torsdag, mars 20, 2025
Home Blog Page 45

Deg-deg: Labo(2) qof oo Oslo toogasho lagu dilay, dad kale oo dhaawac halis ah.

Sida ay boolisku xaqiijiyeen, inta ilaa hada la xaqiijiyay waxaa dhintay labo(2), kadib markii nin hubeysan uu toogasho ka geystay baar lagu caweeyo oo kuyaal magaalada Oslo. Waxaana goobta laga qaaday dad kale oo badan oo dhaawac ah, kuwaas oo ay kujiraan kuwo uu dhaawacoodu halis yahay, sida ay boolisku sheegeen.

Goobta uu falkan toogashada ah ka dhacay ayaa ah baar caan ah oo ay ku kulmaan dadka isku jinsiga ah ee isku hawooda( Gay people), waxaana lagu magaacaabaa London pub ( Baarka London).

Booliska ayaa qoraal ay soo galiyeen Twitterka ku sheegay in meel aan ka dheereyn goobta ay toogashadu ka dhacday lagu qabtay qof lala xiriirnayo falkan.

Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in nin hubeysan uu soo galay baarka oo dad badan ay joogeen, kadibna uu xabado ku furay dadkii goobta joogay. Waxeyna goob-joogayaashu xaqiijiyeen inay indhacooda ku arkeen dad badan oo lagu qaaday baabuurka gargaarka deg-dega ah.

Wixii arrintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

EU-da oo qarka u saaran ansixinta codsiga Ukraine ee midowga Yurub.

Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa Khamiista iyo Jimcaha yeelanaya shir-madaxeed weyn oo ajandihiisa ay ugu muhiimsan tahay – ansixinta ra’yiga Ukraine ee ah in ay ka mid noqoto ururkan, waxayna u muuqataa in codsigooda la aqbali doono, iyadoo kulankan kusoo beegmayo xilli ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Yurub iyo Moscow oo uu weli socdo dagaalka Ukraine.

Saacado kahor shirka Midowga Yurub, Faransiiska – oo hadda haya guddoonka Golaha Midowga Yurub – ayaa bixiyay qiimeyn kalsooni leh oo ku saabsan codsiga musharraxnimada Kyiv.

Wasiirka Yurub ee Faransiiska Clement Beaune ayaa sheegay in «guud ahaan la isku raacsan yahay» taageerada codsiga Ukraine, kadib wadahadal dhex maray wakiillada waddamada Midowga Yurub.

«Waxay ku xiran tahay in hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ay si rasmi ah ugu codeeyaan musharaxnimada Ukaraine Khamiista, taas oo ay barbar socoto codsiga Moldova iyo Georgia» ayuu yiri Beaune.

Kyiv ayaa aad ugu dadaalaysay sidii ay ugu biiri lahayd ka kooban 27-ka xubnood sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo qaar ka mid ah wadamada EU-da sida Portugal iyo Danmark ay mar sii horreysay muujiyay inay taageeraan. Laakiin Toddobaadki hore, madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa iyana muujisay taageero xooggan.

«Dadka Ukraine waxay diyaar u yihiin inay u dhintaan aragtida Yurub» ayay tiri Ursula von der Leyen.

Laakiin waxa ay u muuqataa in aanay suurtogal ahayn in hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ay ku heshiiyaan baaqa Ukraine ee ah in si degdeg ah loo hirgeliyo codsigeeda, waxaana ku biirista Midowga Yurub qaadan kartaa sanado, ama tobannaan sano.

Xigasho/kilde: VOA + SOMALI

73.000 ajaaniib ah ayaa ka shaqeeyo shaqooyin aqoontooda ka hooseeyo.

Sida lagu sheegay warbixin iyo tirokoob kasoo baxay wakaaladda tirokoobka ee SSB, ilaa 73.000 qof oo asal ahaan soo galooti ah ayaa ka shaqeeyo, shaqooyin aan u qalmin aqoontooda ama waxbarashada jaamacadeed ee ay barteen.

Isla warbixintan ayaa lagu sheegay in 40% dadka ajaaniibta ah ay ka shaqeeyaan shaqo aan u qalmin aqoontooda. Taas oo ka dhigan in qof waxbarasho heer sarre ah heysto uu ka shaqeeyo shaqo aan shuruudo adag ku xirneyn ama ka hooseyso heerkiisa aqooneed.

Hadii isla barbardhig lagu sameeyo, 14% Norwiijiga ayaa ka shaqeeyo shaqooyin aan u qalmin heerkooda aqooneed.

Warbixinta SSB ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka asal ahaan soo galootiga ah ee dalka degenaa wax ka badan 10 sano, ay ku badanyihiin dadka ka shaqeeyo shaqooyin mushaar iyo aqoon ahaanba ka hooseeyo aqoontooda shaqo.

Xigasho/kilde: Overkvalifiserte innvandrere ender i andre yrker.

Turkiga: Kaarkan ayaa dalkeena lagu soo gali karaa.

