onsdag, november 27, 2024
Home Blog Page 261

Boqorka dalka Sweden oo waraaqaha safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya

0

Boqorka dalka Sweden Carl XVI Gustav, ayaa waraaqaha safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya ay ku yeelan doonto dalka Sweden, Amb Cawaale Cali Kullane.

Danjire Cawaale Kullane ayaa ugu danbeyn si rasmi ah u noqon doono safiirkii ugu horeeyay oo ay Soomaaliya ku yeelato wadamadaan Scandinevianka mudo 27 sano ah kadib. Wuxuuna Amb Kulane Soomaaliya u qaabilsanaan doonaa wadamada Scandinevianka oo dhan, inkasta oo xaruntiisu ay noqon doonto magaalada Stocklom ee dalkaas Sweden.

Warar ay NorSom News ka heshay dad ka agdhow safiirka ayaa sheegayo in safiirka cusub oo dhawaan socdaal shaqo iyo isbarasho ku imaan doono dalkan Norway. 

Halkan ka daawo sawirada qaabilaada warqadaha safiirnino ee boqorka Sweden:

[adsenseyu2]

 

Fabian Stang iyo soomaalida oo markale kulan wada yeelan doono

0

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo xog-ogaal ah, waxaa 26-ka bishan Janaury kulan wada yeelan doono xogyaha wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norway ee Fabian Stang, iyo ururka Annenrangsborgere iyo dad kale oo soomaali ah. 

Waxaana shirkaas looga hadli doonaa arimo ay kamid yihiin dib u qiimeynta sharciga magangalyada ee 1600 ee qoxootiga soomaalida ah, dadka soomaalida ah ee sharciyada waaweyn lagala noqday, shakiga xaga aqoonsiga-shaqsiga ah oo ay la kulmaan dad badan oo soomaali .

-Waa kulankii labaad 

Wuxuu shirka soomaalida iyo Fabian Stang noqon doonoo midkii labaad oo ay wada yeeshaan mudo kooban gudaheed. Bil kahor ayey aheyd markii labo group oo soomaali ah oo aan iska warqabin ay isku mar ay kuwada kulmeen xafiiska Fabian stang, mana jirin wax weyn oo muuqdo oo shirkaas hore kasoo baxay.

Labada group ee xogyaha Listhaug la kulmay, ayaa waxaa kala hogaaminayay siyaasiyiin ka kala socdo laba xisbi oo kala duwan, kana kala yimid magaalooyinka Oslo iyo Trondheim.

Su´aasha isweydiinta leh ayaa ah soomaalida markan la kulmi doonto Fabian Stang, ma isku abaabuli doonaan qaab ka fiican shirkii hore, maadaama xog aan helnay ay sheegeyso in shirkii hore ay soomaalida ka muuqatay isku dhex-yaac, abaabul la´aan, iska soo horjeed iyo qadiyad mideysan la´aan.

Dad xog ogaal ah oo shirkii hore goobjoog ka ahaa ayaa NorSom News u xaqiijiyay in labadii group ee shirkaas ka qeybgalay ay hadalka iska boobayeen, mararka qaarkoodna ay hadaladoodu iska soo horjeedeen ama isburinayeen. Waxaana taas sabab u ahaa iyaga oo aan hadal mideysan meesha la tagin, mid kasta uu rabay inuu markiisa si gaar ah isaga loo dhageysto.

Si dhibaatada ay tabanayaan bulshada soomaaliyeed loo gaarsiiyo dowlada wadankan, waxaa muhiim in la helo dad xulan oo mideysan, kuwaas oo dhibaatada sida ay tahay miiska u keeni kara. Si taas loo helana waxaa muhiim inaan odey, qof loo turjumayo ama siyaasi dan gaar ah leh aan la kaxeysan ee dhalinyaro aqoon u leh sharciga iyo luuqada wadanka meesha la geeyo.

[adsenseyu2]

Fariin ku socoto waalidiinta soomaaliyeed iyo ardeyda dhigata dugsiyada hoose-dhexe

Ma tahay waalid soomaaliyeed oo heysto caruur dhigata dugsiga dhexe ee dhalinyarada(ungsomskole)-fasalkiisa 10-aad ama adigu ma dhigataa dugsiga hoose-dhexe ee dadka waaweyn?.

Hadii aad tahay labadaas group midkood ama aad si guud u xiiseyso waxbarashada, waxey NorSom News kugu wargalineysaa in fristiga codsiga dugsiga sare ama taariikhda ugu danbeyso ee uu qofku codsan karo videregående ay ku egtahay:

A)01/02-2017-Kowda bisha Febraury: Waa maalinta ugu danbeyso ee ardeyda dhigata dugsiga hoose-dhexe ee dadka waaweyn(grunnskole for voksne), ay codsan karaan dugsiga sare ee VGS. Waana muhiim in codsiga la diro maalintaas kahor, maadaama ay cilad farsamo imaan karto maalintaas, sidaas darteedna ay dhici karto inaad ku boos weydo. Hadii aadan maalintaas codsan, waa inaad sugtaa sanadka 2018(sanad kaamil ah), si aad mar kale u codsoto.

B)01/03-2017( Kowda bisha Maarso): Waxaa maalintaas ku eg xiliga ay ardeyga dhigata dugsiga hoose-dhexe ee dhalinyarada (vanlig ungdomskole/grunnskole)  codsan karaan dugsiga sare ee VGS.

