mandag, november 25, 2024
Home Blog Page 8

Xeer cusub: Maalin kasta darawaliinta bussas-ka waxaa la baari doonaa khamri.

0

Laga bilaabo maalinta koowaad ee sanadka cusub, darawaliinta wada bussaska gaadiidka dadweynaha iyo buss-yaraha(mini-buss) ayaa laga baari doonaa inay khamri soo cabeen/khamri jirkooda ku jiro, kahor inta aysan shaqada bilaabin. Waxaana baabuurka bussas-ka ah lagu soo rogay inay baabuurka ku rakibaan hab cusub oo darawalku uu si iskiis ah isaga baari karo khamriga, kahor inta uusan baabuurka istaarin(kaxeynin).

Nidaamka cusub ee baaritaanka khamriga ee darawaliinta buss-aska ayaa ah mid ku xiran/ku rakiban furaha baabuurka, taas oo ka dhigan in baabuurku uusan daarmi doonin hadii baaritaanku uu muujiyo in darawalku ay jirkiisa ku jirto khamri ka 0,2 promille oo ah inta ugu badan ee sharci ahaan laga ogolyahay Norway.

Ujeedadda ugu weyn ee arrintan ayaa lagu sheegay in kor loogu qaadayo badqabka gaadiidka dadweynaha iyo rakaabka saaran, iyo ka hortaga khatarka shilalka baabuur ee dhici kara.

Arrintan ayaa sida muuqato hada khuseyso oo kali ah baabuurta buss-aska, walina laguna soo rogin baabuurka tagaasida.

Xigasho/kilde:Bussjåfører skal alkoholtestes hver dag på jobb etter nyttår

Bærum: Duubitaan mobil ayaa kiciyay khilaafka ugu sababay dilka.

0

Habeenkii sabtida buss kamid ah kuwa ka dhex shaqeeyo magaaladda Bærum ayaa waxaa ka dhex dhacay fal dil ah oo loo adeegsaday mindi, kaas oo lagu dilay nin 26 sano jir ah. Waxaana dilkiisa boolisku u qabteen wiil 14 sano jir ah.

Booliska ayaa maanta faafiyay magaca marxuumka geeriyooday, kaas oo ah Faridullah Rahmani. 26-jirkan ayaa kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, wuxuuna dhawaan qoxootinimo kusoo galay dalkan. Dhaawaciisa ayaa loola cararay isbitaalka, balse laguma guuleysan in la badbaadiyo sida ay boolisku sheegeen.

14-jirka ku eedeysan dilka, ayaa ah qof ay horey boolisku aqoon ugu lahaayeen, waxa uuna hada ku jiraa gacanta booliska oo wareysiyo arrintan la xiriiro ka qaadayo. Markii hore waxa uu ka baxsaday goobta ay arrintan ka dhacday, balse xili danbe ayuu booliska isku soo dhiibay. Sida uu warbaahinta la wadaagay qareenkiisa, 14-jirkan markii ugu horeysay ka hadlay arrintan, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay sidii ay wax u dhaceen.

Ma rabin inaan dilo:

Sida uu qareenka 14-jirkan eedeysanaha ah u sheegay wargeyska Aftenposten, muranka sababay falka dilka ah ayaa ka bilowday in marxuumka geeriyooday uu muuqaalo moobilkiisa gacanta uga duubay 14-jirka iyo saaxiibadiis. Waxa ay dhowr mar ku cel-celiyeen sida aysan raali ugu aheyn in la duubo. Dhowr mar ayaa sido kale saaxiibadda 14-jirku telefoonka gacanta ka qaadeen marxuumka geeriyooday, waxa ayna ka tirtireen muuqaaladii uu duubay, balse markale ayay arrinti hadana meesha ka sii socotay. Arrintaas ayuu sheegay inay xaaladda xumeysay oo wax walba da-dajisay.

Ma aheyn markii koowaad ee ay kulmaan marxuumka geeriyooday iyo 14-jirka eedeysanaha ah, balse waxaa xagaagaii sanadkan 2023 labadooda(marxuumka iyo eedeysanaha) dhexmaray gacan ka hadal.

14-jirka eedeysanaha ayaa sheegay in markii danbe uu dareemay in marxuumka geeriyooday uu rabay inuu dhaawaco/dhibaateeyo, isaga iyo saaxiibadiis, sidaas darteed uu isagu u sameeyay ficilka mindi-galinta ah si uu u difaaco naftiisa. Balse arrintaas ayuu sheegay inay aheyd qiimeyn qalad ah oo uu sameeyay oo uu hada ka shaleynayo.

Eedeysanaha ayaa sheegay in marnaba uusan rabin inuu dilo marxuumka, balse uu rabay inuu naafeeyo, si uusan isaga iyo saaxiibadiis u dhaawicin. Waxa uuna raaciyay inuu mindida u watay, si uu naftiisa u difaaco.