Wasaaradda arrimaha dalka Norway ayaa isbuucii hore sheegtay in dowladda Norway ay isku dayeyso in socdaalka iyo safaradda loo fududeeyo muwaadiniinta Norwiijiyaanka ah ee aan wali helin fursad ama balan ay baasaboorka ku cusbooneysiiyaan. Waxeyna dowladu sheegtay in dalka Turkigu uu kamid yahay dalalka lagu gali karo kaarka aqoonsiga dalkan Norway ee loo yaqaan Nasjonalt ID-kort. Halkan kasii akhri.

Wixii ka danbeeyay xiligii ay Norway arrintaas sheegtay, warbaahintuna ay baahisay, waxaa soo badanayay tirada dad sheegay in loo diiday galitaanka gudaha dalka, kadib markii ay baasaboor la’aan u safreen dalka Turkiga, laguna xanibay airporada dalka Turkiga.

Safaaradda dalka Turkiga ee Norway ayaa maanta xaqiijisay in kaarka aqoonsiga Norway ee Nasjonalt ID-kort uu yahay aqoonsi buuxo oo muwaadiniinta Norwiijiga ah ay ugu safri karaan dalka Turkiga. Aysana dadka wata kaarkaas aan lagu xanibi doonin garoomadda diyaaraddaha Turkiga.

Safaaradda Turkiga ee Norway ayaa sidoo kale sheegtay in ogolaanshahan oo maanta la ansixiyay uu yahay mid si kumeel gaar ah loo ansixiyay oo socon doono sanadkan aan ku egnahay ee 2022.

Caadi ahaan kaarka Nasjonalt ID-kort ayaa ah mid qofku uu kaar aqoonsi ahaan u adeegsan karo, marka la joogo gudaha dalalka Yurub ee la isku yiraahdo Schengen.

Xigasho/kilde: Nasjonalt ID-kort gyldig i Tyrkia fra i dag.

Meydka labo(2) qof oo laga helay guri kuyaal Kristiansand.

Sida ay xaqiijiyeen booliska gobolka Agder, waxaa guri kuyaal magaalada Kristiansand laga helay meydka labo(2) qof oo waaweyn ( da’ ahaan). Booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan ogeyn sababta keentay geerida labada(2) qof, waxeyna sheegeen inay wareysanayaan dad goob-joogayaal ah, si ay kiiska uga gun-gaaraan.

Shaley oo sabti aheyd ayay boolisku meydka labada(2) kasoo saareen guriga, kadib markii ay fariin wel-wel ah ka heleen goobta shaqada ee mid kamid ah labada qof ee meydkooda la helay.

Booliska ayaa sidoo kale isbitaalka u kaxeeyay qof sadexaad oo guriga la degenaa labadda(2) qof ee geeriyooday. Xaaladda qofka sadexaad ayaan ilaa hada la hubin, sidoo kale lama sheegin nooca xiriir ee kja dhaxeeyay sadexda qof ee guriga wada degenaa.

Madaxa howlgalada booliska ee qeybta booliska Agder ayaa sheegay in ilaa hada aysan boolisku arkin awax muujin kara fal-danbiyeed arrintan lala xiriirin karo, balse ay boolisku wali wadaan baaritaanka arrintan, ayna wareysteen dhowr goob-joogayaal ah.

Eheladad dadka uu kiiskan khuseeyo ayay sidoo kale boolisku sheegeen inay la wadaageen dhacdadan. Maalinta isniinta ah ayaana go’ aan laga gaari doonaa goorta la baarayo meydka labada qof ee guriga laga helay.

Xigasho/kilde: Vitner avhørt etter at to personer ble funnet døde i Kristiansand.

wp_ad_camp_1]

FHI: Waxaa nagu soo dhow mowjad(hir) kale oo corona ah.

Waxaa guud ahaanba dalalka Yurub si aad ah sarre ugu kaceyso tirada dadka uu ku dhacayo feyruska corona. Tirada feyruska ee gudaha Norway oo aad u xasilooneyd maalmihii ugu danbeeyay ayaa hada kor u kacday.

Hey’ adda machadka caafimaadka dadweynaha Norway( FHI) ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen dhawaan, ay qiyaasiyanaan in mar kale ay Norway kusoo socoto mawjad(hir) cusub oo faafitaanka feyruska corona ah. Sidaas waxaa TV2 u sheegay Camilla Stoltenberg oo ah agaasimaha machadka FHI.

Waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay aad caalamka, gaar ahaan dalalka Yurub ugu faafay nooc cusub oo feyruska corona ah. Noocan cusub oo loo bixiyay BA.5 ayaa sida la qiyaasiyo waxaa sii badan doono faafitaankiisa, waxaana la fili karaa inay badato tirada dadka isbitaalka loo dhigayo feyruska awgiis.

Agaasimaha FHI ayaa sheegtay in sida ay xisaabiyeen uu xanuunku mar kale kor u kici doono marka la gaaro bilaha deyrta(Høst) ee ka danbeeyay fasaxa sommerka. Balse waxa ay raacisay in xitaa ay kasoo hormari karaan.

FHI ayaa sidoo kale sheegtay inay isbuuc walbe sameeyaan warbixin ay ku qiimeeyaan xaalada feyruska corona, ayna la socdaan dhaq-dhaqaaqa feyruska iyo faafitaanka dadweynaha.

