onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 259

Denmark: 800 oo qoxooti soomaali ah ayaan dib ugu celineynaa Soomaaliya

0

Dowlad dalka Denmark oo isbuucyo kahor sheegtay inay joojisay dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, ayaa hadana sheegeyso iney markale dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo 800 gaaraya. Waxaana sidaa qorayo oo aan kasoo xiganey wargeyska Politiken.dk

From 1200 to 800

Denmark ayaa bartamihii sanadkii 2016 sheegtay inay xaalada amaan ee Soomaaliya oo soo hagaagtay owgeed, ay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyada qoxooti soomaaliyeed 1200 gaaraya. Laakiin war qoraal ah oo ay soo saartay ayey hadana ku sheegtay inay arintaas joojisay.

Sida aan kasoo xiganeyno wargeyska Politikken.dk iyo wargeyso kale oo dalkaas kasoo baxa, wasiirada arimaha soo galootiga ee dalkaas ayaa hadana mar kale sheegtay inay dib u qiimeyn doonaan sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo 800 gaaraya, waxeyna in hadii dadkaas lagala noqdo sharciyada magangalyada, si toos ah loogu celin doono wadankoodii.

Afartii qof ee ugu horeeyay:

Politiken.dk ayaa qorayo in afartii qof ee soomaali ah ee ugu horeysay oo sharciga magangalyada dib looga noqday, ay Denmark Soomaaliya ku celin doonto mudo bil gudaheed ah.

[adsenseyu2]

Hey´ada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNCHR, ayaa qeylodhaan kasoo saartay arintaas ay Denmark sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto. Waxeyna sheegeen in 800 ay naftooda khatar gali karto hadii Soomaaliya lagu celiyo.

Sidoo kale hey´ado badan oo ah kuwo ka shaqeeyo xuquuqda aadanaha ayaa arintaas ka deyriyay, iyaga oo Denmark uga digayo cawaaqib xumada ka dhalan karto.

Wasiirada arimaha soo galootiga ee dalka Denmark oo la hadashay wargeyska Politikken ayaa sheegtay in soomaalidu ay dhulkoodii oo nabad ah ay ku noqonayaan, aysana jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmi doonaan.

Iyada oo raacisay in kiis walba si taxadar leh looga shaqeyn doono, isla markaana qof kastaa si gooni ah kiiskiisa looga shaqeyn doono. Wasiirada ayaa hadalkeeda raacisay in sharciga magangalyada dalkaas uu dhigayo in qoxootiga wadankoodii lagu celin karo, hadii xaalada amaan ee dalkii ay kasoo qaxeen ay soo hagaagto.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa qorayo in todobadii bilood ee ugu danbeysay ay xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha ay soo xumaaneysay. Iyada oo qaraxyada lala beegsado goobaha dadweynaha ay aad sare ugu kaceen, xili lagu jiro isku diyaarinta doorashada madaxtinimo.

Arinta layaabka leh ayaa ah in xisbiyada bidixda ee sosialka oo arimaha oo kale ka hadli jiray, ay  hadataageersanyihiin go´aanka dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed oo ay wasiiradaas soo jeedisay.

Nala soo xiriir:

Hadii aad arimaha warar dheeri ah ka heyso ama aad Denmark ku sugantahay, Fadlan nala soo xiriir. NorSomnews@gmail.com

Xigasho/kilde: Politiken.dk 1, Politikken.dk 2, politikken.dk 3

wasaarada arimaha dibada Norway oo ka digeyso in loo safro galbeedka dhulweynaha Soomaalida

0

Wasaarada arimaha dibada dalkan Norway, ayaa muwaadiniinta norwiijiga ah ugu digeyso inay u safraan bariga gobalka-galbeedka -dhulweynaha-qowmiyada-soomaalida, ama dhulka ay Ethopia xooga ku maamuluto ee loogu yeero gobalka soomaalida Ethopia(kilalka shanaad)!.

Warbixin cusub oo wasaarada arimaha dibadu ay kusoo daabaceen bogooda rasmiga ah oo ay ku leedahay internetka, ayey ugu digtay inay muwaadiniinta norwiijiga ah ay u safraan ama ay ku nagaadaan gobalka galbeedka dhulweynaha soomaalida(Dhulka ay Ethopia maamulato ee kililka soomaalida). Iyada oo sidoo kalena ku wargalisay inay aad u feejignaadaan, hadii ay u safrayaan gobolada Ethopia xuduudka la leh wadamada Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan.

Wasaarada ayaa sidoo kale ku dhiirigalisay muwaadiniinta norwiijiga ah ee hada ku sugan Ethopia, inay iska diiwaan-galiyaan webkan ay wasaaradu u sameysay muwaadiniinta Norway ee ku safro wadamada dibada: Reiseregistrering.no 

Xaalada amaan ee Ethopia ayaa aad u kacsaneyd bilihii ugu danbeeyay, kadib markii ay banaanbaxyo waaweyn dhigeen dad ka careysan maamulka digtaatooriga ee Tigreega.

Xigasho: Regjeringen.no/ Utenriksde.NO , ABC-nyheter

[adsenseyu2]

 

Amal Aden oo markale bilad la gudoonsiiyay

0

Amal Aden ayaa markale bilad lagu sheegay inay tahay bilad-sharaf la gudoonsiiyay. Waxaana la sheegay in loo aqoonsaday inay tahay haweeneyda sanadka ee degmada Ringerike oo ah deegaanka ay degantahay. 

Ururka haweenka ee Novopro, ayaa biladan gudoonsiiyay Amal Aden, waxeyna sheegeen inay tahay qof lagu deydo. Iyaga oo raaciyay inay u dooda xuquuqda dadka jilicsan!? ama maatada ah.

