Booliska magaaladda Trondheim ayaa shaley isniintii nin lataamayeeo(20) jir ah ka qaaday leysinka baabuur wadista, kadib markii ay boolisku qabteen isaga oo baabuurka wadayo xili muraayaddaha baabuurka ay qariyeen baraf ku dhalaaley.
Booliska oo ninkan leysinka kaga qaaday isla goobta lagu istaajiyay, ayaa sheegay in darawalka uu halis galiyay naftiisa iyo badqadka dadka kale ee ku socdaalayo wadadda. Waxeyna boolisku arrintan ku tilmaameen sidii qof indho la aan oo baabuur wada, maadaama uusan darawalku arki karin baabuurta kale ee ama dadka jidka maraya.
Dhanka kale booliska ayaa dadka uga digayo inay arrintan oo kale sameeyaan, waxeyna sheegeen in muhiim tahay in qofku uu waqti galiyo nadiifinta iyo baraf ka xaaqista baabuurka, kahor inta uusan baabuurka wadadda soo galin, uuna abuurin halis keeni kara dhaawac ama dhimasho nafeed.
Xeerka Turjumidda (ee soo baxay 2022) ayaa dhigaya in hay’adaha iyo adeegyada dawladdu ay isticmaalaan turjumaan aqoon leh marka ay lagama maarmaan tahay si aad u hesho daaweyn sax. Shaqaalaha caafimaadka sida kalkaalisooyinka, dhakhtarka, cilmi nafsi yaqaanka iyo kuwa la halmaala ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan inaad bukaan ahaan hesho aawimaada aad u baahan tahay.
• Macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga iyo daawayntaada waa in laguugu sheego luuqad aad fahmaysid.
• Way adkaan kartaa in la fahmo ereyada iyo kalmadda cilmiga caafimaadka. Sidaa darteed, waxaad u baahan kartaa turjumaan inkastoo aad ku hadasho norwiijiga ilaa xad la fahmi karo.
• Turjumaanku wuxuu joogi karaa isla qolka adiga iyo daweeyuhu Aad wada joogtaan, ama wuxu kaga soo qaybgali kara telefoon ama fogaan arag muuqaal ah.
• Su’aalaha oo dhan ku hagaaji shaqaalaha caafimaadka, oo ha weydiinin
turjumaanka.
• Sheeg haddii aanad fahmayn turjumaanka
• Marka aad hadlaysid isticmaal jumlado gaaban oo si fasiix ah oo la fahmi karo u hadal Markaas ayay turjumaanka u fududaanaysaa inuu si sax ah u turjumo
Hadalka.
• Turjumaanku wuxuu turjumayaa kaliya waxa la sheego. Turjumaanku kuma celin soo karo wixii hore loo sheegay
• Way fiicantahay tahay inaad qoroto waxa la sheegay, si aad u xasuusatid
• Sheeg haddii maqalku ama muuqaalku xun yihiin marka turjumaanku ku jiro khadka telefoonka/fiidiyowga.
• Turjumaanku waa inuu doorkiisa turjumaanka ku sheego labada luqadoodba marka wadahadalka bilaabmayo.
• Turjumaanku dhinacna ma raacsanaha, waana dhexdhexaad. Taas oo macnaheedu yahay in aragtida iyo rayiga turjumaanku wax saamayn ah aysan ku yeelan karin turjumidda.
• Turjumaanka waxa saaran waajib xog qarin, waana dembi inuu ku xadgudbo waajibka xog qarinta. Taas oo macnaheedu yahay in aan turjumaanka loo oggolayn inuu qofna u sheego wixii lagu wadahadlay. Sharcigaas iyo waajibkaas waxa uu turjumaanka qabanayaa xitaa hadii uu shaqada ka tago.
• Turjumaanku kuma siin karo talooyin ama kaama caawin karo inaad ka jawaabtid su’aalaha. Turjumaanku waa inuu turjumo oo keliya oo hawlo kale uma qaban karo qofka bukaanka ah ama shaqaalaha caafimaadka.
