tirsdag, november 26, 2024
Home Blog Page 9

Waaxda canshuuraha: Iska hubi arrintan ku saabsan canshuurta sanadka 2024.

Shaley oo ay taariikhdu aheyd 15-ka bisha Desember, waaxda canshuuraha ayaa dhamaan dadka canshuur bixiyeyaasha ah u dirtay kaarka canshuurta sanadka 2024, iyo qiyaasta canshuureed ee waaxdu ay qiyaaseyso inaad bixin doonto sanadka soo socdo ee 2024.

Waaxda canshuuraha ee skatte-etaten ayaa dadka ka codsaneyso inay galaan bogga waaxda, ayna badalaan hadii aysan waaxda ku waafaqsaneyn qiyaasta ay kuu sameyso, taas oo ay ku jaangoyeysay xajmiga canshuurta aad bixin doonto 2024.

Marta Johanne Gjengedal oo katirsan waaxda canshuuraha ayaa dadka ugu baaqayo in ay galaan bogooda gaarka, kadibna ay iska hubiyaan in qiyaasta ay Skatte-etaten sameysay ay sax tahay iyo inkale.

Xigasho/kilde: Nå kommer skattekortet – dette bør du sjekke

NAV: Ugu yaraan 35 qof ayaa laga xawishay lacagtoodii, koonto kalena lagu diray.

0

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay hey adda NAV, ugu yaraan 35 qof ayaa loo dhacay boga ay ku leeyihiin NAV, waxaana laga badashay koontada ay lacagta ugu soo dhici laheyd, loona xawilay koonto kale oo aan tooda aheyn. NAV ayaa tuhunsan in falkan uu la xiriiro dhac la xiriira nidaamka aqoonsiga digitalka ah ee Bank ID.

Talaadadii ayaa la ogaaday in lacago loo qorsheeyay inay ku dhacaan koontooyinka dad ku xiran NAV, loo wareejiyay/xawilay koontooyin kale. NAV ayaana tuhunsan in loo dhacay/la galay bogga NAV ee shaqsiyaadkan ay ku leeyihiin NAV, lana badalay koontooyinkii ay llacaga ugu soo dhici jireen.

NAV ayaa dadka ay saameynta ku yeelatay arrintan ka codsaneyso inay la xiriiraan booliska, iyo bankiga ay koontadda ku leeyihiin. Ilaa hada 35 qof ayaa arrintaas sameeyay.

Marianne Fålun oo ah madaxa qeybta maamulka iyo dhaqaalaha ee NAV ayaa sheegtay:

NAV waxa ay hada ka shaqeyneysaa inay ogaato ama hesho wixii dhacay. Ilaa hada waxey u muuqataa in dadka ay arrintan saameysay ay aheyd dhac iyo xatooyo loo geystay..Arrintan waxaan u qaadaneynaa mid halis ah, waxaana fahansanahay inay culeys weyn ku tahay dadka ay saameysay.

Xigasho/kilde: Minst 35 rammet i mulig Nav-svindel

Dowlada oo soo rogtay qorshe-hawleed ka dhan ah cunsuriyada iyo faquuqa.

0

Dowlada Norway ayaa isbuucii hore soo bandhigtay qorshe hawleed cusub oo ka dhan kahortaga iyo la tacaamulka cunsuriyada, faquuqa iyo naceybka ka dhanka ah dadyowga ajaaniibta ah.

“Marka la aqbalo cunsuriyada iyo takoorka, waxa ay saamaysa xaalada nololeed sida fursadaha shaqo, adeega daryeelka cafmad iyo waxbarashadda kuwaas oo kasi dara. Cunsuriyada waxa ay kalifi karta dad bulshadda ka mida inee naftooda is dhaafiyaan. Arimahaan aan xusey waa ku Norway kaso shaac baxey” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo ka mid noqoshada Tonje Brenna.

Dawladdu waxay ka hortagi doontaa oo ay la dagaalami doontaa midab-takoorka iyo takoorka jinsayadeed ee ka dhex jira bulshada Norway. Sidaa darteed, waxa dowladdu dhaqan galinaysa qorshe hawleed cusub oo ka kooban 50 tallaabo. Dawladdu waxay si gaar ah diiradda u saaraysa midab-takoorka iyo takoorka ka dhex aloosan suuqa shaqada iyo shaqaalaha, goobaha dhalinyarada iyo iwx. Qorshe hawleedkan ayaa socon doona ilaa 2027, wuxuuna ka qayb qaadanayaa hadafka dawladda ee ah in la dhiso bulsho leh cilaaqad wanaagsan iyo isdhexgal ka hufan takoor iyo cunsiriyad sidokalena, loo wada simanyahay fursadaha.

