soo jeedintii ay dhawaan isku raaceen xisbiyada SV, Ap, Sp, MDG, Venstre iyo KRF. Kaas oo ku saabsanaa in awooda sharci kala noqoshada dhalashada loo wareejiyo maxkamad madax banaan.  

Waxaana dooda ka qeybqaadan doono fikirkooda ka dhiiban doono inta badan xisbiyada siyaasada, mucaarad iyo muxaafadba. Sidoo kale dadka caawa dooda lagu casuumay oo ka qeyb qaadan doono, waxaa kamid ah Arild Humlen oo ah qareenka gudiga difaaca soomaalida iyo Mahad Abiib iyo Baashe Muuse.

Doodan caawa ayaa ah mid aad u muhiim ah, maadaama ay tahay midii ugu weyneyd ee lu saabsan arimaha magangalyada ee la qabto sanado.

NorSom News ayaa kamid ah saxaafada goob-jooga ka noqon doonto doodaas. Yeysan ku dhaafin oo la soco, saacada 21:30 iyo NRK 1.

[adsenseyu2]

Svart Humor iyo Grønland: Daawo barnaamijka maada ah oo ay ka dhex-muuqdaan dad badan oo soomaali ah

0

Svart Humor waa barnaamij maad iyo ilo-qosol ah oo ka baxa tv-ga qaranka Norway ee NRK. Wuxuuna barnaamijka badanaa ku saabsanyahay aqoonta dadka ajaaniibta ah ay leeyihiin waxyaabaha ka dhaca Norway ama farqiga u dhaxeeyo norwiijiga iyo ajaaniibta. 

Yousef Hadaoui oo ah majaajileystaha barnaamijkan daadihaya, ayaa dadka ajaaniibta ah ee uu wareysto weydiiyo su´aalo qaloocsan, si uu ugu helo jawaabo maad ah. Inta badana wuxuu barnaamijkiisa ku duubaa xaafada Grønland oo ah xaafad ay degentahay soomaali aad u badan.

Halkan ka daawo Svart Humor iyo Grønland/soomaali badan oo ka dhex-muuqdo.  

[adsenseyu2]

War deg-deg ah: KRF oo taageeray in awooda sharci kala noqoshada loo wareejiyo maxkamad madax banaan

0

Xisbiga KRF ayaa ugu danbeyn taageeray mooshinka ay baarlamaanka Norway horgeeyeen xisbiyada Sv, Sp, Ap, Venstre iyo MDG. Mooshinkaas oo ku saabsanaa in awooda sharci kala noqoshada dhalashada laga qaado hey´ada laanta socdaalka, loona wareejiyo maxkamad gaarta go´aanka kama danbeysta ah.

Gudoomiyaha KRF Knut Arild oo daqiiqado kahor lahadlay NRK, ayaa sheegay in gudiga uu xisbigiisu u saarey ay sameeyeen qiimeyn adag. Ugu danbeyna ay go´aansadeen inay taageeraan mooshinkaas ku saabsan in maxkamad madax banaan ay gaarto go´aanka kama danbeysta ah ee qofka loogala noqonayo sharciga dhalashada wadanka ee Statsborgerskapka.

Xisbiga SV ayaa lahaa soo jeedinta koowaad ee mooshinkaas, waxaana ku raacay, Sp, Ap, Venstre iyo MDG. ugu danbeyna waxaa hada kusoo KRF. wuxuuna sidaas ku helay cod aqlabiyad ah oo uu ku meel-mari doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arintan dib ayaan kasoo galin doonaa. 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

(Telemarkavisa) Saynab Guuleed: Det tar lang tid å forstå Norge

0

Skrevet av: Dan Hagen, Telemarkavisa.no


Det tok omkring sju år før jeg forstod Norge, det vil si hvordan arbeidslivet fungerte her og språket. Hvis arbeidsgivere ansetter flyktninger, er det til stor hjelp. 