• Turjumaanku wuxu ku waydiin karaa su’aalo ama kaa codsan kara inaad si kale u sheegtid hadalka haddii ay jiraan wax turjumaanku aanu fahmin.
Ma qabtaa cabasho ku saabsan inaadan turjumaan helin, mar lagu siinayay adeeg caafimaad?
Mana qabtaa su’aalo ku saabsan xuquuqdaada? Fadlan la xiriir: U doodaha bukaanka iyo isticmaalayaasha (Pasient- og brukerombudet) ee gobolka aad deggan tahay. Kalan xiriir numberka numberka 40 50 16 00.
Sidoo kale la xiriir Sarkaalka Sinnaanta iyo ka hortagga Takoorka (Likestillings- og diskrimineringsombudet) tel. 23 15 73 00 LDO -.
Ururka Ka Soo Horjeeda Takoorka Bulshada Dhexdeeda (OMOD)
Ma qabtaa cabashooyin ku saabsan tayada iyo aqoonta turjumaanka?
Cabashooyinka waxaa lagu hagaajin karaa goobta caafimaadka ee aad bukaan ka tahay, ama Tolking i offentlig sektor | IMDi Integrerings- og mangfoldsdirektoratet (IMDi) oo ah hay’adda qaranka ee ka masuulka ah xirfadda turjumaannimada.
Hadii aad rabto inaad macluumaad dheeri ah ka ogaato arrintan, waxa aad la xiriirtaa
Dowlada dalka Finland ayaa maalmo kahor sheegtay inay xireyso qeybo kamid ah xuduudka ay la wadaagto dalka Ruushka, kadib markii ay bateen tirada dadka qoxootiga ah ee kasoo gudbo xuduudka Ruushka, soona galo dalka Finland.
Dowlada Finland oo xuduuud dheer la leh, xurgufna ay kala dhaxeyso dowlada dalka Ruushka ayaa aaminsan in arrintan ay noqon karto mid qorsheysan oo si ula kac ah ay u sameyneyso dowlada dariskeeda ah, iyada oo ujeedku uu yahay in qoxootiga sharci la aanta ah ee soo qulqulaya lagu qalqal galiyo amniga iyo siyaasadda dalka Finland.
Norway: Xuduudka waan xireynaa
Norway ayaa kamid ah dalalka katirsan Yurubta Galbeed ee xuduudka la leh dalweynaha Ruushka. Wasiiradda cadaaladda dalkan Norway Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay in ilaa hada aan Norway laga dareemin wax sare u kac ah oo la xiriira tirada dadka qoxootiga ah ee Norway uga soo gudbo xuduudka Ruushka. Waxeyna raacisay in dowlada ay la socoto xaaladda Finland, balse aysan Norway wali gaarin ama dareemi xaalad lamid ah mida ka jirta Finland.
Sabtidii lasoo dhaafay (11.11.2023) hey adda warbaahinta iyo wacyigalinta bulshada ee NorSom Media ayaa magaaladda Oslo ku qabatay kulan aqooneed(seminar) iyo cilmi-isweydaarsi ku saabsan xanuunka macaanka iyo kahortagiisa. Waxaana kulankan oo ay bandhig aqooneedyo kasoo jeediyeen aqoonyahano soomaali ah oo aqoon waxbarasho, khibrad iyo xiriir shaqo la leh mawduuca, laga soo bandhigay macluumaadyo iyo warbixino kala duwan oo la xiriira xanuunka macaanka iyo noocyadiisa, sababaha keena, calaamadihiisa, daaweyntiisa, la noolaanshihiisa iyo sida ugu macquulsan ee qofku uu uga hortagi karo ama ku dhimi karo halistiisa caafimaad.
Kulan aqooneedka waxaa kasoo qeybgalay ku dhawaad 100 kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Oslo/Norway, kuwaas oo marka laga tago bandhig aqooneedyada fursad u helay in su aalo weydiiyaan aqoonyahanka kulanka kasoo qeybgalay.
Sida ay muujinayaan daraasado kala duwan oo soo bandhigeen hey addaha caafimaadka Norway, xanuunka macaanka ayaa kusoo badanayo bulshooyinka ajaaniibta ah ee Norway kunool. Waxaa arrintaas loo sababeynayaa isbaladda hab nololeedka bulshooyinka ajnabiga ah ee kasoo haajiray dalalkoodii, noocyada cuntada ay cunaan, yaraanta noocyada kala duwan ee jimicsiga iyo ka shaqeynta caafimaadka jirka, sidoo kale arrimaha kale oo la xiriira xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee bulshooyinka ajaaniibta ah Norway kunool. Sidaas darteed ayuu kulankan muhiim u ahaa, si bulshada Soomaaliyeed ee kunool Norway ay fahan, aqoon iyo sawir-warbixineed uga heystaan xanuunka macaanka iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo.
Waxaan Mahad u celineynaa qof kasta oo kamid ah bulshadii Soomaaliyeed ee kasoo ee kasoo qeybgashay kulanka, iyo kuwii jeclaa inay kasoo qeybgalaan balse aan fursad u helin inay imaadaan. Sidoo kale waxaan mahad weyn u celineynaa aqoonyahankii Soomaaliyeed ee naga aqbalay casuumaada aan u fidinay, warbixin-aqooneedyadana kasoo jeediyay kulanka.
F.G: Muuqaaladda bandhig-aqooneedyada(muxaadarooyinka) dhawaan ayaan soo galin doonaa..
Dhageyste ama daawade, Macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga, cudurkaaga iyo daawayntaada waa in laguugu sheego af iyo luuqad aad fahmaysid. Haddii ay kugu adag tahay inaad fahantid ama aad ku hadashid af-norwiijiga, waxaad xaq u leedahay turjumaan ku hadlaya afkaaga hooyo ama aad doorbidayso.
Muuqaalkan kooban ee wacyigalinta ah, waxa aan kaga jawaabeynaa dhowr su aalood oo la xiriira adeega turjumaan ee hey addaha caafimaad:
Yaa xaq u leh turjumaan?
Haddii aadan fahmaynin waxa laguu sheegayo ama sida niyadaada kujirto aadan u sheegi karin waxa u baahan tahay, waxaad xaq u leedahay turjumaan ku hadlaya afka aad doorbideyso. Xaq ayaad u yeelan kartaa turjumaan xataa haddii adiga oo yaqaana, kuna hadlo karo luuqadda afka Norwiijiga.
Way adkaan kartaa in la ogaado in turjumaan loo baahan yahay iyo in kale. Shaqaalaha caafimaadka ayaa caadi ahaan qiimeeya in turjumaan loo baahan yahay iyo in kale. Adiga ka bukaan ahaan ama adeeg-doone ahaan, waad sheegi kartaa haddii aad u malaynayso inaad u baahantahay turjumaan, tusaale ahaan marka aad ballanta samaysanaysid. Waxa kale oo aad wici kartaa goobta adeegga caafimaadka oo waxaad ka codsan kartaa in ay dalbaan turjumaan ku hadla afkaaga.
Mararka qaarkood turjumaan qadka telefoonka kasoo gala ama qaab fogaan arag muuqaal ah, ayaa badali kara turjumaanka imaan lahaa goobta laguugu fidinayo adeega caafimaadka.
Xeerka Turjumidda ee Norway ayaa dhigaya in hay’adaha dawladda ay waajib ku tahay inay isticmaalaan turjumaan aqoon leh, marka ay bixinayaan adeeg dowli ah, sida caafimaadka oo kale.
Carruurtu ma noqon karto turjumaan. Qaraabada kale ama dadka aan lahayn tabobbar turjumaanimo kuma habbona inay beddelaan turjumaankja aqoonta leh.