Sida ay dowladdu sheegtay, cunsuriyadda iyo takoorka ayaa weli Norway dhibaato ku ah.
Nasiib darro, waxaa sidoo kale jira dhallinyaro badan oo la kulma cunsuriyad ha ahaato dhan waxbarasho ama dhan shaqo, ayuu qoray Vg.


“Markaad waydiiso dadka inay la kulmeen cunsuriyad iyo takoorid, waxaan dareemayaa inaad su’ashaas ka doorbidi lahayd inaad waydiiso inta jeer ayee la kulmaan. Marki u danbeesay ee aan la kulmay fal cunsurinimo, waxa ay ee ahayd sabtidii hore xaflad kirismas ah” ayay Betina Belegu (23) u sheegtay Vg. Belegu kali kuma ahan la kulanka cunsirayadda, Nilofar Nori (22) waxa ay sidoo kale sheegtay in ay marar badan la kulantay falal cunsurinimo ah kuwaas oo kaso wajahay suuqa shaqadda, iyadda oo xijaabkeeda lagu takoorey loona muujiyey nacayb ku adan diinteeda islaamka.

Cunsuriyada iyo nacaybku waxay galaafan karaan dadka noloshooda
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa aaminsan in cunsuriyadda iyo heyb sooca ay horseed u yihiin luminta dadka iyo xirfaddaha ay bulshadu u baahan tahay.
-”Waxaan ognahay in dad badan oo asal ahaan aan kaso jeedin Norway ee hayaan shaqooyin aan la darajo ahayn heerka waxbarashadooda iyo xirfadahooda, waxaan sido kale ognahay in kuwa iskuullada aadaya ay kororsadaan waxbarasho badan,isla markasna ku qaadato wakhti ka badan midka dadka kale si ay shaqo u helaan” ayay u sheegtay Vg. Brenna ayaa hadalkeeda ku dartey in la dagaalanka cunsuriyadda iyo takoorka dhanka suuqa shaqada ay tahay lama huraan si loo simo kala duwanaanshaha bulshadda Norway ayadda oo hadalkeeda kuso gunaanadey «Bulsho aan lahayn midab-takoor iyo takoorid waa bulsho dagan oo wanaagsan»

, qorshaha hawleedku ayaa wuxuu leeyahay talabooyinka loo marayo si loo xidido siibo cunsiriyadda iyo takoorka waxana ka mid ah:

Suuqa shaqadda:
-Ololaha ka dhanka ah takoorka ee lagu tiigsanayo shaqo bixiyaasha.
-Dadka soo galooti ah oo isku dhafan in kagu daro ururrada shaqaalaha.

  • In la Sameeyo tilmaamayaal lagu cabiro kala duwanaanshaha qowmiyadeed ee suuqa shaqadda
  • In la sameeyo cilmi-baaris cusub oo ku saabsan cilaqadda ka dhaxaysa soo-galootiga iyo suuqa shaqadda
  • In Aqoon dheeraad laga ogaado dhibaatadda cunsuriyadda iyo takoorku ka abuuraan suuqa shaqada

Dhalinyarada:
– in la laga shaqeeyo deegaan dugsi ammaan ah oo wanaagsan
– In iskoolku talo iyo tusaale siiyaan ardayda la kulma cunsuriyadda iyo takoorka
– Qadida talaabooyin ka dhan ah takoorka suuqa kiryaha guryaha.

Halkan ka akhri qorshe-hawleedkan oo dhameystiran: Handlingsplan mot rasisme og diskriminering – ny innsats 2024–2027.

UDI-da oo sharciga ka celin doonto dadka Ukraine-ka u dashay ee dalkoodii u safra.

0

Labadii sano ee ugu danbeeyay dowlada Norway ayaa magangalyo siisay kumanaan kun oo qoxooti reer Ukraine ah, kuwaas oo qaab jamaaci ah loo siiyay magangalyo, iyada oo la eegayo xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Ukraine.

Balse in qoxooti badan lasoo qaatay mudo aad u kooban ayaa abuurtay doodo la xiriirta awooda dowlada Norway iyo degmooyinka ee dib u dajinta iyo maareynta qoxootigan. Waxaana sidoo kale soo baxday in qaar kamid ah dadka Ukraine u dhashay ay safaro kala duwan ku tagaan dalka Ukraine, inkasta oo magangalyo qoxootinimo ay Norway ku leeyihiin.

Wareegto loo diray UDI-da:

Wareegto maanta kasoo baxday wasaaradda arrimaha amniga iyo cadaaladda, ayaa hey adda qoxootiga ee UDI-da lagu amray inay sharciga qoxootinimadda magangalyo kala noqon karto dadka Ukraine u dhashay ee u dib ugu safra dalkooda hooyo.

