torsdag, mars 20, 2025
Home Blog Page 44

Germany: 136.000 qoxooti ah oo degenaansho rasmi ah heli karo.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowlada Germany, qoxootiga ugu yaraan mudo shan(5) ah degenaa dalka Germany, ayaa xaq u yeelan kara sharciga degenaanshaha rasmiga ah ee dalkaas. Arrintan ayaa khuseyn karta ilaa 136.000 qof oo qoxooti ah oo dalkaas kunool.

Dowlada Germany ayaa sheegtay in dadka arrintan ka faa’ iideysan kara ay marka hore soo codsan karaan sharci kumeel gaar ah oo hal sano ah, kadibna ay codsaan karaan degenaansho rasmi ah.

Dadka ka yar da’da 27-ka sano ayaa codsan karo degenaansho rasmi ah, marka ay sadex(3) sano dalka joogaan, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday dowlada Germany.

Shuruudaha ku xiran in qofku uu shaqo heysto, uu baranayo luuqada Germany, sidoo kalena uu cadeyn karo in bulshada dalka si fiican uga qabsaday, bulshadana u dhex-galay.

Wasiiradda arrimaha gudaha dalka Germany, Nancy Faeser ayaa sheegtay in dowlada dalkaas ay rabto in dadka mudadda ku noolaa Germany fursad la siiyo. Sidaasna lagu joojiyo mustaq-bal hubaal la’ aanta lasoo daristo qoxootiga dalkaas ku noolaa mudada dheer, qeybna ka noqday bulshada.

Sharciga oo dhawaan la saxiixay ayaa sidoo kale dowlada Germany u fududeynayo inay Tarxiisho dadka danbiyada gala ama ciqaab-xabsiyeedka lagu xukumo.

Xigasho/kilde: Vil gi permanent opphold til over 100.000 migranter.

Nin dhimanaya oo aysan caawin darteed baa dacwad loogu soo oogay.

Haweenay (50) kontomeeyo jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inaysayn caawin, una wicin hay´adaha gurmadka degdega ah nin xaalad khatar ha oo dhimasho ah ku jiray xili uu gurigeeda ku sugnaa.

Sida uu qoray wargeyska Bergens Tidende haweenaydan ayaa laga rabaa inay timaado bisha sideedaad(8) maxkamada gobolka Hordaland, si loo qaado dhegaysiga dacwadda lagu soo oogay.

Sida la xaqiijiyey ninkan oo ahaa da´ada (20) labaatameeyo ayaa geeriyooday xili uu kusugnaa haweenaydan gurigeeda dhamaadka sanadkii hore.

Haweenaydan ayaa mudan karta ganaax hadii lagu helo inay jebisay sharciga caawinta waajibka ah oo waajib ka dhigaya in qofku uu caawiyo hadii uu la kulmo qof xaalad adag kujiro ama uu wargaliyo hay´adaha gurmadka deg dega ah.

Haweeynaydan ayaa sidoo kale wax laga waydiinayaa kiniiniyo iyo mukhaadaraad kale oo gurigeeda laga helay.

Xigasho/Kilde: Kvinne tiltalt for ikke å tilkalle hjelp da en mann døde

Booliska: Dad badan ayaa hada heli kara baasaboorkan.

Warbixin kasoo baxday booliska Norway ayaa lagu sheegay in dad badan ay hada codsan karaan, helina karaan baasaboorka xaaladdaha deg-dega ah ee Nødpass. Waxeyna boolisku sheegeen in qof walba oo horey usii dalbaday safar dibadda ah, uuna ka dhacsanyahay baasaboorka caadiga ah, uu hada soo codsan karo baasaboorka Nødpass.

Booliska ayaa warbixintooda ku sheegay in dadka safaradda dibadda ah u baxayo, ay codsan kartaan baasaboorka Nødpass, laga bilaabo marka ay 7 maalmood ay ka dhimantahay maalinta uu qofku safarka u baxayo. Arrintan ayaa ka dhigan in aysan boolisku ka shaqeyn doonin codsigfa qofka codsaday baasaboorka Nødpass, ilaa 7 maalmood oo qur ah ay ka harsanyihiin safarkiisa.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in aysan ogeyn in dhamaan dadka soo codsado oo dhan ay wada heli doonaan baasaboorka, maadaama tirada baasaboorka Nødpass ee boolisku ay keydka ku hayaan ay koobanyihiin.

Bjørn Vandvik oo katirsan hey’ adda maamusha booliska Norway ayaa sheegay in booliska ay balaariyeen dadka heli karo baasaboorka Nødpass, si dad badan oo aan fursad u helin cusbooneysiinta baasaboorka, aysan uga baaqan fasaxyadda dalka dibadiisa ah.