Xigasho/kilde: NRK.NO, Ringblad

[adsenseyu2]

Sidee passportkaaga ugu qori kartaa magaalada aad ku dhalatay ee saxda ah?

0

Waxaa ilaa shaley magaalada Oslo aad looga hadalhayay dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo looga yeeray xafiiska laanta diiwaangalinta ee Skattøst(Oslo). Dhowr qof ayaa NorSom News lasoo xiriiray, iyaga oo rabay inay wax arintaas ka ogaadaan.

Ukjent:

Sommerkii hore ayey hey´ada maamusha booliska Norway soo saartay go´aan cusub, kaas oo ku saabsan in passporadooda dadka ka yimid 31 wadan oo Soomaaliya ay kamid tahay, loogu qori doono (ukjent) magaalada dhalashada.

Buuq iyo fal-celin xoogan kadib, ayey hadana hey´ada POD kanoqotay go´aankaas hore, iyaga oo keenay xal kale oo ah in wadanka uu qofku ku dhashay passport loogo qoro labo jeer(Magaalada dhalashada: Som..Wadanka Dhalashada: Somalia).

Go´aankii koowaad ee UDI-da:

warqad uu noo soo diray qof shaley joogay xafiiska laanta diiwaangalinta dadweynaha

Sida aan kasoo xiganeyno dad badan oo shaley tagay xafiiska laanta diiwaangalinta dadweynaha, waxaa dadkii passportka loogu qoray(Ukjent) ama Som-Somalia lagu wargaliyay, in passporkooda loogu qori doono magaalada dhalashada, hadii ay la yimaadaan warqada go´aankii koowaad ee UDI-du ay qofka ku aqbashay codsigiisa magangalyada.

Sidoo kale warqada go´aanka ogolaanshihii koowaad ee dadka qaabka dacwada ah ku imaaday wadanka.  Warqadaas ayey laanta diiwaangalintu sheegtay inay noqon karto cadeynta magaalada dhalashada, si qofka magaalada uu ku dhashay ee saxda ah loogu qoro passportkiisa.

Hadii aadan heynin warqada go´aankii koowaad ee UDI-da, waxaad la xiriiri kartaa xafiiska UDI-da, ayaga ayaana kuusoo diri kara nuqulka(copy-ga) warqada go´aankii koowaad ee UDI-du qofka ku aqbashay codsigiisa magangalyo. Ama warqada go´aankii qofka lagu ogolaaday( dadka loo dacwooday).

Sida dadka aan la xiriirney ay noo sheegeen, UDI-da ayaa qofka usoo diri kara warqadaas, hadii warqadaas wali ay kujirto keydkooda. .

NorSom News ayaa xiriir dhanka la sameysay laanta diiwaan-galinta, si aan arintaas u xaqiijino, laakiin wali jawaab kama aanan helin.

Dadka aan la xiriirney ayaa noo sheegay in  in dadkii passportkooda lagu qoray Ukjent lagu wargaliyay, inay heystaan waqti cayiman oo ay khaladkaas passportkooda kuqoran ay ku sixi karaan. Nooma xaqiijin goorta uu ku egyahay waqtigaas, laakiin qof kamid ah ayaa sheegay inay ku egtahay bilowga bisha April ee sanadkan.

Wixii arintaas kusoo kordha gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

Journalisten: Flere journalister skal være såret i hotellangrepet i Mogadishu i går.

0

Suxufiyiin dhowr ah ayaa shaley ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho. Wargeyska ay gaarka u leeyihiin suxufiyiinta dalkan Norway ee Journalisten.no, ayaa qoroyo in wariyeyaasha ku dhaawacmay weerarkaas ay kamid ahaayeen: Cabdulqadir Cabdullahi Gacal(Horn-Cable TV), Faarax Cabdi Warsame(Associates Press), Cabdulkadir Cabdullahi (Radio Kulmiye),  Yuusuf Jaamac Cabdullahi( Al jazeera TV), Mohamed Abdiwahab ( AFP).

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa wakaalada wararka Germany ee DPA u xaqiijiyay in weerarkaas sidoo kale uu ku geeriooday A.H.N Abdirisak Cumar Mohamed. 


Skrevetn av: Angelica Hagen/ Journalisten.no 


To kjøretøy eksploderte onsdag morgen rett utenfor inngangen til Dayah Hotel, hvorpå væpnede menn stormet inn i hotellet, som ligger i sentrum av byen.

Tyske DPA har fått bekreftet fra sikkerhetsminister Abdirisak Omar Mohamed at 18 personer ble drept, blant dem seks angripere.

Blant dødsofrene var det regjeringssoldater, hotellvakter og sivile, ifølge politi- og sikkerhetskilder. I tillegg ble rundt 40 personer såret.

International Federation of Journalists (IFJ) fordømmer angrepet og melder samtidig at minst sju journalister ble såret. Abdulkadir Abdullahi Ga’al ved HornCable TV, Farah Abdi Warsame ved Associates Press, Abdulkadir Abdullahi i Radio Kulmiye, Yusuf Jama Abdullahi i Aljazeera TV og Mohamed Abdiwahab ved nyhetsbyrået AFP er blant journalistene som skal ha blitt fraktet til sykehus.

– Vi fordømmer dette skammelige angrepet mot sivile. Siden flere journalister ble såret av eksplosjonen fra den andre bilen, ble dagens angrep også lagt opp for å såre journalister som kom for å gjøre jobben sin. Vi ønsker de sårede journalistene god bedring , sier generalsekretær Omar Faruk Osman i Somalias presseorganisasjon National Union of Somali Journalists (NUSOJ).