Wixii ka horeeyay hada, dadka u dashay Ukraine ee u safra dalkooda hooyo, ayaan wax caqabad ah kala kulmi jirin arrintaas. Balse hada wixii ka danbeeyo waxaa dhici karto in qofkii u noqdo dalkiisii hooyo uu sharciga qoxootiga lumin karo.

Wasiiradda cadaaladda Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay:

Hadii Yukriiniyiinta la siiyay sharciga magangalyada qoxootinimo ay horey iyo gadaal ugu safraan dalkoodii hooyo, waxa ay muujin kartaa ineysan u baahneyn magangalyo. Waxaan hada rabnaa inay Yukriiyiniinta ula dhaqano si lamid ah qoxootiga kale, marka laga hadlayo cawaaqibta ka dhalatay dib u safrida dalka hooyo ee qofka qoxootiga ah.

Wareegtadda dowlada ayaa lagu sheegay in wixii safar ah ee ka horeeyay maanta oo ay wareegtadan soo baxday, aysan ka dhalan doonin wax cawaaqib ah. Balse wixii ka danbeeyo hada ay qaban doonto dadka qoxootiga ah ee dalkoodii u safra.

Isla wareegtada kasoo baxday dowlada ayaa lagu sheegay in dadka u dhashay Ukraine loo ogolaan karo inay u safraan dalkoodii hooyo, hadii ay jiraan xaalado gaar ah oo la isla qirsanyahay.

Xigasho/kilde: Ukrainere som reiser tilbake, kan risikere å miste oppholdstillatelsen i Norge

Warar cusub oo laga helayo soomaali tahriib ah oo ku xayiran dalka Ruushka.

0

Waxaa xarumo ku yaalla magaalooyin ka tirsan dalka Ruushka lagu hayaa dad Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka ay wadaagan dalalka Ruushka iyo Finland, waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 62 qof oo siyaabo kala duwan ku galay dalkaas.

Sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo laga qabtay xudduudda dalalka Poland iyo Belarus oo ku jira xabsiyo ku yaal dalalkaasi.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxa aad u kordhay qulqulka tahriibayaash doonay in ay gaaran dalalka Yurub ayga oo ka talabaayo dalka Ruushka

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xuduuda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imanaya dalka oo ay ku eedayeen in uu ka danbeeyso Ruushka .

Ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo aan haysan fiisaha saxda ah iyo dukumentiga ayaa bishan oo kaliya gaaray dalka Finland kuwaas oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Kenya, iyo Marooko.

Dawladda Finland ayaa xirtay afar ka mid ah meel ugu mashquulka badan ee dadka soogalootiga magangalyo doonka ah ay ka gudbayeen ayada oo shaacisay in ay jiraan ilaa 400 oo qof oo kale kuwaas oo ku sugan xaduudka labada dal doonayana in ay soo galaan Finland .

Sii hayaha safaaradda Soomaliya ee dalka Ruushka, Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay dhibaatada dadka Soomaliyeed ku haysata xadka dalalka Belarus iyo Poland ay ahayd mid in muddo ah jirtay, balse tan hadda ka taagan xadka Ruushka iyo Finland ay tahay mid dhawaan soo bilaabatay.

Wasarradda arrimaha gudaha Ruushka ayuu sheegtay inay kala shaqeynayso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaliyeed ee lagu hayo xarumaha kala duwan ee ku yaal dalkaasi.

“Dadku labo qeyb ayay isugu jiraan, kuwa kusoo galay si sharci ah oo ku yimid fiisaha dalka Ruushka, balse la qabtay ayaga oo ka gudbay xadka Finland, iyo kuwa Belarus ka yimid oo sharci darro Ruushka ku joogay xadka laga qabtay kuwaas oo kale maxkamadda ayaa la saaraa, saddex bilood ilaa lix bilood ayaa lagu xukumaa, nasiib wanaag waxaan wasaarradda arrimaha gudaha Ruushka isku afgaranay in aan dadka danbiga loo ciqaabin” ayuu yir sii hayaha Safaarada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore visa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub .

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Dadku labo qeyb ayay isugu jiraan, kuwa kusoo galay si sharci ah oo ku yimid fiisaha dalka Ruushka, balse la qabtay ayaga oo ka gudbay xadka Finland, iyo kuwa Belarus ka yimid oo sharci darro Ruushka ku joogay xadka laga qabtay kuwaas oo kale maxkamadda ayaa la saaraa, saddex bilood ilaa lix bilood ayaa lagu xukumaa, nasiib wanaag waxaan wasaarradda arrimaha gudaha Ruushka isku afgaranay in aan dadka danbiga loo ciqaabin” ayuu yir sii hayaha Safaarada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore visa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub .

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Dadka qaar aya gacamaha laga jaray markii qaboowga uu saameeyay ilaa sadex gabdhood ayaa isbitaalka jiifa, 16 wiilna xabsiga ayay ku jiraan” ayuu yir Xirsi.

