søndag, april 28, 2024

Dowlada oo soo rogtay qorshe-hawleed ka dhan ah cunsuriyada iyo faquuqa.

Dowlada Norway ayaa isbuucii hore soo bandhigtay qorshe hawleed cusub oo ka dhan kahortaga iyo la tacaamulka cunsuriyada, faquuqa iyo naceybka ka dhanka ah dadyowga ajaaniibta ah.

“Marka la aqbalo cunsuriyada iyo takoorka, waxa ay saamaysa xaalada nololeed sida fursadaha shaqo, adeega daryeelka cafmad iyo waxbarashadda kuwaas oo kasi dara. Cunsuriyada waxa ay kalifi karta dad bulshadda ka mida inee naftooda is dhaafiyaan. Arimahaan aan xusey waa ku Norway kaso shaac baxey” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo ka mid noqoshada Tonje Brenna.

Dawladdu waxay ka hortagi doontaa oo ay la dagaalami doontaa midab-takoorka iyo takoorka jinsayadeed ee ka dhex jira bulshada Norway. Sidaa darteed, waxa dowladdu dhaqan galinaysa qorshe hawleed cusub oo ka kooban 50 tallaabo. Dawladdu waxay si gaar ah diiradda u saaraysa midab-takoorka iyo takoorka ka dhex aloosan suuqa shaqada iyo shaqaalaha, goobaha dhalinyarada iyo iwx. Qorshe hawleedkan ayaa socon doona ilaa 2027, wuxuuna ka qayb qaadanayaa hadafka dawladda ee ah in la dhiso bulsho leh cilaaqad wanaagsan iyo isdhexgal ka hufan takoor iyo cunsiriyad sidokalena, loo wada simanyahay fursadaha.

Sida ay dowladdu sheegtay, cunsuriyadda iyo takoorka ayaa weli Norway dhibaato ku ah.
Nasiib darro, waxaa sidoo kale jira dhallinyaro badan oo la kulma cunsuriyad ha ahaato dhan waxbarasho ama dhan shaqo, ayuu qoray Vg.


“Markaad waydiiso dadka inay la kulmeen cunsuriyad iyo takoorid, waxaan dareemayaa inaad su’ashaas ka doorbidi lahayd inaad waydiiso inta jeer ayee la kulmaan. Marki u danbeesay ee aan la kulmay fal cunsurinimo, waxa ay ee ahayd sabtidii hore xaflad kirismas ah” ayay Betina Belegu (23) u sheegtay Vg. Belegu kali kuma ahan la kulanka cunsirayadda, Nilofar Nori (22) waxa ay sidoo kale sheegtay in ay marar badan la kulantay falal cunsurinimo ah kuwaas oo kaso wajahay suuqa shaqadda, iyadda oo xijaabkeeda lagu takoorey loona muujiyey nacayb ku adan diinteeda islaamka.

Cunsuriyada iyo nacaybku waxay galaafan karaan dadka noloshooda
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa aaminsan in cunsuriyadda iyo heyb sooca ay horseed u yihiin luminta dadka iyo xirfaddaha ay bulshadu u baahan tahay.
-”Waxaan ognahay in dad badan oo asal ahaan aan kaso jeedin Norway ee hayaan shaqooyin aan la darajo ahayn heerka waxbarashadooda iyo xirfadahooda, waxaan sido kale ognahay in kuwa iskuullada aadaya ay kororsadaan waxbarasho badan,isla markasna ku qaadato wakhti ka badan midka dadka kale si ay shaqo u helaan” ayay u sheegtay Vg. Brenna ayaa hadalkeeda ku dartey in la dagaalanka cunsuriyadda iyo takoorka dhanka suuqa shaqada ay tahay lama huraan si loo simo kala duwanaanshaha bulshadda Norway ayadda oo hadalkeeda kuso gunaanadey «Bulsho aan lahayn midab-takoor iyo takoorid waa bulsho dagan oo wanaagsan»

, qorshaha hawleedku ayaa wuxuu leeyahay talabooyinka loo marayo si loo xidido siibo cunsiriyadda iyo takoorka waxana ka mid ah:

Suuqa shaqadda:
-Ololaha ka dhanka ah takoorka ee lagu tiigsanayo shaqo bixiyaasha.
-Dadka soo galooti ah oo isku dhafan in kagu daro ururrada shaqaalaha.

  • In la Sameeyo tilmaamayaal lagu cabiro kala duwanaanshaha qowmiyadeed ee suuqa shaqadda
  • In la sameeyo cilmi-baaris cusub oo ku saabsan cilaqadda ka dhaxaysa soo-galootiga iyo suuqa shaqadda
  • In Aqoon dheeraad laga ogaado dhibaatadda cunsuriyadda iyo takoorku ka abuuraan suuqa shaqada

Dhalinyarada:
– in la laga shaqeeyo deegaan dugsi ammaan ah oo wanaagsan
– In iskoolku talo iyo tusaale siiyaan ardayda la kulma cunsuriyadda iyo takoorka
– Qadida talaabooyin ka dhan ah takoorka suuqa kiryaha guryaha.

Halkan ka akhri qorshe-hawleedkan oo dhameystiran: Handlingsplan mot rasisme og diskriminering – ny innsats 2024–2027.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x