Xigasho/kilde: Les resten her: Journalisten.no 

[adsenseyu2]

Siyaasigii ku jees-jeesay geerida A.H.N Yacquub Hassan oo danbigiisa qirtay

0

Siyaasigii ku jees-jeesay geerigada A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan oo ahaa 14-kii soomaaliga ahaa ee lagu dilay magaalada Kristiansand bilowgii bishii Desember, ayaa qirtay danbiga lagu soo eedeeyay ee hadalka naceybka uu ku dheehanyahay ah.

Ninkan siyaasiga ah oo katirsanaa xisbiga Demokratene, ayaa qoraal uu kusoo qoray barta facebook, wuxuu geerida Yacquub  yare ku tilmaamay mid aan micno weyn laheyn, maadaama uu mustaqbalka noqon lahaa argagaxiso. Isaga oo islamarkaasna ka tacsiyeeyay geerigada haweeneydii Yacquub lala dilay ee Tone Illebek.

Dacwad-oogayaasha Booliska ayaa ninkan kusoo eedeeyay inuu la yimid hadalo naceyb ah, kuwaas oo uu ciqaab ku mudan karo.

Kadib markii lagu soo eedeeyay danbiga hadal-naceybka ah, ayuu iska casilay jagadii uu u hayay xisbiga Demokratene, isaga oo sidoo kale ka tunaasulay musharaxnimadii baarlamaanka ee uu xisbigaas yar uga sharaxnaa gobalka Hedmark.

Henning Klauseie oo ah qareenka booliska ayaa sheegay in ninka uu qirtay inuu isaga ahaa qofkii Facebooga ku qoray qoraalkaas, wuxuuna raaciyay inuusan sifiican uga fakarin cawaaqibta ka imaan kartay.

Klauseie ayaa raaciyay in ninkan ogolaaday in kiiskiisa loo gudbiyo maxkamada, iyada go´aan looga gaari doono sidii qof danbiga qirtay oo kale.

Ex-siyaasigan ayaa lagu heystaa inuu jabiyay qodobka 185 ee xeerka ciqaabta. Wuxuuna muteysan karaa ciqaab u dhaxeyso ganaax ilaa sadex sano oo xabsi ah. Maadaama uu danbiga qirtay, wax xoogaa ayaa ciqaabta laga qafiifin doonaa.

Xigasho/kilde: NRK.no 

[adsenseyu2]

Ganacsato soomaali ah oo sameeyay adeeg kuu sahlayo inaad gurigaada ka dirto lacagta xawaalada

0

Shirkada TTC Finans AS  oo ah shirkad ay aas´aasen ganacsato soomaali ah, ayaa  sameeyay adeeg cusub oo soomaalida Norway degan, u fududeynayo inay lacagaha xawaalada qaab online- ah u diraan, iyaga oo gurigooda aan kasoo bixin.

Adeegan cusub oo loogu magacdaray Remmitor.com, ayaa ah mid qofka u sahlaya inuu si toos ah lacagtiisa ugu xawilo Soomaaliya, Kenya iyo Ethopia, isaga oo aan soo marin xafiis xawaaladeed. 

Maamulka TTC Finans waxay ugu talagaleen adeegan cusub ee Remmitor,  in ay soomaalida Norway u sahlaan inay si toos lacagta ugu diraan mobilka qofka soomaaliya joogo ee isticmaala adeegyada Zaad, EVC plus iyo Sahal.

Sidoo kale waxey wada-shaqeyn iyo xiriir toos ah uu kala dhaxeeyaa shirkada Taaj, islamarkaana wuxuu qofka soomaaliya joogo uu lacagta ka qaadan karaa xafiisyada xawaalada Taaj ee Soomaaliya, Kenya, iyo Ethopia. 

TTC Finans ayaa ah shirkad maaliyadeed oo ka diiwaan-gashan waaxda maaliyada iyo canshuuraha ee Finanstilsynet

Abdirisaq Aden Macow(sawirka bidix) oo kamid ah maamulka shirkada TTC finans ayaa NorSom u sheegay in adeegan cusub ee Remmitor ay ugu talo-galeen iney ka faa´iideystaan dadka Somaliyeed ee ku nool dalka norway. Wuxuuna raaciyay inay iyaga oo gurigooda iyo caruurtooda aan kasoo dhex-bixin ,ay si toos ah lacagta ugu diri karaan qaraabadooda degan dalkii.

Awale A. Jamac oo isna kamid ah maamulka TTC finans ayaa raaciyay in soomaalida degan tuulooyinka iyo meelaha fog-fog ay dhib ku qabaan lacag-dirsashada, maadaama aysan marwalba ka agdhaweyn xawalaado.

 Adeegan Remmitor.com ayaa ah mid xawaaladii kaa dheerayd gurigaaga ama aad magaalada ugu dagi jirtay, gurigaada kuugu keenay.

Remmitor lacagta kaga dirso gurigaada dhexdiida kana ogaw in lacagta ay wali taalo ama in la qaatay.

Si aad u bilowdo inaad lacagtaada ku dirsato adeegan cusub ee Remmitor, booqo boga rasmiga ah ee adeegan Remmitor.com

Hadii aad u baahantahay inaad macluumaad dheeri ah ka hesho qaabka uu u shaqeeyo adeegsan cusub ee Remmitor, la xiriir shirkada TTC Finans:

TLF: 47 465 34 081 ama  47 465 34 082 ama E-mail:info@ttcfinans.com

Aftenposten: Dødstallet stiger-28 drept i hotellangrep i Mogadishu

0

Dadka ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho ayaa gaartay 28 qof, halka dhaawucuna uu marayo 40 qof, sida ay sheegeen holw-wadeenada caafimaadka . Dadka qaraxa ku waxyeeloobay ayaa isugu jiray dad shacab ah, ilaalada hotelka, ciidanka dowlada iyo kuwa nabadsugida. 


Aftenposten.no:

Dødstallet stiger etter det blodige hotellangrepet i Somalias hovedstad Mogadishu onsdag. 28 personer er drept, ifølge helsepersonell.

To kjøretøy eksploderte onsdag morgen rett utenfor inngangen til Dayah Hotel, hvorpå væpnede menn stormet inn i hotellet, som ligger i sentrum av byen.

Det var lenge uklart hvor mange som ble drept og såret. Onsdag ettermiddag ble antall drepte oppjuster til 28, melder AFP, med helsepersonell som kilde.

Kort tid i forveien var det bekreftet at 18 personer ble drept, blant dem seks angripere. I tillegg ble rundt 40 personer såret, blant dem fire journalister.

Blant dødsofrene var det regjeringssoldater, hotellvakter og sivile, ifølge politi- og sikkerhetskilder.

– Vi er stolte over våre sikkerhetsstyrker og de private hotellvaktene som hindret terroristene fra å overta hotellet, sier sikkerhetsminister Abdirisak Omar Mohamed.

-Lastebil

– Antall ofre er ventet å stige ettersom personer kan være fanget inne i det tre etasjer høye hotellet, sier sikkerhetstjenestemannen Mohamed Hassan.

Den første eksplosjonen skjedde da en selvmordsbomber sprengte seg i en lastebil rett foran hotellet, mens den andre bomben var plassert i en bil som sto parkert i nærheten, opplyser politibetjenten Mohamed Dahir til DPA.

Les mer av saken: Aftenposten.no 

[adsenseyu2]

NRK: Somalia er nok en gang det mest korrupsjonsutsatte landet på listen over verdens mest korrupte land

0

Soomaaliya ayaa markale adkeysatay booskeedii dhaxalka aan u yeelanay, ee wadanka koowaad ee ugu musuq-maasuq badan aduunka. Waxaana soo heliyo wadanka Koonfurta Suudaan, Kooriyada woqooyi, iyo Siiriya.

Wadankan aan kunoolnahay ee Norway ayaa noqday wadanka 6-aad ee ugu musuq-maasuq yar aduunka. Waxaana ka horeeyo 1) Denmark 2) New-Zealand 3) Finland 4) Sweden 5) Switszerland iyo 6) Norway. 


Skrevet av: Tanita Kveinå/NRK

Somalia er nok en gang det mest korrupsjonsutsatte landet på listen over verdens mest korrupte land, mens Sør-Sudan, Nord-Korea, Syria og Jemen følger tett bak.

Danmark er verdens minst korrupte land, mens Norge i år havner på sjetteplass på korrupsjonsindeksen – bak New Zealand, Finland, Sverige og Sveits.

-Korrupsjonsskandaler

Guro Slettemark, generalsekretær i Transparency International Norge, sier det er vanskelig å gi en god forklaring på hvorfor Norge gang på gang gjør det dårligere enn sine naboland.

– Det er ikke veldig store poengsummer som skiller disse landene. Men i Norge har vi hatt noen ganske alvorlige og store korrupsjonsskandaler, som kanskje har vært med på å bevisstgjøre den norske befolkningen om at vi faktisk har utfordringer i Norge også, sier hun.

Den årlige undersøkelsen rangerer landene etter hvor korrupt deres offentlige sektorer oppfattes på en skala fra 1 – 100, og gjennomsnittsscoren blant de 176 landene ligger på 43.

Ingen av landene på lista regnes som helt korrupsjonsfrie.

Land som rangeres høyt har vanligvis større grad av pressefrihet, tilgang til informasjon om offentlige utgifter og uavhengige rettssystemer.

Les resten her: NRK.NO 

[adsenseyu2]

 

6,3 % ardada iskuulada Norway, waxey iskuula kula kulmaan caay

0

Warbixin iyo tirkoob cusub oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in 6,3% kamid ah ardada dhigata iskuulada Norway, ay caay iskuulka kula kulmaan mar, laba, ama sadex jeer bishiiba. 

Warbixintan cusub oo ah mid laga qaaday ardada dhigata klasska 5-aad ilaa dugsiga sare, ayaa waxaa lagu wareystay 433.000 oo ardey ah. 27.000 oo kamid ah ayaana sheegay in iskuulka lagu caayo. Waxeyna sheegeen inay caayaan ardeyda iskuulka la dhigato markii iskuulka la joogo ama online-ka/internetka iyo sidoo kale dadka waaweyn ee iskuulka joogo. 

4,6% kamid ah ardeyda iskuulka lagu caayo, ayaa sheegtay in bishiiba ay caay la kulmaan mar, labo ama mararka qaarkood wax intaas ka badan.

68,3% kamid ah ardeyda la caayo ayaa sheegtay in lagu dhahay ereyo foolxun ama loo caayay qaab dhaawac nafsiyan ah u keeni kara. 23,4% ayaa sidoo kale sheegay in qaab gacan ka hadal ah loo dhibaateeyo, halka 46,1% ay sheegeen in la xantay ama warar been abuur ah laga fidiyay.

Ardeyda ugu badan ee wax caayda, ayaa warbixintan lagu sheegay inay yihiin  ardey laftirkooda la caayay ama horey loo soo caayay.  Sidoo kale wiilasha ayaana ugu badan dadka iskuulada wax ku caayo.

[adsenseyu2]

Isla warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 90% ardeyda dhigata iskuulkada Norway ay iskuulka jecelyihiin. Halka 2,7 %kamid ah ardeyda warbixinta laga diyaariyay ay sheegeen inaysan iskuulka jecleyn gabi ahaanba.

Hooyo iyo aabe: Xaalada cunugaada ee iskuulka maka warqabtaa?