Xigasho/kilde: FHI: Ser ut til at Norge er på vei inn i en smittebølge.

Dowlada UK oo aan ka joogsan isku deyga tarxiilka Qoxootiga ee Rwanda

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Sabtida maanta ah sheegay in uu ku kalsoon yahay sharci ahaanshaha qorshaha dowladdiisa ay dadka magangelyo-doonka ah ugu direyso Rwanda kadib markii duulimaadkii ugu horeeyay ay hor istaagtay maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub.

Maxkamadda ayaa Talaadadii amartay in la joojiyo tarxiil qorsheysnaa ee dhowr qof oo muhaajiriin ah oo saarnaa diyaaraddii u qaadi lahayd Rwanda, waxaana uu Johnson go’aankaasi ku tilmaamay “hakintii ugu darneyd oo timid daqiiqaddii ugu danbeysay.”

“Maxkamad kasta oo dalkan ah waxa ay sheegtay in aysan jirin wax caqabad ah oo ay arki karaan, ma jirto maxkamad dalkan ah oo go’aamisay in siyaasaddani ay tahay sharci-darro, taasi oo ahayd mid dhiirigelin weyn ah,” ayuu Johnson u sheegay wariyeyaasha.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay sharcinimada, caddaaladnimada waxa aan qabaneyno, waxa aanna dooneynaa in aan sii wadno siyaasaddan.”

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Britain Priti Patel ayaa ku sheegtay wareysi Sabtida maanta ah la daabacay in faragelinta maxkamadda Yurub ee ay ku hakisay duulimaad lagu waday in uu dad magangelyo-doon ah loogu tarxiilo dalka Rwanda uu ahaa mid siyaasadeysan.

“Waa in aad eegtaa sababta,” ayay u sheegtay Daily Telegraph, ka dib markii maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR) ay arrintan soo faragelisay Talaadadii, xilli ay diyaarad ku wajahan Kigali ay kici lahayd.

“Maxay u qaateen go’aankaas? Ma waxa ay ahayd mid siyaasadaysan? Anigu waxaan qabaa in uu sidaas yahay, gabi ahaanba.”

Dowladda Ingiriiska ayaa ballanqaaday in ay adkeyn doonto xuduudeheeda ka dib markii ay kordheen tirada muhaajiriinta ee dalkeeda kaga soo gudbaya dhinaca waqooyiga Faransiiska.

Dadka ilaa hadda la qabtay ayaa gaaraya 11,000 oo qof oo ah ku dhowaad laba jibaar tiradii sanadkii hore oo dhan.

Laakin heshiis muran badan dhaliyay oo ay Rwanda la gashay si dalkaasi loogu diro qaar ka mid ah dadka magan-galyo doonka ah ayaa caro dhaliyay.

Ilaa 130 magan-galyo doon ah ayaa markii hore loo qorsheeyay in ay raacaan duulimadkii Talaadadii, balse qof la tarxiilay ma jiro ka dib caqabado isdaba joog ah oo dhanka sharciga ah oo xuquuqda aadanaha la xiriira.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI + AFP +RUEters

Kulan aad muhiim u ah oo lagu qabtay magaalada Skien.

Maalintii sabtida aheyd waxaa magaalada Skien lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayay habka koriimadda iyo barbaarinta caruurta ku koreyso dhulalka qurbaha iyo muhiimadda isfahanka dhalinyaradda iyo waalidiinta, sidoo kalena wada-shaqeynta iyo isfahanka hey´addaha dowliga ah iyo qoysaska, si la isaga kaashado koriimadda wanaagsan ee caruurta iyo dhalinyaradda.

Kulankan oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen ururada Info 123 iyo ururka Wadajir ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiru-dowlaha wasaaradda dhaqanka Norway, Odin Bohmann iyo Hedda Foss oo ah duqa magaalada Skien. Waxaana kulanka qeyb ka ahaa dhamaan qeybaha ay ka koobantahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Skien iyo deegaamadda ku hareereysan ee gobolka Telemark.

Intii uu kulanka socday waxaa lagu soo bandhigay muxaadarooyin cilmiyeysan oo ka hadlayo muhiimadda fahanka dhaqamadda kala duwan ee la xiriira barbaarinta caruurta, farqiga u dhaxeeyo qaabka ay qowmiyaddaha ajaaniibta ah u koriyaan caruurta dhaqan ahaan, iyo habka koriimadda ee Norway. Sidoo kale la jaan-qaadista waalidka ee duruufaha koriimadda caruurta iyo dhalinyaradda, marka la joogo dalalka qurbaha.

Hoos ka daawo warbixinta

Dowlada Norway oo ka digeyso caruurta dalka dibadiisa looga soo tago.

Sadex wasiir oo katirsan golaha xukuumadda Norway ayaa soo saaray baaq iyo wareegtooyin ay uga digayaan in caruurta iyo dhalinyarada loo kaxeeyo dalka dibadiisa, kadibna markaas looga soo tago, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Wasiiradda ayaa dowladaha hoose ee Norway iyo hey’ addaha ay khuseyso ugu baaqay in howshaas ay kasii taxadaraan, ayna sameeyaan feejignaan looga hortagayay arrintaas, gaar ahaan arrintan ku saabsan in guur qasab ah lagu sameeyo caruurta iyaga oo aan raali ka aheyn.

Labo xagaa oo ay jireen xanibaado xaga safarka ah, waxaa jiray dad badan oo aysan u suurtogalin in dalka dibadiisa ay u safraan. Arrintaas waxa ay suurtogalisay inay xadidnaato in dhalinyaro in caruur dalka dibadiisa loo kaxeeyo, halkaasna looga soo tago iyaga oo aan raali ka aheyn, ayay sheegtay warsaxafaadeedka ku sheegtay Marte Mjøs Persen oo ah wasiiradda shaqada iyo shaqaalaha.

Wasiiradda ayaa hada dhamaan hey’ addaha ka shaqeeyo arrimaha la xiriira caruurta iyo dhalinyarada ka codsaneyso inay a feejignaadaan arrintan, ayna isku diyaariyaan sidii looga hortagi lahaa. Waxeyna wasiiiraddu warqad u qortay dhamaan degmooyinka, maamuladda hoose iyo hey’ addaha ay khuseyso arrintan, iyaga oo ku boorineyso u diyaargarowga arrintan iyo sidii looga hortagi lahaa.

Wasiiradda qoyska iyo caruurta ee Kjersti Toppe (Sp) ayaa sheegtay in ka hortaga arrintan ay muhiimsantahay ka daba-taga loona baahanyahay in qorshe cayiman laga lahaado arrintan.

Aad ayay muhiim u tahay in arrintan laga hortago, halkan iskuulka ayaana qeyb weyn howshaas ka qaadan karo. Hey’ adda barnevern-ku waa inay heshaa fariinta wargelinta ee wel-welka xambaarsan, si arrintaas wax looga qabto ayay sheegtay wasiiraddu.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway Anniken Huitfeld( Ap) ayaa sidoo kale wel-welka la wadaagta wasiiradda kale, waxeyna hoosta ka xariiqday in ay adagtahay in dowladu ay caruurtaas caawin u fidiso, mar hadii xuduuda dalka Norway ka baxaan.

Marka ay caruurta wadanka ka baxaan, wey xadidantahay waxa ay dowlada Norway ka caawin karto. Markaas waxaan ku qasbanahay inaan raaco xeerarka caalamiga ah, iyo xeerarka dalka uu ilmuhu markaas joogo, arrintaas oo adkaan karto. Marka waxa sidaas darteed muhiim in arrintaas laga hortago.

Utenriksminister Anniken Huitfeldt (Ap) deler bekymringen og understreker at det ikke er stort myndighetene kan gjøre når sakene beveger seg utenfor Norges grenser.

– Når barna først er ute av landet, er det begrenset hva norske myndigheter kan bistå med. Da må vi forholde oss til folkerettslige rammer og vertslandets lover og regler. Det er derfor forebygging er så viktig, sier

Halkan kasii akhri war saxaafadeedka dowlada: Risiko for tvangsekteskap i sommerferien.

Labo qof oo laga helay feyruska Apekopper.

Hey’ adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in labo (2) qof oo cusub laga helay feyruska bus-buska daanyeerka ee Apekopper. Isku dar tirada kiisaska feyruskan la xiriira ee gudaha Norway laga helay ayaa noqonayo afar.

Degmada Oslo ayaa sheegtay in labada kiis ee cusub ee feyruska la xiriira laga helay gudaha magaada Oslo.

Dadka qaaday feyruskan, waxaa la socon doono hey’addaha caafimaadka degmada, waxaana lagu sameeyay soocitaan( Isolert), si aysan feyruska usii qaadsiin dad kale. Waxaan baaritaan ku wadnaa dadka kale ee feyruska qaadi karo, waxaana la wadaageynaa warbixinta arrintan dadka ay khuseyso, ayuu sheegay Miert Skjoldborg Lindboe oo ah dhakhtarta guud ee xanuunadda faafa ee Oslo.

Halista is qaadsiinta feyruska waxey sida muuqato tahay mid aad badneyn, ayuu sii raaciyay dhakhtarka. Feyruska bus-buska daanyeerka ayaa ah mid caadi ahaan la isku qaadsiiyo taabashada jirka qofka.

Xanuunkan cusub oo qofka uu ku dhaco jirkiisa kasoo saarayo nabro iyo finan waaweyn ayaa dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay lagu arkay dalal kamid Yurub, Woqooyiga Yurub iyo Amerika.

Xigasho/kilde: Apekopper: To nye tilfeller oppdaget i Norge.

UDI-da oo arrintan lagu cambaareeyay.

Xafiiska ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ee Sivilombudet ayaa hey’ adda qoxootiga Norway ee UDI-da ku cambaareeyay daahitaanka ka jawaabista codsiyada dadka dacwadaha xareystay ee raba inay qoysaskaskooda keenaan Norway. Wuxuuna xafiisku sheegay xiliga sugitaanka kiisaskan, gaar ahaan kuwa ay kujiraan caruurtu uu yahay mid aan la aqbali karin.

Xafiiska ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in xiliga ka shaqeynta kiisaska oo aad u dheer iyo xiliga sugitaanka ee balanta wareysiga booliska oo isagana dheer, marka labadaas la isku daro ay arrintan noqoneyso mid aan la aqbali karin.

In qofku uu la midoobo xaaskiisa ama caruurtiisa, waa xuquuq muhiim ah, hadii uu qof qoyska ka tirsan uu sharci ku heysto Norway. In dhowr boqol oo qof oo codsaday in xubnaha qoyskooda loo keeno Norway, ay wali sugayaan jawaabta codsiga kiisaska, labo sano iyo ka badan kadib markii ay codsiga xareeyeen, waa arrin aad halis u ah ayay sheegtay Hanne Harlem oo ah madaxa xafiiska.

Xafiiska ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta( Sivilombudet) oo kiiskan baaritaan iskiis ah ku sameeyay ayaa sheegay in sugitaanka xiliga dheer uu saameyn weyn ku leeyahay xubnaha qoyska ee xareystay codsiga, gaar ahaan caruurta.

Inkasta oo kiisaska dacwaddaha qoysaska ay UDI-du ku dhameyso mudo ka yar lix bilood, hadana waa arrin cambaareyn mudan in UDI-du ay mudo dheer heysatay kiisaska boqolaal qof oo aan wali jawaab helin. Si gaar ah waxaa halis u ah kiisaska dacwaddaha qoysaska ee ay kujiraan caruurta, ayay sheegtay madaxa xafiiska ilaalinta xuquuqda.

Xigasho/kilde: Sivilombudet kritiserer UDI for lang behandlingstid i familieinnvandringssaker.

Muhiim: Hadii aad heysato nooca cusub ee baasaboorka, arrintan iska hubi.

Norway ayaa cusbooneysiin ku sameysay naqshada baasaboorka Norwiijiga oo badalay kii hore. Nooca baasaboorka cusub ayaa siyaabo badan uga badalan kii hore, marka la fiiriyo naqshad ahaan, muuqaal ama midab ahaanba.

Arrin aysan dad badan ku baraarugsaneyn ayaa ah in numberka baasaboorka ( Passnummer) ee nooca baasaboorka cusub uu ka duwanyahay kii hore. Arrintaas oo shirkaddaha diyaaradaha, kuwa dalxiisyadu iyo kuwa fududeeya fiisayaasha ay dadka ku boorinayaan inay iska hubiyaan.

Numberka baasaboorka cusub waa xarfo iyo tiro:

Numberka baasaboorka ee noocii hore ee baasaboorka Norway ayaa ka koobnaa sideed(8) tiro, halka nooca cusub uu ka koobanyahay xarfo iyo tiro wadar ahaan isku noqonayo sagaal(9).

Dad badan ayaa marka ay dalbanayaan tigidka diyaaradaha ama visaha dalalka kale, waxa ay warqadaha ku buuxiyaan tirooyinka ku qoran numberka baasaboorka oo kali ah, iyaga oo ka taga xarfaha, maadaama ay la qabsadeen in numberka baasaboorka uu ka koobanyahay tiro oo kali ah.

Arrintaas ayaa yeelan karta cawaaqib, sida uu NRK u sheegay John Eckhoff oo ah madaxa warbaahinta shirkadda diyaaraddah SAS. Hadii aysan is waafaqin numberka baasaboorka iyo waxa aad waraaqaha visaha ku buuxiyay, waxey qofka u keeni kartaa dhibaato.

Hadii tusaale ahaan aadan dhamaan xarfaha iyo tirooyinka numberka baasaboorka aadan ku buuxin waraaqaha codsiga visaha dalalka qaarkood, waxaa laga yaabaa in laguu diido Visaha, iyada oo sababtu ay tahay in baasaboorkaaga aan la heli karin, maadaama aad tiro qalad ah ku buuxisay, ayuu raaciyay madaxa warbaahinta ee SAS.

Tore Rosseland oo ah la taliye katirsan hey\ adda maamusha booliska Norway ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in qofku uu mar walbe adeegsado tirooyinka iyo xarfaha baasaboorka oo dhan, si uusan ula kulmin dhibaato aan daruuri aheyn.

Xigasho/kilde: Nye pass forvirrer reisende – SAS advarer.

Turkiga baasaboor la’ aan ayaad u safri kartaa.

Waxaa bilihii ugu danbeeyay dalkan Norway ka taagnaa dhibaato weyn oo la xiriirta cusbooneysiinta baasaboorka Norwiijiga ah, xili ay sanadkan boqolaal kun qof oo Norway ka baxaya ay rabaan inay aadaan fasax dalka dibadiisa ah.

Booliska oo dhowr mar arrintan warbixin kasoo saaray, ayaa sheegay in awooda baasaboor sameynta ee booliska ay aad uga yartahay dalabaadka ka imaanaya dadka raba inay cusbooneysiistaan baasaboorka Norwiijiga ah.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 300.000 ilaa 400.000 ayaa la qiyaasiyaa in xiligan ay yihiin baasaboor la’ aan, iyada oo soo dhawaaday fasaxii xagaaga.

