lørdag, april 27, 2024

Dowlada Denmark oo mamnuucday gubitaanka quraanka kariimka ah.

Baarlamaanka dalka Denmark ayaa maanta meelmariyay sharci mamnuucayo in goobaha dadka ka dhaxeeyo(offentlige steder) lagu gubo quraanka kariimka iyo kitaabta kale ee diiniga ah. Isla sharcigan ayaa dhigayo in qofkii ku xad-gudbo sharcigan cusub uu muteysan karo ciqaab xabsiyeed oo gaareyso 2 sano.

Denmark ayaa kamid aheyd dalalka ay ka dhacaan gubitaanka quraanka ee ugu badan, waxaana dalkaas kasoo jeedo qaar kamid ah dadka ugu caansan ee ku caanbaxay gubita quraanka. Balse Sharcigan oo dood dheer kadib laga meelmariyay baarlamaanka ayaa sidoo kale mamnuucayo in la gubo, la jeex-jeexo ama si kaleba loo silciyo(dhibaateeyo) kitaabka diiniga ah.

Wasiirka cadaaladda Denmark Peter Hummelgaard inuu fahmi karo in dad badan ay ka fal-celin karaan sharcigan la meelmariyay, ayna dadku u arki karaan in dadka qaarkood laga horistaagay xuquuqdooda hadalka, laakiin wuxuu sheegay in dowladu ay ahmiyada koowaad siineyso amniga dalkaas iyo waxyaabaha saameyn karo.

Wasiirka cadaaladda ayaa horey u sheegay in gubitaanku quraanku uu yahay ficil micno la aan ah oo ujeedka ugu weyn uu yahay in lagu abuuro kala qeybsanaan iyo naceyb.

Kadib mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacay dalalka caalamka, iyo dalabaad ka yimid dowladaha muslimka ah, waxaa isa soo badalayo aragtida ay dowladaha Nordicu ka heystaan gubitaanka quraanka oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelatatay danaha amnigooda qaran.

Xigasho/kilde: Folketinget stemmer ja til omstridt koranlov

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x