Det uttaler Saynab Guleed. Hun flyktet fra Somalia til Norge i 1990. Nå jobber hun for flyktningteamet i NAV, men kjører også rutebuss. Hun har erfart at for å bli integrert i Norge, er det vesentlig å komme seg ut i arbeidslivet. Derfor snakker hun, og flere andre, varmt for en konferanse der målet er å inspirere til ansettelse av flyktninger.

-Visste ikke om sommertid

– Jo tidligere en kommer i gang i arbeidslivet, desto bedre er det, tror jeg. Det gjelder at en får prøve seg, og det gjelder å bygge opp et nettverk av nordmenn, sier Saynab Guleed. Hun har gjennom årene jobbet både i butikk og kantine – og med renhold.

– Og det er en del rare ting som inntreffer når en ikke kjenner den norske kulturen. Da jeg startet i en ny jobb, kom jeg en time for sent fordi jeg ikke visste at klokka var stilt fra normaltid til sommertid.

Når hun ser tilbake til da hun ankom Norge, er hun svært glad for at ulike arbeidsgivere lot henne få arbeid. – De var tålmodige med meg og etter hvert fikk jeg meg egen leilighet og et bredt nettverk.

Les resten Her :Telemarkavisa.no

[adsenseyu2]

Klassekampen: Qaar kamid ah madax goboleedyada xisbiga KRF oo sheegay inay taageersanyihiin mooshinka

0

Waxaa maanta galinka danbe shir yeelanayo gudiga uu xisbiga KRF u saaray soo qiimeynta mooshinka ay keeneen xisbiyada Sv, Ap, Sp, iyo MDG , kaas oo ku saabsan in awooda sharci-kala noqoshada dadka dhalashada qaatay laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da.

Wargeyska Klassekampen ayaa qorayo in qaar badan oo kamid ah madax goboleedyada xisbiga KRF ay taageereen go´aankaas, iyaga oo golaha dhexe ee xisbigana ka codsaday inay mooshinkaas taageeraan.

Sidoo kale ururka dhalinyarada xisbiga KRF ayaa shaley cadeeyay inay taageerayaan mooshinkaas, iyaga oo sidoo kale ka gudoonka xisbiga ka codsaday inay arintaas taageeraan. Waxeyna sheegeen in wax aad loola yaabo ay noqon karto hadii KrF uu la siyaasad noqdo FRP, marka laga hadlayo siyaasada magangalyada.

Taageerada ay muujiyeen ururka dhalinyarada iyo madaxda gobolady, waxey culeys intiisa le´eg saari doontaa golaha dhexe ee xisbiga, marka ay go´aan ka gaarayaan inay mooshinkaas taageeraana ama ay ka aamusaan. 

Mazyar Keshvari oo ka tirsan xisbiga FRP, kana mid ah golaha baarlamaanka ayaa sheegay inaan maxkadaha waqtiga looga lumin go´aaminta kiisaska dadka ka been-sheegay asalkooda. Wuxuuna sheegay inay taas ka dhigantahay iyada oo abaal-marin la siinayo dadka ka been-sheegay asalkooda ee sidaas ku helay magangalyo ama dhalashada wadanka. Keshvari ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, wuxuuna isaga iyo qoyskiisuba ay Norway kusoo galeen qoxootinimo.  

Waxaa xusid mudan in sheekada Mahad Abiib ay dar-dar galisay mooshinkaas lagu balansanaa in fasaxa sommerka la horkeeno baarlamaanka. 

Gudoomiyaha xisbiga Venstre ayaa dhowr maalin kahor sheegtay in sheekada Mahad Abiib ay tahay mida ugu weyn ee ku qasabtay inay taageeraan mooshinkaas awooda looga qaadayo hey´ada laanta socdaalka.

Xigasho/kilde: Klasse-kampen-papiravis( 18-01-2017, side 9), NRK.no 

[adsenseyu2]

Lege-vaktaha Oslo oo ay buux-dhaafiyeen dad kusoo dhaawacway jididka Oslo

0

Waxaa maanta jidadka magaalada Oslo ka jiray glatt(sabiibax) ba´an, kaas oo sababay in dad badan ay wadooyinka ku kufaan, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaraan.