Dowlada Norway ayaa horey u sheegtay inay wadahadal kula jirto dalalka kale ee Yurub, gaar ahaan kuwa fasaxyada ay inta badan u aadaan dadka ka taga Norway. Waxeyna dowladu sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dadka Norwiijiga ah loogu fududeyn lahaa socdaalkooda dibadda, iyaga oo adeegsanayaa aqoonsiyo aan baasaboor aheyn.

Turkiga: Baasaboor la’ aan dalkeena waa lagu soo gali karaa.

Sida safaaradda Turkiga ee Norway ay u xaqiijisay wargeyska Nettavisen, dadka Norwiijiga ah ee aan heysan baasaboorka, ayaa baasaboor la aan ku gali karo dalka Turkiga, hadii ay heystaan waraaqda aqoonsiga qaranka ee ID-kort.

Hadalka safaaradda ayaa yimid kadib markii shaley ay wada kulmeen wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Norway iyo Turkiga,  Mevlüt Cavusoglu og Anniken Huitfeldt.

Turkiga oo aan kamid aheyn dalalka la isku yiraahdo Shenchen-ga, ayaa waxaa sida caadiga ah waajib ahaan jirtay in qofka galayo uu wato baasaboor, Shervindokt Najafpour oo katirsan safaaradda ayaa wargeyska u sheegay in dowladu Turkiga ay soo rogtay talaabo ku meel gaar ah oo safarka loogu fududeynayo dadka Norway u dhashay ee aan heysan baasaboorka.

Shervindokt Najafpour ayaa sidoo kale sheegay in qofku uu u baahanyahay ID-kort, si uu usoo galo Turkiga..

Xigasho/kilde: Tyrkia vil at du skal kunne reise dit uten pass.

Norway: Goboladan horey la isugu daray oo hadana la kala gooyay.

Baarlamaanka Norway ayaa maanta oo Talaado ah meelmariyay in la kala gooyo gobolka weyn ee Viken, dibna loogu celiyo sadexdii gobol ee horey uu uga koobnaan jiray ee Akershus, Buskerud iyo Østfold.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale go´aamiyay in gobolada Vestfold iyo Telemark uu mid walba dib ugu noqdo gobolnimadiisa, lagana noqdo go´aankii labadaas gobol horey loogu mideeyay. Gobolada Finnmark iyo Troms oo horey hal gobol lagu mideeyay ayaa iyagana mid walba dib ugu noqon doono gobol gaar ah.

Ansixinta baarlamaanka ee dib u kala goynta gobolada la mideeyay ayaa waafaqsan soo jeedin ay horey usoo jeedisay xukuumadda. Waxeyna dhaqan galinta gobolada cusub ka bilaaban doonaan kowda(1) bisha koowaad(1) ee sanadka 2024.

Norway ayaa wixii ka danbeeyo 1.1.2024 ka koobnaan doonto 15 gobol, halka ay hada ka kooban tahay 11 gobol.

Xigasho/kilde: Stortinget vedtok fylkesoppdeling.

Sweden oo u dabacday Turkiga.

Dowlada dalka Sweden ayaa sheegtay inay adkayneyso sharuucda udejisan ladagaalanka kooxaha argagixisada ah, arrintaas oo qayb ka aheyd shuruudii uu dalka Turkiga hordhigay Sweden, si looga shaqeeyo codsiga Sweden ee kamid noqoshada Nato.

Raysul wasaaraha dalka Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in dowlada Sweden ay mashquul ku ahayd la dagaalanka argagixisada, hadana ay sii xoojianyaan sharciyada ka dhanka ah argagixisada laga bilaabo kawda(1) bisha todobaad ee sanadkan.

hadalkan ayay ka sheegtay shir jaraa´id oo la xriiray booqasho uu dalkaas ku yimid xog hayaha guud ee ururka NATO Jens Stoltenberg maalintii isniita.

Sweden waxay si joogtaa usoo waday sharciyada kad hanka ah ladagaalanka argagixisada sanadadii u dambeeyey, mana jirto cid ku khasabtay Sweden ladagaalanka argagixisada » Sidaa waxaa tiri raysal wasaaraha Magdalena Andersson.

Raysul wasaaraha Sweden ayaa isku dayeysa inay ka dhabayso dalabaadka Turkiga ee ku aadan in xiriirka loo gooyo urruro dhawr ah oo dowlada Turkiga kasoo horjeeda, gaar ahaa jabhadda kurdida ah ee loo yaqaan PKK.

Madaxweynaha Turkiga ayaa horay u diiday in Sweden ka mid noqoto ururka Nato hadii aysan aqbalin shuruudo dhawr ah oo Turkigu rabo inay Sweden fuliso.

Xog-hayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo ka hadlay shirka jaraa´íd ayaa sheegay in shir waynaha ka qabsoomaya Magaalada Madrid ee dalka Spain bisha todobaad uusan u muuqan inuu yahay xiliga udambeeya ee Finland iyo Sweden ay kamid noqonayaan ururka Nato.