Ardayda Soomaliyeed ee dalkaasi ayuu sheegay inay ka gacan siinayan ciidanka sidii dadka Soomaliyeed wata baasboorada dalka dib loogu celin lahaa, isaga oo xusay in ilaa 38 qof sanadkan dowladda Belarus ay dib ugu celisay Soomaaliya .

“Qofkii dukuminti wata dowladda waa ay celisaa oo Soomaliya ayaa loo celiyaa, laakiin waxaa jira kuwa u baahan in lasoo caddeeyo in Soomaali yihiin iyo in kale si dalka dib loogu celiyo,” ayuu yir Xirsi oo ah arday wax ka barta dalka Belarus.

Dadaallo ka socda Poland oo la doonayo in lagu sii daayo Soomaalida halkaasi ku xiran

Cilmi Axmed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Poland ayaa sheegay xeryo ku yaal dalkaas lagu hayo in ka badan 20 qof oo Soomali ah kuwaas oo doonayay in ay gaaran dalalka kale ee Yurub balse ay qabteen ciidanka waddankaas ayna hadda wadaan dadaallo lagu sii daynayo, waxaan uu xusay in dalka Poland uu dhawaan soo gaari doono Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub.

“Waxaa jira dhowr iyo labaatan qof oo Soomaali ah oo ku jira xeryo ku yaal dalka Poland,waxaan rabnaa in aan arrintooda galno Safiirka Soomaaliya ee Belgiumka” ayuu yir Cilmi.

Boqollaal qof oo muhajiriin ah aya sanad kast gala dalalka Yurub kuwaas oo cararay colaadaha ka jira dalalkooda ama baadi goobaya nolal ka wanagsan tii ay ku haysteen wadamadooda ayga oo wajaha dhibaatooyin badan inta ay ku jiraan safarka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Dowlada Denmark oo mamnuucday gubitaanka quraanka kariimka ah.

0

Baarlamaanka dalka Denmark ayaa maanta meelmariyay sharci mamnuucayo in goobaha dadka ka dhaxeeyo(offentlige steder) lagu gubo quraanka kariimka iyo kitaabta kale ee diiniga ah. Isla sharcigan ayaa dhigayo in qofkii ku xad-gudbo sharcigan cusub uu muteysan karo ciqaab xabsiyeed oo gaareyso 2 sano.

Denmark ayaa kamid aheyd dalalka ay ka dhacaan gubitaanka quraanka ee ugu badan, waxaana dalkaas kasoo jeedo qaar kamid ah dadka ugu caansan ee ku caanbaxay gubita quraanka. Balse Sharcigan oo dood dheer kadib laga meelmariyay baarlamaanka ayaa sidoo kale mamnuucayo in la gubo, la jeex-jeexo ama si kaleba loo silciyo(dhibaateeyo) kitaabka diiniga ah.

Wasiirka cadaaladda Denmark Peter Hummelgaard inuu fahmi karo in dad badan ay ka fal-celin karaan sharcigan la meelmariyay, ayna dadku u arki karaan in dadka qaarkood laga horistaagay xuquuqdooda hadalka, laakiin wuxuu sheegay in dowladu ay ahmiyada koowaad siineyso amniga dalkaas iyo waxyaabaha saameyn karo.

Wasiirka cadaaladda ayaa horey u sheegay in gubitaanku quraanku uu yahay ficil micno la aan ah oo ujeedka ugu weyn uu yahay in lagu abuuro kala qeybsanaan iyo naceyb.

Kadib mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacay dalalka caalamka, iyo dalabaad ka yimid dowladaha muslimka ah, waxaa isa soo badalayo aragtida ay dowladaha Nordicu ka heystaan gubitaanka quraanka oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelatatay danaha amnigooda qaran.

Xigasho/kilde: Folketinget stemmer ja til omstridt koranlov

8 sano ayuu taxi waday leysin la aan.

0

Qofka kasta oo ka shaqeeya shaqada taxi-ga Norway, waxaa ku waajib ah inuu heysto cadeynta ogolaanshaha taxi-wadista ee loo yaqaan kjøreseddel. Warqadan ayaa cadeyneyso in qofka baabuurka Taxi-ga wado uu buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ee xeerka wado-marista iyo kan gaadiidka dadweynaha.

Kontorool iyo kormeer kadis ah oo isbuucan ay sameysay hey adda wado-marista(Vegvesen), ayaa lagu istaajiyay nin Taksiile ah oo 8 sano baabuurka taxi-ga ku waday leysin(Kjøresedel) dhacsan, kadib markii uu leysinka taxi-gu ka dhacay sanadkii sanadkii 2015. Falkan ayaa ka dhacay deegaanka Marås ee gobolka Vestland.