Wuxuuna raaciyay in ay si fiican ula socon doonaan xaaladda, si hadii dad kale ay u baahdaan baasabooro deg-deg ah ay boolisku u sameyn karaan.

Xigasho/kilde: Politiet vil la enda flere få søke om nødpass.

90% dadka oo helay jawaabta canshuur-celinta.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hey¨adda canshuuraha ee Skatte-etaten, 4,4 milyan qof oo Norway kunool ayaa helay jawaabta canshuurta celinta. Tiradaas oo ka dhigan in 90% boqolkiiba dadka mushaarleyda ah( dadka shaqaalaha ah) iyo kuwa howlgabka ah ay heleen jawaabta waraaqda canshuur-celinta.

Waaxda canshuuraha ayaa bilowga bisha Maarso ee sanad walba dadka u dirto waraaqda canshuur-celinta, waxeyna dadka ka codsataa inay buuxiyaan wixii macluumaad ah ee ka dhiman xogta dakhliga qofka soo galay sanadkii lasoo dhaafay.

Marka la gaaro bilowga Bisha June, hey’ addaha ayaa ugu danbeyn dadka usoo dirta canshuur-celin, waxaana qofka lacag lagu yeesho loo soo diraa waraaq Faktura ah( lacag bixin ah), halka ah qofka lacagta yeesheyna uu dib u helo lacagtii canshuurta dheeraadka ahaa ee uu bixiyay.

Hadii aadan weli helin jawaabta canshuur-celinta, waxaad ugu horaan heli doontaa 17-ka bisha august(8), sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay waaxda canshuur-celintu. Waxaana wixii intaas ka danbeeyo dadka aan jawaabta weli helin, loo soo jawaabi doonaa, marka ay hey’ addu ka shaqeyso warbixin-sanadeedka dakhliga iyo canshuurta qofka.

Hey’ adda canshuuraha ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa hada ay 30 bilyan oo kr oo canshuur celin ah ay u celisay dadka bixiyay canshuurta dheeraadka ah.

Xigasho/kilde: Ni av ti har fått skatteoppgjøret sitt.

Deg-deg: Dhowr qof oo ku dhintay weerar toogasho ah oo København ka dhacay

Inta ilaa hada la xaqiijiyay dhowr qof ayaa ku dhintay weerar caawa fiidkii ka dhacay suuq laga dukaameysto oo kuyaal magaalada København ee caasimadda dalka København. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad kale oo dhaawac ah.

Warbaahinta dalka Denmark oo soo xiganeyso goobaha caafimaadka magaalada København ayaa qorayo in ilaa sadex qof oo qaba dhaawacyo la geeyay isbitaaladda, balse aan wali xaaladooda iyo nooca dhaawacyada gaaray la xaqiijin.

Goobta uu falkan ka dhacay ayaa senter caan ah oo laga dukaameysto, kuna yaal bartamaha magaalada caasimadda Denmark.

Nin 22-sano jir Daanish Dhalad ah ayaa falkan loo qabtay, sida ay sheegeen boolisku. Boolisku waxey sheegeen inaysan ogeyn sababta ka danbeyso falkan, ayna wadaan baaritaanka arrintan la xiriira.

Wixii kusoo kordha arrintan dib ayaan kasoo galin.

Daawo:Soomaalida Oslo oo si weyn u xusay maalinta kowda Luulyo.

Maalintii shaley aheyd ee Jimcaha, kuna aadaneyd kowda(1) Bisha Luulyo(7) oo, 62 sano guuradii kasoo wareegtay maalintii la abuuray jumhuuradda Soomaaliya ee xorta ah.

Warbaahinta NorSom TV ayaa mikrofoonka la dhex qaaday qaar kamid ah soomaalidii kasoo qeybgalay xafladda Kowda Luulyo ee Oslo. Waxaana weydiinay dareenkooda ku aaday maalintan.

Dalalkan oo ogolaaday in baasaboor dhacsan loogu safri karo.

Iyada oo lagu jiro xiligii fasaxa ee xagaaga, waxaa Norway wali ka jirto caqabad la xiriirto helista balanta cusbooneysiinta baasabooradda, kadib markii tirada dadka soo codsaday cusbooneysiinta baasaboorka ay ka badatay awooda iyo xagmiga baasaboor-sameynta ee baasaboorka.

