Wargeyska GD oo sawirka wiilkan soomaaliga ah, si khaldan u isticmaalay

0
130

Wargeyska Gudbrandsdølen Dagningen ayaa mar ay ka hadlayeen Mahad Abiib, isticmaalay sawirkan wiilkan dhalinyarada soomaaliga ah oo lagu magacaabo Mahad Abdi Jama. GD ayaa Mahad Abdi Jama ku khalday Mahad Abiib, iyaga oo sawirkiisa kusoo daabacay wargeyska qaab online ah iyo waliba qaab waraaq ah.

Sida ay noo sheegeen dad ka agdhow qoyska wiilka, asxaabta wiilka taqaanay ayaa telefoono iyo fariimo usoo dirayay Mahad Abdi Jama habeenkaas oo dhan, iyaga oo wax ka weydiinayo arintaas, halka qaar kalena ayba bilaabeen inay aflagaadeeyaan Mahad, ayna ku tilmaamaan beenlow.

Mahad ayaa sida ay noo sheegeen qoyskiisu ah wiil dhalinyaro ah oo wadanka ku dhashay, dhigtana jaamacad. Waxaana ay arintan keentay inuu su´aalo iyo dhibaato kala kulmo asxaabta ay isku jaamacada yihiin.

Qoyska wiilkan ayaa caro ka muujiyay arintan, waxeyna sheegeen inay dacweyn doonaan wargeyska sawirka wiilka sida khaldan u isticmaalay.

-GD oo raali-gelin bixiyay:

Wargeyska GD ayaa cadadkiisii maanta soo baxay raali-galin ka bixiyay sida khaldan oo ay u isticmaaleen sawirka wiilka, iyaga oo sheegay inay ka xunyihiin dhibaatada arintaas Mahad Abdi Jama kasoo gaartay. Waxeyna cadeeyeen inuusan Mahad ku shuqul-laheyn arinta laga hadlayay oo ku saabsaneyd Mahad Abiib. 

Xigasho/kilde: GD.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments