lørdag, november 2, 2024

NAV oo la dhaleeyeeyay, sheegteyna inay arrintan wax ka qabaneyso.

Warbixin iyo daraasad soo baxday Bishii Mai ee sanadkan ayaa waxaa hey adda NAV lagu dhaleeceeyay inay qaadato mudo aad u dheer, si ay uga soo jawaabto codsiyada howlgabka iyo lacagta la siiyo dadka shaqada ka fariistay dhaawac ama xanuun awgiis( AAP). Waxaana NAV lagu dhaleeceeyay inay qaadato waqti aad u badan oo wel-wel galisa qofka codsiga dirsaday oo mararka qaarkood ay lasoo gudboonaadaan xaalad uu ku qasbanyahay inuu lacag deg deg ah oo uu ku noolaado uu helo.

Xiliga sugitaanka jawaabta codsiga APP ayaa bishii Mai ee sanadkan aheyd 15 isbuuc. Halka Sugitaanka codsiga Uføretrygd uu ahaa 6 bilood oo kaamil ah.

NAV oo dhaleeceyntaas ka garowday ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso wax ka baqashada arrintan waxeyna sheegeen inay ka shaqeynayaan in dadkii xili hore dirsaday codsiyada ay jawaab u heli lahaayeen.

Xigasho/kilde: Norge: Fortsatt lang ventetid hos Nav

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x