Dalka Turkiga ayaa horey u ogolaaday in muwaadiniinta Norwiijiga ah ee uu ka dhacay baasaboorka, ay dalkaas soo gali karaan baasaboor la’aan, hadii ay wataan kaarka aqoonsiga qaranka. Halkan kasii akhri.

Sida ay sheegtay wasiiradda cadaaladda Norway, Emilie Enger Mehl, dalal kale ayaa sheegay inay muwaadiniinta Norwiijiga ah u ogolaanayaan inay dalkooda soo galaan, hadii uu ka dhacsanyahay baasaboorka. Dalalka Germany, Estland, Portugal iyo Iceland ayaa sheegay in muwaadiniinta Norwiijiga ah ay dalkooda kusoo gali karaan baasaboor la’ aan.

Xigasho/kilde: Flere land godtar bruk av utgåtte norske pass.

Wasiirad Nancy: Taladan ayaan siinayaa waalidka raba inay ilmahooda dhaqan-celiyaan.

Marka uu dhamaado xiliga fasaxa xagaaga ee iskuuladu xiranyihiin, caruur badan ayaan dalka dib ugu soo noqon, marka ay bilaabaan sanad-dugsiyeedka iskuuladda. Arrintaas ayaana dhalisay wel-wel ay dowlada Norway ka qabto waxa ay la kulmi karaan caruurta aan iskuuladda kusoo noqdan, marka uu bilowdo sanad dugsiyeedka cusub.

Mid kamid ah arrimaha ka danbeeya in ilmuhu aysan dib ugu soo noqon, ayaa ah in waalidiinta qaarkood ay go aansadeen inay ilmaha uga soo tagaan dalalka kuyaal Afrika ama carabaha, iyaga oo ka fakaraya in loo sameeyo waxa loo yaqaano dhaqan-celinta, gaar ahaan barashada afka iyo luuqadda.

Dhaqan-celinta ayaa sida waalidku jecelyahay ilmaha u leh faaiidooyin ay kamid yihiin inuu soo barto dhaqankiisa iyo luuqadda afka hooyo, waase hadii ay waalidku u dajiyeen qorshe wanaagsan, uuna raaco mid kamid ah waalidiinta, ilmahana uu raali ka yahay. Balse dhanka kale hadii uusan ilmuhu raali ka aheyn in dalka dibadiisa looga soo tago, waxaa ilmaha ay ku yeelataa saameyn xoogan.

Nancy: Waalidku caawin ha raadsadeen inta aysan talaabadaas qaadin:

Wasiiru-dowlaha isdhexgalka iyo shaqada dowlada Norway oo dhawaan wareysi siineysay NorSom News ayaa waalidiinta ajaaniibta ah kala talisay inay dhaqan-celin u diraan ilmahooda, iyada oo sheegtay in arrintaasi ay ilmaha ku yeelan karto saameyn iyo dhaawac xoogan oo xaga koritaanka iyo waxbarshada ilmaha ah.

Nancy oo aaminsan in waalidiintu ay wanaag uga gol leeyihiin arrintan, ayaa hadana waalidka kula talineyso inay raadsadaan talo iyo caawin xaga dowlada, iyada oo aaminsan in waxyaabo badan oo waalidku ay dibadda ka raadinayaan, ay ka heli karaan gudaha Norway, hadii ay waalidku caawin ka raadsadaan nidaamka dowliga ah, ayna ka cabsan oo kalsooni ka dhex abuuranto waalidka iyo hey’ addaha dowlada.

Taladda ugu wanaagsan ee aan waalidka ka fakarayo in ay ilmahooda dhaqan-celiyaan aan siin lahaa waxa ay tahay in si dhab u qiimeeyaan saameynta guracan ee ilmaha ay ku yeelan karto dhaqan-celinta, waxaan ognahay in arrintan ay cawaaqin aan fiicneyn u keeni karto ilmaha, ayay tiri Nancy herz

Wasiiru dowlaha oo ka hadashay saameynta ay ilmaha u keeni karto in isaga oo raali ka aheyn looga soo tago dalka dibadiisa, ayaa tiri:

Ilmuhu waxa uu dareemi karaa niyad jab iyo inay dareemaan in xuquuqdooda aysan helin, iyo in xadgudub maskaxeed ama jireed kala kulmaan meelaha la geeyay, taas oo dhaawici karto mustaqbalkooda iyo ku xirnaantooda bulshada, ayay hadalkeeda raacisay wasiirada.

Ma aaminsani in waalidku ay arrintan xumaan uga danleeyihiin, ama ay rabaan inay ciqaab uga dhigaan ilmaha, balse hadana cawaaqibta ka dhalan karto ayaa noqon karo kuwo aad u xoogan oo ay adagtahay in dib looga soo kabto, sidaas darteed ayaan waalidka kula talinayaa in arrintaas aysan marnaba sameyn. ay doontaan caawin.