Maxaad u baahan tahay inaad ilaaliso markaad isticmaalayso turjumaan?
Waa muhiim inaad goobta adeega caafimaadka si sax ah ugu sheegtid afka iyo luuqadda aad doorbidayso in laguugu turjumo.
Marka turjumaan loo dalbadaday wadahadalka, waa muhiim inaad timaado wakhtiga lagula ballamay. Haddii aanad iman karin wakhtiga lagu ballamay, waa inaad ballanta baajiso ugu yaraan 24 saacadood ka hor xilligeeda. Haddii kale, waa inaad bixiso kharashka ballanta. Weliba aad bay muhiim u tahay inaad arrintan xasuustid marka turjumaan la dalbadaday.
Turjumaanka waxaa saaran waajibaadka xog-qarinta, oo waa inuusan cid kale u sheegin waxa uu ka maqlay wadahadalka uu turjumay. Turjumaanku waa inuu turjumo keliya wixii la yidhi, mana bixin karo talooyin ama ma sheegi karo ra’yigiisa. Turjumaanku waa in uu ahaado dhexdhexaad ah oo aanu cidna la safan.
Wadahadalku wuxuu ka dhexeeyaa adiga iyo shaqaalaha caafimaadka ee adeega bixinayo. Markaa wixii su’aalo ah oo dhan ku hagaaji shaqaalaha caafimaadka, ha ku hagaajin turjumaanka.
Yaa bixinaya kharashka turjumaanka?
Turjumaanku waa u bilaash bukaanka/isticmaalayaasha adeegyada caafimaadka. Marka aad u tageyso dhakhtarka ilkaha, adiga ayaa iska bixinayo kharaskha turjumaanka.
Cabasho ayaad ka gudbin kartaa
Haddii aadan helin turjumaan, inkastoo aad aaminsan tahay inaad u baahan tahay, waxaad cabasho u gudbin kartaa xarunta aad bukaan/isticmaale ka tahay. Waxa sidoo kale u caban kartaa gudoomiyaha gobolkaaga (statsforvalteren),Ilaaliyaha danaha bukaankaama Ilaaliyaha sinnaanta iyo ka hortagga takoorka.
Haddii aadan ku qanacsanayn turjumaanka, waxaad arrintan uga caban kartaa goobta aad bukaan/isticmaale ka tahay.
Dalka Norway waxaa sii yaraanayo tirada ilmaha dhasha iyaga oo kobac-jir dhismeed ahaan caafimaadkoodu uusan dhameystirneyn, ama waxa loo yaqaan «Kromosomavvik». Dhanka kale waxaa sii kordhayo dumarka si go aan ah uurka isaga soo xaaqo, marka lagu wargaliyo in ilmaha uurka ku jiro uu caafimaad ahaan wax ka qaldanyihiin (Kromosomavvik).
Dalka Norway haweenka uurka leh ayaa mara dhowr baaritaan oo lagu baarayo caafimaadka hooyadda iyo ilmaha uurka ku jiro. Waxa ayna hooyadda uurka leh fursad u heystaa inay ogaado xaaladda caafimaadka ilmaha uurka ku jiro, iyo inay jirto wax caafimaad ahaan aan sidii loogu talagalay aheyn. Haweenka qaarkood ayaa marka ay ogaadaan in ilamaha uurka galay uu qabo waxa loo yaqaan «kromosomavikk» waxay ay go aansadaan inay ilmaha iska soo xaaqaan ama soo tuuraan, arrintaas oo sida warbixinta lagu sheegay kor u kacday dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.