Lars Harald oo katirsan hey adda Vegvesen ayaa sheegay:

Taksiile ayaan lagu istaajiyay kontrool, waxaana la weydiiyay inuu soo bixiyo waraaqaha iyo cadeymaha waajibka ah ee qofka taxi-ga wado. Taksiilahaasna ma uusan wadan wax cadeyn ah oo muujinayo inuu wato leysin taxi oo shaqeynaya. Baaritaan kadib ayaan sii ogaanay in leysinka taksiilaha uu dhacay sanadkii 2015, balse uu 8 sano ee ugu danbeysay taxi-ga waday leysin ama sharci la aan.

Hey adda wado marista ayaa sheegtay in ninkan isla goobta looga istaajiyay shaqada, warbixintiisana loo gudbiyay hey addaha gaadiidka wado-marista. Waxaana laga mamnuucay in wax gaadiid taxi ah uu wadi karo, ilaa uu soo qaado imtixaanadda waajibka ah, uuna helo leysin cusub.

Arrintan ayaa timid xili hey addaha dowlada ee ku shuqul leh wado marista ay maalmahan meelo kala duwan ka sameynayaan kontorool iyo kor meer aan la shaacin.Bishii lasoo dhaafay kontorool weyn oo ay sameysay hey adda wado marista ay shaqada tagaasilenimo ka joojisay 28 darawal oo siyaabo kala duwan awgeed aan buuxin shuruudaha taxi-wadista. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: Taxisjåfør stoppet: Hadde kjørt ulovlig i åtte år

Shirkadaha tagaasida oo ku heshiiyay inay weerar ku qaadaan Uber, bolt & K.L.

0

Tan iyo markii ay dalka Norway soo gaareen shirkadaha tagaasida ee qaabka digitalka ah isugu xiro macmiilka iyo taxi-wadaha, waxaa culeys dhanka suuqa ah uu soo food-saaray shirkadaha waaweyn ee Norway laga leeyahay, awoodana ku lahaa suuqa tagaasida.

Shirkadaha Uber, Bolt, Yango iyo kuwa kale ee lamidka ah, ayaa suuqa la soo galay, saami-suuqeed fiicana ka qaaday shirkadaha waaweyn ee tagaasida, kuwaas oo qaab mudo suuqa tagaasida ku heystay awood-suuqeed aan laga daba-hadlin. Waxaana intaas ugu darsamay dowladii Erna Solberg oo sanadkii 2020 furtay suuqa tagaasida, meeshana ka saartay shuruudihii iyo imtixaanadii tirada badnaa ee laga rabay qofka taxi-wadaha ah. Arrintaas ayaana sahashay in tagaasi iyo darawaliin badan ay si fudud kusoo galaan suuqa tagaasida.

Shirkadaha waaweyn ayaa dhowr mar cabasho ka gudbiyay suuqa la furay, iyaga oo sheegay inay hoos u rideyso tayada suuqa shaqada, ayna sahleyso suuq-madowga tagaasida qarsoon iyo danbiyada loo geysto macaamiisha tagaasida raaceyso iwm. Inkasta oo dowlada reysulwasaare Støre ee xukunka qabatay sanadkii 2021 ay dib usoo celisay qeybo kamid ah shuruudihii looga baahnaa qofka tagsiilaha ah, ayna soo rogtay imtixaano cusub, hadana shirkaha digitalka ah ee Bolt, Uber iyo Yango ayaa wali suuq fiican ka heysto suuqa tagaasida Norway. Waxaana dhacdo in qof u shaqeeyo shirkad tagaasi oo caadi ah, uu sidoo kale ka diiwaangashanyahay shirkadaha digitalka ah, si uu kor ugu qaado cadadka lacageed ee shaqada kasoo gasho.

Shirkadaha waaweyn oo weerar qorsheysan abaabulayo:

Shirkadaha waaweyn ee xooga ku lahaa suuqa tagaasida Norway, ayaa hada heshiis wada shaqeyn ah la galay shirkadaha dhigooda ah ee ka shaqeeya dalalka kale ee Nordica. Waxeyna galeen heshiis ay ku sameysanayaan App isku xiran oo ay shirkadaha ay wadajir u wadaagaan, App-kaas oo u dhigma app-pa Uberka, macaamiishana u sahla inay Taxi ku dalban karaan gudaha dalalka Nordica.

Shirkadaha heshiiskan galay ayaa kal ah Taxi Stockholm, Taxa 4×35 i København, Taxi Helsingfors og Oslo Taxi. App-kan cusub oo loogu magac-daray Taxifix ayaa ka shaqeyn kara dalalka Norway, Sweden, Denmark iyo Finland, waxa uuna gudaha Norway ku leeyahay 500.000 macaamiil. Marka laga tago in App-kan cusub uu toos ugu xiranyahay mid kamid ah shirkadaha waaweyn ee la yaqaano, hadana waxa ay sheegeen in arrintan ay kor u qaadeyso tayada shaqada loo qabanayo macaamiiilka iyo bad-qabka suuqa tagaasida, arrintaas oo ay sheegeen inay faa´iido u leedahay macaamiisha.

