fredag, april 26, 2024

Shirkadaha tagaasida oo ku heshiiyay inay weerar ku qaadaan Uber, bolt & K.L.

Tan iyo markii ay dalka Norway soo gaareen shirkadaha tagaasida ee qaabka digitalka ah isugu xiro macmiilka iyo taxi-wadaha, waxaa culeys dhanka suuqa ah uu soo food-saaray shirkadaha waaweyn ee Norway laga leeyahay, awoodana ku lahaa suuqa tagaasida.

Shirkadaha Uber, Bolt, Yango iyo kuwa kale ee lamidka ah, ayaa suuqa la soo galay, saami-suuqeed fiicana ka qaaday shirkadaha waaweyn ee tagaasida, kuwaas oo qaab mudo suuqa tagaasida ku heystay awood-suuqeed aan laga daba-hadlin. Waxaana intaas ugu darsamay dowladii Erna Solberg oo sanadkii 2020 furtay suuqa tagaasida, meeshana ka saartay shuruudihii iyo imtixaanadii tirada badnaa ee laga rabay qofka taxi-wadaha ah. Arrintaas ayaana sahashay in tagaasi iyo darawaliin badan ay si fudud kusoo galaan suuqa tagaasida.

Shirkadaha waaweyn ayaa dhowr mar cabasho ka gudbiyay suuqa la furay, iyaga oo sheegay inay hoos u rideyso tayada suuqa shaqada, ayna sahleyso suuq-madowga tagaasida qarsoon iyo danbiyada loo geysto macaamiisha tagaasida raaceyso iwm. Inkasta oo dowlada reysulwasaare Støre ee xukunka qabatay sanadkii 2021 ay dib usoo celisay qeybo kamid ah shuruudihii looga baahnaa qofka tagsiilaha ah, ayna soo rogtay imtixaano cusub, hadana shirkaha digitalka ah ee Bolt, Uber iyo Yango ayaa wali suuq fiican ka heysto suuqa tagaasida Norway. Waxaana dhacdo in qof u shaqeeyo shirkad tagaasi oo caadi ah, uu sidoo kale ka diiwaangashanyahay shirkadaha digitalka ah, si uu kor ugu qaado cadadka lacageed ee shaqada kasoo gasho.

Shirkadaha waaweyn oo weerar qorsheysan abaabulayo:

Shirkadaha waaweyn ee xooga ku lahaa suuqa tagaasida Norway, ayaa hada heshiis wada shaqeyn ah la galay shirkadaha dhigooda ah ee ka shaqeeya dalalka kale ee Nordica. Waxeyna galeen heshiis ay ku sameysanayaan App isku xiran oo ay shirkadaha ay wadajir u wadaagaan, App-kaas oo u dhigma app-pa Uberka, macaamiishana u sahla inay Taxi ku dalban karaan gudaha dalalka Nordica.

Shirkadaha heshiiskan galay ayaa kal ah Taxi Stockholm, Taxa 4×35 i København, Taxi Helsingfors og Oslo Taxi. App-kan cusub oo loogu magac-daray Taxifix ayaa ka shaqeyn kara dalalka Norway, Sweden, Denmark iyo Finland, waxa uuna gudaha Norway ku leeyahay 500.000 macaamiil. Marka laga tago in App-kan cusub uu toos ugu xiranyahay mid kamid ah shirkadaha waaweyn ee la yaqaano, hadana waxa ay sheegeen in arrintan ay kor u qaadeyso tayada shaqada loo qabanayo macaamiiilka iyo bad-qabka suuqa tagaasida, arrintaas oo ay sheegeen inay faa´iido u leedahay macaamiisha.

App-ka Taxi-fix ayaa ah mid ay horey u laheyd shirkada tagaasida ee Oslo Taxi, waxaana macaamiil ka ah oo ka diiwaangashan ilaa 4000 tagsiile oo ka shaqeeya gudaha Norway.

Xigasho/kilde: Xigasho/kilde: Taxiselskaper med motangrep – inngår nordisk app-samarbeid

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x