tirsdag, april 23, 2024

EU iyo Norway oo dowlada Sudan lacag ku siinayo tahriibayaasha geeska Afrika

EU-da ayaa dhamaadkii 2015 heshiis la gashay dowlada dalka Turkiga, kaas oo ku saabsanaa istaajinta qoxootiga kasoo gudbaya dalkaas ee usoo socda wadamada Yurubta. Wuxuuna heshiiskaas noqday mid miro-dhal ah, maadama sababay in tirada qoxootigii imaanayay wadamada Yurub ay waxbadan hoos u dhacdo, tan iyo markii uu heshiiskaas dhaqan-galay.

EU-da iyo wadamo ay kamid tahay Norway ayaa hada raba inay heshiis noocaas oo kale ah la galaan dowlada dalka Suudaan si loo xanibo tahriibayaasha ka imaanaya geeska Afrika ee Suudaan kasoo gudba. Tahriibayaal badan oo asal ahaan kasoo jeedo wadamada Somalia, Ereteriya, Ethopia iyo Koonfurta-Suudaan ayaa sanad walba kasoo gudba dalka Suudaan, si ay ugu sii talaabaan Libya, ugana sii gudbaan Talyaaniga.

Norway oo aan iyadu kamid aheyn EU-da ayaa sidoo kale lacag dheeri ah siin doonto dowlada wadankaas si loo istaajiyo tahriibayaasha geeska afrika kasoo jeedo ee usoo tahriibaya Yurub. 

EU-da ayaa sidoo kale sheegtay inay Suudaan ka qafiifin doonto qaar kamid ah cunaqabateynta dhaqaaleed ee saaran, kadib markii heyádaha xuquuqda aadanuhu ay dowlada dalkaas ku eedeeyeen inay ku kacday xadgudub bini-aadanimo.

Jabhada Jan-jawiidka ayaa sidoo kale sheegtay iany gacan ka geysaneyso mashruucan ay dowlada Yurub wataan, si loo joojiyo tahriibayaasha kasoo talaabaya dhulka lama degaan ah ee Suudaan. 

Xigasho/kilde: Bistandaktuelt.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x