Wargeyska VG ayaa qorayo in legevaktaha Oslo ay safaf dhaadheer ugu jiraan dad ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Dadka ugu badan ayay wdhaawacyadu kasoo gaareen gacmaha, dhabarka, lugaha ama garabka oo kala baxay.

Sidoo kale waxaa jiro shilal dhowr ah oo laga soo sheegayo inay ka dhaceen meelo kala duwan oo Oslo.

Dhakhaatiirka ka howlgasha Lege-vaktaha ayaa VG u sheegay inay soo gaareen dad wadooyinka kusoo dhaawacmay iyo waliba dad shilal baabuur soo galay.

Hadii aad joogto senterka magaalada ama aad usoo socoto, waxaad kusoo tala-gashaa inuu jiro glatt aad u daran.

[adsenseyu2]

 

KRF: Waan ka fiirsan doonaa taageerada mooshinka awooda sharci kala noqoshada loogu wareejinayo maxkamada

0

Xisbiga KRF oo gacanta midig ku hayo kaarka jokerka u ah meel-marinta mooshinka awooda sharci kala noqoshada looga qaadayo hey´ada laanta socdaalka, looguna wareejinayo maxkamadaha, ayaa sheegay inay si fiican uga fiirsan doonaan taageerida mooshinkaas inta aysan go´aan gaarin.

Waxey sheegeen inay marka hore qiimeyn ku sameyn doonaan qaabka ay hada hey´ada laanta socdaalka ay u shaqeyso ama ay howlahaas u fuliso, kadibna ay barbar dhig ku sameyn doonaan kapasitiga ay maxkamaduhu u leeyihiin xalinta kiisaskaas, kadibna ay go´aankooda soo saari doonaan dhowr isbuuc gudahood. 

SV ayaa soo jeediyay mooshinkan, waxaana ku raacay Ap, Sp, MDG iyo Venstre. Si uu u meel-maro waxaa ka maqan taageerada KRF. 

Listhaug ayaa hore u sheegtay inay aad uga yaabantahay in xisbiyadii shaley dhaqan-galiyay xeerarka dib ugula noqoshada dhalashada, ay maanta xaga kale kasoo safteen. Si gaar ah waxey u carabowday Ap oo ay sheegtay inuu isagu ahaa kii awooda dowlada wadanka hayay, markii inta badan sharciyada ay UDI-du maanta isticmaaleyso la meel-marinayay. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

MDG: Waxaan rabnaa in sharci la siiyo dadka sharci la´aanta wadanka ku ahaa 7 sano

0

Xisbiga MDG(Miljøpartiet De Grønne) oo ah xisbi siyaasadeedaad aad ugu janjeera arimaha deegaanka, ayaa sheegay inay rabaan soo jeedinta qorshe sharci lagu siinayo dadka sharci la´aanta wadanka ku dhex ahaa 7 sano. Sidoo kale caruurta wadanka sharci la´aanta ku ahaa 4 sano ayey sheegeen inay mudanyihiin in sharci magangalyo la siiyo. 

Xisbigan ayaa shaley si hordhac ah uso bandhigay qorshohooda ololaha doorashada baarlamaanka ee sanadkan 2017. MDG ayaa xal xildhibaan oo kaliya ku leh golaha baarlamaanka, wuxuuna aad ugu xooganyahay magaalooyinka waaweyn sida Oslo oo ay golaha deegaanka ku leeyihiin 4 qof.

MDG ayaa sidoo kale sheegay awooda iyo qarashka ay laanta socdaalku ku bixineyso  dabagalka codsiyada dadka wadanka degenaa mudo, ay tahay mid si khalad ah loo isticmaalayo.

