fredag, mars 29, 2024

Storebrand: Dad badan oo raba deyn islaami ah ayaa nala soo xiriiray

Isbuuc kahor ayay aheyd markii bankiga Storebrand uu sheegay inuu qiimeynayo bilaabida bixinta deyn islaami ah, iyaga oo furay website oo qofka arintaas xiiseynayo uu kala soo xiriiri karo. 

Store brand ayaa sheegay in mudo 10 maalin gudaheed ah ay kula soo xiriireen dad 350 oo qof gaaraya, kuwaas oo raba inay qaataan deyn islaami ah hadii uu bankigu bilaabo bixinteeda.  Taasna waxey muujineysaa baahida weyn ee loo qabo in la helo bixinta deyn noocaas oo kale ah. 

Ururka dalada islaamiga ah ee Islamsk Råd iyo ururka Islamnet ayaa sida uu qorayo wargeyska Vårt-land, bogogaada Facebook ku daabacay fariimo ay dadka ku dhiirigalinayaan inay xiriir la sameeyaan bankiga Storebrand. 

-UK iyo Malaysia:

Storebrand ayaa sheegay inay hada gudo-galayaan qiimeynta awooda suuqa deynta noocan ah iyo qaabka ay u muuqaal ekaan doonto. Waxeyna sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen talo-bixiyeyaal dhaqaale oo kasocdo wadamada Malaysia iyo U.K, kuwaas oo raba inay Storebrand la qaabeeyaan bixinta deynta islaamiga ah.

-Waa naloo handaday:

Dhanka kale Storebrand ayaa sheegaya in soo saaristooda ku saabsan qiimeynta bixinta deynta islaamiga ah, ay kasoo wajaheen dhowr dhacdo oo negativ ah. Waxey sheegeen in qaar kamid ah macaamiishooda ay ka baxeen bankigooda, halka qaar kalena ay ugu hanjabeen inay ka bixi doonaan. 

Xigasho/kilde: Vårtland

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x