FG!: Sanad walba waxaa dhacdo in ardey badan oo soomaali ah ay ku iskuul waayaan, kadib markii ay ka dib dhacaan maalintaas fristiga ah. Inkasta oo iskuulada iyo macalimiinta ay xil aad ah iska saaraan in ardeyda dhigata ungdomskole ay codsiga diraan, hadana waxaa waalidiinta soomaaliyeed la gudboon inay taariikhdaas maskaxda si gaar ah ugu hayaan, meelna ku hubsadaan in ilmahooda ay codsiga iskuulkada sare ay xareeyeen.

Hadii aadan wali go´aansan linjaha ama qeybta waxbarashada ee aad ka codsan karto dugsiga sare, waxaad booqataa labadan weyseyd(nettside) ee loogu tala-galay inay ardeyga ka caawiyaan doorashada waxbarashada dugsiga sare.

Utdanning.no, Vilbi.no 

[adsenseyu2]

 

Dumar soomaali ah oo maanta ku banaanbaxay barnevern-ka

0

Dumar soomaali ah oo gaaraya ilaa 50 qof ayaa maanta banaanbax ka dhigay afaafka hore ee wasaarada qoyska iyo caruurta. Dumarkaas oo sida uu qoray wargeyska Fontene ka cabanayay hey´ada xanaanada caruurta ee barnevernka. Waxeyna dumarkan banaanbaxooda kasoo bilaabeen xaafada Grønland. 

Tasmiya Abdifitaax oo kamid ah dumarka maanta banaanbaxa dhigay, ayaa sheegtay iney cabasho ka yihiin hey´ada xanaanada caruurta oo dumar badan oo banaanbaxa joogay ka qaatay caruur ay dhaleen.

Waxeyna sheegtay in barnevernku ay wax aqoon ah u laheyn dhaqanka soomaalida. Dhibaatada ugu weyna ay tahay in caruurtii laga qaaday, lagu wareejiyay dad aysan isku dhaqan iyo diin aheyn aheyn. Sidaas darteedna ay caruurtii luminayaan dhaqankoodii iyo diintoodii. 

Dumarkan maanta banaanbaxa dhigay ayaan aheyn kuwo ka socday urur gaar ah, balse waxey ahaayeen dumar is aruursaday oo xumaan ka tabanaya hay´ada xanaanada caruurta. 

Waxeyna dowlada iyo siyaasiyiinta ka codsadeen inay arintaas si dhab ah ay ugu soo jeestaan oo wax ka qabtaan.

Wasaarada qoyska iyo dhalaanka ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho mudaaharaadkaas ay maanta dumarka soomaalida ah ka dhigeen wasaarada horteeda. Waxeyna kasoo jawaabi waayeen su´aalo uu u diray wargeyska Fontene.

NorSom News ayaa isku dayday inay xiriir la sameyso qaar kamid ah haweenka soomaalida ah ee maanta banaanbaxa sameeyay, balse nooma suurtagalin. Sidoo kale waxaan ilo xog ogaal ah kasoo xiganeynaa in maanta banaanbaxa uu joogay wariye ka socdo tvga qaranka Norway ee NRK, gaar ahaan barnaamijkiisa Brennpunkt. 

Xigasho/kilde: Fontene. 

FRP oo lagu heysto sawirkan ay bartooda facebooga soo dhigeen

0

Barta facebooka ay ku leeyihiin xisbiga FRP, ayaa waxaa maalmo kahor lasoo dhigay sawirkan oo uu la socday qoraal iidheh ama xayeysiin loogu sameynayay go´aankii dhawaan la dhaqangaliyay, Kaas oo ku saabsanaa in da´yarta ceyrta qaata  ay subixii imaadaann xafiiska NAV, si loogu diro howl-maalmeed.

 

FRP ayaa ku faanayo in dowlada uu xisboogu kujiro, ay dhaqangalisay go´aankaas adkeynaya qaadashada ceyrta ee dhalinyarada kayar sodonka sano. Waxeyna soo raaciyeen sawirkan kore oo ah nin dhalinyaro oo fadhiga ku hurdo, isaga oo caajis darteed u dhameystiri kari waayay inuu dhameysto cunista hambeegar uu bilaabay goosashadiisa.

Dad badan ayaa taas u fasirtay in FRP ay u danleeyihiin in dhamaan dhalinyarada ceyrta qaadata ay yihiin caajislowyaal aan nolosha ujeedo ka laheyn, oo xitaa aan awoodin iney hambeegar agtooda yaala cunaan, sida ninkaas oo kale.

[adsenseyu2]

Dadka commentiyada(afkaaraha) ka baxsaday sawirkan, ayaa ahaa kuwo hadaladooda laga dheehan karey xanaaq. Waxeyna sheegeen in FRP uu caay bareer ah kula kacay da´yarta qaadata ceyrta oo qaarkood ay nolosha iyo dantu ay ku qasabtay.

Waxeyna sheegeen in sawirkaas uusan aheyn mid ka turjamayo xaqiiqada xaalada dhabta ah, ee dhamaan da´yarta ceyrta qaadata.Qaarkood ayaa soo qoray sheekooyin ku saabsan noloshooda iyo dhibaato ama xanuuno lasoo darsay, kuwaas oo ku qasbay inay ceyr qaataan ama shaqeysan waayaan.