App-ka Taxi-fix ayaa ah mid ay horey u laheyd shirkada tagaasida ee Oslo Taxi, waxaana macaamiil ka ah oo ka diiwaangashan ilaa 4000 tagsiile oo ka shaqeeya gudaha Norway.

Xigasho/kilde: Xigasho/kilde: Taxiselskaper med motangrep – inngår nordisk app-samarbeid

NAV oo lacagahan soo hormarineyso bishan Desember.

0

Hey adda shaqada iyo caawinta dadweynaha ee NAV ayaa sheegtay in bishan Desember ay xiliyadii ay bixin jirtay kasoo hormarineyso qeybo kamid ah kaalmadda dhaqaale ee la siiyo dadka heyaddan ku xiran. Waxaa intaas dheer in dadka qaarkood ay heli karaan canshuur dhaaf gaarsiisay 50% bishan Desember.

Sababta loo soo hormarinayo bixinta lacagahan ayay NAV ku sheegtay in dad badan ay bishan Desember u baahanyihiin ama iibsadaan adeegyo badan, sidaas darteed ay dadku xili hore oo bishan ay u baahan karaan lacago ay ku sameystaan adeegyo kala duwan ee la xiriira ciida dhamaadka sanadka.

12 Desember: Lacag ayaa la bixin doontaa.

NAV ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in lacagan soo socdo(liiska hoose) ay bixin doonaan 12-ka bisha Desember, ama maalmahan ka horeeyo (2+/- maalmood).

Lacagta hawlgabka( Pensjon), Lacagta la siiyo qofka howlgabka shaqo noqday ( Uføretrygd) , lacagta waalidiinta( Foreldrepenger), lacagta ama kaalmada loo yaqaan Grunnstønad ee la siiyo dadka naafada ama dhaawac ah, Lacagta la siiyo dadka uu soo gaaray dhaawaca shaqo ee abida ah( Menerstatning ved yrkesskade), Lacagta la siiyo waalidka kalida ku ah xanaanadda caruurta (Overgangsstønader), lacagta la siiyo waalidka kaligii ah ee ilaaliyo ilmihiisa( qof kale uu uga tago heysan), Stønad til barnetilsyn for enslig mor eller far. Dhamaan lacagahan ayay NAV sheegtay inay bixin doonto 12-ka Desember ama maalmaha ka horeeyo.

15 Desember & 25 Desember: Lacag ayaa la bixin doontaa:

NAV ayaa dhanka kale sheegtay in lacagta waalidiinta ee ilmaha ka yar 18 sano( barnetrygd) iyo lacagta la siiyo waalidiinta guriga ku haya ilmaha aan dhigan xarun xanaano( Kontantstøtte) ay bixin doonaan 15-ka bisha Desember.

Halka lacagta Qofka xanuun darteed shaqada uga maqan( Sykepenger), lacagta haweeneyda uurka leh ee (Svangerskapspenger) iyo lacagta la siiyo waalidka guriga ku hayo ilmaha xanuunsan ee (Pleiepenger for sykt barn) la bixin doono ugu danbeyn 25-ka bisha Desember.

Xigasho/kilde: Når kommer pengene fra Nav på konto i desember?

Dowlada Sweden oo rabta inay xirto iskuulo islaami ah.

0

Dowlada Sweden ayaa ogolaanshaha kala noqotay iskuulka islaamiga ah ee ay maamusho hey adda Córdoba International School. Arrintan ayaa ka dhigan in 516 ardey oo dhigta iskuulkaas, ay ku qasbanaan karaan inay iskuulo cusub u badashaan wixii ka danbeeyo sanadka cusub ee 2024 kadib.

Sida uu qoray wargeyska Aftenbladet, Sababta loo xirayo iskuulkan ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo in la xagjireeyo ama afkaarta xagjirka ah lagu abuuro qaar kamid ah ardeyda dhigata iskuulkan islaamiga ah.

Hey adda amniga iyo sirdoonku dalka Sweden ee Sapo ayaa sheegtay inay qiimeynayaan in qaar kamid ah maamulka iskuuladdan uu xiriir la sameeyay kooxo seef-la-bood islaamiyiin ah, iyada oo dhan kalena la ogaaday in qof kamid ah maamulka iskuulkan uu horey ula soo shaqeeyay urur argagaxiso oo ka howlgala dalka Sweden meel ka baxsan. Xogtan ayay hey adda sirdoonka Sweden sheegtay inay mid sirdoon, inkasta oo aysan bixin faah-faahin dhameystiran.