Xigasho/kilde: Faridullah Rahmani (26) knivdrept i Bærum

Xeer cusub: 3 sano kadib vikar-nimo, waa in shirkadu shaqo buuxdo ku siisaa.

0

Xeer cusub oo dhaqan-galkiisu uu ka bilaabanayo kowda(1) bisha January ee sanadkan 2024, ayaa waajib ka dhigayo in hadii uu qof shirkad u si kumeel gaar ah(Vikar-nimo) ugu shaqeeyo sadex sano oo isku xigto, uu qofkaas shirkada si toos ah xaq ugu leeyahay inay siiso shaqo toos ah(fast).

Xeerkan cusub ayaa meesha ka saarayo kii hore oo ahaa in shirkadu ay qofka shaqo siiso afar sano kadib, hadii shaqadu ay aheyd mid ku meel gaar ah oo waqti cayiman ku xiran. Wuxuuna shirkada waajib uga dhigayaa inay qofka siiso shaqo toos ah, hadii qofku uu halkaas si vikar-nimo ah uga shaqeynayay sadex sano oo xiriir ah( aan loo dhaxeyn).

Xeer kale oo muhiim ah:

Isla kowda(1) bisha Janaury waxaa dhaqangali doono xeer cusub oo qofka shaqaalaha ah siinayo xuquuq dheeraad ah, hadii ay shaqadu ka dhamaato ama shirkada uu ka shaqeynayo ay go aansato in tirada shaqaalaha la dhimo, sidaasna uu shaqada ku waayo.

Xeerkan cusub ayaa qofka shaqaalaha ka ah shirkad ee shaqada laga joojiyay ama ay ka dhamaatay xaq u siinayo inuu mudnaanta koowaad leeyahay, hadii ay jirto boos shaqo lamid ah tan uu qofku qabanayay oo ka banaan goob kale oo shirkadan ay leedahay, ama shirkad kale oo milkiilaha shirkadan uu leeyahay(Konsern).

Labaddan xeer ayaa kamid qodobo sharciyeed iyo xeerar cusub oo dhaqangali doono kowda bisha. Inta kale, gadaal ayaan kasoo galin doonaa..

Kulan-aqooneed ku saabsabn xiriirka waalidka iyo ilamaha oo ka dhacan Trondheim

0

Magaaladda Trondheim oo ay ku noolyihiin mid kamid ah jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ugu xoogan Norway tiro ahaan, ayaa waxaa galabnimadii jimcaha ka dhacay shir aqooneed balaaran oo looga hadlayay wacyigalinta iyo wanaajinta xiriirka waalidka iyo ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku korayo qurbaha. Waxaana shirka isla soo qaban-qaabiyay masaajidka soomaalida iyo muslimiinta Trondheim ee Dar- El Eman Islamic Center iyo xarunta wacyi-galin iyo aqoon-fidin-diimeedka al Injaaz.

Kulanka oo ka koobnaa labo kulan-fadhi oo lagala qabtay labo(2) maalin oo kala duwan, loona gala qabtay waalidka oo kulan gooni ah, iyo dhalinyarada oo kulan kale oo gooni ah, ayaa waxaa kasoo qeybgalay aqoonyahano iyo khuburo aqoon, khibrad iyo xiriir shaqo la leh mawduuca. Waxaana sidoo kale furay oo kalmado la xiriira muhiimadda kulanka ka jeediyay imaamka masaajidka Dar El Eman, Sh Cabdinaasir Jaamac Aadan iyo maamulaha xarunta Injaaz Sh Cabdifitaax Maxamed Maxamuud.

Mawduucyada lagu darsay, aqoon iyo khibrad isweydaarsigana la isku dhaafsaday intii ay kulamaddan socdeen, ayaa waxaa kamid arrimaha la xiriira barbaarinta toosan ee ubadka ku korayo qurbaha, horumarinta waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha, barashada iyo ku camal-falka diinta iyo dhaqanka islaamiga ah, sidoo kalena barashada iyo weyneynta hiddaha, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed. Waxaana inta uu kulamadani socdeen aad xooga loogu saaray habka ugu macquulsan ee waalidka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha uu abadkiisa ugu gacan-siin karo ka qeybqaadashada bulshada uu ilmuhu ku dhex koroyo, sidoo kale heysashada iyo ku camal-falka dhaqanka iyo diinta.

Gaba-gabadii kulanka waalidiinta iyo kasoo qeybgalayaasha kulanka ayaa bogaadiyay, una mahad-celiyay qaban-qaabiyeyaasha kulanka muhiimka ah. Waxa ay muujiyeen dareenka loo qabo joogteynta kulamadda aqoon-iyo-khibrad isweydaarsiga noocan oo kale ah, si mawduucan loogu abuuro dareen lahaanshiyo in dhawaansho.