FRP: Waa xaqiiqo jirto

Erlend Wiborg oo ah xildhibaan katirsan xisbiga FRP ayaa NRK u sheegay in xisbigiisa uusan cidna u gafin, balse ay xaqiiqo jirto tahay in dhalinyaro badan oo iskuulada ka dhacay aysan shaqeysin. Sidaas darteedna ay doorbidayaan iney ceyr ka qaataan NAV, fadhigana ay isaga hurdaan. Wuxuuna raaciyay in arintaas ay dhibaato ku tahay mujtamaca guud ahaan iyo shaqsigaba.

Wiborg ayaa sheegay in qof walba oo ceyr qaato uusan aheyn caajislow, balse ay jiraan dad badan oo noocaas. Wuxuuna raaciyay in hadii ay waqti badan kusii jiraan qaadashada ceyrta, uu yaraanayo jaaniskooda ah iney  suuqa shaqada dib ugu soo noqdaan. Sidaas darteedna loo baahanyahay in hada la howlgalo.

Dad badan oo kamid ah taageerayaasha u codeeyo xisbiga FRP waa dadka aan shaqeysan, ceyrta ama kaalmada dowlada qaata , iskuulada ka dhacay ama waxbarasho heer jaamacadeed aan gaarin, iyo waliba dadka meelaha tuulooyinka fog fog dagan. 

Mudadii ay FRP kujireen dowlada, waxey jareen lacago badan oo kaalmo ah oo la siin jiray dadka aan shaqeysan iyo kuwo tabarta yar, sidaas darteed waxaa muuqato in caro xoogan ay dhextaalo FRP iyo taageerayaashiisa. Muranka ka dhashay sawirkana, wuxuu qeyb ka yahay caradaas taxanaha aheyd sadexdii sano ee ugu danbeeyay. 

Xigasho/kilde: NRK.  

[adsenseyu2]

 

NTB: Soomaalida qaabka dacwada Norway ku imaan jiray oo wax badan hoos u dhacday

0

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, waxaa Norway qaab dacwo ah ku imaaday dad isku dar tiro ahaan gaaraya 15.580. Tiradaas oo ah mid 20% ka badan tiradii dadka dacwada lagu keenay Norway sanadkii kasii horeeyay ee 2015.

Sida ay NTB qoreyso waxaa kor ukaca tiradaas sababay, hey´ada laanta socdaalka oo sanadkii lasoo dhaafay dar-dar galisay ka shaqeynta codsiyada dadka isku dacwoonayay.

5569 qof oo kamid ah dadkaas, waxaa u dacwooday qof norwiiji ah ama wadamada Nordica kasoo jeedo. Waxeyna taas ka dhigantahay in groupka ugu badan ee dacwada lagu keenay ay u dacwoodeen dad norwiiji ah ama wadamada dariska la ah Norway kasoo jeedo.

4347 qof oo kamid ah dadkaas wuxuu la midoobay qof qoyskiisa ah oo magangalyo qoxootinimo ka helay Norway. Dadka ka yimid wadanka Siiriya ayaana ah kuwo ugu badan ee la midoobay dad qoyskooda ah, kadib markii ay magangalyo heleen.

2.100 kamid ah dadkaas waxaa u dacwooday dad sharci ogolaansho shaqo ku heysto Norway. Dadka kasoo jeedo wadamada bariga Yurub, ayeyna kasoo jeedaan dadka ugu badan ee katirsan groupkan.

Tirada dadka soomaaliya kasoo jeedo ee qaab dacwo ahaan ah ku yimid wadankan Norway, ayaa ku dhawaad 50% hoos u dhacday sida ay muujineyso tirokoobkan ay UDI-du soo saartay.

Tirokoobkan ay UDI-du soo saartay, faah-faahin kama bixinayo sababta keentay in tirada dadka soomaaliyeed ee dacwada lagu keenayay Norway ay hoos u dhaceen sanadkii 2016. Balse waxaa laga yaabaa iney arintaas xiriir la leedahay tirada dadka soomaalida ah ee magangalyo ka helayay Norway oo wax badan hoos u dhacday labadii sano ee ugu danbeeyay.

Soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee ajnabiga ah, ee qaab isku dacwood ah ku imaaday Norway, marka laga reebo dadka kasoo jeedo Ciraaq.

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

 

182 dhalinyaro magangalyo doon ah ayaa kaamamka ka baxsaday 2016

0

Sida uu qorayo wargeysks Adressavisen oo soo xiganayo tirokoob ay sameysay laanta socdaalka ee UDI-da, waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 kaamamka caruurta 18-ka sano kayar, ka baxsaday 182 qof oo dhalinyaro magangalyo-doonayaal ah.

Dhalinyaradan oo badankooda kasoo jeedo wadanka Afgaanistaan ayaan la garaneyn meesha ay u baxsadeen ama iney wadanka ka baxeen iyo inkale sida uu qorayo wargeyskaas. 

Tirada guud ee dadka magangalyo-doonayaasha ah ee  ka baxsaday kaamamka Norway sanadkii hore, ayaa isku dar gaareyso 2.965. Ku dhawaad 40% kamid ah dadka baxsaday waxey kasoo jeedaan wadanka Afgaanistaan.

Dadkan ayaa u badan kuwo helay diidmo, balse waxaa kujiro dad aan wali looga soo jawaabin codsiga magangalyada ama aanba wali marin wareysiga. 