Xisbigan ayaa sidoo kale kamid ah xisbiyada isku raacay mooshinka awooda sharciyeed looga qaadayo hey´ada laanta socdaalka ee baarlamaanka Norway la rabo in la horgeeyo. Waxaana mooshinkaas isku raacsan xisbiyada SV oo soo jeedinta lahaa, Ap, Sp, V iyo MDG. Waxaana ka maqan KRF si ay u helaan aqlabiyad ay mooshinkaas ku meel-mariyaan. 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

EU iyo Norway oo dowlada Sudan lacag ku siinayo tahriibayaasha geeska Afrika

0

EU-da ayaa dhamaadkii 2015 heshiis la gashay dowlada dalka Turkiga, kaas oo ku saabsanaa istaajinta qoxootiga kasoo gudbaya dalkaas ee usoo socda wadamada Yurubta. Wuxuuna heshiiskaas noqday mid miro-dhal ah, maadama sababay in tirada qoxootigii imaanayay wadamada Yurub ay waxbadan hoos u dhacdo, tan iyo markii uu heshiiskaas dhaqan-galay.

EU-da iyo wadamo ay kamid tahay Norway ayaa hada raba inay heshiis noocaas oo kale ah la galaan dowlada dalka Suudaan si loo xanibo tahriibayaasha ka imaanaya geeska Afrika ee Suudaan kasoo gudba. Tahriibayaal badan oo asal ahaan kasoo jeedo wadamada Somalia, Ereteriya, Ethopia iyo Koonfurta-Suudaan ayaa sanad walba kasoo gudba dalka Suudaan, si ay ugu sii talaabaan Libya, ugana sii gudbaan Talyaaniga.

Norway oo aan iyadu kamid aheyn EU-da ayaa sidoo kale lacag dheeri ah siin doonto dowlada wadankaas si loo istaajiyo tahriibayaasha geeska afrika kasoo jeedo ee usoo tahriibaya Yurub. 

EU-da ayaa sidoo kale sheegtay inay Suudaan ka qafiifin doonto qaar kamid ah cunaqabateynta dhaqaaleed ee saaran, kadib markii heyádaha xuquuqda aadanuhu ay dowlada dalkaas ku eedeeyeen inay ku kacday xadgudub bini-aadanimo.

Jabhada Jan-jawiidka ayaa sidoo kale sheegtay iany gacan ka geysaneyso mashruucan ay dowlada Yurub wataan, si loo joojiyo tahriibayaasha kasoo talaabaya dhulka lama degaan ah ee Suudaan. 

Xigasho/kilde: Bistandaktuelt.no 

[adsenseyu2]

Warbaahinta Norway oo dhaleeceyn afar gees ah kuhayo awood isticmaalka UDI-da

0

Inta badan warbaahinta Norway ee gaarka loo leeyahay(privat), gaar ahaan kuwooda ugu awooda weyn(Aftenposten, VG, TV2, Dagbladet) ayaa sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay si aan kala go´ laheyn oo darandoori ah, wax uga qorayay kiiska iyo sheekada Mahad Abiib oo soomaalida ku taxan NorSom News ay waxbadan horey uga sii ogaayeen, maadaama aan mudo sanad ah wax ka qoreynay.

[adsenseyu2]

Maanta oo isniin ah ayey qaar badan oo kamid ah wargeysyada Norway ka dhisan ee gaarka loo leeyahay, maqaalo dhaleeceyn ah ka qoreen awood-isticmaalka hey´ada laanta socdaalka ee UDI-du, ay u adeegsaneyso sharci kala noqoshada dadka wadanka mudo badan degenaa, ee laga shakiyo aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxeyna maqaaladooda u cuskanayeen kiiska Mahad Abiib oo fajac iyo afkala taag ku noqday dad badan oo Norwiiji ah.

Cinwaanada dhaleeceytooda ayaa waxaa kamid ah:

[adsenseyu2]

 

Ismal A. Hussein: Sylvi Listhaug, det er på tide å ta en studietur til Canada

0
Ismail A.Hussein

Mitt navn er Ismail og jeg er født i en by på Afrikas horn, med 3 millioner mennesker, langt bort fra Norge og enda lengre bort fra Nord-Norge der jeg bor nå. Det er en by som har vært preget av krig og konflikter i flere titalls år.