W,Q. Maxamed Maxamuud Xalane( Trondheim).

Bærum: Nin ajnabi ah oo mindi lagu dilay & 14 sano jir ah loo qabtay.

0

Waxaa xalay buss kamid ah kuwa ka dhex shaqeeya magaaladda Bærum lagu dhex dilay nin labaatameeyo jir ah oo dilkiisa loo adeegsaday mindi sida ay boolisku sheegeen. Falkan ayaa waxaa loo qabtay wiil 14 sano jir ah oo heysta dhalashada Norway.

Eedeysanaha loo hayo falkan ayaa markii hore ka baxsaday goobta uu falkan ka dhacay, kahor inta aysan boolisku soo qaban. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in qofka dhintay uu ku geeriyooday isla goobta uu falkaas ka dhacay, aysana laamaha caafimaadku ku

Booliska ayaa sheegay in sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah uu muran dhex maray wiilka la dilay iyo 14-jirka falka loo qabtay, inkasta oo aysan sharaxin waxa uu murankaas ku saabsanaa.

Ninka 20-meeyo jirka ah ee geeriyooday ayay boolisku sheegeen inuu yahay qof qoyskiisu ay kunool yihiin Norway, balse ajnabi ah.

Xigasho/kilde: Knivstikking på buss i Bærum: 14-åring siktet for drap

Oslo: Nin ku eedeysan inuu Taksiile dhacay oo boolisku ay qabteen.

0

Booliska Oslo ayaa bartooda Twitterka ku sheegay inay qabteen nin labaatameeyo(20) jir ah oo la tuhunsanyahay inuu dhac u geystay taksiile kamid ah kuwa ka dhex shaqeeyo magaaladda. Falkan ayaa dhacay habeenkii arbacadda.

Bjarne Pedersen oo ah madaxa howlgaladda booliska ayaa sheegay in falkan uusan ka dhalin wax dhaawac jir ahaaneed ah, balse ninka taksiilaha ah ayaa laga dhacay boorsadda lacagta. Waxeyna sidoo kale boolisku heleen mindi lala xiriirinayo falkan.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa Oslo kusoo badanayo falalka amni daradda ah. Isbuucaan lasoo dhaafay oo kali ah waxaa magaaladda ka dhacay dhowr fal danbiyeed oo loo adeegsaday mindiyo ama xabado.

Xigasho/kilde: Oslo: Person pågrepet for å ha ranet taxisjåfør med kniv

Bærum: Haweenay Soomaali ah oo qiratay dilka saaxiibkeed oo soomaali ahaa.

0

isbuucan waxaa maxkamadda Ringerike, Asker iyo Bærum ka socday dhageysiga kiis maxkameed la xiriira dacwad lagu soo oogay haweenay soomaali ah oo ku eedeysan dilka nin soomaali ah oo uu xiriir kala dhaxeeyay. Falkan dilka ah ayaa bishii September ee sanadkii 2022 ka dhacay afaafka xarun kamid ah xarumaha xanaanadda dowlada oo kutaal magaaladda Bærum.

Marxuumka dhintay ayay da’ diisu aheyd 34 sano jir. Waxa uuna ahaa aabe dhalay gabar lix(6) jir ah.

Maalintii koowaad ee dhageysiga kiis-maxkamadeedkan, ayay haweeneyda eedeysanaha ah qiratay inay iyadu ka danbeysay falkaas, balse waxey sheegtay in xiligaas uusan miyirkooda joogin oo ay maqneyd miyir ahaan. Waxeyna sidoo kale sheegtay in iyada iyo marxuumka dhintay uu ka dhaxeeyay xiriir sheekeysi oo markaas socday mudo gaaban oo sadex bilood gaareyso.

Booliska oo baaritaan cilmi-nafsi-maskaxeed ku sameeyay haweeneydan ayaa horey usoo bandhigay in haweeneyda eedeysanaha ah, ay tahay qof miyir ahaan caafimaad qabta oo loo ciqaab-xukumi karo falka dilka ah ee ay geysatay.

Xeer ilaalinta: 11 sano oo xabsi ah

Gaba-gabadda dhageysiga kiis-maxkamadeedkan oo shaley aheyd, xeer ilaalinta booliska ee dacwadda kusoo oogay haweeneydan eedeysanaha ah, ayaa maxkamadda ka dalbaday in 29-jirkan soomaaliyeed lagu xukumo 11 sano oo ciqaab xabsiyeed ah, kaas oo u dhigma falka dilka ah ee ay geysatay, inkasta oo ay qiratay in xiligaas uusan miyirkooda joogin.