Hadalka wasiiradda ayaa kusoo aadayo xili maalmo kahor ay war saxaafadeed soo saaren sadex wasaaradood, kuwaas oo dowladaha hoose iyo degmooyinka uga digay inay kasii hortagaan ilmaha dalka dibadiisa looga soo tagayo, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Weeraro waaweyn oo dhanka Internetka oo Norway lagu soo qaaday.

Maalintii shaley aheyd waxaa boggaga internetka ee hey’ addo badan oo kamid ah kuwa dowlada Norway lagu soo qaaday weeraro xaga internetka ah, kuwaas oo hawada looga saaray boggaga internetka ee hey’ addahaas. Sidoo kale waxaa hawada laga saaray boggaga wargeyska ugu waaweyn dalkan Norway.

Meelaha la weeraray waxaa kamid ah hey’ addo halbowle u ah shaqada dowlada ama bulshada Norway. Gaar ahaan adeegyadda Altinn iyo Bank ID. Waxaana la isku dayay in la weeraro ama weerar lagu qaaday boggaga hey’ addaha NAV, UDI, bogga Buy-Bass iyo xitaa bogga booliska Norway.

Dowladda ayaa shaley sheegtay in weerarkaas ay ka danbeeyaan koox burcad internet ah oo laga abaabulo dalka Ruushka. Kooxdan oo lagu magacaabo Killnet ayaa horey usoo saartay digniin ku socoto dowlada Norway, waxeyna sheegeen inay weerar internetka ah ka fulin doonaan Norway.

Habka ay kooxahan u weeraraan baraha internetka ayaa ah inay culeys ka dhigaan barta internetka ee ay weeraraan( Jaam-kareeyaan), taas oo ugu danbeyn keento in hawada uu ka baxo ama uu culeys noqdo inuu shaqeeyo.

Wasiiradda amniga Norwaya ayaa sheegtay inay dhici karaan weeraro kale oo maalmahan soo socdo lagu soo qaado Norway. Waxeyna sheegtay in dowladu ay qorsheyneyso sidii looga hortagi lahaa.

Xigasho/kilde: Advarer om at vi kan se flere dataangrep framover.

Erdogan: Sweden waxey balan-qaaday in 73 qof ay noo soo gacan-geliso

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in dowlada dalka Sweden ay Turkiga u balan-qaaday soo gacan-galinta 73 qof oo uu ku tilmaamay argagaxiso, kadib heshiiskii ay Madrid ku wada galeen madaxda labadda dal.

Halkan ka akhri: Erdogan oo wax walba oo uu rabay ka helay Sweden iyo Finland.

Erdogan ayaa arrintaas ku sheegay guul diblomaasi oo weyn, wuxuuna labadda dal ka codsaday inay fuliyaan codsigaas kahor inta baarlamaanka Turkigu uusan ka shaqeyn codsiga Sweden ee kamid noqoshada Nato.

Turkiga ayaa horey Sweden ugu tilmaamay hoyga iyo gabaadka argagaxiso, maadaama ay dalka Sweden si xor ah uga howlgalaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid bulsho-ba ka sameeyaan ururadda kurdiga ee la dagaalama dowlada Turkiga.

Xigasho/kilde: Erdogan: Sverige har lovet å utlevere 73 «terrorister» til Tyrkia

Erdogan oo wax walba oo uu rabay ka helay Sweden iyo Finland: 4 qodob.

Turkiga ayaa shaley ogolaaday in ururka Nato uu aqbalo ka shaqeynta codsiga kamid noqoshada ururka Nato ee dalalka Finland iyo Sweden. Ogolaanshaha Turkiga ayaa kasoo horjeedo go’ aankii uu madaxweynaha dalka Turkiga horey ugu diiday in Finland iyo Nato ay kamid noqdaan ururka Nato.

Su aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa aheyd maxaa sababay isbadalka ku yimid go’aanka dowlada Turkiga. Jawaabta ayaana noqoneyso in madaxweynaha dalka Turkiga uu dhamaan waxyaabihii uu dalbaday uu ka helay madaxda dalalka Finland iyo Sweden, uuna ka saxiixay heshiis is-afgarasho ah.