Jeg flyktet fra denne byen og kom til Norge som 16-åring. Omtrent like gammel som Ahmed Hussein var (den påtroppende innvandring og integreringsministeren i Canada) da han kom til Canada. Da hadde jeg ingenting – ikke venner, ikke familie, og ingen eiendeler utover det jeg stod og gikk i.
I dag har jeg det meste. Takket være alle mine gode medmennesker som bidro til min utvikling. Møtet med det norske samfunnet og det norske folket var utrolig sterkt. Det forandret meg helt, for det de sa var «at du er en del av oss». Våre rettigheter er dine rettigheter. Våre muligheter er dine muligheter. Den norske modellen har gitt meg muligheten til å gå på skole, leve et verdig og trygt liv og ikke minst tjene mine egne penger. Disse mulighetene har jeg utnyttet og er nå en helt vanlig norsk ungdom.

Jeg jobbet nesten tre av mine snart fem år i Norge, ved siden av skolen. Nå går jeg mitt tredje år på videregående skole. Til høsten skal jeg gjøre noe jeg har alltid drømt om. Jeg skal nemlig begynne å studere og jeg skal gjøre mitt beste for å motivere andre mindreårige ungdommer til å gjøre det samme.
Tanken om å motivere andre til å satse på utdanning, lærte jeg av den somaliske studentforeningen. De har vært mine gode forbilder selv om jeg aldri har vært på deres arrangementer, som finner sted i Oslo, men likevel har de nådd meg helt opp til Nord-Norge.

Andre har bidratt lite eller ingen ting til min utvikling, selv om deres jobb går ut på å integrere flest mulig. Tvert imot velger de å demotivere istedenfor å motivere oss. Deres ord betyr mye for integrering av nye landsmenn, selv om de kanskje ikke tror det selv.

Når Sylvi Listhaug sier at vi som er enslige asylbarn har veldig urealistiske forventninger om hva vi kan oppnå i Norge, sender hun et signal om at vi er annerledes enn våre jevnaldrende. At vi har drømmer som er uoppnåelig bare fordi vi er født i et annet land og vil bli advokater, leger og ingeniører i et nytt land. Riktig nok kan alle ikke bli advokater og leger men alle som vil og legger ned en innsats, kan bli gode advokater og leger.

I dag handler drømmene våre om «Yes, we can». I morgen blir de om til «Yes, we did». Det har historien lært oss gang etter gang, så sent som i forrige uke, da Ahmed Hussein ble din kollega i Canada, Sylvi. Jeg håper du tar en studietur til Canada og møter den tidligere enslige mindreårige asylsøkeren som har både klart å bli advokat og minister. Hør på hans fortelling om urealistiske drømmer som har blitt om til virkelighet.

Kjære Sylvi – jeg er også opptatt av å bevare den norske modellen og det flerkulturelle Norge. Akkurat som deg. Det er nettopp derfor jeg er politisk engasjert og sitter både i fylkesstyret AUF i Nordland og kjemper for barnas rettigheter gjennom Press. For det er bare gjennom gode løsninger vi kan ta vare på det velferdssystemet vi har i Norge. Løsninger som sørger at alle kan lykkes på sin egen måte, løsninger som forhindrer dine «svenske tilstander». Det er bare gjennom en god integreringspolitikk som gjør mulig at du kan føle deg 100% trygg når du går gjennom Grønland.

Sist gang du gikk der var du usikker. Jeg skulle ønske at denne usikkerheten kunne få deg til å tenke på andres usikkerhet. Utryggheten du følte i det fredelig Grønland, kunne ha fått deg til å tenke utryggheten mange barn føler inni seg når de lander i et av verdens farligste land, Afghanistan. Eller utryggheten bioingeniøren Mahad føler når du fratar alt han har brukt 17 år for å bygge opp med så svake begrunnelser. Sylvi, kanskje det er på tide å bruke andre virkemidler som har vist seg å virke, de virkemidlene som gjorde Norge til Norge. Og Ahmed Hussein til din nye kollega i Canada. Men viktigst av alt la oss markere slutten av den langvarige ekskluderingspolitikken du har satt i gang, uavhengig av dine tidligere retoriske utspill, bare med tanke på en god integreringspolitikk i fremtida!! Og det haster!
Del videre!!