Dhanka kale qareenka difaacayo haweeneydan soomaalida ah, ayaa sheegay in dalabka xeer ilaalintu ee 11-ka sano ee xabsiga ah uu yahay mid aad u badan oo aan u dhigmin xaaladda caafimaad iyo mida duruufeed ee ku gadaaman gabadhan xiliga uu falkaas dhacay. Waxa uuna sheegay inay mudantahay in loo tixgaliyo qiraalka ay sameysay, iyo inaysan muraan-marsiiyo ka dhigan xaaladeeda caafimaad.

Maxkamadda ayaa isbuucyada soo socdo soo saari doonto go aanka ay ka gaartay kiiska.

Xigasho/kilde: Dønski-drapet: – Tiltalte visste umiddelbart hva hun hadde gjort

Norway: Yukreeniyiinta sharciga ku leh dalalka kale, magangalyo ma helayaan.

0

Wareegto kasoo baxday wasaaradda cadaaladda iyo amniga dalkan Norway, loona diray hey adda qoxootiga ee UDI-da, dadka u dhashay dalka Ukraine ee heysta sharciga ama dhalasada dalalka kale ee aysan colaadu ka jirin, ayaan heli doonin sharciga magangalyada Norway.

Qodobkan ayaa qeyb ka ah isbadal weyn oo ku yimid siyaasadii dabac-saneyd ee dowlada Norway ay kula dhaqmeysay qoxootiga Ukraine, kuwaas oo labadii sano ee ugu danbeeyay aad ugu soo qaxay dalkan Norway. Isbuucii hore dowlada Norway ayaa sheegtay in qoxootiga u dhashay dalka Ukraine ee u socdaala dalkooda, ay lumin karaan sharciga qoxootiga.

Wasiiradda cadaaladda Norway ayaa sheegtay in hadii qof u dhashay dalka Ukraine, oo heysta sharciga ama dhalashada dalalka Mareykanka, Polland ama Hungry uu hadana qaato sharciga qoxootiga Norway, ay arrintaasi tahay in si qalad ah looga faa´iideysanayo sharciyada qoxootiga Norway. Waxeyna raacisay in qofkii sharci ku leh dal nabad ah, uusan xaq u laheyn inuu helo sharci qoxootinimo oo Norway ah.

Xigasho/kilde: Ukrainere med dobbelt statsborgerskap skal ikke få midlertidig kollektiv beskyttelse i Norge

Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira keenista qaxootiga

0

Dowladda Mareykanka ee uu hadda madaxda ka yahay Joe Biden ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u ogolaanaya in ay doortaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka.

Mashruucaan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale fursad u heysta in keenista dadka qaxootiga ay ku lug yeeshaan qof kasta, kooxaha diinta iyo ururada bulshada qaarkood.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah hindisaha loogu magac-daray Welcome Corps, ayaa u ogolaanaya koox ka kooban shan ama in ka badan oo muwaadiniin Mareykan ah ama dadka heysta deganaashaha joogtada ah, in ay codsan karaan qof ama qoys si ay mas’uul uga noqdaan keenitaankooda gudaha Mareykanka.

Kooxdan shanta ah ayaa ku guuleysan kara keenitaanka dadka ay rabaan haddii ay shakhsiyaadka la keenayo buuxiyaan shuruudaha laga rabo isla markaana ay ku gudbaan baaritaannada dhanka amniga, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dadka la filayo in barnaamijkaan ay ka qeybgalaan ayaa waxaa ka mid ah qoysaska iyo qaraabada qaxootiga, kooxaha diinta, ururada u dooda dadka isku jinsiga ah iyo halyeeyada u soo dagaallamay Mareykanka.

Sarah Cross, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xogheynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wareysi ay siisay Reuters ku sheegtay, in muwaadiniinta Mareykanka ay doonayaan in ay caawiyaan qaxootiga isla markaana kafaalo-qaadka uu sidaasi ku fududaa doono.

Marki hore, inta badan qaxootiga soo galayo Mareykanka ayaa waxaa Mareykanka u soo gudbi jiray Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Joe Biden, oo dimoqraadi ah ayaa hadda xusul-duub ugu jira sidi uu mar kale ugu guuleysan lahaa jagada madaxweynaha, marka la gaaro doorashada soo socota ee 2024.

Sidaasi daraadeed ayaa waxa uu dhaqaajiyay, barnaamijyo dhowr ah oo qaxootiga u ogolaanaya in ay Mareykanka ku soo galaan hab shari ah. Maamulka Biden ayaa isaga oo barnaamijkan u sii maraya tiigsanaya in sannadka 2024-ka uu keeno ilaa 10,000 oo qaxooti ah. Guud ahaan sannadkaas ayaa qorshuhu uu yahay in la keeno qaxooti dhan 125,000.

VOA + Reuters

Foolkaano ka qaraxday dalka Norway dariska la ah ee Iceland.