Lotta Edholm oo ah Wasiiradda waxbarashada Sweden ayaa sheegay in dowladiisu ay juhdi walba ku bixineyso in caruurta kunool Sweden laga difaaco fikradaha kansarka ah ee xagjirnimadda. Wuxuuna sheegay in islaamiyiinta xagjirka ah iyo dadka afkaarkooda la dhacsan, aysan marnaba fursad u hel doonin inay saameyn ku yeeshaan iskuuladda Sweden.

Iskuulka la eedeeyay ayaa dhankiisa sheegay in horey loogu soo jeediyay eedo noocan oo kale ah, balse ay markii danbe beenoobeen ama waxbo lagu waayay iskuulka. Waxeyna sheegeen in hada ay dacwad racfaan ah ka qaateen go aanka dowlada, ayna sugayaan in la dhageysto gar-maqalkooda.

Maamulka iskuuladda la eedeeyay ayaa sheegay in tan iyo markii la furay iskuuladda sanadkii 1997, aysan ilaa hada jirin hal ardey oo iskuulkan dhigto oo xagjiroobay ama lagu abuuray fikiradda xagjiradda, sidaas darteed ay eedeynta ka timid hey addaha amniga Sweden ay yihiin kuwo aan loo meel dayin.

‘Xigasho/kilde: Friskole i Sverige stenges – frykt for at elevene radikaliseres

Abdullahi mire oo ku guuleysatay bilada Nansenprisen ee ay bixiso qaramadda midoobay.

0

Abdullahi Mire oo ah suxufi soomaali ah ayaa ku guuleystay biladda Nansenprisen ee sanadkan 2023, biladaas oo ay bixiso hey adda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNCHR. Suxifigan soomaaliga ah ayaa noqonayo soomaaligii ugu horeeyay abid ee ku guuleysto biladda aadka loo qadariyo ee ay bixiso UNCHR oo xarunteedu ay tahay magaaladda Geneve ee dalka Switzerland.

Abdullahi oo horey ugu noolaan jiray xeryaha qoxootiga Kenya, ayaa hada kunool dalkan Norway. Sida lagu sheegay qoraalka lagu shaaciyay guuleysiga Abdullahi, Waxa uuna biladan ku muteystay shaqada iyo dadaalka uu ku bixiyay inuu maktabado wax akhris iyo goobo waxbarasho uu ka furay xeryaha qoxootiga Kenya, taas oo sabab u aheyd in kumanaan dhalinyaro iyo caruur ah ay fursad u helaan wax akhris iyo waxbarasho. Abdullahi iyo ururkiisa ayaa inta uu hawshan ku jiray waxa uu buugaag waxbarasho oo gaareyso 100 000 buug gaarsiiyay caruurta ku nool xeryaha qoxootiga, buugaagtaas oo laga soo uruuriyay daafaha caalamka.

Filippo Grandi oo ah sarkaalka qaramadda midoobay ugu sareeya ee qaabilsan arrimaha qoxootiga, ayaa sheegay in Abdullahi uu tusaale nool u yahay in isbadalku uu ka imaan karo gudaha bulshada isku tashaday ee raba inay isbadal wanaagsan abuuraan.

Biladan aniga kali ah ma lihi, waxaa ila wadaaga dhamaan dadkii iskaa wax u qabso igula shaqeynayay ee qeybta ka ahaa howsha aan wadnay. Waxaana sidoo kale ila wadaago caruurta dhigtay iskuuladda ee ka faa iideystay barnaamijyadii aan abuurnay.

Bilada Nansenprisen ayaa loogu magac-daray Fridtsjof Nansen oo ahaa dhul mareen, diblomaasi, u doode-dulmanayaal iyo ergey nabadeed Norwiiji ah, kaas oo caan ka ahaa dunidda inteeda badan. Nansen oo sanadkii 1922 ku guuleystay biladda Nopel Peace-ka ayaa sidoo kale caan ku ahaa u doodida iyo ka shaqeysta arrimaha xuquuqul insaanka iyo bini-aadantinimadda.

Xigasho/kilde: Former refugee wins global Nansen award for championing education for displaced children

PST oo macalimiinta ka codsaday inay soo gudbiyaan ardeyda ay ka shakiyaan.

0

Hey adda sirdoonka dalkan Norway ee PST-da magaceeda loo soo gaabiyo ayaa macalimiinta iyo shaqaalaha iskuuladda ka codsaday inay lasoo wadaagaan warbixinadda la xiriira ardeyda ay uga shakin karaan inay geysan karaan weerar ka dhan iskuuladda. Ujeedka arrintan ayaa lagu tilmaamay in laga hortago cabsi laga qabo weerar lagu bar tilmaameedsado dugsiyada sarre iyo kuwa dhexe ee Norway.