Warbixino hore ayaa lagu ogaaday in ardeyda ajaaniibta ah ee iskuulada hoose ee Norway dhigata, ay iskuulka kula kulmaan caay iyo dhibaato ka badan, tan ardeyda wadanka u dhashay. Sidaas darteed hooyo iyo aabe, waa muhiim inaad la socoto xaalada ilmahaada ee iskuulka:

Ilmahaaga makala sheekeysatay xaaladiisa iskuula iyo sida uu iskuulka u xiiseeyo?

Ma weydiisay waxa uu sameeyo xiliga bareega oo ay ardeyda fasaxa tahay iyo inuu heysto asxaabta uu waqtiga bareega la qaato?. 

Makala sheekeysatay inay jiraan cid dhibaato, caay, xifaalo iyo hanjabaad ugu geysato iskuula?

Goormee kuugu danbeysay oo aad macalimiintiisa iskuulka aad kala sheekeysatay sida uu iskuulka ku yahay/kutahay?. Ma ahan kaliya inaad sugato foreldremøte til foreldremøte, ee hadii aad rabto inaad wax dheeri ka ogaato xaalada ilmahaaga, macalimiinta ama xitaa maamulaha ayaad balansan kartaa. Mustaqbalka iyo aayaha danbe ee ilmahaaga marti ha uga noqon cid kale. 

Iskuulka uu dhigto waa mid noocee ah? Qaab noocee ahse, ayey uga hortagaan hadii ay caay iyo dhibaato ardeyda iskuulka kula kulanto?

Torbjørn Isaaksen: 75 milyan ayaan u qorsheynay

Wasiirka waxbarashada Norway ayaa sheegay in dowladu ay 75 milyan NOK u diyaarisay kahor tagista cayda ay ardeydu kula kulmaan iskuulada. Isaga oo sheegay in sida ugu weyn ee arintaas looga hortagi karo ay tahay in dadka waaweyn ee iskuulada joogaa ay arintaas ku baraarugsanaadaan, isla markaana ay soo dhexgalaan hadii ay arkaan ardey la dhibaateenayo.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no -papiravis( 25-01-2017, side 18)

[adsenseyu2]

Mohamed oo noqday magaca wiilasha ee ugu caansan Oslo, sanadkii 2016

0

Magaca Mohamed ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 noqday magaca ugu caansan ee wiilasha sanadkii hore ashay loo bixinayay. Sofia ayaa dhanka kale noqday magaca gabdhaha ee ugu caan magaalada Oslo sanadkii lasoo dhaafay ee 2016. 

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu magaca Mohamed noqdo midka ugu caansan, magaalada Oslo. Dhowr mar oo hore ayuu Mohamed noqday magaca ugu caansan ee loo bixiyay caruurta wiilasha ah ee sanad dhashay. Sidoo kale magaalada Drammen ayuu magaca Mohamed mar noqday midka ugu caansan.

Guud ahaan Norway waxaa sanadkii lasoo dhaafay ugu caansan 10-kaan magac: 

Gabdhaha: Nora, Emma, Sara, Sofie, Sofia, Maja, Olivia, Ella, Ingrid, iyo Emelia.

Wiilasha: William, Oscar, Lucas, Mathias,  Filiph, Oliver, Jakob, Emil, Noah iyo Exel. 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no 

[adsenseyu2]

(NRK)-Rødekors: Millioner av mennesker er uten vann i Somalia, og dyrene dør av tørke.

0
Skrevet av Johanne Hovland/NRK

Somalia er rammet av ekstremtørke etter en sesong uten regn. Nå er vannmangelen er så prekær at selv kameler dør av tørste. – Hele regionen står i fare for å bryte sammen, sier NUPI-forsker Morten Bøås.

Tørkeperiodene kommer hyppigere og hyppigere i Somalia. Etter en nesten regnløs høst er millioner av mennesker uten tilgang til vann.

Tidligere kunne man oppleve slik tørke hvert femte til tiende år, men nå skjer det nesten årlig, sier Tørris Jæger, utenlandssjef i Røde Kors.

-Frykter sultkatastrofe

FNs nødhjelpskoordinator Peter de Clercq advarte forrige uke mot at dagens situasjon begynner å minne om 2011, da den verste ekstremtørken på 60 år kostet 260.000 menneskeliv i Somalia.

En fersk FN-rapport anslår at hele fire av ti somaliere nå er avhengig av matvarehjelp utenfra. Samtidig er det vanskelig å nå frem i regioner der terrorgruppa al-Shabaab står sterkt.

Samtidig gjør vannmangelen at dyrene segner om. Kameler som er kjent for å være det dyret som alltid klarer seg dør sammen med kuer og geiter.

– Når dyr ikke får vann går det utover familiene. En kamel eller fem geiter viser at du er kredittverdig. Har du ikke noen dyr får du ikke kjøpe mat lenger, sier Jæger hos Røde Kors.

Dermed skaper tørken ytterligere utfordringer knyttet til matforsyning.

Les resten av saken her: NRK.NO 

[adsenseyu2]

(Falanqeyn): Knut A. Hareide: Erna Solberg ama anaga ama FRP midkood ha doorato!

Waxaa bilaabmay hordhaca olalaha doorashada baarlamaanka ee sanadkan 2017 dhici doono. Gudoomiyaha xisbiga KRF Knut A. Hareide ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska VG, marlabaad ku cadeeyay in xisbigiisu uusan isbaheysi-xukuumadeed la sameysin doonin xisbiga FRP.

Knut Arild ayaa sheegay in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu isbaheysi la sameysto Høyre iyo Venstre. Laakiin wuxuu meesha ka saaray inuu marnaba la shaqeeyo xisbiga FRP. Wuxuuna reysulwasaare Erna Solberg kala dooranyihiin inay KRF taageerto ama FRP, laakiin aysan labaduba isku heli doonin sidii 2013 oo kale. Isaga oo dhanka kalena sheegay in hadii ay xaaladu si kale noqoto, ay albaabada u furi doonaan inay la shaqeeyaan xisbiyada dhinaca bidix ee uu Ap hogaamiyo.