0

Foolkano lasii saadaaliyay ayaa ka qaraxday jasiiradda Reykjanes ee dhacda koonfurta-galbeed ee dalka Iceland, ka dib toddobaadyo uu socday dhaqdhaqaaq dhulgariir xooggan.

Ilaa 4,000 oo qof ayaa mar hore laga daadgureeyay magaalada kalluumeysiga ee Grindavik waxaana la xiray isbitalka ku dhow ee Lagoon Blue.

Qaraxu wuxuu ka bilaabmay waqooyiga magaalada abaare 22:17 wakhtiga maxaliga ah sida uu sheegay Xafiiska dadweynaha Iceland.

Ma keeni doonto carqalad la mid ah tii 2010-kii, taasoo hakisay socdaalkii hawada Yurub, ayuu yiri khabiir.

Gobolka ku hareeraysan caasimadda Reykjavik ayaa waxaa laga dareemayay koror dhaqdhaqaaqa dhulgariir tan iyo dabayaaqadii bishii Oktoobar.

La taliyeyaasha qawmiyadaha laga tiro badanyahay ee iskuuladda oo magaca laga badalay.

0

Laga soo bilaabo 2008, la taliyayaasha IMDi(minoritetsrådgiver) ee caawiya dhalinyarada kasoo jeedo qawmiyadaha laga tirada badan yahay ayaa caawiyay dhalinyarada, ama khatarta ugu jirta, inay la kulmaan xakamaynta bulshada ee taban iyo cunfiga la xiriira ilaalinta sharafta. Hadda waxay magacoodii lagu badalay magac cusub, waxaana loo bixiyay la taliyeyaasha isdhexgalka ( mangfoldsrådgiver).
Magaca cusub wa mid ay ka dhex muuqdaan dhamaan ujeedooyinka iyo howlmaalmeedka ay qabtaan la taliyeyaasha iskuuladda- wuxuuna daboolayaa waxay lataliyayaasha ku shaqeeyaan. La-taliyayaasha kala duwanaanshuhu waa adeeg heer hoose ah oo loogu talagalay dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose ee laga soo doortay dhammaan gobollada dalka, iyo qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada dadka waaweyn.

Waxay bixiyaan talo, hagitaan iyo dabagal, waxay leeyihiin kooxo wada hadal iyo hawlo kale. Intaa waxaa dheer, waxay gacan ka geystaan ​​kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha dugsiga iyo adeegyada kale. Sannadkii hore, la-taliyayaal kala duwan ayaa hagaya 950 kiis. Badankoodu waxay ku saabsan yihiin xakamaynta bulshada iyo rabshadaha xun.

Kahortag muhiim ah:
Xakamaynta bulshada ee taban iyo xadgudubka sharafta laxidhiidha ayaa caqabado ba’an ku ah xoriyada qofka iyo ka qaybgalka nolosha bulshada. Ka gudubka xakamaynta bulshada ee taban waa mid ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ee siyaasadda isdhexgalka. La-taliyayaasha kala duwanaanshuhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada ka hortagga.

Kooxda takhasuska leh ee IMDi ee ka hortagga xakamaynta xun ee bulshada iyo rabshadaha sharafta laxidhiidha waxay siisaa horumarinta xirfadaha shaqaalaha dugsiyada aan haysan lataliyeyaal kala duwan iyo shaqaale xarumaha waxbarashada dadka waaweyn iyo adeegyada qaxootiga.

Xigasho/kilde: Fra minoritetsrådgiver til mangfoldsrådgiver

Deg-deg: Qof lagu xabadeeyay jidka weyn ee Karl Johan

0

Waxaa daqiiqado kahor xabasho tacshiirad ah laga maqlay jidka Karl Johan oo ah wadada ugu caansan, uguna mashquulka badan caasimadda Oslo. Waxaana xabaddahan lala beegsaday qof aysan wali boolisku xaqiijin aqoonsigiisa, iyada oo dhanka kale la arkayay qof/dad ka baxsanayo meesha uu falkan ka dhacay.

Falkan ayaa ka dhacay afaafka goobta laga adeegto ee Arkaden, waxaana xiligan halkaas ku sugan tobanaan baabuurka booliska ah oo sheegay inay hayaan qof dhibanaha ah ee xabaddaha lala beegsaday.

Boolisku wali ma xaqiijin wax dhaawac nafeed ah oo falkan ka dhashay, waxeyna wali wadaan baaritaanadda hordhaca ah.

Falkan ayaa kusoo aadayo xili maanta galinkii hore xaafadda Sinsen ee Oslo uu ka dhacay falkan israsaaseyn ah oo dhexmaray labo qof oo muran dhexmaray.

Qoysas Mareykan-Falastiiniyaan ah oo dacwad ku oogay dowlada Mareykanka.