Waxa kale oo uu sheegay in sadexda wadan ee Sweden, Finland iyo Turkigu ay yihiin sadexda wadan ee la rabo inay heshiiyaan, taasna aysan macquul ahayn in xili loo cayimo balse qorshuhu yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay ku dhacdo.

Xigasho/kilde: Sverige strammer inn lovverket rundt terrorisme – imøtekommer deler av Tyrkias krav.

Norway: 758 qof ayaa khamro darteed u dhintay labo sano gudahood.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday machadka caafimaadka dadweynaha ee Norway, labadii sano ee lasoo dhaafay ee uu socday feyruska corona, waxaa geeri ay sababtay khamri cabis gudaha Norway ugu geeriyooday dad gaaraya 758 qof.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2021 oo kali ah 371 qof ayaa gudaha Norway ugu geeriyooday khamri cabis.

Jørgen Gustav Bramness oo ah cilmibaare katirsan machadka caafimaadka dadweynaha Norway ayaa sheegay in dadkii horey u cabi jiray khamriga, ay aad usii badsadeen khamri cabista labadii sano ee uu socday feyruska corona. Sidaas darteedna ay u badatay tirada dadka xanuunadda daran ka qaada khamri cabista ama u geeriyoodaba.

Xigasho/kilde: 371 personer drakk seg i hjel i fjor.

Jens: Waan fahmi karnaa walaaca Turkiga.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo booqasho ku jooga dalka Finland, ayaa sheegay in walaac dhinaca ammaanka ah oo ay Turkigu ka muujisay codsiga xubinimada ee dalalka Finland iyo Sweden ee ka mid noqoshada NATO ay tahay mid sharci ah.

«Kuwani waa walaacyo sharci ah, waxayna ku saabsan yihiin argagixisada iyo dhoofinta hubka,» ayuu Stoltenberg ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Finland Sauli Niinisto oo uu ku booqday hoygiisa magaalada Naantali.

Sweden iyo Finland ayaa bishii hore codsaday inay ku biiraan xulafada difaaca reer galbeedka, taasoo jawaab u ah duullaanka Ruushka ee Ukraine. Balse waxa ay mucaaradad kala kulmeen Turkiga oo ku eedeeyay in ay taageeraan oo ay gabaad siiyaan mintidiinta Kurdiyiinta iyo kooxaha kale ee uu u arko argagixiso.

Stoltenberg ayaa sheegay in Turkiga uu yahay kan ugu muhiimsan xulafada isbaheysiga, gaar ahaan goobaha istaraatiijiga ah ee ku taal Badda Madow ee u dhaxeysa Yurub iyo Bariga Dhexe, wuxuuna tusaale u soo qaatay taageerada ay siisay Ukraine tan iyo markii Ruushka uu weerar militari oo uu ugu yeeray «Hawlgalka Military ee Gaarka ah» uu ku qaaday deriskooda 24-kii Febraayo.

«Waa inaan xasuusannaa oo aan fahamnaa in uusan jirin dal ka tirsan xulafada NATO oo la kulmay weerarro argagixiso oo ka badan kuwa Turkiga,» ayuu yiri Stoltenberg.

Stoltenberg iyo Niinisto ayaa sheegay in wadahadalada Turkiga ay sii socon doonaan balse ma aysan sheegin wax horumar ah oo laga gaaray wadaxaajoodyada.

«Kulanka Madrid waligiis ma ahayn waqti kama dambays ah,» ayuu yiri Stoltenberg, isaga oo tixraacaya shirkii NATO ee Madrid ka dhacay dhammaadka Juun.

Xigasho/kilde: VOA

Ma rabaan in nin madow uu qoyska boqorka kamid noqdo.

Isbuucii lasoo dhaafay, waxaa warbaahinta Norway iyo kuwa caalamka qabsaday warka ku saabsan in gabadha uu dhalay boqorka Norway ee Märtha Louise ay balan-guur la gashay Durek Verrett oo ah nin asal ahaan u dhashay Haiti, balse heysta dhalashada Norway.

Balan isku dhigashada guur ee labaddan qof oo mid walba gaarkiisa u leh taariikh iyo sheekooyin xiiso badan, ayaa baraha bulshada ka abuurtay hadal heyn badan. Iyada oo ay jiraan su aalo badan oo dadku iska weydiinayaan arrintan, gaar ahaan nooca xiriir ee ka dhaxeyn doono labadooda, iyo saameynta uu guurkoodu ku yeelan karo qoyska boqortooyada Norway oo ah qoys aad looga qadariyo gudaha Norway.

Durek Verrett iyo Märtha Louise oo muuqaal toos ah bartiisa Instram kula wadaagay taageerayaashiisa, ayaa sheegay inay la kulmeen hanjabaado dil ah, cunsuriyad toos ah iyo naceyb aad u badan, markii ay shaaciyeen arrintan guurkooda.

Durek ayaa hadlaya ayaa sida uu qoray wargeyska Expressen sheegay:

Waa marka koowaad e ma rabaan in nin madow ah uu kamid ah noqdo qoyska boqorka. Waligeed horey uma dhicin in qof madow ah uu ka mid noqdo qoyska boqortooyada Yurub. Arrintaas waa kiis weyn iyaga xagooda.