Dowlada Norway ayaa sheegtay in dadka ka weyn 18-ka sano ee Afgaanistaan ka yimid si toos ah loogu celin doono wadankoodii, hadii ay helaan diidmada magangalyada. Waana sababta keentay in magangalyo-doonayaasha reer Afgaanistaan ay noqdaan kuwa ugu badan ee ka baxsaday kaamamka. 

Xigasho/kilde: Adressa.no

[adsenseyu2]

Haweeney soomaali ah oo kamid noqotay gudiga maamulka masaajidka Arendal

0

Azhar Hashi ayaa dagaal dheer oo gashay kadib, kamid noqotay gudiga maamulka masaajidka Arendal, sida uu qorayo TV-ga qaranka Norway ee NRK. Sidoo kale waxaa gudiga kusoo biiray labo qof oo dumar ah oo kale. Waxeyna Azhar arintaas ku tilmaantay ay guul u tahay dimuqraadiyada masaajidka. 

Azhar ayaa sidoo kale sheegtay in arintan ay keeni karto in qof walba uu u fakaro in dadku ay isku qiimo yihiin.  Waxeyna sheegtay iney dumarku muujin karaan in ay qabaan karaan shaqo lamid ah tan ay ragu qabtaan. Iyada raacisay iney muhiim tahay inay caruurtooda tusaan in arintan ay dumarku uga soo bixi karaan si lamid ah sida raga oo kale.

Sida oo qorayo NRK waxey Azhar kahor timid gudoonka masaajidka ay ka tirsantahay, iyada oo abuurtay dood muran dhalisay. Waxeyna sheegtay iney rabtay iney wax ka badasho masaajidka oo maamulkiisa ay ragu faro-maroorsadeen, iyada oo ugu danbeyn ku guuleysatay arintaas. 

Azhar ayaa NRK u sheegtay inuu nin wadada ku istaajiyay, isaga oo weydiiyay sababta ay arintaas u sameyneyso. Wuxuuna su´aalay sababta ay u rabaan iney maamulka uga mid noqdaan, maadaama dumarku ay mar walba joogaan. 

Waxeyna ugu jawaabtay in isla sababtaas ay tahay sababta ay u rabaan iney maamulka masaajidka uga mid noqdaan. Maadaama ay dumarku ay dumarku meel walba joogaan, maxaa noo diiday inaan qeyb ka noqono gudiga maamulka?

Josef Hæier oo ah afhayeenka masaajidka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in haween aktiv ah ay maamulka masaajidka kamid noqdaan. Wuxuuna raaciyay in dhamaan dadka xubnaha ka ah masaajidka   ay mudanyihiin iney ka dhex muuqdaan gudiga maamulka masaajidka.

Sida uu qorayo NRK, masaajidka Arendal ayaa ah dhowr masaajid oo faro ku tiris ah kuwaas oo maamulkiisu ay kamid yihiin dumar. Azhar Hashi ayaa rajeyneyso in masaajidada kale ay dumarka kusoo daraan gudiga maamulka. iyada oo masaajidada Grimstad iyo Kristiansand ku boorineyso iney arintaas oo kale ku dhaqaaqaan.

Kilde/xigasho: NRK.NO 

[adsenseyu2]

[adsenseyu2]

Canada: Ahmed Hussen oo loo magacaabay wasiirka soo galootiga dalka Canada

0

Ahmed Hussen oo ah mudane soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka dalka Canada, ayaa loo magaacabay wasiirka arimaha soo galootiga ee dalkaas Canada. Ahmed ayaa noqon doono qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee taariikhda jago wasiirnimo ka qabta wadan kamid ah dalalka galbeedka(inta la ogyahay)

Ahmed Hussen oo ah qareen sharciyaqaan ah, ayaa sanadkii 1993 qoxootinimo kusoo galay dalkaas Canada oo uu hada jagada wasiirnimo ka qaban doono.  Sanadkii hore ayuu kamid noqday golaha baarlamaanka ee dalkaas Canada.

Reysul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa bartiisa facebooga iyo Twitterka kusoo daabacay qoraal uu ku cadeynayo magacaabista jagada wasiirnimo ee Ahmed Hussen, isaga oo ka codsaday dadka iney soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan. Wuxuuna Ahmed kamid yahay tiro wasiiro cusub ah oo lagu soo kordhiyay golaha wasiirada ee reysulwasaare Justin Trudeau.

[adsenseyu2]

 

Soomaalida Sweden oo ka cabaneyso guryo la´aan lasoo daristay

0

Wadanka Sweden ayaa labadii sano(2015+2016) ee lasoo dhaafay, magangalyo siiyay qoxooti gaaraya ku dhawaad 200.000 qof gaaraya. Waxeyna taas sababtay iney dhalato xaalad ciriiri xaga guryahaya dowlada ah, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn oo dib u dajin u sameeyay qoxooti badan. 

Soomaalida ku dhaqan dalkaas Sweden oo intooda badan dagan guryaha dowlada, ayaa ka cabanaya guryo la´aan baahsan oo soo food-saartay. Waxeyna sheegeen in safaf dhaadheer loogu jiro helida guryaha dowlada, taasina ay sababto iney mudo dheer guryo la´aan noqdaan. Qaarkoodna ay dulsaar ku yihiin qoysas ay qaraabo yihiin, kadib markii ay guryo ka waaweeyn qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. 