0

Laba qoys oo u dhashay dalka Maraykanka kana soo jeeda Falastiin ayaa waxay dacweeyeen xukuumadda Maraykanka ee uu hoggaamiye madaxweyne Biden, iyaga oo sheegay inaanay u fidinin qoysaskooda ku go’doomay Gaza, gargaar samatabixin ah oo la mida kan ay dawladda Maraykanku u fidisay muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Israa’iil.

Ka dib markii uu dhacay weerarkii 7-da October, waxaa dawladda Maraykanku ay duulimaadyo kaga daadguraysay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugnaa Telaviv, ka dib markii la joojiyey duulimaadyadii aadiyey dalkaas.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay caawisay illaa 1,300 oo muwaadiniin Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin, si ay uga baxaan Gaza isla markaana ay u gudbaan Masar, iyada oo Maraykanku wada shaqayn kala yeeshay masuuliyiinta Israa’iil iyo Masar.

Qoysaska dacwadda soo oogay ayaa sheegay inaanay dawladdu qaabaynin duulimaadyo si ammaan ah oo lagu daadgureeyo dadka halkaas ku go’doomay. Waxay ku qiyaaseen illaa 900 oo muwaadin, ama dad haysta deganaanshaha dawladda Maraykanka ama qoysaska muwaadiniinta Maraykanku inay ku go’doonsan yihiin Gaza.

Waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuurka.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku waxay ka gaabsatay inay faallo ka bixiso dacwad socota, hase ahaatee afhayeen u hadlay ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo samatabixin lahaayeen muwaadiniin badan oo Maraykan ah iyo qoysaskooda.

Aqalka Cad ayaa su’aal arrintaas la xidhiidha wuxuu isu dhaafiyey Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka, hase ahaatee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku, iyana si degdeg ah arrintan ugama falcelinin.

VOA + Reuters

Warbixin cusub: Beegsiga qowmiyadeed waxa uu gundhig u yahay burburka kalsoonida.

0

Warbixin cusub oo ka turjumaysa xog aruurin ee sameeyeen Save the Children iyo Xarunta Ka-hortagga Cunsuriyada, ayaa sheegaysa in dhalinyarada asal ahaan aan u dhalan dalka (Norway) aysan kalsooni ku qabin booliiska. Haddaba waa maxay sababtu ?

Warbixintaan oo lagu magacaabo » Markii ugu horeysay ee ay booliisku i joojiyaan, waxaan ahaa 12 jir oo kaliya» ayaa Save the Children iyo Xarunta Ka-hortagga Cunsuriyada (ARS) ku baareen cilaaqadda ka dhaxaysa dhalinta asal ahaan ajaaniibta ah iyo booliiska dalka marka ay kulmaaan.

Ujeeddada ugu weyni ee daraasadan halbeeega u ahayd ayaa ah, ogaanshaha saamaynta nolol maalmeed iyo kan cafmadka maskaxda ee ka dhasha la kulanka aysan mahadin dhalinta laajiga ah ee xogtani quseyso kaas oo ah mid ku salaysan
beegsi jinsayadeed iyo caqabado la halmaala.

Xarunta ka hortagga midab-takoorka iyo Save the Children ayaa Norway kula hadlay boqollaal dhallinyaro oo Norway u dhalan asal ahaan, kuwaas da’doodu u dhaxayso 13-25 jir.

  • Qaar badan oo ka mid ah kuwa aan la hadalnay ayaa nala wadaagay sheekooyin badan oo xambaarsan dareemo aan wanagsanayn, dhalintaan badankooda ayaa ka andacoonaya takoor jinsiyadeed iyo la dhaqan guracan midkaas oo ay ka tirsanayaan la kalunka Booliiska. Dhalintaan badankood ayaa sheegay in ay san kalsooni u hayn booliska ka howlgala halka ay ka daganyihiin wadanka.

CULAYS IYO XANUUNO MASKIYAN AH

Dhawr ka mid ah jawaab-bixiyeyaashii xog-ururinta ayaan sheegay in uu wajahayaan dhanka maskaxda ah, kaas oo ka dhashey la macaamilka booliska, mid ka mida jawaab bixiyaasha ayaa sheegay in heerka welwelka iyo walbahaarka arintani ku abuurtey ee sabab u noqotey iskudey ku wajahan in uu isku naftiisa gooyo. Jawaab bixiye kale oo da’diisu taahy 20 jir ayaa sheegay, in Mar kasta oo uu dibada u baxo uu fisho in boolisku la kulmayo, waxa uu sheegay in boolisku istaajiyo markasta sabab la’aan, asago cadeeyey in hab dhaqankaasi sameenayo maskaxdiisa fayo qabkeeda iyo xariirka uu la leeyahay familkiisa.