Hadalkan kasoo yeeray KRF ayaa niyad-jab ku ah reysulwasaaraha hada joogto ee Erna Solberg, sababtoo ah waxaana aad u wiiqmaya jaaniskeeda ah inay reysulwasaare sii ahaato afar sano oo kale.

[adsenseyu2]

KRF ayaa doorashada sanadkan 2017, ah xisbiga jokerka ah ee lagu dagaalamayo soo jiidashadiisa. Hadii ay Erna Solberg KRF ku qancin weydo inay la shaqeeyaan, waxey u muuqataa inay boorsooyinkeeda  usii xir-xiran doonto Bergen.

Marka laga soo tago diidmada KRF ee la shaqeynta FRP, waxaana Erna Solberg heysato dhibaato kale oo ah, in taageerada xisbiga Venstre ay si aad ah hoos ugu dhacday labadii sano ee ugu danbeeyay. Dhowr mar ayuu Venstre ka hoos-maray tirada ugu yar ee codadka xisbi looga baahanyahay, si uu baarlamaanka xubno ugu yeesho. Venstre ayaa taageerayaal badan ku lumiyay kadib markii ay soo jeediyeen in canshuur dheeri ah la saaro tigidada diyaaradaha sanadkii hore ee 2015.

Hadii ay KRF ka dhabeeyaan hadalkoodaas, waxaa Erna Solberg u banaan oo kali ah inay dowlad la dhisato FRP iyo Venstre.(Waa hadii ay ogolaadaane). Arintaasna uma eka mid macquul noqon karto, marka laga qiyaasqaato cod bixinada online-ka lagu qaaday bilihii ugu danbeeyay.

Xisbiga FRP oo afartii sano oo ay xukuumada kujireen, sameeyay go´aano uu dhaxalkooda socon doono sanado, ayaa hada u muuqdo mid aan heysan fursad ay marlabaad kusoo noqdaan doorashada sanadkan.

Jonas Gahr Større oo jaanis weyn heysto:

Diidmada KRF ee la shaqeynta FRP, waxey bishaaro u tahay Jonas Gahr Større oo ah qofka Erna Solberg kula loolamayo kursiga reysulwasaaraha. Ap ayaa ah xisbiga ugu weyn wadanka marka la fiiriyo cod ahaan iyo saameynba. Codbixinadii ugu danbeeyay ee online-ka lagu qaaday, waxey muujinayaan in Ap uu mar kale noqon doono xisbiga ugu weyn  wadanka.

Intaas waxaa usii dheer in xisbiga kale ee Sp uu helay taageerayaal badan, labadii sano ee ugu danbeysay. Sp ayaa ah xisbi ay muhiimadiisa koowaad tahay danaha dadka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ah. Kuwaas oo hada eex weyn ka tabanaya xukuumada hada jirto ee Erna Solberg. Waanan sababta ugu weyn ay keentay in Sp uu helo taageerayaal badan mudadii ay jirtay xukuumada hada taliso.

SV La iskuma haleyn karo:

Dhowr mar ayuu SV codbixinadii ugu danbeeyay ee internetka lagu qaaday, ka hoosmaray tirada cododka ugu yar ee xisbi laga rabo, si uu baarlamaanka uga mid noqdo. SV oo mar ahaan jiray xisbiga sadexaad ee wadanka ugu weyn, ayaa hada noqday xisbi yare aan la isku haleyn karin. Doorashadii lasoo dhaafay ee 2013,  waxey si dirqi ah uga badbaadeen inay ka hoosmaraan tirada ugu yar. Marka laga tago codad-yaraanta, waxaa SV u dheer khilaaf dhexdooda ah iyo dad waaweyn oo xisbiga kamid ahaa oo diiday inay marlabaad isku soo sharaxaan doorashada baarlamaanka, sida Heiki Holmås iyo Kari Andersen.

SV ayaa hada u muuqdo mid buuxinaya booska ay Ap baneeyeen ee u nuglaanta arimaha soo galootiga iyo dadka laga tiro badanyahay. Ap oo waa lagu tiran jiray inuu yahay mid xisbi u janjeero arimaha soo galootiga, ayaa hada u muuqdo mid ka cararaya in lagu shaabadeeyo inuu yahay xisbi soo galootiga taageero.

Hadii uu Jonas Gahr isku helo Ap, Sp iyo KRF, waxey u badantahay inuu noqdo reysulwasaaraha Norway ee 2017. Hadii ay KRF qancin waayaan, waa inay gacmaha cirka u taagaan si uu SV u helo codad badan. 

Xigasho/kilde: VG-Papiravis,(24-01-2017, side 1), VG-papiravis(22-01-2017)

[adsenseyu2]

NRK: Fire soldater ble drept av veibombe i Somalia

0

Minst fire soldater ble drept og fem såret da en bombe ekspoderte utenfor en militærleir i Afgooye, en by som ligger nær Somalias hovedstad Mogadishu. Den ekstreme islamistgruppen al Shabaab sier at de står bak bomben.

Kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Nin ereyo neceyb ah ku dhahay Haweeney soomaali ah oo uur leh, oo maxkamada Oslo maanta lasoo taagay

0

Waxaa maanta maxkamada Oslo lasoo taagay nin kontomeeyo jir ah, kaas oo lagu soo eedeeyay cunsurinimo, kadib markii aflagaado iyo cay uu u geystay haweeney soomaali ah oo uur leh.

