lørdag, april 27, 2024

8 sano ayuu taxi waday leysin la aan.

Qofka kasta oo ka shaqeeya shaqada taxi-ga Norway, waxaa ku waajib ah inuu heysto cadeynta ogolaanshaha taxi-wadista ee loo yaqaan kjøreseddel. Warqadan ayaa cadeyneyso in qofka baabuurka Taxi-ga wado uu buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ee xeerka wado-marista iyo kan gaadiidka dadweynaha.

Kontorool iyo kormeer kadis ah oo isbuucan ay sameysay hey adda wado-marista(Vegvesen), ayaa lagu istaajiyay nin Taksiile ah oo 8 sano baabuurka taxi-ga ku waday leysin(Kjøresedel) dhacsan, kadib markii uu leysinka taxi-gu ka dhacay sanadkii sanadkii 2015. Falkan ayaa ka dhacay deegaanka Marås ee gobolka Vestland.

Lars Harald oo katirsan hey adda Vegvesen ayaa sheegay:

Taksiile ayaan lagu istaajiyay kontrool, waxaana la weydiiyay inuu soo bixiyo waraaqaha iyo cadeymaha waajibka ah ee qofka taxi-ga wado. Taksiilahaasna ma uusan wadan wax cadeyn ah oo muujinayo inuu wato leysin taxi oo shaqeynaya. Baaritaan kadib ayaan sii ogaanay in leysinka taksiilaha uu dhacay sanadkii 2015, balse uu 8 sano ee ugu danbeysay taxi-ga waday leysin ama sharci la aan.

Hey adda wado marista ayaa sheegtay in ninkan isla goobta looga istaajiyay shaqada, warbixintiisana loo gudbiyay hey addaha gaadiidka wado-marista. Waxaana laga mamnuucay in wax gaadiid taxi ah uu wadi karo, ilaa uu soo qaado imtixaanadda waajibka ah, uuna helo leysin cusub.

Arrintan ayaa timid xili hey addaha dowlada ee ku shuqul leh wado marista ay maalmahan meelo kala duwan ka sameynayaan kontorool iyo kor meer aan la shaacin.Bishii lasoo dhaafay kontorool weyn oo ay sameysay hey adda wado marista ay shaqada tagaasilenimo ka joojisay 28 darawal oo siyaabo kala duwan awgeed aan buuxin shuruudaha taxi-wadista. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: Taxisjåfør stoppet: Hadde kjørt ulovlig i åtte år

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x