KRF: Waan ka fiirsan doonaa taageerada mooshinka awooda sharci kala noqoshada loogu wareejinayo maxkamada

0
145

Xisbiga KRF oo gacanta midig ku hayo kaarka jokerka u ah meel-marinta mooshinka awooda sharci kala noqoshada looga qaadayo hey´ada laanta socdaalka, looguna wareejinayo maxkamadaha, ayaa sheegay inay si fiican uga fiirsan doonaan taageerida mooshinkaas inta aysan go´aan gaarin.

Waxey sheegeen inay marka hore qiimeyn ku sameyn doonaan qaabka ay hada hey´ada laanta socdaalka ay u shaqeyso ama ay howlahaas u fuliso, kadibna ay barbar dhig ku sameyn doonaan kapasitiga ay maxkamaduhu u leeyihiin xalinta kiisaskaas, kadibna ay go´aankooda soo saari doonaan dhowr isbuuc gudahood. 

SV ayaa soo jeediyay mooshinkan, waxaana ku raacay Ap, Sp, MDG iyo Venstre. Si uu u meel-maro waxaa ka maqan taageerada KRF. 

Listhaug ayaa hore u sheegtay inay aad uga yaabantahay in xisbiyadii shaley dhaqan-galiyay xeerarka dib ugula noqoshada dhalashada, ay maanta xaga kale kasoo safteen. Si gaar ah waxey u carabowday Ap oo ay sheegtay inuu isagu ahaa kii awooda dowlada wadanka hayay, markii inta badan sharciyada ay UDI-du maanta isticmaaleyso la meel-marinayay. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments