lørdag, april 20, 2024

War deg-deg ah: KRF oo taageeray in awooda sharci kala noqoshada loo wareejiyo maxkamad madax banaan

Xisbiga KRF ayaa ugu danbeyn taageeray mooshinka ay baarlamaanka Norway horgeeyeen xisbiyada Sv, Sp, Ap, Venstre iyo MDG. Mooshinkaas oo ku saabsanaa in awooda sharci kala noqoshada dhalashada laga qaado hey´ada laanta socdaalka, loona wareejiyo maxkamad gaarta go´aanka kama danbeysta ah.

Gudoomiyaha KRF Knut Arild oo daqiiqado kahor lahadlay NRK, ayaa sheegay in gudiga uu xisbigiisu u saarey ay sameeyeen qiimeyn adag. Ugu danbeyna ay go´aansadeen inay taageeraan mooshinkaas ku saabsan in maxkamad madax banaan ay gaarto go´aanka kama danbeysta ah ee qofka loogala noqonayo sharciga dhalashada wadanka ee Statsborgerskapka.

Xisbiga SV ayaa lahaa soo jeedinta koowaad ee mooshinkaas, waxaana ku raacay, Sp, Ap, Venstre iyo MDG. ugu danbeyna waxaa hada kusoo KRF. wuxuuna sidaas ku helay cod aqlabiyad ah oo uu ku meel-mari doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arintan dib ayaan kasoo galin doonaa. 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x