WAXAA RABNAA KA HORTAG WANAAGSAN

Sannadkii 2022, Likestillings- og diskrimineringsombudet (LDO) oo ah hay’ad u dooda sinaaanta iyo ka hortaga takoorka ayaa soo sartay warbixin la yiraahdo «Kontroller uten kontroll” taas oo micnaheedu soomaaliga ah loo dhigi karo «baar
adiga oo aan kala soocayn». warbixintaan ayaa waxa ay kuso gunaanadeen in dadka aan asal ahaan kaso jeedin wadanka ay dareeemaan in booliisku uu uga shakiyo sabab la’aan iyo in ay la kulmaan in lagu joojiyo jeegaga in ka badan dadweynaha guud.
Marka loo eego daraasad kale oo Waqooyiga Yurub kaso baxdey 2018 ayaa lagu sheegay in dhalinta laajiga ah ay inta badan la kulmaaan in booliisku istaajiyo isla markasna baaro/hubiyo ayaddo oo isla markaasna loo sharixin sababka.

Dhacdooyinkaan ee dhalintaani ka tabanayaan ayaa waxay u horseeday inay dareemaan inay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah iyo in muqoodu ka turjumayo khatar. Dhallinyarada ah soo galootiga ee guud ahaan ku dhaqan dalalka Waqooyiga
Yurub ayaa sido kale wajahaya xaladaan kuwo aan ka fogeyn. dhalintaan ayaa guud ahaan dareemaya in loo beegsanayo sababo la xiriira isirkooda iyo mujiyaasha diintooda iyo dhaqankooda gaar ahaaneed sida labiskooda iyo iwx. ayee sheegaysa warbixintu.

Intaa waxa dheer, warbixinta ka soo baxday Save the Children iyo ARS waxay ku talinaysaa in la hagaajiyo xidhiidhka booliisku la leeyahay dhalinyarada iyo in la xoojiyo ka hortaga arintaan. talooyinkaan ayaa waxa ka mid ah:

  • In la dhagaysto dhalinyaradda iyo tabashadooda ku adan isir beegsiga iyo takoorka.
  • Xoojinta aqoonta dhalinyarada iyo sare u qaadida xuqooqdooda marke la macaamilayaan booliiska.
  • Kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta booliska ee ku adan arintaan iyado la meelmarinayo habab iyo hanaan qeexaan oo uu boolisku kula falgalo dhalintaan isla markaasna uga foojignaado inuu ku kaco beegsi sinjiyadeed.
  • In boolisku hubiyo il gaar ahna ku fiiriyo habka shaqaalayntooda
  • In cilmi baaris dheraad ah lagu sameeyo arintaan sida looga hortagi laha iyo talabooyinka ku haboon ka hortageeda.
  • In cilmi baaris lagu sameeyo dhalinyarada la kulma cunsuriyadda iyadda la xadiideen halka ay ka kala kulmeen.
  • In la kordhiyo aqoonta ku adan cunsuriyadda iyo takoorka ee howl galayasha daryeelka cafmaadka

Madaxa Xarunta Ka-hortagga Cunsuriyada, Hatem Ben Mansour, ayaa ka hadlay waaya-aragnimadiisa nololeed ee uu la kulmay xog-ururinta intii lagu jiray warbixinta.waxa uu sido kale yiri «Aad ayaan ula dareen ahay marqaatiyada ka soo baxay warbixinta.Waxaan u arkaa in arrintan inteeda badani ay dhab tahay, oo waxa ay dhallinyaradu ku hadlayaan ay ee tahay in aan ka qaadno tallaabooyin wax ku ool ah. Kalsooni darada u dhaxaysa dhalinyarada aan asal ahaan u dhalan dalka iyo booliiska ayaa kor u kacday ilaa markii aan yaraa. Waa wax laga naxo in aan ka warqabno in beegsiga ku salaysan isirka uu yahay qayb horey booliska roondadu uga baraan dagaan, una qorsheeyaan ka hor inta aysan shaqo galin . Marka qof madaw ahi uu wax sameeyo, jawaabta boolisku waa in danbiga qofkaasi uu saameeyo dhammaan dadka madawga ah»

QALALAASE KALSOONIYEED OO SAAMAYN KARA XASILOONIDA IYO HEESHISKA BULASHADDA

Hogaamiyaha ARS waxa uu ku andacoodey in isticmaalka beegsiga jinsayadeed aan loo arki karin wax aan ka ahayn taakulayn iyo faafin cunsuriyadeed. waxa uu hadalkiisa ku daray, «Nidaamka dowladeed wuxuu ku xidhan yahay kalsoonida hay’adaha dawladda iyo shacabka ka dhaxaysa. Haddii dowladdu lumiyaan kalsoonidan, nidaamku wuu burburayaa. waxaa loo bahanyahay in booliisku si wacaan oo hufan u guto waajibaadkiisa isaga oo aan awoodiisa dowladeed aan meel uga dhacayn. Markaan aragno in booliisku, sida warbixintu muujinayso, ay si joogto ah u adeegsadaan beegsi ku salaysan jinsiyad, booliskaasi ma noqonayo mid ka dhow caddaaladda iyo hanashadda kalsoonida shacabka oo dhan»