Cecilie Vestrheim Thomsen oo ah dhakhtarka guud ka ah qeybta caafimaadka ee diiwaangalinta hey adda FHI, ayaa sheegtay in xiriir xoogan uu ka dhaxeeyo halista la xiriirto in ilmaha uurka galay uu qabo kromosomavikk iyo da´da hooyadda uurkaas qaaday. Waxa ayna sheegtay in markasta oo da´da haweeneyda uurka qaaday ay weyntahey, ay sii koreyso halista la xiriirta in ilamaha uurka galay uu caafimaad ahaan jir dhismeedkiisu uusan aheyn sidii caadiga aheyd.
Baaritaan iyo kormeer ay si wadajir ah u sameeyeen dhowr hey´addood oo kala duwan, ayaa lagu hubiyay ilaa 198 gaadiidka tagaasida ah oo ka shaqeeyo degmadda Romerike. Waxa uuna baaritaaskaas sababay in 28 kamid ah laga mamnuuco inay Tagsi ahaan u shaqeeyaan, halka 3 tagaasina ay baxsadeen oo ka dhuunteen kontoroolka.
Kontoroolkan ayay hey addaha ka sameeyeen goobta tagaasida ee garoonka diyaaradaa Gardermoen iyo tan u dhow isbitaalka Ahus sykehus,
21 Tagsi oo kamid ah 28-ka tagaasi ee laga joojiyay inay shaqeeyaan ayaan sida boolisku sheegeen aan wadan(heysan) cadeynta ogolaanshaha Tagsiga ee loo yaqaan Kjøresedel-ka, halka qaarkoodna aysan buuxin shuruudihi ama wax ka qaldanaayeen. Halka kuwa soo hareyna aysan buuxin qaar kamid ah shuruucda tagaasida ama xeerarka la xiriira.
3 kamid ah baabuurta ay boolisku rabeen inay hubiyaan ayaa ka baxsaday goobta, waxaana macluumaadkooda loo gudbiyay hey addaha ku shuqul leh sida uu qoray VG.
Laga bilaabo kowda(1) bisha September ee sanadka 2024, tigidka bilaha ah ee gaadiidka dadweynaha magaaladda Oslo, ayaa waxaa lagu sameyn doonaa raqiisin gaareyso 150 kr. Waxaa sidaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka magaaladda Oslo.
Tigidka qofka weyn ee magaaladda Oslo ee aaga koowaad(sone 1) ayaa hada ah 853 kr, raqiisinta kadib waxa uu noqon doonaa 700 kr.
Maamulka cusub ee dhawaan la wareegay maamulka magaaladda Oslo, ayaa markii ay ku jireen ololaha doorashada balan-qaaday in tigidka gaadiidka dadweynaha laga dhigi doonaa 499 kr, balse waxa ay sheegeen in hadafkaas si aayar ah ah lagu gaari doono afarta sano ee soo socdo.
Gudoomiyaha maamulka cusub ee magaaladda Oslo, ayaa sheegay in dad badan oo kunool magaaladda Oslo ay soo wajahday xaalad dhaqaale xumo, sidaas darteed ay muhiim ay maamulka degmadu uu arrintaas wax ka qabto, gacana ka geysto.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowlada, waxaa mudo hal sano ah la kordhiyay qorshaha kahortaga faquuqa iyo naceybka ka dhan muslimiinta, kaas oo lasoo rogay sanadkii 2020, kuna ekaa dhamaadka sanadkan 2023.
Qorshaha kahortagista muslim-naceybka ayaa hada sii shaqeyn doono ilaa sanadka 2024, xiligaas oo dowladu sheegtay inay soo rogi doonto qorshe cusub oo ka dhan muslim naceybka. Wasiiradda dhaqanka iyo sinaanta, Lubna Jaffery, ayaa sheegtay in dowladu ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka muslim naceybka.
Dowlada ayaa hada bilowday qorshaha cusub ee islaam-naceybka, kaas oo badali doonto ka hada shaqeeyo, waxaana la dhaqangali doonaa sanadka 2025. Dowlada ayaa hada ururadda muslimiinta iyo ururadda arrimaha bulshada ka codsatay inay soo jeediyaan afkaaraha ay ka qabaan, ama arrimaha ay jeclaan lahaayeen in lagu daro qorshaha cusub ee islaam nacebka.
