søndag, april 28, 2024

NAV oo lacagahan soo hormarineyso bishan Desember.

Hey adda shaqada iyo caawinta dadweynaha ee NAV ayaa sheegtay in bishan Desember ay xiliyadii ay bixin jirtay kasoo hormarineyso qeybo kamid ah kaalmadda dhaqaale ee la siiyo dadka heyaddan ku xiran. Waxaa intaas dheer in dadka qaarkood ay heli karaan canshuur dhaaf gaarsiisay 50% bishan Desember.

Sababta loo soo hormarinayo bixinta lacagahan ayay NAV ku sheegtay in dad badan ay bishan Desember u baahanyihiin ama iibsadaan adeegyo badan, sidaas darteed ay dadku xili hore oo bishan ay u baahan karaan lacago ay ku sameystaan adeegyo kala duwan ee la xiriira ciida dhamaadka sanadka.

12 Desember: Lacag ayaa la bixin doontaa.

NAV ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in lacagan soo socdo(liiska hoose) ay bixin doonaan 12-ka bisha Desember, ama maalmahan ka horeeyo (2+/- maalmood).

Lacagta hawlgabka( Pensjon), Lacagta la siiyo qofka howlgabka shaqo noqday ( Uføretrygd) , lacagta waalidiinta( Foreldrepenger), lacagta ama kaalmada loo yaqaan Grunnstønad ee la siiyo dadka naafada ama dhaawac ah, Lacagta la siiyo dadka uu soo gaaray dhaawaca shaqo ee abida ah( Menerstatning ved yrkesskade), Lacagta la siiyo waalidka kalida ku ah xanaanadda caruurta (Overgangsstønader), lacagta la siiyo waalidka kaligii ah ee ilaaliyo ilmihiisa( qof kale uu uga tago heysan), Stønad til barnetilsyn for enslig mor eller far. Dhamaan lacagahan ayay NAV sheegtay inay bixin doonto 12-ka Desember ama maalmaha ka horeeyo.

15 Desember & 25 Desember: Lacag ayaa la bixin doontaa:

NAV ayaa dhanka kale sheegtay in lacagta waalidiinta ee ilmaha ka yar 18 sano( barnetrygd) iyo lacagta la siiyo waalidiinta guriga ku haya ilmaha aan dhigan xarun xanaano( Kontantstøtte) ay bixin doonaan 15-ka bisha Desember.

Halka lacagta Qofka xanuun darteed shaqada uga maqan( Sykepenger), lacagta haweeneyda uurka leh ee (Svangerskapspenger) iyo lacagta la siiyo waalidka guriga ku hayo ilmaha xanuunsan ee (Pleiepenger for sykt barn) la bixin doono ugu danbeyn 25-ka bisha Desember.

Xigasho/kilde: Når kommer pengene fra Nav på konto i desember?

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x