søndag, april 28, 2024

Warar cusub oo laga helayo soomaali tahriib ah oo ku xayiran dalka Ruushka.

Waxaa xarumo ku yaalla magaalooyin ka tirsan dalka Ruushka lagu hayaa dad Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka ay wadaagan dalalka Ruushka iyo Finland, waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 62 qof oo siyaabo kala duwan ku galay dalkaas.

Sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo laga qabtay xudduudda dalalka Poland iyo Belarus oo ku jira xabsiyo ku yaal dalalkaasi.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxa aad u kordhay qulqulka tahriibayaash doonay in ay gaaran dalalka Yurub ayga oo ka talabaayo dalka Ruushka

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xuduuda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imanaya dalka oo ay ku eedayeen in uu ka danbeeyso Ruushka .

Ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo aan haysan fiisaha saxda ah iyo dukumentiga ayaa bishan oo kaliya gaaray dalka Finland kuwaas oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Kenya, iyo Marooko.

Dawladda Finland ayaa xirtay afar ka mid ah meel ugu mashquulka badan ee dadka soogalootiga magangalyo doonka ah ay ka gudbayeen ayada oo shaacisay in ay jiraan ilaa 400 oo qof oo kale kuwaas oo ku sugan xaduudka labada dal doonayana in ay soo galaan Finland .

Sii hayaha safaaradda Soomaliya ee dalka Ruushka, Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay dhibaatada dadka Soomaliyeed ku haysata xadka dalalka Belarus iyo Poland ay ahayd mid in muddo ah jirtay, balse tan hadda ka taagan xadka Ruushka iyo Finland ay tahay mid dhawaan soo bilaabatay.

Wasarradda arrimaha gudaha Ruushka ayuu sheegtay inay kala shaqeynayso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaliyeed ee lagu hayo xarumaha kala duwan ee ku yaal dalkaasi.

“Dadku labo qeyb ayay isugu jiraan, kuwa kusoo galay si sharci ah oo ku yimid fiisaha dalka Ruushka, balse la qabtay ayaga oo ka gudbay xadka Finland, iyo kuwa Belarus ka yimid oo sharci darro Ruushka ku joogay xadka laga qabtay kuwaas oo kale maxkamadda ayaa la saaraa, saddex bilood ilaa lix bilood ayaa lagu xukumaa, nasiib wanaag waxaan wasaarradda arrimaha gudaha Ruushka isku afgaranay in aan dadka danbiga loo ciqaabin” ayuu yir sii hayaha Safaarada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore visa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub .

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Dadka qaar aya gacamaha laga jaray markii qaboowga uu saameeyay ilaa sadex gabdhood ayaa isbitaalka jiifa, 16 wiilna xabsiga ayay ku jiraan” ayuu yir Xirsi.

Ardayda Soomaliyeed ee dalkaasi ayuu sheegay inay ka gacan siinayan ciidanka sidii dadka Soomaliyeed wata baasboorada dalka dib loogu celin lahaa, isaga oo xusay in ilaa 38 qof sanadkan dowladda Belarus ay dib ugu celisay Soomaaliya .

“Qofkii dukuminti wata dowladda waa ay celisaa oo Soomaliya ayaa loo celiyaa, laakiin waxaa jira kuwa u baahan in lasoo caddeeyo in Soomaali yihiin iyo in kale si dalka dib loogu celiyo,” ayuu yir Xirsi oo ah arday wax ka barta dalka Belarus.

Dadaallo ka socda Poland oo la doonayo in lagu sii daayo Soomaalida halkaasi ku xiran

Cilmi Axmed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Poland ayaa sheegay xeryo ku yaal dalkaas lagu hayo in ka badan 20 qof oo Soomali ah kuwaas oo doonayay in ay gaaran dalalka kale ee Yurub balse ay qabteen ciidanka waddankaas ayna hadda wadaan dadaallo lagu sii daynayo, waxaan uu xusay in dalka Poland uu dhawaan soo gaari doono Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub.

“Waxaa jira dhowr iyo labaatan qof oo Soomaali ah oo ku jira xeryo ku yaal dalka Poland,waxaan rabnaa in aan arrintooda galno Safiirka Soomaaliya ee Belgiumka” ayuu yir Cilmi.

Boqollaal qof oo muhajiriin ah aya sanad kast gala dalalka Yurub kuwaas oo cararay colaadaha ka jira dalalkooda ama baadi goobaya nolal ka wanagsan tii ay ku haysteen wadamadooda ayga oo wajaha dhibaatooyin badan inta ay ku jiraan safarka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x