lørdag, april 27, 2024

UDI-da oo sharciga ka celin doonto dadka Ukraine-ka u dashay ee dalkoodii u safra.

Labadii sano ee ugu danbeeyay dowlada Norway ayaa magangalyo siisay kumanaan kun oo qoxooti reer Ukraine ah, kuwaas oo qaab jamaaci ah loo siiyay magangalyo, iyada oo la eegayo xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Ukraine.

Balse in qoxooti badan lasoo qaatay mudo aad u kooban ayaa abuurtay doodo la xiriirta awooda dowlada Norway iyo degmooyinka ee dib u dajinta iyo maareynta qoxootigan. Waxaana sidoo kale soo baxday in qaar kamid ah dadka Ukraine u dhashay ay safaro kala duwan ku tagaan dalka Ukraine, inkasta oo magangalyo qoxootinimo ay Norway ku leeyihiin.

Wareegto loo diray UDI-da:

Wareegto maanta kasoo baxday wasaaradda arrimaha amniga iyo cadaaladda, ayaa hey adda qoxootiga ee UDI-da lagu amray inay sharciga qoxootinimadda magangalyo kala noqon karto dadka Ukraine u dhashay ee u dib ugu safra dalkooda hooyo.

Wixii ka horeeyay hada, dadka u dashay Ukraine ee u safra dalkooda hooyo, ayaan wax caqabad ah kala kulmi jirin arrintaas. Balse hada wixii ka danbeeyo waxaa dhici karto in qofkii u noqdo dalkiisii hooyo uu sharciga qoxootiga lumin karo.

Wasiiradda cadaaladda Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay:

Hadii Yukriiniyiinta la siiyay sharciga magangalyada qoxootinimo ay horey iyo gadaal ugu safraan dalkoodii hooyo, waxa ay muujin kartaa ineysan u baahneyn magangalyo. Waxaan hada rabnaa inay Yukriiyiniinta ula dhaqano si lamid ah qoxootiga kale, marka laga hadlayo cawaaqibta ka dhalatay dib u safrida dalka hooyo ee qofka qoxootiga ah.

Wareegtadda dowlada ayaa lagu sheegay in wixii safar ah ee ka horeeyay maanta oo ay wareegtadan soo baxday, aysan ka dhalan doonin wax cawaaqib ah. Balse wixii ka danbeeyo hada ay qaban doonto dadka qoxootiga ah ee dalkoodii u safra.

Isla wareegtada kasoo baxday dowlada ayaa lagu sheegay in dadka u dhashay Ukraine loo ogolaan karo inay u safraan dalkoodii hooyo, hadii ay jiraan xaalado gaar ah oo la isla qirsanyahay.

Xigasho/kilde: Ukrainere som reiser tilbake, kan risikere å miste oppholdstillatelsen i Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x