torsdag, mars 28, 2024

KRF: Hala xadido waqtiga qofka jinsiyada dhalashada norwiijiga lagala noqon karo

Xisbiga KRF oo horey u taageeray soo jeedintii ku saabsaneyd in awooda sharci kala noqoshada dhalashada laga qaado, hey´ada laanta socdaalka loona wareejiyo maxkamad madax banaan, ayaa soo jeediyay in la xadido waqtiga qofka lagala noqon karo jinsiyada norwiijiga.

Knut Arild, gudoomiyaha xisbiga KRF oo xaley ka qeybgalay doodii NRK 1 ayaa sheegay inay adagtahay in qof jinsiyada norwiijiga lagala noqdo, kadib markii uu sanado badan wadanka ku noolaa, caruurna ku dhaley. Sidaas darteed wuxuu soo jeediyay inay Norway ku dayato dalka Bulgiumka, kaas oo leh sharci xadidaya waqtiga ay dowladu qofka kala noqon karto jinsiyada dhalashada iyo inta sano ee dib loo socon karo.

Wuxuu tusaale usoo qaaday kiiska Mahad Abiib(Masheegin magaciisa) oo 17-sano oo uu kunoolaa Norway kadib, laga ceshtay jinsiyada Norwiijiga ah. Wuxuuna sheegay in qofkaas oo kale uu wadanka ku noolaa inta kabadan kalabar noloshiisa, islamarkarkaana ay adagtahay inuu si dhibyar Norway uga baxo.

Arild Humlen oo ah qareenka gudiga difaaca soomaalida, ayaa sidoo kale sheegay in markii laga soo wareego waqti badan xiligii uu qofka wadanka soo galey, ay adagtahay in la helo cadeymo sax oo lagu kalsoonaan karo. Wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in xadido xiliga ay dowladu dib ugu noqon karo kiiska qofka.

Keshvari oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee xisbga FRP ayaa sheegay in hadii go´aankaas la dhaqangaliyo ay dhigantahay in abaal-marinayo dadka systemka nabadgalyada wadanka khiyaameeyey ee sida beenta ah sharciga magangalyada ku helay. Wuxuu sheegay inay taas signal khaldan u direyso dadka raba inay Norway iska soo dhiibaan, iyaga oo ka been-sheegayo asalkooda aqoonsi. 

Keshvari ayaa ah Iiraani Norway qoxooti kusoo galay xili hore, wuxuu hada yahaya afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x