Wasiiradda dhaqanka ayaa sidoo kale sheegtay in dowladu ay ku mashquulsantahay in dagaalka ka socdo marinka Gaza uusan kor u qaadin iska horjeedka iyo kala qeybsanaanta bulshada ku wada nool Norway.
Dowlada ayaa isbuucan sheegtay in dowladu ay bilowday qorshe-howleed ka dhan ah ka hortaga naceybka ka dhanka bulshada Yuhuuda ee kunool Norway.
Nin taksiile ah ayaa waxaa lasoo taagi doonaa maxkamadda Oslo, isaga oo ku eedeysan kufsi uu u geystay haweenay saarneyd baabuurkiisa. Falkan ayaa ka dhacay goob baabuurta la dhigto oo kutaal xaafadda Sognsvann. Isla taksiilahan ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu qash-qashaad jinsiyeed u geystay haweenay kael.
Falkan ayaa sida ay xeer ilaalintu sheegtay waxa uu dhacay Sideeda(8) bishii Luulyo(8) ee sanadkan. Waxaana la sheegay in haweeneydan ay baabuurka taksiga uu ninkan darawalka ka ahaa ay ka qaadatay senterka Oslo, isaga oo u kaxeystay Sognsvann, halkaas oo uu kufsiga ka dhacay, sida ay gal-dacwadeedka ku sheegtay xeer ilaalintu.
Isla taksiilahan ayaa ku eedeysan inuu fal kale oo ku saabsan qash-qashaad jinsiyeed, kaas oo bishii February ka dhacay Oslo. Ninkan ayaa lagu eedeynayaa inuu haweenay rakaab ah kasoo qaaday senterka Oslo, kadibna uu u kaxeystay meelo kala duwan oo Oslo kuyaal, waxa uuna baabuurka ku dhex heystay saacado. Haweeneydan ayaa sheegtay in ninkan uu ku sameeyay waxyaabo ay ka mid yihiin dhunkasho aysan raali ka aheyn. Waxaana sidoo kale lagu eedeynayaa inuu xaday, kadibna adeegsaday kaarka bankiga haweeneydan.
Kiiska maxkamadeynta ninkan ayaa 6-da bisha Maarso ka bilaaban doonto maxkamadda Oslo.
Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneosta ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas.
Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.
“Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda.
Doorashadan waxaa Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd kahor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan.
Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.
Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.
Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir.
Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas.
Gudiga maxkamadeedka qaabilsan arrimaha faquuqa iyo cunsuriyada ee Diskrimineringsnemnda, ayaa haween uur leh oo shaqadeedii laga ceyriyay u xukuntay 45.000 kr oo magdhow ah, waxuuna gudigu sheegay in haweeneydan lagu takooray sabab la xiriirta uurka.
Haweeneydan oo ayaa mid kamid ah shirkadaha dadka shaqada u diro( bemanningsselskap) ka heshay heshiis shaqo oo lix(6) bilood ah. Markii ay afar(4) bilood ka shaqeysay goobtaas, ayaa waxa ay fasax xanuun ka qaadatay goobta shaqada, sababo la xiriiro dhibaatooyin iyo culeysyo jireed, maadaama ay uur qaaday, waxeyna goobteeda shaqada ku wargalisay in ay shaqada kusoo noqon doonto dhalmada kadib.
Mudo gaaban kadib, haweeneydan ayaa heshay fariin ah in laga kansalay heshiiskii shaqada, aysana u baahney inay shaqada kusoo noqoto dhalmada kadib. Haweeneydan ayaa aaminsan in lagu faquuqay ama lagu takooray uurka ay qaaday dartiis.