Waxyaabaha uu Turkiga dalalkaas ka codsaday ee la ogolaaday ayaa waxaa kamid ah:

  1. In Sweden iyo Finland aysan taageerin ama wax caawin ah oo macnawiyan ah ama gacan ah aysan siin karin ururadda la dagaalama dowlada Turkiga, gaar ahaan ururadda kurdiga ee PKK iyo YPG. Dowlada Turkiga ayaa ururadaas u aqoonsan argagaxiso, halka Sweden iyo Finland ay argagaxiso ugu jirin liiskooda. Saas oo ay taheyna labadaas ururba hada waxey noqon doonaan kuwa aan laga rabin Sweden iyo Finland. Waxeyna hadda gali doonaan liiska ururadda argagaxisda ee EU-da.
  2. Intaas kuma ekaan e, Erdogan ayaa labadda dowladoodba ka saxiixay inay la dagaalamaan dhamaan dhaq-dhaqaaqyadda siyaasi ama milatari ee ururadaas iyo xubnahooda ay ka sameeyaan gudaha Finland iyo Sweden. Qodobkan ayaa lagu micneeyay in howlaha ururuadaas dhamaantooda laga mamnuuci doono labadda dalba.
  3. Labadda dalba waxey balan-qaadeen inay Turkiga usoo gacan-galin doonaan dadka Turkiga uga eedeysan argagaxisada ee dowladu Turkiga ay dalbadu in loo soo gacan-geliyo. Turkiga ayaa mar horeba diray liis ay ku qoranyihiin 33 xubnood oo Kurdi ah, kuwaas oo Turkiga uga eedeysan argagaxiso.
  4. Sweden ayaa qaadi doonto xayiraadii dhoofinta hubka ee horey ay Sweden u saartay Turkiga.

Ogolaanshaha Finland iyo Sweden ee dhamaan afartan qodob ayaa ka dhigan in Erdogan iyo Turkiga loo yeelay dhamaan wixii ay codsadeen. Taa badalkeedana uu Turkigu ogolaaday in la aqbalo ka shaqeynta codsiga Finland iyo Sweden.

Booliska Norway oo baajiyay kulan lagu gubi lahaa kitaabka quraanka ah.

Booliska Norway ayaa joojiyay isku soo bax ay qorsheynayeen ururka xagjirka ah, kuna caanbaxay islaam-naceybka ee SIAN. Kulankan oo ay ururka SIAN qorsheeyee in lagu qabto afaafka hore ee aqalka baarlamaanka Norway, ayay rabeen in meel fagaare ah ay ku gubaan kitaabka Quraanka kariimka ah.

Booliska ayaa qoraal saxaafadeed oo ay soo saareen ku sheegay in iyada oo la qiimeynayo xaaladda halisaha amni ee dalka xiligan ka jirto, lana tixgalinayo muhiimadda ilaalinta kala danbeynta iyo xasiloonida, ay ku wargaligayeen ururka SIAN in banaanbaxoodii la baajiyay.

Qoraalka ay boolisku soo saareen ayaa lagu sheegay in hey’ addaha amniga oo qiimeynayo xaaladda halisaha amni ee xiliga dalka ka jirta, aan la ogolaan karin la i qabto banaanbaxaas oo ujeedkiisu ahaa in meel fagaare ah lagu gubo kitaabka quraanka kariimka ah. Waxeyna tixraac ka dhigteen rabshado ka dhashay kulamo hore oo lagu gubay kitaabka quraanka kariimka ah.

Booliska ayaa isla qoraalkooda ku sheegay inay jiri karaan cabsi laga qabo rabshado ka dhasha kulankaas, sidaas darteedna ay boolisku go’ aansadeen in xili kale loo wareejiyo.

Xigasho/kilde: Politiet stanser en demonstrasjon Sian ville holde utenfor Stortinget lørdag.

Taksiile 7 bilood oo xabsi ah lagu xukumay, arrintan darteed.

Taksiile ka shaqeeyo degmooyinka Bærum iyo Ringerike, ayaa lagu xukumay 7 bilood oo xabsi ah. Kadib markii lagu helay danbi ah in uu xad-gudub jinsiyeed (Damaaci galmo) u geystay gabar rakaab ah oo taksigiisa saarneyd. Xukunka xabsiga ah waxaa u dheer in lagu xukumay in lacag magdhow ah oo gaareyso 150.000 kr uu siiyo gabadha dhibanaha ah oo da ahaan jirtay 17 sano xiliga uu falkaas dhacay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ninkan oo da’ ahaan jiro kontomeeyo sano(50) ka mamnuucday in inta noloshiisa ka dhiman uusan wadi karin gaadiidka dadweynaha ee Taxi-ga.