Dhaqaatiirta Sweden ayaa ka deyrinayo dhibaatada xaga caafimaad ama maskaxeed ee caruurta qoysaska soo galootiga kasoo gaari karta xaaladaha guryo la´aanta. Sidoo kale macalimiinta iskuulada ayaa sheegayo in ilmaha soo galootiga ah ay soo gaarto culeys nafsiyan ah, marka ay kujiraan xaalad guri la´aan ama ay dulsaar ku yihiin qoysas kale.

Sidaas dareeedna ay lumin karaan xiisaha iyo hamiga iskuulka iyo waxbarashada, ugu danbeyna ay iskuulada ka dhici karaan.  Macalimiinta ayaa hadalkooda raaciyay in caruurta ay heysato xaaladaha guri la´aaneed ay mar walba ka muuuqato diif iyo daal u gaar ah, mararka qaarkoodna ay fasalka ku lulmoodaan. 

Dhibaatada guryo la´aan Sweden kaliya ma ahan:

Dhibaatada qoysaska soomaaliyeed ka heysato guryo la´aanta kuma eka SWEDEN oo kaliya, waana mid kajirta inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadamada galbeedka. Waxaana taas sabab u noqon kara qoysaska soomaalida oo badanaa degan guryo kiro ah ama guryaha dowlada. Sidoo kale waxey soomaalidu dhalaan caruur tiro ahaan ka badan ajaaniibta kale, taas oo sababta inaan badanaa lagu deg-degin in guryaha laga kireeyo. 

Culimada iyo gacansatada soomaaliyeed xal ha keenaan:

Dhibaatada guryo la´aanta sidaas ayey usii jiri doontaa, hadii aysanba kasii darin. Sidaas darteed culimada soomaaliyeed ee galbeedka dib ha isugu noqdaan oo dhibaatada guri la´aanta soomaalida ha u fakaraan xalkeeda. Sababtoo ah waxaa jiro qoysas badan oo soomaali ah, kuwaas oo awood u leh iney guri iibsadan, laakiin ka baqaya lacagta ribada ah ee dulsaaran deynta guryaha. Waxeyna taas keentaa iney abid kujiraan guurguurid iyo hadba guri badalasho. 

Sidoo kale ganacsatada soomaaliyeed iyo dadka xawaaladaha iyo bankiyada gacanta ku hayo, waxaa la gudboon iney arintaas il gaar ah ku eegaan, kana faa´iideystaan fursadaha gacansi ee halkaas ka banaan.

Xigasho/kilde: Somaliska

[adsenseyu2]

(Daawo): Gudiga xuquuq-raadinta soomaalida Norway oo baaq diray

0

Gudiga xuquuq raadinta soomaalida Norway oo ah gudigii qabtay qareenkii dhawaan maqaalka dooda weyn dhaliyay kusoo daabacay wargeyska Dagbladet, ayaa baaq u dirayo soomaalida Norway, iyaga oo ka warbixinayo wixii u suurto-galey iney qabtaan tan iyo markii  gudigaas la sameeyay bishii Juni ee sanadkii 2016- (Hoos ka daawo muuqaalka). 

Halkan ka akhri maqaalka Arild Humlen oo ah qareenkan ay gudiga xuquuq raadinta soomaalida Norway ay qabteen. 

Howsha nagala wareega: Fariinta gudiga

Gudigan ayaa sidoo kale sheegay iney u baahanyihiin dad howsha kala wareega, maadaama ay ayagu wax badan soo qabteen, hadana ay diyaar u yihiin iney howsha difaacida xuquuqda soomaalida Norway ay ku wareejiyaan dad halkaas kasii ambaqaada. 

Waxeyna sheegeen iney diyaar u yihiin in dadkii lacagaha soo uruuriyay ay shir la qaataan, ugana warbixiyaan wixii ay qabteen mudadii ay howsha kujireen, iyo waliba qaabkii loo maareeyay lacagihii ay soomaalida Norway iska soo uruuriyeen. 

Hadii aad u baahantahay inaad la xiriirto gudigan kala xiriir tlf: 9115097 ama 92646777

Halkan ka daawo muuqaalka:

Xagee ku danbeeyay xaalka Bushro Jama iyo qoyskeeda

0

Wargeyska lokalka ah ee Vesteraalens- avis ayaa warbixin gaaban oo oppdatering ah ka qoray, xaalada Bushro Jama oo ah gabadhii soomaalida aheyd oo hey´ada laanta socdaalka ee UDI-du, ay usoo dirtay warqad lagu amranayo iney wadanka isaga baxdo. Kadib markii ay kala noqotay sharciga dal kujooga.

Qareenka u doodaya Bushro Jama iyo qoyskeeda ayaa wargeyska VA u sheegay in kiiska Bushro hada laga wareejiyay UDI-da, loona wareejiyay hey´ada Utlendingsnemnda. Wuxuuna raaciyay in isaga iyo qoyskan soomaalida ah ay isla guud mareen warqada wareejinta, iyaga oo isku diyaarinaya ka jawaabista eedeymaha ay UDI-du la timid.

Qareenkan ayaa sidoo kale sheegay in shirkadiisu ay wada-hadal kula jirto shirkad baaritaan ku sameyso luuqadaha/lahjadana si loo cadeeyo saameynta ay guur-guurista soomaalidu ku yeelan karto lahjadaha. Lahjada ayaa ah qodob kamid ah qodobada ay UDI-du u adeegsatay kala noqoshada sharciga Bushro, waxaana ay sheegeen iney Bushro ku hadleyso lahjad ka duwan tan deegaanka ay sheegtay iney asal ahaan kasoo jeedo.

Daniel Riibe oo ah qareenka Bushro ayaa sidoo kale raaciyay iney dadaal ugu jiraan, sidii Bushro iyo qoyskeedu ay ugu sii nagaan lahaayeen Norway, gaar ahaan deegaanka Hadsel oo qoyskan degenaayeen mudo badan, caruurna ay ku dhaleen.  

Dadka deegaanka ay Bushro degantahay ayaa taageero aad u weyn la garab istaagay qoyskan soomaalida ah, waxeyna sameeyeen sadex mudaaharaad oo ay ku dalbanayaan in UDI-du ay dib uga noqoto sharci kala noqoshada Bushro. Iyaga oo cod dheer ku sheegay in hooyadan soomaalida ah iyo qoyskeeduba, ay tusaale muuqdo oo ku dayasho mudan u yihiin dhamaan qoysaska ajaaniibta ah ee ku dhaqan deegaankaas. Maadaama ay mudo kooban kudaheed hirgashadeen nolol isku filnaasho ah, deegaankana ay sifiican ula qabsadeen. 

Xigasho/kilde: vesteraalensavis-Papir-avis( 10-1-2017, side 4). 

[adsenseyu2]

NAV oo ogaan karta hadii aad melde-kortka ka buuxiso wadanka dibadiisa

0

Hey´ada NAV ayaa sheegayso in sanadadii ugu danbeeyay ay fashiliyeen dad badan oo lacago khiyaano ah oo aysan xaq u laheyn ka qaadan jiray Nav, kadib markii la ogaaday iney kaarka Melde-kortka ay kasoo buuxiyeen wadamo Norway ka baxsan. Waxeyna sheegeen iney baaritaan ku sameeyeen IP-adresska(numberka cinwaanka u ah internetka computerka uu qofka melde-kortka ka buuxiyay), sidaasna ay ku ogaadeen meesha uu qofku ku suganyahay markaas.

Sida uu qorayo NRK, waxaa isbuucan magaalada Drammen maxkamad lagu soo taagi doonaan labo qof oo lagu heysto arimo noocaas ah, kadib ay NAV ogaatay in meldekort(kooda) laga buuxiyay wadamada Ciraaq iyo Spain.

Sanadkii 2014 ayaa magaalada Hamar, waxaa nin lagu xukumay xabsi ay shuruud ku xirantahay, kadib markii la ogaaday inuu Melde-kort ka buuxin jiray wadanka Kurdistaan.

Bishii January ee sanadkii 2016 ayaa sidoo kale waxaa nin lagu xukumay xabsi, kadib markii la ogaaday inuu 14-kii maalinba mar meldekortka kasoo buuxin jiray wadanka Thailand, isaga oo halkaas khamaar ku ciyaari jiray. Ninkan ayaa isku dar NAV ka helay mudadaas lacag dhan311.800 nok oo lacagta la siiyo dad aan shaqeyn karin ama dhaawac uu shaqada kasoo gaaray.

Xigasho/kilde: NRK, Nettavisen. 

[adsenseyu2]

 

NRK: Barn som aldri har vært i Somaila før, reiser nå til sitt ukjente hjemland

0

DADAAB (NRK): Foreldre frykter for barnas skjebne, når verdens største flyktningleir jevnes med jorden i Kenya.

– Barna mine har valget mellom å bli regjeringssoldater eller terrorister i al-Shabaab hvis vi tvinges tilbake til Somalia. Jeg tror det blir al-Shabaab, sier Fardosa Hassan . 

 Hun er mor til 11 av de 270 000 flyktningene som kenyanske myndigheter vil ha ut av leiren, ut av landet, raskest mulig. Regjeringen mener at barna til dem som flyktet til Dadaab fra Somalia og al-Shabaabs ugjerninger utgjør en sikkerhetsrisiko.

De ser på somalisk ungdom i flyktningleiren som potensielle al-Shabaab-rekrutter og mener atterroristene får opplæring i leiren.

Fardosa Hassan blir provosert av kenyanske myndigheter.

– Vi rømte fra en krig der sønnene våre ble drept av al-Shabaab foran øynene våre. Vi er her fordi al-Shabaab ikke er her.

Det er verken påvist at terroristene trener eller finner nye rekrutter i Dadaab.

Flere mener beslutningen fra mai i fjor ble tatt for å vise handlekraft overfor velgerne. I år er det valg i Kenya.

Les resten av saken her: NRK.NO 

[adsenseyu2]

War deg- deg ah: Store Brand oo xiray webseydkii ay sameeyaan deynta islaamiga ah

0

Bankiga Storebrand ayaa xiray webseydkii ay fureen si dadka xiiseynaya iney qaataan deyn islaami ay ula soo xiriiraan. Waxeyna sheegeen iney heleen tiro dad ku filan oo ay ku qiimeyn karaan mashruucooda tijaabada ah. Iyaga raaciyay in hadii ay go´aansadaan in deyn noocaas oo kale ay bixiyaana, ay dadku si toos ah ula soo xiriir karaan bankigooda.