Ninkan ayaa bishii mai ee sanadkii hore, xaafada Bjøndal ee magaalada Oslo ku aflagaadeeyay haweeneydan soomaalida ah oo uu wadada kula kulmay. Waxaana ereyada uu kuyiri kamid ahaa:

Calooshaadu wey weyntahay ee daanyeer miyaa kujiro!!. Imisa daanyeer ayaad horey u heysatay!!. Miyeysan kuwii hore kugu filneyn?. Dadka adiga oo kale ah ayaa abuura cunsuriyiinta iyo dadka wax dila!!.

Haweeneyda soomaalida ah ee aflagaada iyo ceyda loo geystay, ayaa maanta maxkamada Oslo kahor sheegtay in dhacdadan ay ku abuurtay cabsi iyo wel-wel socday ilaa hada. Waxeyna sheegtay in wixii ka danbeeyay dhacdadaas aysan banaanka u bixin hadii ay mugdi noqoto, iyada mar walba iska fiiriso inuu qof daba socdo.

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in naagta saaxiibka la ah ninkan cunsurinimada u geystay oo ay daris yihiin, ay wali hadalheyso magaceeda. Waxeyna sheegtay in shaley oo ugu danbeysay ay dhagaheeda maqleen ninka saaxiibadiis oo kale: Waa taas qumayadii saaxiibkey maxkamada geysay.

Qareenka booliska ayaa sheegay in ninkaas ereyada aflagaada ah ee uu geystay ay ahaayeen kuwo xuduudka dhaafsan. Isaga oo sheegay in ereyadaas neceybka ah ay ahaayeen kuwo toos ugu wajahan, waxna looga sheegayo midabka haweeneyda. 

Qareenka u doodayay ninka maxkamada Oslo maanta la keenay, ayaa sheegay in ninkaas uusan qiran danbiga. 

Xigasho/kilde: VartOslo.no 

[adsenseyu2]

Warbaahinta Norway ee midigta oo kasoo horjeedo in awooda sharci kala noqoshada laga qaado laanta socdaalka

0

Qaar kamid ah warbaahinta Norway ee lagu xisaabiyo dhinaca midigta ama Konservativ-ka, ayaa maqaalo ay qoreen ku dhaleeceeyay soo jeedinta baarlamaanka Norway lahorgeyn doono, ee ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaado hey’ ada laanta socdaalka, loona wareejiyo maxkamadaha.

Tifaftirayaasha wargeysyada Aftenposten, Finansavisen, iyo Nettavisen ayaa maqaalo ay kusoo daabaceen bogaga kore ee wargeysyadooda si cad uga soo horjeestay soo jeedintaas. Iyaga oo sheegayo in taas ay lamicno tahay in kalsoonida shaqo laga qaaday UDI-da, maxkamadahana la saarayo culeys shaqo oo aysan waqti u heynin.

Finansavisen oo caadiyan ah wargeys ka warama arimaha dhaqaalaha, ayaa iyaga soo xiganayo kiiska Mahad Abiib sheegay, in maxkamadaha Oslo ay sida caadiga ah yihiin kuwo mashquul badan. Ayna adagtahay in waqti laga helo mar walba. Waxeyna sheegeen in kiisaska maxkamadaha la geeyo ay badanaa waqti dheer qaataan, go’ aanka maxkamaduhuna ay badanaa soo daahaan. Taasna ay kaliya dheereeneyso waqtiga uu qofka sii joogaya wadanka.

Nettavisen ayaa xisbiyada soo jeedinta keenay ka codsaday inay dib ugu noqdaan soo jeedintaas inta aan baarlamaanka la horgeyn. Iyaga oo sheegayo in go’ aankaas uu yahay mid aan si dhab ah looga fiirsan, waqti iyo qarash badana uu ku lumi doono. Si gaar ah waxey u eedeeyen KRF, iyaga oo sheegay inay xamaasad iyo nugeyl ay ka qaadeen kiiskii Mahad Abiib, sidaas darteedna ay u taageereen soo jeedinta.

Aftenposten ayaa iyaga dhex-dhexaad iska dhigayo sheegay inaan awooda sharci kala noqoshada laga qaadin UDI-da, balse la raadiyo xal kale oo qofka u sahlayo inuu iskiis kaligii maxkamad u tago.

Sadexdan wargeys iyo kuwo kale ee maqaalada ay ku dhaleeceynayaan soo jeedintaas qoray, waa kuwo lagu tiriyo dhinaca midigta ama konservativka. Waxaana lagu eedeeyaa inay u jan-jeeraan dhanka siyaasada xisbiga Høyre. Qaarkood ayaaba dhowr mar si toos ahh aqristayaashooda ugu booriyay inay Høyre u codeeyaan.

Sida caadiga tifaftirayaasha wargeysyada ayaa markii ay dhacaan dhacdooyin waaweyn, ka dhiibto fikirkooda.

Soo jeedintan ayaa sagaalka bisha soo socoto ee Febraury lahor keeni doonaa baarlamaanka Norway. SV ayaa soo jeediyay, AP, Venstre, MDG, SP iyo KRF-na waxey siiyeen taageero. Wuxuuna sidaas ku heystaa codka aqlabiyada.

Xigasho/kilde: Aftenposten-papiravis(23-01-2017, side 1) Finansavisen-papiravise(21-01-2017, side 1), Nettavisen.no

[adsenseyu2]

VG: Dadka ugu badan ee laga ceshtay jinsiyada dhalashada Norway, waa dad sheegtay inay Somalia kasoo jeedaan

0

Sida uu qorayo wargeyska VG oo soo xiganayo tirokoob ay gacanta ku hayaan oo kasoo baxay hey´ada laanta socdaalka, waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, sharciga jinsiyada norwijiiga  laga ceshtay 65 qof. Isku dar tirada dadka lagala noqday jinsiyda norwiijiga afartii sano ee ugu danbeeyay, waa 137 qof. (Warkan oo af norwiiji ku qoran hoos ka akhri).