Waa marka labaad Martha waa qof dumar ah. Isku mid ma ahan marka qof nin ah oo katirsan qoyska boqorku uu doorto qof midab kale leh.. Ninku wuxuu rabo ayuu dooran karaan, laakiin in gabar reer boqor ah ay calmato nin madow ah, horey uma aysan dhicin. Arrintaasna dadku wey liqi la\ yihiin.

Martha ayaa dhankeeda sheegtay in xiriirka kala dhaxeeyo Durek ay dartiis ay wax badan ka ogaatay cunsurinimadda, iyo faa’ iidooyinka uu heysto qofka cad.

Xiriirka ka dhaxeeyo Durek iyo Martha ayaa soo bilowday sanadkii 2019. Wuxuuna dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ahaa mowduuc abuuro hadal heyn. Dhawaan ayay shaaciyeen inay is guursan rabaan, balse wali ma aysan sheegin taariikhda guurkooda, iyo meesha uu ka dhici doono.

Xigasho/kilde: Durek Verrett: – Folk vil ikke se en svart mann i kongefamilien.

Booliska: Hada waxaad internetka ka ogaan kartaa dhibcaha leysinkaaga.

Sida marar badan dhacda, marka ay boolisku qofka gaari-wadaha ku qabtaan inuu jabiyay shuruucda baabuur wadista, ama kuwa wadooyinka, waxaa ganaaxa lacageed ka sokow, leysinka qofka darawalka ah ee qaladka sharci sameeyay lagu dhigaa dhibco(Prikker) muujinaya inta mar ee qalad lagu qabtay, iyo nooca qalad ah ee uu qofkaas uu sameeyay.

Hadii ay badaan dhibcaha(Prikker) leysinka qofka ku yaal, waxey aakhirka keeni karaan in qofku dib looga ceshto leysinka, ama mudo cayiman loo diido inuu baabuur wado.

Xiliyadii hore qofka darawalka ah ee raba inuu ogaado tirada dhibcaha lagu qoray leysinkiisa, ayaa ku qasbanaa inuu tago xarumaha booliska, uuna qoraal ahaan u gudbisto codsi uu ku dalbanayo arrintaas.

Balse booliska ayaa qoraal ay dhawaan soo saareen ku sheegay in wixii hada ka danbeeyo uu qofku isaga oo gurigiisa joogo uu internetka ka ogaan karo tirada dhibcaha ku yaal leysinkiisa baabuur wadista iyo xiliyadda ay dhacayaan.

Booliska ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo raba inay ogaadaan tirada dhibcaha leysinka, iyo goorta ay dhacayaan( ganaaxooda uu dhamaanayo). Ayna hadda ku faraxsanyihiin in la keenay xalka ay dad badan ku ogaan karaan arrintan, iyaga oo adeegsanayo internetka.

Qofka arrintan raba inuu ogaado, ayaa toos u gali karo barta booliska ee  Politiet.no(Liix linkiga*)

Sida caadiga ah qofka ayaa ugu badnaan la siin karaa sideed(8) dhibcood mudo sadex(3) sano ah. Hadii uu qofku sadex sano gudahood helo wax badan sideed(8) dhibcood, waxaa baabuur wadista laga ganaaxi karaa mudo 6 bilood ah. Marka uu qofku gaaro sideed dhibcood, ayeyna boolisku usoo diraan waraaq digniin ah.

Xigasho/kilde: Nå kan du sjekke hvor mange prikker du har på førerkortet på politiets nettside.

Askar dhaawac ah oo Ukraine u dhashay oo daaweyn Norway loogu soo qaaday.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada Norway, waxaa maanta Norway laga soo dajiyay sadex askari oo u dhashay dalka Ukraine, kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalka Ruushka iyo Ukraine. Waxaana askartan lagu daaweyn doonaa isbitaaladda Norway.

Norway ayaa kamid ah Sideed (8) dal oo balanqaaday inay daabulitaan iyo daaweyn u sameyn doonaan askarta Ukraine u dhalatay ee dhaawaca ah. Waxaana arrintan oo EU-du ay garwadeen ka tahay loogu magac-daray( UCPM).

Dowlada Norway ayaa horey u meelmarisay inay soo qaadi doonto 550 bukaan( qof jiran/dhaawacan) oo Ukraine u dhashay, iyada oo arrintan ay soo hoosgalayaan askarta dhaawaca ah. Sadexda askari ee maanta Norway la keenay ayaa kamid ah qorshahan ay horey dowlada Norway u balanqaaday.

Wasiiradda caafimaadka Norway Ingvild Kjerkol ayaa sheegtay in caawinta Norway ay bixineyso, ay culeyska ka yareyn doonto isbitaaladda iyo goobaha caafimaadka Ukraine, oo culeys aad u badan uu kasoo fuulay dagaalka Ruushka Iyo Ukraine.

Askarta dhaawaca ah ee la keenay ayaa si lamid ah qoxoootiga Ukraine loo soo bandhigi doonaa inay degaan mid kamid ah degmooyika Norway.

Xigasho/kilde: Regjeringen: De første sårede soldater fra Ukraina har ankommet

.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.