Taksiilaha la xukumay ayaa iska fogeeyay danbiga lagu eedeeyay, wuxuuna maxkamadda ka hor sheegay inuusan galin danbiga lagu eedeynayo. Balse maxkamadda ayaan rumeysan sharaxaada ninkan, maadaama lagu eedeeyay in dhowr mar oo kala duwan uu siyaabo kala duwan u sharaxay qaabkii ay wax u dhaceen.

Sharaxaada eedeysanaha waxaa sidoo kale dhaawacay kadib markii haweeney kale oo marag-fur ka sameysay maxkamadda ay sheegtay in xad-gudub noocaas oo kale ah uu horey ugu geystay isla taksiilahan.

Xigasho/kilde: Drosjesjåfør dømt for overgrep.

Mohamed Nuur oo ugu danbeyn xabsiga laga sii daayay.

Askari hore uga ka tirsanaa booliska Minneapolis oo loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn ayaa xabsiga laga sii daayey. Maxamed Nuur oo ah Soomaali Maraykan ayaa xabsiga haatan laga sii daayey ku jiray saddex sano.

Markii ugu horraysay ee maxkamadda la soo taagay waxay lagu helay dil kama’ ah oo waxa muddo markii ay socotay dacwadiisu kama dambaystii sannadkii 2019 lagu xukumay laba iyo toban sano iyo bar xarig ah. Laakiin racfaan ay xukunkaa ka qaatay qareennadiisu ayaa muddo ka dib ay maxkamadda sare ee gobolka Minnesota u oggolaatay in laga dhigo xukunkiisa shan iyo dhowr bilood.

Af-hayeen u hadlay waaxda asluubta ee gobolka oo xaqiijiyey sii daynta maxbuuskaa ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayo ay dhaqdhaqaaqiisa la socdaan maamulka magaalada uu ku nool yahay. Waxaanu intaa ku daray in Maxamed Nuur intii uu ku jiray xabsiga gobolka North Dakota aanu ku kicin falal ashax xumo ah.

Gobolka Minnesota ayaa sharciyadiisu waxay fasaxayaan in maxbuuska hab dhaqan fiican muujiya inta uu xabsiga ku jiro lagu hayo mudada xadhigiisa saddex meeloodow laba inta hadhayna dibadda ku qaadanaya oo lala socon doono. Maxamed Nuur ayaa waxay boolisku habdhaqankiisa la socon doonaan ilaa 24 January ee sannadka 2024.

Gabadhii ku baxday gacanta Maxamed Nuur hooyadeed oo warbaahinta la hadashay ayaa iyada oo ka falcelinaysa sii daynta maxbuuskaas waxay tiri.

“Aad baan uga xunnahay arintaas, aad baanu ula fajacsannahay in eeddii laga daayey waxa se nagaga sii daran hab dhaqanka booliska Minneapolis.”

Waxa la rumaysnaa in Maxamed Nuur yahay askarigii ugu horreeyey ee booliska gobolka Minneapolis ka tirsan ee lagu helo dembi ah in isaga oo shaqada ku jira uu qof toogasho ku dilay. Hase yeeshee ka dib waxa dhacday in askarigii kale ee dilay ninkii Marakanka madow ahaa ee George Flyod in isagana xabsiga loo taxaabay.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay”.

Xigasho/kilde: C.O

Ururada islaamka Norway oo cambaareeyay weerarkii toogashada Oslo.

Ururada ugu waaweyn ee matala ama ay ku mideysanyihiin shucuubta muslimiinta ah ee kunool dalkan Norway ayaa cambaareeyay falkii toogashada ahaa ee jimcihii magaalada Oslo lagu dilay labada(2) qof, laguna dhaawacay 21 qof oo kale.

Falka toogashada ah ayaa ka dhacay baarka London Pub oo ah baar caan ah oo ay ku kulmi jireen dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ama isku hawooda( LGBTQ). Waxaana falkaas loo qabtay Zaniar Matapour oo ah 42 sano jir muslim ah oo u dhashay gobolka Kurdida ee dalka Iiraan.

Heyádda sirdoonka Norway oo wali baaritaan ku wato falkan ayaa sheegtay in falkan uu noqon karo mid argagaxiso. Inkasta oo boolisku ilaa hada aysan sheegin cid ninkan ku wehelisay weerarka ama kala qeybqaatay qorsheyntiisa. 42 sano jirka ay boolisku falkan u qabteen ayaa ahaa qof ay horey boolisku uga shakisnaayeen

Golaha islaamka Norway oo ah dalad ay ku mideysanyihiin ku dhawaad 40 masaajid iyo urur diimeed oo muslim ah, ayaa cambaareeyay weerarka. Waxeyna sheegeen in falkaas uusan ka turjumeyn aragtida muslimiinta, uuna ku koobanyahay qofka sameeyay.

