søndag, april 28, 2024

Abdullahi mire oo ku guuleysatay bilada Nansenprisen ee ay bixiso qaramadda midoobay.

Abdullahi Mire oo ah suxufi soomaali ah ayaa ku guuleystay biladda Nansenprisen ee sanadkan 2023, biladaas oo ay bixiso hey adda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNCHR. Suxifigan soomaaliga ah ayaa noqonayo soomaaligii ugu horeeyay abid ee ku guuleysto biladda aadka loo qadariyo ee ay bixiso UNCHR oo xarunteedu ay tahay magaaladda Geneve ee dalka Switzerland.

Abdullahi oo horey ugu noolaan jiray xeryaha qoxootiga Kenya, ayaa hada kunool dalkan Norway. Sida lagu sheegay qoraalka lagu shaaciyay guuleysiga Abdullahi, Waxa uuna biladan ku muteystay shaqada iyo dadaalka uu ku bixiyay inuu maktabado wax akhris iyo goobo waxbarasho uu ka furay xeryaha qoxootiga Kenya, taas oo sabab u aheyd in kumanaan dhalinyaro iyo caruur ah ay fursad u helaan wax akhris iyo waxbarasho. Abdullahi iyo ururkiisa ayaa inta uu hawshan ku jiray waxa uu buugaag waxbarasho oo gaareyso 100 000 buug gaarsiiyay caruurta ku nool xeryaha qoxootiga, buugaagtaas oo laga soo uruuriyay daafaha caalamka.

Filippo Grandi oo ah sarkaalka qaramadda midoobay ugu sareeya ee qaabilsan arrimaha qoxootiga, ayaa sheegay in Abdullahi uu tusaale nool u yahay in isbadalku uu ka imaan karo gudaha bulshada isku tashaday ee raba inay isbadal wanaagsan abuuraan.

Biladan aniga kali ah ma lihi, waxaa ila wadaaga dhamaan dadkii iskaa wax u qabso igula shaqeynayay ee qeybta ka ahaa howsha aan wadnay. Waxaana sidoo kale ila wadaago caruurta dhigtay iskuuladda ee ka faa iideystay barnaamijyadii aan abuurnay.

Bilada Nansenprisen ayaa loogu magac-daray Fridtsjof Nansen oo ahaa dhul mareen, diblomaasi, u doode-dulmanayaal iyo ergey nabadeed Norwiiji ah, kaas oo caan ka ahaa dunidda inteeda badan. Nansen oo sanadkii 1922 ku guuleystay biladda Nopel Peace-ka ayaa sidoo kale caan ku ahaa u doodida iyo ka shaqeysta arrimaha xuquuqul insaanka iyo bini-aadantinimadda.

Xigasho/kilde: Former refugee wins global Nansen award for championing education for displaced children

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x