Bankigay ayaa markii hore sheegay inuu dalabyada dadka deynta islaamiga ah xiiseynayo, ay qaban doonaan mudo ilaa dhowr isbuuc ah. Laakiin waxey webseydkii ay codsiyada  fureen dadka xiiseynaya arintaas, ay xireen saacado kadib. Saxaafada Norway ayaa saaka ilaa aad u hadelsay arintaas uu sameeyay bankigaas.

[adsenseyu2]

UDI-da oo jawaab kasoo bixisay maqaalkii qareen Arild Humlen

0

Hanne Jendal oo katirsan hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa maqaal kaga soo jawaabtay maqaalkii uu dhawaantan wargeyska Dagbladet kusoo daabacay Arild Humlen oo ah qareenka gudiga xuquuq raadinta soomaalida Norway. (Halkan ka akhri maqaalka qareenkan).

Waxeyna maqaalkeeda ku xaqiijisay in UDI-da ay dib u qiimeyn ku sameyneyso sharciyada magangalyada 1600 oo qoxooti soomaaliyeed ah, kadib markii ay wareegto ka heleen wasaarada cadaalada iyo amniga. Dadkaas oo ah kuwii Norway imaaday intii u dhaxeysay sanadadii 2012 ilaa 2014, walina aan helin sharciga degenaanshaha rasmiga ah.  

[adsenseyu2]

Sidoo kale waxey sheegtay iney jiraan kiisas dad laga shakisanyahay macluumaadkii ay bixiyeen markii ay wadanka iska dhiibayeen, kuwaas oo ay qiimeynayaan iney dib ugula noqdaan sharciyada ay heystaan, hadii ay ku cadaato iney ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed. Iyada oo maqaalkeeda si fiican uga hadashay sida ay u qiimeeyaan kiisaska noocaas ah, iyo qaabka ay macluumaadka ku helaan. 

Hanne Jendal ayaa maqaalkeeda ku xustay in mararka qaarkood ay UDI-du helaan macluumaad ay lagama maarmaan noqoto iney dabagal kusii sameeyaan. Waxeyna tusaale usoo qaadatay iney mararka qaarkood ay helaan codsi qof loo dacwoonayo, kaas oo xambaarsan macluumaad iyo warbixino ka gadisan kuwii uu qofkaas markii hore bixiyay. Ama macluumaadka noocaas oo kale ah,  ay ka helaan codsiga magangalyada qof qoyskaas ka tirsan. 

Waxey maqaalkeeda ku cadeysay in inta badan ay kiisaskaas ku bilowdaan, kadib markii ay UDI-du macluumaad ka hesho xarumaha kale ee dowlada sida NAV iyo booliska. Macluumaadkaas oo sheegaya in qofkaas uu wado khalad ah ku helay sharciga magangalyada. 

Hanne ayaa sidoo kale sheegtay in hadii ay macluumaad qarsoodi ah ka helaan qof shaqsi caadi ah, ay ogyihiin iney noqon karaan arimo la xiriiro is fahan daro ama aar-goosi shaqsiyeed. Iyada oo sheegtay in macluumaad badan oo noocaas ah aysan dabogal kusii sameynin. 

Waxey sidoo kale sheegtay iney ka dharagsanyihiin isku dhexyaaca xaalada Soomaaliya ee Humlen maqaalkiisa ku cadeeyay. Laakiin waxey sheegtay in cadeymaha ay adeegsadaan ay inta badan yihiin kuwo isku meelo u jeeda. Tusaale ahaan hadii qof uu sheegtay inuu ka yimid deegaan , laakiin uu ku hadlayo lahjada deegaan kale, lacagtana uu diro deegaanka uu lahjadiisa ku halo, ay qofkaas boolisku ugu yeeraan wareysi si uu qofka jaanis ugu helo inuu sharaxo cadeymahaas la helay. 

Haweeneydan ayaa sheegtay in inta aan qofka lagala noqon sharciga, ay marka hore u diraan digniin isaga oo xaq u leh inuu qabsado qareen ay dowladu lacagtiisa bixineyso. Si uu qofkaas jawaab uga bixiyo eedeymaha loo heysto, mararka qaarkoodna baajiyo in qofka lagala noqdo sharciga. Hadii ay xitaa qofka kala noqdaan sharciga qoxootigana ay mararka qaarkood siiyaan sharci nooc kale ah, iyada oo loo eegayo caruurtiisa oo wadanka waxbadan joogay ama arimo caafimaad. 

Hanne Jendal ayaa maqaalkeedana ay kusoo daabacday Dagbladet ku sheegtay in kiisaska magangalyada ay sharaxaada qofka uu bixiyo ay tahay cadeynta ugu weyn. Si bulshadu ay ugu kalsoonaato nidaamka magangalyada,a ay ku qasbanyihiin iney banaanka keenaan dadka ka been-sheegay asalkooda, si ay magangalyo u helaan. 

Xigasho/kilde: Dagbladet(halkan ka akhri maqaalkan ay UDI-da ugu jawaabeyso Arild Humlen

[adsenseyu2]

 

 

Banki Norway kuyaalo oo sheegay inuu bixin doono deyn islaami ah

0

Storebrand oo kamid ah bankiyada bixiya deymaha ee kuyaalo wadankan Norway, ayaa sheegay iney rabaan iney bilaabaan mashruuc tijaabo ah oo uu ku bixin doonaan deyn islaami ah. Wuxuuna furay website(halkan ka fiiri) uu qofka arintaas xiiseynayo uu kala soo xiriiri karo. 