NB: Jeg er ingen medlem av hylekoret bare så at det er sagt!!

 

ET FORBILDE ELLER EN LØGNER? KAN MINISTEREN FORKLARE?

0

Skrevet av Evy Ellingvåg.


For kort tid tilbake var integreringsminister Listhaug og den danske innvandringsminister Inger Støjberg samlet til et møte med Ayaan Hirsi Ali. Innvandringsministeren var både stolt, glad og imponert over Ali, og anser henne som en personlig venn i tillegg til å være en kapasitet hva angår muslimer, islam, kjønnsdiskriminering og innvandring. Ministeren planlegger ytterligere samarbeid med henne.

Hirsi Ali kom til Nederland på falske premisser. Hennes far Hirsi Magan Isse, den somaliske dissidenten (noen vil kalle ham krigsherre), hadde sørget for at familien var i middelklasse og trygghet i Kenya. Hirsi Ali fortalte nederlandske myndigheter at hun rømte direkte fra Somalia fra et tvangsekteskap, mens det viste seg at hennes mann bisto henne i å komme seg til Nederland, bisto økonomisk, og at hun i motstrid til hva hun fortalte nederlandske myndigheter hadde vært høyst tilstede i sitt eget bryllup. I tillegg har hun bodd i Saudi Arabia, Etiopia og Kenya før hun reiste til Nederland. 

Alt dette er dokumentert. Da dette ble kjent, røk Ayaan Hirsi Alis politiske karriere, og hun mistet opphold i Nederland. Hun kom ikke som 14-åring, og hun hadde ikke levd i Nederland lenger enn hun hadde levd i Kenya/Somalia.

Hun fikk innreise til USA via sine høyrepopulistiske og politisk/økonomiske tungvektervenner i American Enterprise Institute (AEI) der, og reiser nå rundt til skandinaviske innvandringsansvarlige ministere som syns hennes budskap er enestående.

Når dette ble brakt på bane i forbindelse med hennes norgesbesøk, var det tett mellom apologetene i høyre kommentarfelt. Få hadde vanskeligheter med å finne passelige forklaringer og unnskyldninger for henne.

Jeg oppfordrer dem til å komme med klar støtte til Mahad Adib Mahamud, når Listhaugs instrukser sier han skal miste statsborgerskapet på langt svakere bevis enn Ayaan Hirsi Ali mistet sitt opphold. Jeg oppfordrer samtidig innvandringsministeren til å forklare oss hvorfor hun ser det naturlig å samarbeide med en kvinne som åpenbart har løyet seg til opphold mens hun fastholder at sånne som Mahad må dra.

Kilde: tolvtejanuar.org

[adsenseyu2]

Ogaysiis: Jaaliyada soomaaliyeed ee Bergen oo mudaaharaad qabanqaabineyso

0

Jaaliyada Somaliyeed ee Magaalada Bergen, waxay  Somalida ku dagan Bergen iyo nawaaxiga ku war -gelinaysaa inuu dhici doono mudaharaad, kaas oo looga soo horjeedo sharciyada cusub ee xukumada dhaqan gelisay, ee dadka Somalida ah sharciyada dib looga ceshanaayo. mudaharadka wuxu ka dhici doonaa Torgallmeningen oo ku taal bartamaha magalada.

Dhamaan waxaa dadka Somaliyeed ee dagan degaankaa Bergen iyo inta ku xeeran laga codsanayaa, Inay ka soo qayb galaan si aan u muujinayo midnimadeena iyo isku duubnideena.

wixi Faahfaahin ah: Kala Xiriir Gudiga  Qabanqaabada  Telefona Nurmada kala ah : 40 541902 , 410734409

[adsenseyu2]

NRK: UDI hevdet Facebook-profil avslørte bløff, trakk tilbake oppholdstillatelse

0

En opplysning på Facebook gjorde at UDI plutselig trakk tilbake oppholdstillatelsen somaliske Bushro Jama hadde hatt i seks år. – Vi har godt håp om å få saken omgjort, sier advokat.

