fredag, mars 29, 2024

Klassekampen: Qaar kamid ah madax goboleedyada xisbiga KRF oo sheegay inay taageersanyihiin mooshinka

Waxaa maanta galinka danbe shir yeelanayo gudiga uu xisbiga KRF u saaray soo qiimeynta mooshinka ay keeneen xisbiyada Sv, Ap, Sp, iyo MDG , kaas oo ku saabsan in awooda sharci-kala noqoshada dadka dhalashada qaatay laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da.

Wargeyska Klassekampen ayaa qorayo in qaar badan oo kamid ah madax goboleedyada xisbiga KRF ay taageereen go´aankaas, iyaga oo golaha dhexe ee xisbigana ka codsaday inay mooshinkaas taageeraan.

Sidoo kale ururka dhalinyarada xisbiga KRF ayaa shaley cadeeyay inay taageerayaan mooshinkaas, iyaga oo sidoo kale ka gudoonka xisbiga ka codsaday inay arintaas taageeraan. Waxeyna sheegeen in wax aad loola yaabo ay noqon karto hadii KrF uu la siyaasad noqdo FRP, marka laga hadlayo siyaasada magangalyada.

Taageerada ay muujiyeen ururka dhalinyarada iyo madaxda gobolady, waxey culeys intiisa le´eg saari doontaa golaha dhexe ee xisbiga, marka ay go´aan ka gaarayaan inay mooshinkaas taageeraana ama ay ka aamusaan. 

Mazyar Keshvari oo ka tirsan xisbiga FRP, kana mid ah golaha baarlamaanka ayaa sheegay inaan maxkadaha waqtiga looga lumin go´aaminta kiisaska dadka ka been-sheegay asalkooda. Wuxuuna sheegay inay taas ka dhigantahay iyada oo abaal-marin la siinayo dadka ka been-sheegay asalkooda ee sidaas ku helay magangalyo ama dhalashada wadanka. Keshvari ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, wuxuuna isaga iyo qoyskiisuba ay Norway kusoo galeen qoxootinimo.  

Waxaa xusid mudan in sheekada Mahad Abiib ay dar-dar galisay mooshinkaas lagu balansanaa in fasaxa sommerka la horkeeno baarlamaanka. 

Gudoomiyaha xisbiga Venstre ayaa dhowr maalin kahor sheegtay in sheekada Mahad Abiib ay tahay mida ugu weyn ee ku qasabtay inay taageeraan mooshinkaas awooda looga qaadayo hey´ada laanta socdaalka.

Xigasho/kilde: Klasse-kampen-papiravis( 18-01-2017, side 9), NRK.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x