Warqada kasoo baxay ururka islaamka aya sidoo kale lagu sheegay in diinta islaamku aysan ogoleyn ama baneyn in la dilo dad aan waxbo galabsan, ha noqdaan gay ama dad kaleba ah. Waxeyna sii raaciyeen in ficilka uu ninka falka geystay uu ku laayay dadka uusan wax raad ah ku laheyn islaamka, uuna ahaa kasoo horjeedo diinta muslimka.

Sidoo kale ururadda kale ee islaamka Norway ayaa tacsi ka diray falkaas, waxeyna sheegeen in dareenka murugada ah la qeybsanayaan dadka ay dhibaatadda soo gaartay.

Xigasho/kilde: Islamsk Råd Norge fordømmer masseskytingen i Oslo.

Baarlamaanka EU oo aqbalay codsiga Ukraine.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Khamiistii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Midowga Yurub uu oggolaado musharaxnimada Ukraine, taasoo Ukraine u dhaweyneysa inay ka mid noqoto xulafada reer galbeedka oo siin jiray hub aad u badan si ay uga caawiyaan la dagaallanto duullaanka Ruushka ee afarta bilood jirsaday.

529 ayaa u codeeyay mooshinka Ukriane ee ka mid noqoshada Yurub, 45 kale ay diiday, halka 14 xildhibaan oo kale aysan soo xaadirin. Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Midowga Yurub ee Georgia iyo Moldova.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in tani ay tahay «waqti taariikhi ah oo ku jirta xiriirka Ukraine iyo mustaqbalka Ukraine ee Midowga Yurub».

«Waxaan hadda helnay magacaabista,» ayuu ku yiri Instagram-ka «Tani waa guusheenna.»

Si saddexda dal ay uga mid noqdaan 27-ka waddan ee Midowga Yurub, waxaa looga baahan yahay inay sameeyaan isbedello siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Madaxa golaha Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Ukraine ay “hore u fulisay ku dhawaad 70% sharciyada, xeerarka iyo halbeegga Midowga Yurub”. Laakiin waxay sheegtay inay jiraan waxyaabo badan oo kale sida «ku-dhaqanka sharciga, ka hortagga musuqmaasuqa iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah».

Xigasho/Kilde: VOA

Maxaa laga ogyahay Iiraaqiga ay boolisku u qabteen toogashadii Oslo.

Labo(2) qof ayaa ku dhintay, dad ka badana 20 qofna wey ku dhaawacmeen weerar toogasho ah oo habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Oslo. Sadex kamid ah dadka dhaawaca ah, ayay xaaladoodu meel haris ah mareysaa, sida ay laamaha caafimaamaadku sheegeen. Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa

Weerarkan oo lagu qaaday baarka London Pub oo ah baar caan ah oo isugu imaadaan dadka isku jinsiga ah ee isku hawooda( Gay) ayaa argagax weyn iyo hadal heyn tiro badan. Booliska ayaa isla daqiiqadaha uu weerarka dhaceyba meel aan ka fogeyn baarka dad lagu dilay ku qabtay zaniar matapour oo ah 42 sano jir ku eedeysan inuu ka danbeeyay falkan.

Ninkan oo isaga 12 jir ah bilowga sagaashamaadkii soo galay Norway, ayaa ah nin kasoo jeedo dalka Iran, asal ahaana Kurdi ah. Waxeyna boolisku sheegeen in ninkan uu ahaa qof ay boolisku horey u yaqaaneen. Waxaa horey loogu xukumay danbiyo la xiriira daroogo, hub sharci daro ah wadasho, gacan-hadal qoyska dhexdiisa ah iyo waliba isku dey dil.

Hey’ adda sirdoonka Norway ee PST ayaa sidoo kale sheegtay inay ninkan ka warqabeen dhaq-dhaqaaqiisa, ayna feylkiisa markii ugu horeysay fureen sanadkii 2015, markaas oo looga shakiyay inuu xagjiroobi rabay ama uu ku xirmi rabay kooxaha xagjirka ah.

Qareenka ninka eedeysanaha ah oo ay boolisku qabteen ayaa sheegay inay muhiim tahay in la baaro xaaladda caafimaadka maskaxeed ee ninkan, maadaama horey uu u qaadan jiray daawooyin caafimaadka dhimirka la xiriira.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro tuhun ah in ninkan uu dhimir ah daroogeysnaa habeenka uu falka geysanayo.

