søndag, mai 5, 2024

Booliska: Hada waxaad internetka ka ogaan kartaa dhibcaha leysinkaaga.

Sida marar badan dhacda, marka ay boolisku qofka gaari-wadaha ku qabtaan inuu jabiyay shuruucda baabuur wadista, ama kuwa wadooyinka, waxaa ganaaxa lacageed ka sokow, leysinka qofka darawalka ah ee qaladka sharci sameeyay lagu dhigaa dhibco(Prikker) muujinaya inta mar ee qalad lagu qabtay, iyo nooca qalad ah ee uu qofkaas uu sameeyay.

Hadii ay badaan dhibcaha(Prikker) leysinka qofka ku yaal, waxey aakhirka keeni karaan in qofku dib looga ceshto leysinka, ama mudo cayiman loo diido inuu baabuur wado.

Xiliyadii hore qofka darawalka ah ee raba inuu ogaado tirada dhibcaha lagu qoray leysinkiisa, ayaa ku qasbanaa inuu tago xarumaha booliska, uuna qoraal ahaan u gudbisto codsi uu ku dalbanayo arrintaas.

Balse booliska ayaa qoraal ay dhawaan soo saareen ku sheegay in wixii hada ka danbeeyo uu qofku isaga oo gurigiisa joogo uu internetka ka ogaan karo tirada dhibcaha ku yaal leysinkiisa baabuur wadista iyo xiliyadda ay dhacayaan.

Booliska ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo raba inay ogaadaan tirada dhibcaha leysinka, iyo goorta ay dhacayaan( ganaaxooda uu dhamaanayo). Ayna hadda ku faraxsanyihiin in la keenay xalka ay dad badan ku ogaan karaan arrintan, iyaga oo adeegsanayo internetka.

Qofka arrintan raba inuu ogaado, ayaa toos u gali karo barta booliska ee  Politiet.no(Liix linkiga*)

Sida caadiga ah qofka ayaa ugu badnaan la siin karaa sideed(8) dhibcood mudo sadex(3) sano ah. Hadii uu qofku sadex sano gudahood helo wax badan sideed(8) dhibcood, waxaa baabuur wadista laga ganaaxi karaa mudo 6 bilood ah. Marka uu qofku gaaro sideed dhibcood, ayeyna boolisku usoo diraan waraaq digniin ah.

Xigasho/kilde: Nå kan du sjekke hvor mange prikker du har på førerkortet på politiets nettside.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x