Waxaan rabnaa in macalimiinta iskuuladdu ay soo gudbiyaan warbixinadda la xiriira hadi ay qabaan wel-wel ama shaki, kadib anaga( oo ah sirdoonka Norway) ama booliska ayaa shakigaas qiimeyn ku sameyn kara, ayuu majaladda ka waranta arrimaha waxbarasdhada ee Utdanningsnytt u sheegay Lars Lilleby oo ah madaxa unuga ka hortaga weeradda argagaxiso ee PST-da.

Sirdoonka Norway ayaa warbixin-sanadeedkooda sanadkan 2023 ku sheegay in dhowr dal oo Yurub ah ay ka dhaceen weeraro lagu bar tilmaameedsaday goobo waxbarasho iyo iskuulo, sidaas darteed ay iskuuladdu noqon karaan goob bar tilmaameed nugul u noqon karo weeraro argagaxiso oo ay qorsheeyaan kooxaha argagaxisada.

Xigasho/kilde: PST vil ha tips fra lærere som mistenker at elever vil begå skoleangrep

Dadka u dhimanayo feyruska corona oo mar kale aad kor ugu kacay.

0

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa dalka Norway laga diiwaangaliyay 76 dhimasho oo lala xiriirnayo feyruska corona, kaas oo labadii isbuuc ee ugu danbeeyay aad ugu soo badanayo gudaha Norway. Isbuucii kasii horeeyay waxaa isla gudaha Norway laga diiwaangaliyay 36 qof oo u dhintay corona, tiradaas oo ka dhigan inuu jiro kor u kac xoogan oo dadka xanuunka u dhimanayo ah.

Dadka ugu badan ee xanuunka isbitaalka loo dhigay ayaa ah dad waayeel ah oo da’ doodu ay ka sareyso 75 sano, waxaana usii badan dadka aan horey u qaadan talaalka feyruska corona. Sidaas waxaa lagfu sheegay warbixin isbuuceedka hey adda caafimaadka dadweynaha ee FHI.

Isla FHI ayaa sheegtay inay aad kor ugu kacday tirada dadka la xanuunsan ama uu ku dhacay feyruska korona, kaas oo mawjad cusub oo feyruskaas ah laga diiwaangaliyay Norway xiligan qaboobaha ah ee winterka.

Hey addaha caafimaadka ayaa mar kale dadka waayeelka ah iyo dadka qaba xanuunadda uurku jirta ah ku dhiirigalinayo inay qaataan talaalka feyruska corona, sidoo kalena ay qaataan irbadda xoojinta ah ee talaalka hadii uu qofku horey u qaatay labadda talaal ee aasaasiga ah.

Xigasho/kilde: FHI: Antall coronadødsfall har doblet seg på en uke

FINLAND oo Ruushka ku eedeysay ‘dhibaato ay qeyb ka yihiin’ dad Soomaali ah

0

Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inay xuduuddeeda kusoo fasaxday muhaajiriin ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, sababo la xiriira inay ka careysan tahay iskaashiga difaac ee sii kordhayay ee Helsinki ay la leedahay Mareykanka, eedeymahaas oo Moscow ay beenisay.

Dadka ay ka cabaneyso Finland ee xuduudda soo galay ayaa waxaa ka mid ah Soomaali badan.

Qiyaasti 300 oo muhaajiriin ah, oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen iyo Suuriya, ayaa toddobaadkan soo galay Finland ayaga oo kasoo gudbay xuduudda Ruushka, sida ay Reuters kasoo xigatay Ilaalada Xuduudda Finland. 

Imaatinka dadkan ayaa Finland ku qasbay inay darbiyo ka taagto xuduudda ay la wadaagto Ruushka, si ay u joojiso muhaajiriinta sida xorta ah u soo galaya dalkaas.  

Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalkan Nordic ah iyaga oo aan haysan dukumenti sax ah, waxaana ay dalbadeen magangelyo kadib markii lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo ilaaliyo.

Ku dhawaad dhammaan muhaajiriinta ayaa ku yimid aagga xuduudka iyagoo wata baaskiillo ay warbaahinta Finland iyo Ruushku sheegeen in la siiyay lagana iibiyay.

Moscow ayaa beenisay sheegashada ku saabsan in ay ka dambeyso qulqulka muhaajiriinta.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka “ay aad uga xun yihiin in hoggaanka Finland uu doortay dariiqa uu si ula kac ah uga fogaanayo dhaqankii hore ee wanaagsanaa ee xiriirka laba geesoodka ah.”

Soohdinta dhulka ee Finland iyo Ruushka ayaa dhan 832 mayl (1,340 kilometer), waxayna inta badan dhexmartaa kaymo qaro weyn oo ku yaalla koonfurta, iyadoo gaaraysa woqooyiga Arctic.

Xigasho/kilde: C.O

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.