Det er fortsatt håp om at den somaliske småbarnsmoren Bushro Jama og familien hennes skal få bli i Hadsel, sier advokaten hennes Daniel Riibe-Stokland til NRK.

Det var i fjor høst at Utlendingsdirektoratet ga beskjed om at oppholdstillatelsen hun fikk for seks år siden blir trukket tilbake, fordi de mener hun har løyet om hvor i Somalia hun kommer fra. Det kom de blant annet kommet fram til gjennom å sjekke tobarnsmorens Facebook-profil, som hun fikk hjelp av andre til å opprette.

Siden da har småbarnsmoren, sammen med lokale støttespillere og advokaten sin, kjempet for at hun fortsatt skal få bo i Norge.

I hjemlandet Somalia venter nemlig dødsstraff, hevder hun.

– Jeg kan ikke dra tilbake. Der er jeg dømt til å bli steinet til døde. Ungene mine kan bli uten moren sin, har Bushro Jama tidligere sagt til NRK.

Ny behandling

Saken er nå til ny behandling, og ifølge advokaten har familien flere gode innspill som i løpet av neste uke skal sendes over til Utlendingsnemnda, skriver nettstedet vol.no.

– UDI har sendt en uttalelse til Utlendingsnemnda (UNE), hvor de begrunner hvorfor de ikke omgjør sitt vedtak. Nå skal UNE vurdere om vedtaket skal omgjøres. I denne begrunnelsen er det en god del opplysninger som Bushro og hennes familie ønsker å svare på. Det svaret skal vi sende i nærmeste framtid, slik at UNE får det med når de skal ta sin avgjørelse, sier advokaten til NRK.

Les resten av saken her: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Utrop: Eks-flyktning blir Canadas nye innvandringsminister

0

Ahmed Hussen, en somaliskfødt flyktning, erstatter John McCallum som minister, skriver den  flerkulturelle avisen Utrop( skrevet av Claudio Castello/Utrop).

Hussen ble historisk i 2015 som den første politikeren med somalisk bakgrunn til å bli valgt inn i det canadiske parlamentet (House of Commons) for valgdistriktet York South-Weston, etter Det liberale partiets valgskred samme år.

Hussen kom til Canada som enslig mindreårig flyktning fra Mogadishu i 1993, mens borgerkrigen herjet i opprinnelseslandet, og slo seg ned i Toronto.

Hussens karriere i offentlig forvaltning begynte etter videregående skole, da han begynte å jobbe for sosialtjenestene i Hamilton-Wentworth. Senere utdannet han seg innenfor juss, og jobbet i en årrekke som advokat, med fokus på innvandringssaker. 

Tiden som advokat førte til at Hussen ble aktivist og politisk engasjert på innvandrings- og integreringsfeltet. I 2003 gikk han over til politikken, som assistent og politisk rådgiver for guvernøren for provinsen Ontario, Dalton McGuinty.

En ledertype

Samme McGuinty har beskrevet Hussen på følgende vis i avisen The Globe and Mail:

– Han er helt klart en ledertype, og ser på politikkutforming som en måte å tjene landets borgere på. Hussen drives i stor grad av takknemlighetsfølelsen han har overfor Canada, og for mulighetene han fikk her som nyankommet krigsflyktning. Canada tok ham imot, og nå vil han hjelpe oss å ta imot andre nye borgere på samme måte, sier den nå pensjonerte politikeren og eks-guvernøren.

Selv vil Hussen bruke sin erfaring for all den er verdt.

– Som ny-canadier, som tidligere advokat i innvandringssaker, som talsmann for det canadisk-somaliske miljøet og organisasjonsmann håper jeg å bidra til statsminsiter Trudeaus regjering.

Les resten av artikkelen her: Utrop.no

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.