Wuxuu ku booriyay booliska inay isbedel dhismeed sameeyaan. asaga oo yiri

» waxaa jirta khatar ah in heshiiska bulsho uu booliisku jabsho gebi ahaantiisba. Waxaan ognahay cilmi-baarista in dadka ajanabiga ee ka howlgala booliiska, inta ay ku jiraan tababarka ama sanadka koowaad ay isaga baxaan ama joojiyaan ka howlgalka booliska. Booliisku waxay qabaan dhibaato dhaqameed, dhaqankaas ayaa ah mid cunsuriyadda la aqbalo. Ciidan boolis oo isku dheeli tiran ayaa ah midka wanaagsan. Waxaan rajeynayaa in warbixintu ay bilaabi doonto hannaan fikir oo ku saabsan badal ku yimaada bilayska hab-dhaqankooda. Waa In taliska booliiska Norway iyo wasaaradda cadaaladdu ay arrintan dabagal ku sameeyaan, iyadoo warbixintan ay noqon karto qayb kamida manhajka waxbarashada booliiska ee Norway»

KATIINADEEN IYO AFLAGADO CUNSURINIMO AH

Ida Shirazi oo ah madaxa mashaariicda ee Ajendaha X2 ayaa meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ku sugan si ay u qabato aqoon-isweydaarsiyo iyo la sheekeysiga dhalinyaradaan wajahaysa cadaadiska ka dhanka ah booliska.

  • Dhowr ayaa ka hadlay si xun loola dhaqmay markii la xirayay iyo gacan gacmahana laga katiinadeenayey. Dad baa gidaar lagu soo tuuray oo lagula kacay cunsuriyad. Qaar ka mid ah sheekooyinka naxdinta leh ayaa lagu soo dari waayay warbixinta sababo la xiriira macluumaad gaar ah.

BOOLISKA OO AAN LAHAYN AQOON KU FILAAN OO KU ADAN ARINTAAN

Shirazi ayaa sidoo kale ka wareystay ilo ka tirsan booliska Ayado oo mowqifkooda inee cadeeyaan ka codsatey. ila wareedkaan aysan warbixintu baahin ayaa sheegay sidatan

«Waxaa naloo sheegay in dhaqaale la’aani jirto, taasoo ka dhigan in shaqada ka hortagga arintaan laga hormariyo arimo kale. Waxaa ilo wareedkan Shirazi weedisey in il-wareedkan uu ka qaybqaatey koorsoda la xiriirta ka hortagga isir beegsiga midaas oo lagu magacaabo «Booliska Caddaaladda». waxa uuna ku jawabey

«Run ahaantii qof kastaa wuxuu sheegaa inay dhammeeyeen koorsadaas iyo kuwa lamidka ah. Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ka hadlay in ee jirto baahi aqooneed oo qusaysa ka fursashada beegsiga isireed ee uu booliisku la tacaalayo haatan»

Xoghayaha dowladda Even Eriksen (Ap) ayaa ku sheegay inay aad u xanuun badan tahay akhrinta warbixintaan.

  • Ka fikirida iyo ka hadalka talaabooyinka ka dhanka ah takoorka way fududahay in laga hadlo, laakiin way adagtahay in wax laga qabto. Si loo dhabeeyo ujeedadda hadafkeena, waxaanu dhawaan soo saarnay qorshe hawleed ka dhan ah midab-takoorka iyo takoorka guud ahaanba, sida lagu ballanqaaday madasha Hurdal. Diiradadu waxay ku wajahan tahay la kulanka dhallinyaradda uu takoorku saameyey.

Eriksen yaa sheegay in dowladdu ku howlantahay mashruucyo maraya heer qiimayn kuwaas oo looga hortagayo takoorka ay ka qayb yihiin booliska, waxa uu sido kale sheegay in booliiska ee waajib ku tahay in ay ka shaqeeyaan ka-hortagga takoorka marka ay gudanayaan shaqadooda iyo adeegyadooda. waxa u sheegay in masuuliyaddu ee tahay mid saaran dhammaan hay’adaha dowladda. hadalkisa waxa uu ku gunaanadey in Kalsoonidu tahay shay nugul oo si dhakhso ah ayey u burburi kartaa la doonayana in lawada ilaaliyo.

Xigasho/kilde: Warbixin cusub: Beegsiga qowmiyadeed waxa uu gundhig u yahay burburka kalsoonida.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.