Goobteeda shaqada ayaa dhankooda sheegay in haweeneydan aanan shaqada looga ceyrin sababo la xiriira uurka ay qaaday , balse loo kansalay heshiiska sababo la xiriira in maqnaanshaha haweeneydan ee shaqada oo keenaya inaysan gudan karin waajibaada shaqo ee heshiiska shaqada. Goobta shaqada ayaa sidoo kale sii raacisay in haweeneydan laga kansali lahaa heshiiska shaqadan, sababta kasta shaqada ha uga maqnaatee.
Diskrimineringsnemnda: Haweeneydan waa la faquuqay.
Gudi maxkameeda qaada arrimaha cunsuriyada ee Diskrimineringsnemnda oo kiiskan loo dacwo geeyay, ayaa dhageysi kadib xukumay in haweeneydan lagu takooray sababo la xiriira uurkeeda iyo xanuunadda la xiriira ee qofku uu uurku ku keeno. Waxeyna maxkamaddu xukuntay in haweeneydan la siiyo magdhow dhaqaale oo gaaraya 45.000 kr.
Diskrimineringsnemnda ayaa bil walbo qaado tobonaan kiis oo la xiriira dad la kulmay noocyo kala duwan oo faquuq, takoor iyo cunsurinimo ah .
Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxa dhagaha dadka Soomaaliyeed iyo ajaaniibta kale ee kunool Norway aad ugu soo noq-noqotay maqalka kiisas la xiriira dad heysta dhalashada Norway, mudo dheerna dalka ku noolaa, balse lagu furay dacwad la xiriirta kiis sharci kala noqosho. Kiisaskan ayaa intooda badan ah kuwa la xiriira qof looga shakiyay inuu bixiyay macluumaad aan sax aheyn oo la xiriira aqoonsiga, dhalashada, jinsiyada ama waxyaabaha kale ee la xiriira.
Inkasta oo kisaska tirokoob la sameeyay ayaa sheegayo in kiisaska ugu badan ee la xiriira sharci kala noqoshada ay noqdaan kuwa la laalo(xiro), kahor inta aan go aan la gaarin, taas oo ka dhigan in qofka wixii ku tuhmayay lagu waayay ama cadeyn loo heli waayay.
62% waa la laalaa kiisaska:
Tirokoob ay sameysay hey adda NOAS in 62% dadka lagu furo kiisaska la xiriira sharci ka celinta, kiiskooda la xiro. Tiradaas oo ka dhigan in dad badan oo galay wel-wel la xiriira dhanka sharciga, ugu danbeyn uu kiiskoodu xirmo ama uusan horey u socon.
2591 kiis oo xiriira sharci ka celin, kuwaas oo la furay wixii ka danbeeyay sanadkii 2017, waxaa la laalay ama la xiray 1569 kiis. Isla tirokoobkan waxaa lagu sheegay in inta badan dadka ay UDI-du kiiskooda go aansato inay sharciga ka celiso, ay helaan sharciyo noocyo kale ah oo ay dalka kusii joogaan.
Hey adda NOAS oo warbixintan ka dalbatay UDI-da, soona dhangitay saameynta adag ee kiisaska ay ku yeesheen dadka ay khuseyso, ayaa sheegay in kiisas badan oo arrintan ku saabsan ay ahaayeen kuwo laga maarmi karay, oo aysan aheyn in dadka lagu dhibo.
Gudoomiyaha cusub ee dhawaan la wareegay maamulka magaaladda Oslo, Eirik Lea Solberg ayaa sheegay inuu rabo in jidadka magaaladda Oslo la qurxiyo, lana sharaxo marka la gaaro bisha Soonka, arrintaas oo uu sheegay inay qeyb ka noqon karo muujinta in Oslo ay tahay magaalo ay ku noolyihiin dhaqamo iyo diimo kala duwan.
Arrintan ayaa aheyd waxyaabihii uu balan-qaaday, doorashadana ku galay xisbiga Høyre oo dhawaan la wareegay awooda Oslo. Waxa uuna wareysi uu horey u siiyay NorSom News ku sheegay in arrintaas uu ka shaqeyn doono, hadii uu ku guuleysto awooda Oslo.