Madaxa xiriirka bankigaas ayaa wargeyska Vårt Land u xaqiijiyay in bankigooda iney arintaas tijaabinayaan, si ay u ogaadaan xiisaha iyo baahida loo qabo deyn noocaas ah. Wuxuuna iska fogeeyay in bankigooda uu hada bixiyo deyn islaami ah, balse sheegay in mustaqbalka laga yaabo iney qiimeeyaan arintaas. 

Waxaana durba bankiga lasoo xiriiray dadka 50 qof kor u dhaafaya oo xiiseynaya arintaas. 

Siv Jensen: Xeerarka deynta uma badali doono group gaar ah. 

Wasiirada maaliyada dowlada Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga FRP, Siv Jensen ayaa sheegtay in wasaaradeedu aysan diyaar u aheyn iney dadka u fududeeyaan in deyn noocaas oo kale ah ay bankiyadu bixiyaan. Iyada oo raaciyay inaan xeerarka deyn qaadashada wadanka aan loo badali doonin group gaar ah.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

Ninkii soomaaliga ahaa ee gabadha dhaawaca u geystay oo 4 isbuuc oo cusub la xiray

0

Maxkamada gobalka Hedmark, ayaa jimcihii aan soo dhaafney go´aamisay in ninkii soomaaliga ahaa ee weerarka iyo dhaawacyada u geystay gabadha soomaalida deegaanka Moelv, xabsiga lagu sii hayo mudo afar isbuuc ah oo cusub. Waxeyna tani timid kadib ay dhamaatay mudadii afarta isbuuc ahaa ee kumeel gaarka ahaa, ee lagu xukumay bil kahor.

 

Xiriir-haasaawe: 

Ninkan ayay boolisku ku eedeeyeen inuu geystay fal isku day dil ah, kadib markii uu weerar ku qaaday, dhaawacyo halis ahna uu gaarsiiyay gabadha soomaalida ah oo sida ay boolisku sheegeen uu ka dhaxeeyay xiriir haasaawe ama wada-sheekeysi.  

Waxey sidoo kale raaciyaan in mindida weerarka lagu geystay uu ninkan isla maalintaas uu weerarka dhacay uu kasoo iibsaday deegaanka Moelv. Iyaga oo raaciyay in arintaas ay u baahantahay in si gaar ah loo baaro, maadaama uu falkan noqon karo mid horey u agaasinaa ama qorsheysnaa.

Waxaan ka cabsi qabnaa inuu wadanka ka baxsado: 

Booliska ayaan wali sheegin goorta ay ninkan soomaaliga ah maxkamada horkeeni doonaan, waxeyse cadeeyeen iney rabaan iney xabsiga kusii hayaan inta maxkamada laga horkeeni doono.

Iyaga oo hadalkooda raaciyay in ninkan aanan loo cusbooneysiin sharciga uu dalka ku joogay, sidaas darteedna ay ka cabsi qabaan inuu wadanka ka baxsado hadii ay xabsiga kasii daayaan. 

Gabadhii oo wali kujirto isbitaal:

Frode Aabak oo ah garyaqaanka booliska ee deegaankaas, ayaa isaga oo la hadlayay wargeyska lokalka ah ee Hamar Arbeidsblad sheegay in gabadhii soomaalida aheyd oo uu dhaawaca soo gaaray ay wali kujirto isbitaalka, iyada oo laga dabiibayo dhaawacyadii darnaa ee kasoo gaaray weerarkaas. Wuxuuna raaciyay in dhaawacyada mindida ah ee soo gaarey ay ahaayeen kuwo halis ah. 

Frode ayaa tibaaxay in gabadhan ay mudo bil kadib ah ay wali kusii jirto isbitaalka, ay tilmaami karto halista ay lahaayeen dhaawacyada soo gaaray. Isaga oo raaciyay in xili aan dheereyn laga saari doono isbitaalka, hadii ay suurtagal noqoto. 

Xigasho/kilde: Hamar arbeidsblad, GD.NO, Ring-saker Blad

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Mindre piratvirksomhet i verden

0

Kuala Lumpur (NTB-AP-AFP): Det var mindre piratvirksomhet til sjøs i fjor enn noe annet år siden slutten av 1990-tallet.

Det går fram av en nye rapport fra International Maritime Bureau. 191 «pirat-hendelser» ble registrert i 2016, betydelig færre enn året før.

Til sammen sju fartøy ble kapret, og dette er under halvparten så mange som i 2015.

Samtidig er bortføring av sjøfolk i håp om å få løsepenger blitt et større problem. De fleste av disse sakene har skjedd utenfor kysten av Vest-Afrika, men 28 bortføringer er registrert i områdene ved Malaysia, Indonesia og Filippinene.

Nordmannen Kjartan Sekkingstad ble i fjor løslatt etter å ha blitt holdt fanget av Abu Sayyaf-geriljaen på Filippinene i nesten ett år. Abu Sayyaf har også stått bak mange bortføringer av sjøfolk.

Piratvirksomhet utenfor kysten av Somalia var tidligere et stort problem, men antall angrep her har avtatt betydelig i løpet av de siste årene. (©NTB)

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.