VG ayaa sidoo kale qorayo in sanadkii hore ee 2016, tirada dadka laga ceshtay jinsiyada norwiijiga ay labo jibaarmeen. Sanadkii 2015 waxey tiradu aheyd 25 qof, halka sanadkii 2016 ay tirada dadkaas ay noqotay 65 qof.

[adsenseyu2]

VG ayaa hey´ada laanta socdaalka weydiiyay sababta keentay kor u kacaas? 

Waxeyna ku jawaabeen inay bilowgii sanadkii 2016 ay isku geeyeen group aqoon kala duwan leh, kuwaas oo si gaar ah uga shaqeynayay kiisaskaas. Iyaga oo raaciyay in aqoontooda ku saabsan kiisaska noocan oo kale ah ay kor u kacday

15 kiis oo kamid ah kiisaska dadka lagala ceshtay jinsiyada dhalashada Norway, waxey wadanka soo galeen intii u dhaxeysay sanadadii 1993 ilaa 2000. Taas oo ka dhigan inay wadanka joogeen mudo 20 sano kor u dhaafeyso.

UDI-da ayaa sheegtay in sababaha dhaliyo in kiiska qofka dib loogu noqdo ay kala duwanyihiin. Mararka qaarkood, waxey noqon karaan macluumaad kasoo baxo baaritaan ay boolisku sameeyeen, halka mararka qaarkoodna ay noqdaan macluumaad ay helaan iyaga oo ka shaqeynayo kiisas, kuwaas oo macluumaad xaga aqoonsiga ah ka siiyo qofka. 

-Dad ugu badan waa soomaali:

Sida uu qorayo VG oo soo xiganayo tirokoobkaas hey´ada laanta socdaalka, dadka ugu badan ee afartii sano ee lasoo dhaafay laga ceshtay sharciga jinsiyada dalkan Norway, waa dad sheegay inay kasoo jeedaan Soomaaliya.

UDI-da oo u jawaabeyso VG ayaa sheegtay, inay arintaas xiriir la leedahay tirada dadka magangalyo doonka ah ee wadanka soo gali jiray. Waxeyna sheegtay in soomaalidu ay waqti dheer ahaayeen dad kamid ah kuwa ugu badan ee wadanka magangalyo ka heli jiray. 

-19 kiis oo maxkamada la isla tagay:

Sida ay qoreyso wakaalada wararka ee NTB, waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay maxkamad gaaray 19 kiis oo kamid ah kiisaska dadka ay hey´ada laanta socdaalku kala noqotay jinsiyada.

NTB ayaa qoreyso in dowladu ay 3 kiis oo kali ah ku guul-dareysatay maxkamada, halka 16-ka kalena ay maxkamadu ku raacday go´aankooda.

Dhawaan ayaa waxaa baarlamaanka Norway la horgeyn doonaa mooshin ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da, loona wareejiyo maxkamad.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

 

Abwaan Gabyaaye oo xaley lagu casuumay barnaamijka Lindmo ee NRK

0

Abwaan Sadiq Abdullah Juma Gabyaaye oo ah aabaha dhaley labadii gabdhood ee soomaalida ahaa ee u safray dalka Siiriya sanadkii 2013 ayaa xaley lagu casuumay barnaamijka caanka Lindmo, ee kabaxa tvga NRK. Wuxuuna gabyaaye ka warbixiyay socdaalka gabdhihiisu ay ku aadeen dalka Siiriya, waxyaabihii uu sameeyay si uu dib ugu soo celiyo Norway iyo dareenkiisa aabanimo.

Sidoo kale qoraaga buuga laga qoray sheekada labada gabdhood Åsne Seierstad ayaa Abwaan gabyaaye ku wehelisay wareysiga xalay lagu yeeshy barnaamijkaas LINDO EE NRK.

Halkan ka daawo wareysiga Gabyaaye ee LINDMO NRK(daqiiqada 35-aad) 

[adsenseyu2]

(Daawo Wareysi )-Said Amiin: SV waan kabaxay, waxaana si rasmi ah ugu biiray Ap

Said Mohamed Aamin oo kamid ah siyaasiyiinta soomaalida ee magaalada ee wadankan Norway gaar ahaan magaalada Oslo, ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka baxay xisbigii uu doorashada golaha deegaanka u galay ee SV, isaga oo ku biiray xisbiga kale ee shaqaalaha.

Said ayaa mudo 8 sano kor u dhaafeyso kamid ahaa xisbiga SV, isaga oo labo jeerna u istaagayd doorashada golaha deegaanka ee Oslo.

Wareysigan uu Said siiyay warbaahinta NorSom News ayuu uga waramay sababihii ku dhaliyay inuu ka baxo SV, iyo sababta uu ku doortay xisbiga ay soomaalidu horey uga buuxday ee Ap.

Abdifatah Ahmed: Drømmen min er å fullføre sveiserutdannelsen i Norge

Skrevet av MARKUS ANDRÈ JENSEN/Bodunu.no


Da Abdifatah Ahmed Nur (31) fortalte sin historie til ledelsen i Rapp Bomek, ble håpet tent hos flyktningen fra Somalia.

– Jeg er utrolig takknemlig for at jeg får denne muligheten. Drømmen min er å fullføre sveiserutdannelsen i Norge, sier Nur.

Karrieren begynte i farens bedrift i hjemlandet. Der var det et verksted der man lagde vinduer med stålrammer og glass. Denne jobben innebar også en del sveising. 

Jeg har fått en sjanse i Norge, og jeg drømmer om å kunne gjøre ferdig utdannelsen min og å kunne kalle meg sveiser, sier han. 

– Det er mye lettere å se for seg et godt liv nå.

Les hele saken her: Bodonu.no 

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.