lørdag, april 27, 2024

Dowlada Sweden oo rabta inay xirto iskuulo islaami ah.

Dowlada Sweden ayaa ogolaanshaha kala noqotay iskuulka islaamiga ah ee ay maamusho hey adda Córdoba International School. Arrintan ayaa ka dhigan in 516 ardey oo dhigta iskuulkaas, ay ku qasbanaan karaan inay iskuulo cusub u badashaan wixii ka danbeeyo sanadka cusub ee 2024 kadib.

Sida uu qoray wargeyska Aftenbladet, Sababta loo xirayo iskuulkan ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo in la xagjireeyo ama afkaarta xagjirka ah lagu abuuro qaar kamid ah ardeyda dhigata iskuulkan islaamiga ah.

Hey adda amniga iyo sirdoonku dalka Sweden ee Sapo ayaa sheegtay inay qiimeynayaan in qaar kamid ah maamulka iskuuladdan uu xiriir la sameeyay kooxo seef-la-bood islaamiyiin ah, iyada oo dhan kalena la ogaaday in qof kamid ah maamulka iskuulkan uu horey ula soo shaqeeyay urur argagaxiso oo ka howlgala dalka Sweden meel ka baxsan. Xogtan ayay hey adda sirdoonka Sweden sheegtay inay mid sirdoon, inkasta oo aysan bixin faah-faahin dhameystiran.

Lotta Edholm oo ah Wasiiradda waxbarashada Sweden ayaa sheegay in dowladiisu ay juhdi walba ku bixineyso in caruurta kunool Sweden laga difaaco fikradaha kansarka ah ee xagjirnimadda. Wuxuuna sheegay in islaamiyiinta xagjirka ah iyo dadka afkaarkooda la dhacsan, aysan marnaba fursad u hel doonin inay saameyn ku yeeshaan iskuuladda Sweden.

Iskuulka la eedeeyay ayaa dhankiisa sheegay in horey loogu soo jeediyay eedo noocan oo kale ah, balse ay markii danbe beenoobeen ama waxbo lagu waayay iskuulka. Waxeyna sheegeen in hada ay dacwad racfaan ah ka qaateen go aanka dowlada, ayna sugayaan in la dhageysto gar-maqalkooda.

Maamulka iskuuladda la eedeeyay ayaa sheegay in tan iyo markii la furay iskuuladda sanadkii 1997, aysan ilaa hada jirin hal ardey oo iskuulkan dhigto oo xagjiroobay ama lagu abuuray fikiradda xagjiradda, sidaas darteed ay eedeynta ka timid hey addaha amniga Sweden ay yihiin kuwo aan loo meel dayin.

‘Xigasho/kilde: Friskole i Sverige stenges – frykt for at elevene radikaliseres

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x