Falka uu ninkan geystay ayaa sababay in Jimcihii uu baaqdo banaanbax weyn oo horey loo qorsheeyay in isbuucyadan lagu dhigo magaalooyinka waaweyn ee dalkan, kuwaas oo ay soo qaban-qaabiyeen dadka u dooda xuquuqda dadka Gay-ga ah, ayna sheegeen in lagu muujinayo xuquuqda sinaanta iyo isku dulqaashada kala duwanaanshaha bulshada.

Reysulwasaaraha Norway, dhaxal-sugaha boqortooyada, iyo kumanaan kale oo dad ah ayaa shaley ka qeybgalay xus loo sameynayo dadkii goobtaas lagu laayay.

Ninkii shanta(5) qof dilay oo lagu xukumay isbitaalka dhimirka: Wuu xanuunsanaa.

Maxkamadda Buskerud ee dalkan Norway ayaa in lagu hayo goobaha lagu xabiso dadka dhimir ahaanta u xanuusan ee danbiyada geystay ku xukuntay Espen Andersen Bråthen. Ninkan ayaa ahaa qofkii ka danbeeyay weerarkii mindida iyo falaaraha loo adeegsaday ee lagu dilay shanta(5) qof kaas oo 13-kii bishii October ee sanadkii tagay ka dhacay magaalada Kongsberg ee dalkan Norway.

Ninkan ayaa isku dar lagu helay danbiga dilka shan(5) qof iyo isku deyga dilka 13 qof oo kale. Iyo hanjabaado dil ah oo u jeediyay dad dhowr ah.

Maxkamadda ayaa go’ aamisay in ninkan uu maskax ahaan ahaa qof xanuunsan daqiiqadaha uu weerarkaas geysanayay, waxeyna maxkamadu xukuntay in ninkan uu la ildarnaa xanuun dhimirka ah.

Horey waxaa ninkan u baaray khubaradda dhanka xanuunadda maskaxda ee qiimeeya xaaladda dadka danbiyadda geysta. Waxeyna warbixinta ay Espen Andersen Bråthen ka diyaariyeen ku sheegeen in maskax ahaan uu yahay qof xanuunsanayo. Horey waxaa ninkan daawooyin looga siiyay xanuunadda dhimirka.

Xukunka maxkamadda ayaa sidoo kale waafaqsan codsiga ay xeer ilaalintu ka jeedisay maxkamdda, markii lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga dacwadda ka dhanka aheyd ninkan .

Ninkan ayaa hada waxaa lagu heyn doonaa goobaha lagu xabiso dadka dhimir ahaan xanuunsan, balse geysta danbiyadda. Waxaana u socon doonto daaweynta dhanka maskaxda, maadaama ay khuburada baartay aaminsanyihiin in xanuunka uu dhimirka ka qabo uu ahaan karo mid uusan waligiis ka bogsan karin.

Xigasho/kilde:Dom i Kongsberg-saken: Espen Andersen Bråthen var utilregnelig.

Booliska Oslo: 14 qof oo dhaawac ah ayaa isbitaalka loo qaaday.

Ilaa inta la xaqiijiyay waxaa geeriyooday labo(2) qof, kadib markii nin hubeysan uu toogasho ka geystay baar caan ah oo kuyaal bartammaha magaalada Oslo. Waxaa ay boolisku xaqiijiyeen in ilaa 14 qof oo dhaawacyo kala duwan qabo loo qaaday isbitaaladda.

Sadex kamid ah dhaawacyadda ayaa la sheegay in xaaladoodu ay tahay mid halis ah. Waxaana jiro dad badan oo goob-joog ka ahaa goobta uu falka ka dhacay, kuwaas oo la sheegay inay qabi karaan dhaawacyo dhanka maskaxda ah.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay gacanta ku dhigeen nin lala xiriirinayo inuu yahay qofka falka toogashada ka geystay baarka London Pub oo ah baar ay ku kulmaan dadka jinsi ahaan isku hawoodo ee loo yaqaan gay-ga. Booliska ayaa sheegay in ilaa hada falka dhacay lala xiriirinayo ninkaas, ayna ka shaqeynayaan xaqiijinta inay jiraan dad kale oo falkan ku weheliyay ninka la tuhunsanyahay oo xiligan ay boolisku xabsiga dhigeen.

Toogashada caawa ka dhacay Oslo, laguna beegsaday baarka ay ku kulmaan dadka gay-ga, ayaa kusoo aadeyso xili magaalada Oslo iyo guud ahaan Norway isbuucan ay ka jirtay dabaaldegyadda ay abaabulaan kooxaha u ololeeya xuquuqda dadka gay-ga ah.

Wixii arrintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.