Eirik ayaa wargeyska Vårtland u sheegay in:
Maadaama ay Oslo tahay magaalo ay dadyow kala duwan ku noolyihiin, ayna deganyihiin dad badan oo aaminsan caqiidooyin kala duwan, waa wax fiican in la muujiyo munaasabaddaha kala duwan ee dadka kala duwan ee magaaladda kunool, waa hadii ay iyagu rabaan e.
Eirik ayaa sheegay inuu qabo in maamulka degmadda Oslo uu qeyb xoogan ka qaato in la sameeyo arrintan, isaga oo rajeeyay in sanadka danbe arrintaas la fulin karo, lana sharaxi karo magaaladda Oslo, marka la gaaro xiliga Ramadaanka.
Gudoomiyaha maamulka Oslo ayaa sidoo kale sheegay inuu u furanyahay in dadka heysta diimaha kale ay sidoo kale sharaxan karaan wadooyinka qaarkoood, hadii ay iyagu rabaan.
Waxaan filayaa inaan la xiriiri doono maamulka xaafadda Gamle Oslo, laakiin waxaan sidoo kale rajeynayaa in arrintaas ay qeyb ka qaadan karaan masaajidka muslimiinta iyo bulshooy
Sanadkii 2017 xukuumadi Norway ee xiligaas talada dalka heysay, ayaa hey addaha ka shaqeeya arrimaha qoxootiga ku amartay inay xoojiyaan, dardarna galiyaan in jinsiyada Norway iyo sharciyada degenaanshaha laga celiyo dadka looga shakiyo inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, ama bixiyay macluumaad qaldan si ay sharciga Norway u helaan. Wixii intaas ka danbeeyay waxaa si maalinle ah isku soo tarayay wararka iyo walaacyada la xiriira dad ay dowladu ku furtay kiis sharci ka celin, ama loogu yeeray wareysiyo kala duwan oo la xiriira aqoonsigooda shaqsiyeed.
Tirokoob ay sameysay hey adda u dooda arrimaha qoxootiga ee NOAS, ayaa lagu sheegay in inkasto oo dowladu ay waqti, lacag iyo awood badan ku isticmaashay hawshan, hadana dadka dalka ka baxay marka laga celiyay sharciga, ayaa yihiin kuwa aad u yar.
Sida lagu sheegay tirokoob lagu sameeyay dadka ay dowlada Norway dib ugala noqoto sharciga dhalashada Norway, 52% dadkaas ayaa helo sharci kale oo ay dalka kusii joogaan, noloshoodana kusii wataan, marka lagala noqdo sharciga hore ee jinsiyada. 272 qof oo ay dowladu ka celisay sharciga jinsiyada tan iyo sanadkii 2017, waxaa dalka ka baxay 6 qof oo kale. Halka dadka intoodii kale ay wali sifooyin iyo siyaabooyin kala duwan kusii joogaan Norway.
Isla tirokoobkan ayaa lagu sheegay in 62% kiisaska la furo ee ku saabsan sharci ka celinta, ay dowladu laasho ama xirto, kadib marka qofka loogu yeero wareysiyo kala duwan.
Hey adda NOAS ayaa aaminsan in hawsha la xiriirta sharci ka celinta ay soo sababtay wel-wel, xasilooni la aan, iyo shaki, maadaama ay go aan ka gaarista sharci qaadato waqti dheer, qofkana ay ku abuurto go aan qaadasho la aan.
In qof lagu furo kiis sharci kala noqosho, waxey cawaaqib waaweyn u keentaa qofka ay khuseyso. Xitaa hadii qofa aan laga celin sharciga, waxa ay hawshan qaadataa waqti dheer oo xasilooni la aan iyo cabsi ku abuurta qofka, arrintaasna waa mid culeys weyn ah, ayuu Klassekampen u sheegay Elin Berstad Mortensen.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.