Dood ku saabsan soo jeedintii ay xisbiyada isku raaceen oo caawa ka bixi doonto NRK 1

0
129

Waxaa caawa saacadu marka ay tahay 21:30 tv-ga qaranka Norway ka bixi doono dood ku saabsan arimaha magangalyada guud ahaan, gaar ahaan soo jeedintii ay dhawaan isku raaceen xisbiyada SV, Ap, Sp, MDG, Venstre iyo KRF. Kaas oo ku saabsanaa in awooda sharci kala noqoshada dhalashada loo wareejiyo maxkamad madax banaan.  

Waxaana dooda ka qeybqaadan doono fikirkooda ka dhiiban doono inta badan xisbiyada siyaasada, mucaarad iyo muxaafadba. Sidoo kale dadka caawa dooda lagu casuumay oo ka qeyb qaadan doono, waxaa kamid ah Arild Humlen oo ah qareenka gudiga difaaca soomaalida iyo Mahad Abiib iyo Baashe Muuse.

Doodan caawa ayaa ah mid aad u muhiim ah, maadaama ay tahay midii ugu weyneyd ee lu saabsan arimaha magangalyada ee la qabto sanado.

NorSom News ayaa kamid ah saxaafada goob-jooga ka noqon doonto doodaas. Yeysan ku dhaafin oo la soco, saacada 21:30 iyo NRK 1.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments